Nagu Saabsan

The Objectives of Somali Sekular Movement         

 Dhaqdhaqaaqa Somali Sekulaar 

A- Yaa nahay!

1- hor iyo horaan, Dhaqdhaqaaqa Somali Sekulaar  ma’ahan xisbi siyaasi ah, (politicla party) ama urur diin ku dhisan, religious organization.

2- Daqdhaqaaqa Somali Sekulaar  si toos ah, ama si dadban uma taagyeero xisbi ama siyaasi u’hanqal taagaayo inuu ka qeeb-qaato talada dalka.

3- Dhaqdhaqaaqa Somali Sekulaar  waa urur aan laheen dano siyaasadeede, hase-ahaatee si siman ugu adeega bulsho-weynta Somaliyed.

4- Aragtida Dhaqdhaqaaqa Somali Sekulaar  waxaay ku aadantahay in  bulshada Somaliyed taariikh ahaan weligeed iyo alaheed  ahaan jirte bulsho ku dhaqanta xeer sekulaar ah, marka laga reebo xiligii  ka danbeye burbukii dowlada dhexe ee 1991 iyo la’wareediga ururada xag-jirka ah ee  diinta ku dhisan  la wareegeen maamulka dalka iyo  adeegyada bulshada sida waxbarasha, cafiimaadka, ganacsiga,  warbaahinta iwlm.

Sidaa kor ku xusan aawigeed,  halganka Dhaqdhaqaaqa Somali Sekulaar  waxuu ku aadanyahay soo celinta iyo kobcinta xeerka sekulaarka ahaa ee bulshada Somaliyed weligeed iyo alaheed sooyaal ahaan ugu soo dhaqmi jirte.

 

B- Ujeedadeena 

1- -Dhiirigelinta iyo faafinta dareenka Somali-nimada ( Somali Nationalism  الشعور والانتماء القومي الصومالي  )  iyo waliba in qiimada  Somalinimada qiimo kasta  ka horeyso.

2- Dhiirigelinta iyo faafinta fikir ku dhisan muwaadin-nimada CITIZENSHIP (  المواطنة )

3- Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka ku aadan  sinaanta dhamaan muwaadninta dalka Jumhuriyda Somaliyed rag iyo dumar

4- Dhiiirigelinta iyo faafinta fikrika ku aadan xuqooqeq aadanaha ee caalamiga ah (Human rights)

5-  Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka ku aadan ladagaalanka midabada kala duwan ee takoorka haweynka.

6- Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka ku aadan xuquuda caruurta ee caalamiga ah. (Child  rights)

7-  Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka ku aadan xushmeenta xuquuqda dadka laga tiro  badanyahay.

8- Dhiirigelinta iyo faafinta  fikirka ku aadan kala fogeenta diinta iyo siyaasada.

9-  Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka ku aadan xuriyda diinta ( in qof walba diintiisa xur u’yaha)

10- Dhiirigelinta iyo faafinta fikirka deemooqaraadiga ah ee doorashada ku dhisan.

11- Dhiirigelinta iyo faafinta cilmiga syniska.

12- Dhiirigelinta iyo faafinta adeegsida caqliga, iyo ka fogaashada khuraafaatka

13- Dhiirigelinta iyo faafinta adeegsiga fikirka naqdiga ah (التفكير النقدي ) Critical thinking.

14- Jirid-siibida fikirka ku dhisan in  talada dalka lagu qeebsado qabiil

 

Qiyamkeena u ki dhisanyahay dhaqdhaqaaqa

1- in dhamaan adaanahu uu leeyahay xuquuq siman

2- in uusan jirin qof qofkale ka xuquuq badan.

3- in kala fogeenta diinta iyo  siyaasada taha wadada ugu haboon ee lagu xaqiin karo sinaanta.

 

C- Yoolkeena

1- In dalka lagu dhaqo dastuur sekular ah oo la jaanqaadikro  xeer-Somaliga sekulaarka-ah ee umada Somaliyed weligeed hido iyo dhaqan u leheed

2- in la helo  nidaam  diimooqaraadi ah oo ku dhisan  axsaabta tiro badan, mulit- party political system.