Qorraalo Waris Diriye.

Eebaha iyo cadaalada

Dhamaan diimaha samaawiga ah Ilaahooda waxay ku tilmaameen inuu yahay mid naxariis badan, cadaalad badan oo neceb inuu ku xadgudbo addoomadiisa sidoo kalena aanan aqoon eexashada iyo qaraabo kiilka, Ilaahay waa mid ku qiimeeya addoonkiisa falalkiisa adduunka oo ku xisaabiya.. Ilaahay waa mid ciqaabta u soo hormariya kuwa amarkiisa qaadan waaya ee ku gacan saydha nimanka uu farriintiisa u soo dhiibay, Ilaaha Islaamku waxa uu leeyahay “Eebahaa maaha mid ku gabood fala adoomihiisa – Fussilat:46”, hadaba waxaa is waydiin mudan Maxaa keenay dhibaatooyinka aan dhamaadka lahayn ee adduunka maanta gil-gilaya gees walba hadii uu jiro Ilaah naxariis badan oo xumaanta neceb?
Aaway Ilaahii cadaaladda iyo naxariista badnaa ee dhagahayagu mudada dheer maqlayeen buun-buuninta magiciisa iyo awooddiisa markii aan gabadha yar ahaa?

Sidee buu ilaahay caadil u noqon karaa maadaama uuna simin dadka dhaqankooda, dabeecadahooda, awoodahooda iyo noloshoodaba?
Waxaad arkaysaa qof caafimaad qaba, xoog badan, maskax badan, xirfad leh, hodana, qurux badan, xaas wanaagsan leh, caruur badan, caan ah, awood fulineed leh sidoo kale waxaad arkaysaa qof saboola, tabar yar, xanuusanaya, nolol maalmeedkiisa aan soo qabanayn, fool xun, maangaaba, ma dhalays ah, xaas masayr badan oo ku nacday saboolnimada iyo fool xumada qaba.. Muxuu yahay danbiga ninkan danbe? Ma isagaa doortay dabeecadaha abuurka ah?
Ilaahay labadan qof muxuu u kala sarraysiiyay?
Muxuu mid kamida ugu deeqay nimcooyinkiisa badan mid kalana ugu diiday? Muxuu yahay halbeegga uu adeegsaday Ilaahay ee laba addoon midna u gumeeyey midna guusha u siiyay?
Ka waran hadii labadan addoon isku jinsiyad yihiin oo isku midab yihiin oo isku magaalo yihiin oo isku xaafad yihiin oo isku qabiil yihiin oo isku diin yihiin oo camalkoodu siman yahay.. Maxay tahay sababta Ilaahay midna gacanta sare u siiyay mid kalana xanuuno iyo aafooyin ugu salliday? Aaway cadaaladii ilaahan neceb xadgudubka iyo eexashada sida kutubtiisa badan ee iska hor imanayaa sheegeen?

Ilaaha quraanku mar uu arrintan isku dayay inuu nala wadaago xikmadda uu ka leeyahay waxa uu yiri “…Annaga ayaa u qaybinay noloshooda adduunyo waana ka kor yeelay qaarkood qaarka kale darajooyin, si ay isugu jees-jeesaan – Zukhruf:31”

Maxay tahay xikmad ilaaheedka ku jirta in kuwa hantida haystaa ku jees-jeesaan kuwa baahan? Muxuu yahay Ilaaha caruurta ah ee sidan u fekerayaa? Adduunka iyo dadka dhibaatoonaya ee xanuunada badan iyo rafaadka ka cabanayaa isagu ma jees-jees iyo madadaalo ayuu u abuuray?
Miyay ka dalbadeen bilowgii inuu abuuro muxuu aadduunkan ugu beeray? Hadii uu ogaalkiisu buuxo oo ka war hayay inay dhibaatoon doonaan oo silci doonaan miyayna haboonayn isaga oo sumcadiisa iyo wajigiisa dhawranaya iyagana u tudhaya oo boggiisa naxariista tusaya inuusan ku soo biirin adduunkan?
Miyayna la yaab ahayn dadkaas uu adduunku ku sliciyay hadii ay rumayn waayaan kitaabkiisa khaladaadka badan ee is burinaya ama ka hor imanaya caqliga iyo cilmiga ka buuxaan inuu hadana u diyaariyay cadaab waaraya oo ay waligood ku jirayaan isaga oo waliba macaansanaya bed-bedelida jidhkooda si ay xanuun badan u dareemaan!.. Ilaahan noole yar oo uu abuuray oo aan qiimo agtiisa ka lahayn kharash badan ku bixiyay sil-silado, albaabo waawayn, godad cadaab ah iyo shaqaale badan oo horjooge iyo ilaalo ka ah cadaabtan baaxadda wayn miyaa lagu tilmaami karaa mid naxariis buuxda/guud leh?

Ilaaha Islaamku sawirkiisa soo gudbiyay waa mid ciil la gubanaya oo dhiigiisu kacsan yahay 24/7, wuxuuna ku dhiiri galinayaa kuwa raacay inay daadiyaan dhiigga addoomada kale ee aan ku qancin farriintiisa, Wuxuu farayaa qafaalashada iyo xoog ku kufsashada dumarka dagaalka dartii loo galay lagu qabsado.. wuxuu farayaa addoonsiga caruurta iyo haweenka bir-ma-gaydada ah.. Ilaahani hadii uu sidaa u neceb yahay kuwa diiday(gaalada) miyayna haboonayn inuu gacantiisa ula tago oo il-bidihqsi ku masaxo ama joojiyo gabi ahaanba dhalashada kuwo hor leh.. Goodinta badan iyo adeegsiga qaar kamida addoomadiisa si ay ugu soo aar-gudaan miyayna ku tusayn tabar yarida Ilaahan jirran maskax ahaan??

Ilaaha Quraanku wuxuu ku mashquulsan yahay noole yar oo il-ma aragtay ah lugta uu suuliga hor galinayo iyo gacanta uu cuntada ku cunayo ama waxa uu lacnadayaa gabadh iyadoo cadar isku buufisay bannaanka u baxday ama qayb yar oo kamida timaheeda qaawisay isaga oo iska indha tiraya ama is ilowsiinaya dhibaatooyinka dhabta ah ee ka jira adduunkan sida Macaluusha, colaadaha iyo aafooyinka dabiiciga ah, wuxuuna ogolaanayaa inuu jiro hub gumaadi kara dhamaan noolayaasha dul saran adduunkan.

Maalin walba malaayiin caruura oo bir-ma-gaydo ah ayaa ku dhinta dabka ka kaca colaado, abaaro iyo aafooyin kale oo dabiiciya halka qaar kale ay la silciyaan oo cisbitaalo ugu jiraan xanuuno iyo ceebo jidhka ah oo ay ku dhasheen, Maxay galabsadeen caruurtaas oo ilaahan naxariista badani ka jidh dilayaa? Muxuu qaar kale ugu dilayaa gaajada iyo harraadka oo lafahooda ugu ogolaanaya inay haaddu kala boobto? Yaa naxariis badan Ilaahaas roobkiisa ka joojiyay ee oonka baday iyo dadka u soo gurmanaya ee caruurtaas cuntada, biyaha iyo dawada gurigooda ugu keenaya? Yaa mudan in loo mahad celiyo oo magacooda la wayneeyo?

Ilaahay miyuu gabay hawshiisii mise Ilaaha ay kutubtu inoo sheegeen ayaa ka duwan ka dhabta ah mise Ilaahba ma jiro ee cabsida iyo cadaalad darrada jirtay waagii hore ayaa abuurtay is moodsiinta jiritaanka oday khiyaaliya oo dadka gafka ku kaca ka abaal marin doona markay dhintaan…

Dhabta ayaa ah in adduunkani uusan ahayn mid innaga darteen loo sameeyey oo waxa qurux badan inaynu calaacalka dayno oo ka baxno isku hallaynta nin aan wax qabadkiisa la arag oo samada ku dhuumaalysanaya? Muxuu u soo dagi waayay hadii uu dhab yahay? Muxuu u soo diri waayay malaa’ig masaakiintan quudisa oo colaadaha joojiso, nabad waartana soo dabaasha sidii uu malaa’igta ugu soo diri jiray Maxamed si ay dagaalka iyo dhiig daadinta uga qayb galaan?

Ilaahay Maanta ayaa loo baahan yahay inuu faydo shaatigiisa oo ina tuso Six-Pack-giisa iyo murqihiisa oo masaakiinta xaqooda u soo dhiciyo kuwa xadgudbka wadana abaal mariyo, hadii kale marka laga talo baxo ee gacmaheenna aan ku soo dabaalno nabad adduunkana aan ka dhigno mid qurux badan yaanan la arkin maangaabyo u mahad celinaya ilaahan dhagoolka ahaa xilligii gacmahayagu daaleen sidii aan kor ugu haynay, indhahayaguna baryadiisa ay la ilmaynayeen.

Ilaahani kuwa gacmahooda kor u taaga ee baryadiisa dartii isu dul dhiga ma tix galiyo baryadooda oo colaado iyo abaaro ayuu ku abaal mariyaa sida Soomaalida iyo Muslimiinta kale ee colaaduhu ragaadiyeen halka kuwa farta dhexe u taaga ee yasa kuna jees-jeesa uu ugu deeqo nolol fiican hiil iyo hoona la garab taagnaado.
Dadka maangaabka ah qaarkood aya laga yaabaa inay ku doodaan in Ilaahani imtixaanayo oo rabo inuu ogaado kuwa dhibka u dulqaata iyo kuwa kale laakiin dadkaasi waxay moogan yihiin in Ilaahani yahay kii qoray fal walba oo ay samayn lahaayeen addoomadani sidoo kalana noloshooda ku dhex jira oo tallaabo walba oo ay qaadaan ay tahay mid uu isagu jaangooyay oo ayna marnaba ka leexan Karin.