Ali Barre

Waa maxay lacag?

Dhamaadka qormadii hore ee aan ku qaadaa dhignay waxa ku jaban ganacsiga ribada, waxaan ku soo sheegnay in ka ganacsiga lacagta iyadoo laga raadinayo ribix ama faaiido uusan waxba kaga duwaneen noocyada kale ee ganacsi ay wadaadada arimaha diinta ku xeel dheer u yaqaanaan ribo. Balse si ay noogu suurtagasho fahanka arinkaas waxaa lagama maarmaan noqoneyso inaan bal marka hore soo lafa gurnaa waxa lacagi ay tahay, oo runtii fahandaro badani ay ka jirto.
Hadaba waa maxay lacag?
Si lagaci waxa ay tahay aad u fahantaa, iyo danta keentay in asal ahaan loo baahdaa gabi ahaanteedaba, kaliya waxaad sawirataa nidaam aysan lacag oo dhami jirin, iyo sida ay dadku baahiyadooda u dabooli karayaan.
Sidaan qormooyinkii horaba ku soo sheegay, qof walbaane uu si fudud u fahmi karaayo, ma jiro qof qura oo wax walba uu u baahanyahay kaligii soo saaran karo ama sameesan karo, taasi oo qasab ka dhigtay in si qofku u buuxiyaa baahiyadiisa nololeed uu dadka kale ganacsi ama wax-isku-balasho la galaa.
Hadaba, si qofka ku nool nidaamkaas aysan lacagi jirin uu u helaa waxa uu u bahaanyahay, wuxuu ku qasbanyahay:-
Kow; inuu suuqa keenaa wax ay dadka kale u baahan yihiin.
Labo; raadiyaa qof heesta waxa uu u baahan yahay.
Saddax; u na baahan waxa uu isaga heesto.
Affar; diyaarna u eh wax isku badalasho.
Tusaale ahaa, Garaad waa beeralay digir tacbado, wuxuu u baahday maalin maalmaha ka mid ah inuu malaay bal cuno, hadaba si uu malaay-gaas u helaa, muxuu Garaad u baahanyahay? wuxuu u bahaan yahay marka hore inay digirtiisa soo go’daa, labo baadi good u galo malaay-le baadi good ugu jiro digir, markaa kaliya uun buu Garaad baahidiisa malaay buunxin karayaa.
Sida iska cad ba nidaamka noocasi ah wax isku badalashada aad bay u adkaan, tasoo iyana nolosha guud ahaan adeeg ka dhigtay, maadaama ayba adag tahay in aad heshaa qof waxa aad u baahnatahay u baahan, heestana waxa aad adiga raadineyso, diyaarna u ah isla markaa inaad waxaad heesataan isku badalataan.
Si dhibkaas looga baxaa, hadaba danta waxay qasabtay in la helaa waxa dadka u suurtagalin karo inay si fudud oo waxtarna leh wax iskugu badashaan. Halkaas waxaa ka dhashay waxa aaan maanta lacag(Money) u noqaan.
Hadaan u soo laabano waydiinteenii hore ee eheed waa maxay lacag(Money)?
Lacagi waa wax walbo oo astaamaha soo socdo laga helaa:-
Kow; waa wax kasto oo loo adeegsan karayo wax-isku-badalasho (Medium of exchange), tusaale ahaan, halka uu Garaad si uu u iibsado kiilo malaay ah, uu u raadin lahaay malaayle digir raadinaya, una arko in kiiladiisa malaygaa ay u dhigmato kiilo digir ah, waxaa ku filan inay jirto ”wax” dadkoo dhami ay diyaar u yihiin markey wax isku badalanayaa inay aqbalaan, hadii ”waxaas” uu helo , kaliya waxaa ku filan inuu digirtiisa ka iibsho qof walboo digir u bahaan, deedna ”wixii” looga badashay digirta qaato, oo uu malayle u tago, deedna siiyo inta uu maalayle uga baahanyahay ka siiyo waxaas.
Labo; qiimaha tacab-kaada na mudo badan kuu keydin kareyso(Store of value) oo uu macneheedu yahay, hadii Garaad uu u baahdo inuu kiiladii digirta eheed soo ceshado mudo ka dib, waa in wixii(lacgtii) uu markii hore ku badashay ay u goon gareyso hada.
astaan-taan waa tan ay dhaqaalyahano badan ay ku kala saaraan lacagta(Money) iyo warqadaha maanta wax lagu kala iibsado(Currency), balse hada mowduuceenu ma ahan farqiga u dhexeeyo money iyo currency.
Saddax; ugu dambeene waa in loo isticmaali karayo cabar lagu qiimeeyo waxa la rabo in la kala iibsado (a unit of account/measurement), oo macneheedu yahay waa inay noqon kartaa ”cabir” sida kiilo ama mitir wax lagu cabiri karayo, si ay suurtogal u noqoto in la qeyb-qeybiyo sida nus kiilo, rubac kiilo ama tumun iyo wax ka siiyarba, iyo si ay tirsan u gasho, oo hadii loo baahdo in la isku daro ama la kala jaro ama la isku dhufto ama la qeybiyo ay intaba suurtagal ay noqoneyso.
Tusaale ahaan waa in la dhihi karayo kiilao digira waxay u dhigmataa 2 (cabirka lacagta magacuuu doonaba ha yeeshee), 2 kastoo oo lacagtaas ka mid ah qofkii doonaba ha heestee waa inay la mid tahay 2da uu qof kalaa heestaa, taas oo macneheedu yahay waa in labada 2 aysan kala qiimo badnaan, iyo in hadii loo baahdo in 2daa wax lagu daro ama laga dhimo ay tahay wax suurtagal ah, sida hadaad tacab ka mid ah tacabkaada aad 2 lacag ah ku iibso, mid kalane aad ku iibso 3, waa in ay labadoo qiimo ay isku darmi karayaan.
Gunaanadkii waxaan dhihi karnaa lacagi waa uun wax kastaa oo noo keydin karayo qiimaha tacabkeena inta aan ka heleyno wixii aan u baahneen inaan tacabkeena ku badalano, oo ay dadkoo dhami ama qeyb ka mid ah ay diyaar u yihiin inay tacabkooda ku badashaa.
Hadaba, mar hadii lacagtu tahay uun weel tacabka lagu keydiyo, qofkuna inuu tacabkiisa ka ganacsadaa ama dadka kale tacabkooda uga badasho u banaan tahay, waydiinta isweydiinta mudan ayaa noqoneysa, maxaa diidayo in qofi qiimaha tacabkiisa( ama lacag dheh ama magac kale u bixi hadaad doonto) uu ka ganacsado ama dadka kale qiimaha tacabkoodo ama tacabka laftiisa uga badasho? Mar hadiiba lacagtu aysan cirka ka soo dheceenin, oo ay tahay uun tacab rageed oo ”wax ay dadkoo dhami aqbalayaan” laga dhigay. Sidoo kale ka ganacsiga lacagtu ma, sida ay ku andacoodaan wadaadada ku xeel dheer arimaha diinta, wax xun baa, mise wuxuu la mid yahay uun ka ganacsiga tacabka laftiisa? Waydiintaan iyo warcelinteedaba waxaan ku lafaguri doonaa qormooyinka soo socdo, balse inta laga gaarayo, waxaad aqristow isi sii weydiisa bal faqriga u dhexeen karayo labadaa ganacsi?.

Ali Barre