Ali Barre Qorraalo

Ribadu ma ganacsi xun baa? Qeebta labaad

Sida aan ku soo xusay qormadii hore e aan ku lafagurayay farqiga u dhexeeya ribada iyo ganacsiga, waxaa inoo soo baxday in Ribadu tahay nooc ganacsiga ka mid ah uun, hadaba su’aasha isweydiinta mudan, ee aan rabo inaan qormadaan warcelin ugu raadiyo, ayaa ah ”Mar hadii ayba tahay ribadu nooc ganacsiga ka mid ah, hadaba maxaa ku jaban ganacsiga noocaan ah?
Hadaba si ay noogu suurta gashay inaan su’aasha ah ”Ribadu ma ganacsi xun baa mise ma ahan?” warcelin ugu helnaa, waxaa laga maarmaan noqoneyso marka hore inaan bal dib u soo xusno qeybaha kala duwan ee ribada ee aan kusoo sheeganay qormadii tan ka horeysan ee aan uga magaca daray ”Ribadu ma ganacsi baa?”.

Wadaadada ku xeeldheer arimaha diinta waxay ribada u qeybiyaan saddax qeybood oo kala ah:-
Kow; labo wax oo isku nooc ah balse kala badan oo la isku badashaa, sida in kiilo bur ah lagu badasho labo kiilo oo bur ah.
Labo; in la isku badashaa laba wax oo isla eg ama kala badan iskuna nooc ah, balse isku badalashadaa aysaan isku mar dhicin, sida in kiilo digir ah lagu badashaa kiilo digir ah ama kiilo iyo bar balse bisha dambe soo go’eeyso.
Saddax; in la isku badashaa labo wax oo kala nooc ah, balse isku badalashadu aysan isku mar dhicin, sida in kiilo bur ah lagu badashaa kiilo ganleey ah balse aan hada diyaar eheen, oo la bixin doon bil ka dib.
Hadaba maxaa ku jaban saddaxdaa nooc ee ganacsi aan kor ku soo xusnay?
Si aan u fahanaa in saddaxdaa ganacsi ay yihiin ganacsiyo xun iyo in kale, waxaa u bahaanahay marka hore inaan fahaano ujeedka ay dadku u ganacsadaan, ama si kale hadaan u dhigo, ay badeecooyinka isku weydaarsadaan.
Maadaama uu aadanahu leeyahay baahi aan dhamaan, sidoo kalane uusan jirin qof qura ee soo saaran karo wax walbo uu u baahanyahay nolosha, taas waxay qasabtay in dadka, si ay baahiyadooda kala duwan u daboolaan, ay waxa ay heestaaan isweydaarsaan ama isku badashaan.
Hadaba wax isku badalashooyinka soo socdaa ay wadaadadu u yaqaanan ribo ma kuwo u adeegayo buuxinta baahiyada bulsho ee kala duwan baa, mise waa kuwo wiiqinaya? Xumaanta ku jirtaane maxay tahay?

Kow; in laba qofi ay isku badashaan laba walxood oo isku mid ah aanan waxba ku kala duwaneen, waa maxay danda iyo faaiidada ku jirtaa aan ka eheen waqti iyo tamar lumis, hadii isku badalasho ka dib ay joogaan meeshii ay joogeen isku badalshada ka hor. Sababta kaliya ay labo qof wax isku weydaarsadaan waa in mid walbaa uu dareemaayo in midka kale uu heeysto wax isaga ka maqan, hadaba waxaad is weydiisaa waxa ku jaban in qofi ku badashaa wuxuu heesto wax uu qof kale heesto oo isna raadinaya waxa uu qofkaa kale heesto. Tusaale ahaan Garaad iyo Jimcaale waa labo beeraleey oo labaduba beerto digir, balse digirta Garaad waa digir (sababtey doontaba ha ahaatee) ka dhadhan iyo tayo wacan tan Jimcaale, oo marka labadooduba ay suuqa la yimaadan digirtooda, dadku waxay jeclyihiin inay badeecooyin kooda ku badashaan digirta Garaad maadaama ay u arkaan in uu ka digir macyahay Jimcaale, hadaba hadii Jimcaale uu go’aan sado inuu bal digirta Garaad uu dhadhamiyo, deedna u yimado Garaad uu ka dalbo in labo kiilo digirtiisa ah kaga badasho kiilo tan Garaad, isku badalashadaasne ay labadoodu ku qanacsanyiihiin, bal waxaad inoo shiigtaan waxa ku jaban in ganacsigaas uu dhacaaa? Waa maxay sababta ay tahay in labo wax -magaceydoonaan ha wadaagaane- oo aan isku tayo eheen isku qiimo laga dhigaa, oo hadii la damco in la isku badasho ay tahay in si siman la isku badashaa?
Labo; si aad u fahanto nooca labaad ee ribo, waxaad ka soo qaataa in Garaad iyo jimcaal ay markaan labadooduba beertaan digir isku nooc iyo tayo ah oo aan wax ay ku kala duwan yihiin jirin, kaliya kalkaan Jimcaale digirtiisa ayaa soo horgo’day tan Garaadne waxay soo go’ee bari, balse maanta Garaad digir wuxuu heestay oo dhami way ka dhamaatay, oo xitaa digir uu cuno meheesta, si uu u helo digir buu u yimaaday Jimcaale, kana dalbaday inuu siiyo kiilo digir ah si uu ugu soo celiyo isla kiiladiisii barito, ama xitaa uu u balan qaado inuu soo celinaayo kilo iyo bar, hadaba waxaad isweydiisa waa maxay waxa ku jaban oo ay tahay in ganacsiga noocaas ahi lagu hor istaagaa?.
Saddax; nooca saddaxaad ee ribo iyaduna waxba kaga ma badalna nuuca labaad aan ka eheen in waxa la isku badalanaayo ay kala duwan yihiin uun, sida in Garaad uu kalkaan beerto ganleey halka uu digir ka beeran jiray, Jimcaalane wali digirtiisii sii biirto, basle Garaad ganleydiisii wali ma soo go’in wuxuuna u baahan yahan inuu digir helaa, si taas ay ugu suurta gashaa wuxuu u yimid Jimcaale isagoo ka raba kiilo digir ah, si uu marka ay ganleydiisu soo go’do kiilo ganleey ah ugu badalo kiilada digirta ah, hadaba mar labaad waxaad isweydiisaa xumaanta ku jirtaa in ganacsiga nuucaasi ah dhaco?
Hadaad wadaadada ku xeel dheer arimaha diinta waydiiso sababaha loo xaarantinimeeyay in ganacsiyada kor ku xusan ee ribada loo yaqaan, waxay ku leeyihiin waxaa laga hortagayaa dulmiga iyo cadaalad darada ku duugan ganacsiyadaas, hadaba aqristow waxaad isweydiisa saddaxdaa nooc ganacsi ee aan kor ku soo xusanay ma kaaga muuqdaan dulmi iyo cadaalad darado? hadii ay jawaabtaadu tahay haa waan jeclaan leheen inaan nala wadaagto runtii si aan kaaga faaiideysano?
Sida muuqato, dad badanina laga yaabo inay hadda isweydiinayaa sababta, kama aanan hadlani nuuca ribo ee dad badani yaqaanaa ee gasho lacagta, sababta aanan uga hadlin ribada nuucaas ahne waxaa loo celin karaa labo arinmood oo kala ah:-
Kow; in aysan waxba kaga duwaneen kuwa aan kor ku soo xusnay, mar hadii aad fahanto waxa ay tahay lacagta.
Labo; iyo maadama ay fahan daro aad u ba’an ka jirto waxa lacagi ay tahay, oo u bahaan in marka hore lasoo lafaguro ka hor inta aan loo imaan ka hadalka ribada lacagta, taas oo aan ugu tala galay inaan uga hadlo qormooyin u gooni ah.

Ali Barre