Khaled Muse Qorraalo

ADOONISGA IYO ISLAANKA Qeebta kowaad.  

ADOONISGA IYO ISLAANKA

Qeebta kowaad.

Qoraalkan waa qalinka: Khalid Muse

 

Si aan si mug leh uga hadalno una eegno waxa  diinta islaank  ka qabto is adoonsiga wa in aan horta isla garana waxa loola jeedo  adoonsi.

 

Adoonsi waxa loola jeeda in qof xor ah  noqdo mulkiilaha qof kale, una lahaado  sida hantida iyo xawayaanka  loo yeesho.

 

Ujeedka aan ka leenahay qoraalkan  ma aha durida aan durayno diinta islaamka, hase-ahaatee waxaan jeclahay inaad dadka u’soo bandhigo arragtida diinta muslinka ee ku aadan adoonsiga.

 

Taariikh ahaan, isadoonsigu boqoleeyo badan  ayuu aduunka ka jirey, asbaabta dhalisana waxaa kamid ah colaada.

 

Waxaa  muhiim ah inaan ogaano in colaada iyo  duulaanada looga danlahaa  dhul-balaarsi  iyo bililiqo ahaayeen asbaabta adoonsiga ka dhigte dhaqan dunida oo dhan ku baahsanaa xilgii diinta islaanka ka  soo daahirte magaalda Makka boloeydii todobaad.

 

Taas micnaheeda waxuu yahay,  in dhaqankan adoonsiga  si xoogan  ugu baahsanaa magaalda  Makka oo xiligaas  ahayd xarun ganacsi oo international ama caalami ah.

 

Hormuudyaashii rumeye  diintan  cusub ee  nebi Maxamed la soo daahire,  waxa kamid ahaa  adoontii magaalada  Makka oo rajo aad u weyn  ka qabe in diintan cusub ka xoreyso adoonimda, kana dhigto dad dadka kale la siman kana qiimo yareen.

 

Hase-ahaatee nasiib daro, himiladii iyo raajadii  adoomadii reer Makka ee hormuudka ka ahaa  rumeynta  diintan cusub ee magaaladooda ka soo daahirte waxba kama suurto galin  waayo diinta cusub ee nabi Maxamed la soo daahire  ma’noqon diin adoonsiga xaaraan ka dhigta, ama horjoogsata.

 

Taa waxaa kaaga daran in nabi Maxmed qudhiisa lahaa, ama yeeshe adoomo tiro badan oo  rag iyo dumar isgujira waxaana kamid ahaa:

  1. Usaama bin zeyid
  2. Abu raafic alqibdi
  3. Safiina abu cabduraxmaan
  4. Juwayriya bintu xaarith
  5. Maariya alqibdi
  6. Safiya bintu xayyi

 

Warka kor ku xusan waxaa kaaga muuqda in nebiga qudhiisa  ka qayb qaatay, dhankiisa ka raacay dhaqankii  ay ku dhaqmi jireen ehelkiisa iyo tolkiisa reer Makka, marka laga hadlo arrinka la xariira adoonsiga.

 

Waa run in xiliyada qaarkood nabi Maxamed  odhan jirey adoonta ha la xoreeyo,hase-ahaatee nasiib daro,  sidaa si lamid ah,  islaamku wuxu dhiiri gelineyaa  islamarkiina xalaal ka dhige sharcina u dajiye adoonsiga.

 

Tusaale ahaan, diinta islaanka waxay  kuu  ogoshahy in aad yeelato adoon iyo waliba inaad u galmootid dumarka adoonta kuu ah  xili ala iyo xiliga aa doontid. (أو ماملكت أيمانهم فإنهم غير ملومين).

 

Sidoo  kale diinta islaanka waxay  xooga saartay  in ay samayso sharciyadii lagula macaamili laha raga, dumarka iyo caruurta adoonimada loo haasto.

  1. 178 من سورة البقرة: ” يايها الذين آمنوا كُتب عليكم القصاص في القتلى الحر بالحر والعبد بالعبد والانثى بالانثى. “

 

Ayaada kor ku xusan  waxa kaaga cad in  adoonta iyo xortu  aanay ilaahay iyo nebigiisa u sinayn markay denbi galaan.

 

Tusaale ahaan hadi nin xori adoon dilo,  loo dili mayo, laakin hadi nin adoon ah  dilo nin xor ah wa la dileyaa,  adoonka looma ooyaanka ah.

 

Sido kale,  cawrada naagta xorta ah  way ka duwan tahay cawrada naagta adoonta ah, oo naagta adoonta ah xaq uma lahan in aay u labisato  sida naagta xorta ah.

 

Naagta adoonta ah  waa  in ay  dedaa inta u dhaxeysa  xudunteeda iyo jilbaheeda oo kaliya.

 

Sido kale,  ninka naagta adoonta ah haysta xiligi uu doono ayu u galmoon kara xata hadi ay nin leedahay

 

Xadiiskan hoos ka muuqda  waxa ku cad in nebigu adoon in la xoreeyo uu ka jecla in hadiyad ahaan ehelka loogu

 

عن ميمونة بنت الحارث : { أنها أعتقت وليدة لها ولم تستأذن النبي صلى الله عليه وسلم , فلما كان يومها الذي يدور عليها فيه , قالت : أشعرت يا رسول الله أني أعتقت وليدتي ؟ قال : أو فعلت ؟ قالت : نعم , قال : أما إنك لو أعطيتها أخوالك كان أعظم لأجرك } متفق عليه

 

Sidoo kale,  diinta islaanka  waxay xooga saartay in ay ilaaliso xuquuqda mulikiile yaasha  adoonta iskaleh, hase-ahaatee nasiib daro  wax waajib ah iskama saarto  adoonta lagumeysto  laftooda.

 

Xadiiskan hoos ka muuqda waxaa ku cad in adoonka salaad Allah loo tukado  laga aqbali-doonin hadii u ka baxsado  milkiilahii ama cidi saga laheed.

– العبد الآبق لا تقبل له صلاة ، حتى يرجع إلى مواليه

 

إذا أبق العبد لم تقبل له صلاة وإن مات مات كافرا

الراوي: جرير بن عبدالله البجلي,

 

Sidoo kale,  xadiiska labaad ee kor ka muuqda waxaa ku xusan  in  adoonkii ka baxsadaa mulkiilihiisa ama   cidda iskalaheed    gaalnimo ku dhiman doono.

 

Sido kale,  waxa dhacday in nebigu adoon cad uu ku iibsaday ama dhaafsaday laba adoon oo diir madaw,  xadiiska dhacadaada xusena  waxaad ka dheehan karaysaa  in adoonta iyo xooluhu isku mid yihiin

613 – حدثنا الحسن بن محمد الزعفراني، قال: ثنا سعيد بن سليمان، قال: ثنا الليث، عن أبي الزبير، عن جابر رضي الله عنهما «أَنَّ رسول الله صلى الله عليه وسلم اشترى عبدا بعبدين أسودين»

waxaa kaloo  ka dheehan karnaa,   in adoonka diirka  cad  uu ka qiimo badan yahay adoonka madow.  una dhigmo laba adoon oo madow.

 

Si fiican hadaad u eegto  Sunnada,  gaar ahaan qeebaha  quseeya  adoonsiga, waxaa ku cadaanaysa in islaamku si buuxda u taageeray  adoonsiga iyo  cunsuriyada  taaso ah in adoonta laftoodu ay kala  sareeyaan oo adoonka madow yahay  ka ugu hooseeya

ورد في صحيح البخاري (‏حدثنا ‏ ‏مسدد ‏ ‏حدثنا ‏ ‏يحيى بن سعيد ‏ ‏عن ‏ ‏شعبة ‏ ‏عن ‏ ‏أبي التياح ‏ ‏عن ‏ ‏أنس بن مالك ‏ ‏رضي الله عنه ‏ ‏قال ‏

‏قال رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏اسمعوا وأطيعوا وإن استعمل عليكم عبد حبشي كأن رأسه زبيبة )

 

Xadiiska kor ka muuqada  waxa si cad ugu qeexan kartaa  in dadka madow  xor iyo adoonba ay yihiin kuwa dadka ugu liita, sido kale waxa muhiim ah in aan ogaano in xata asxaabadi rasuulka kuwi ugu waaweyna ay dulmigan ku jireen sida Cumar bin Khadaab o lagu sheego aabihi cadaalada islaamka.

 

Tusaale ahan, Cumar haduu  arko  adoonad xijaaban into garaaco ayu qaawin jirey isago leh ha isku ekaysiin kuwa xorta ah.

عمر بن الخطاب أمير المؤمنين كان يطوف في المدينة فإذا رأى أمة محجبة ضربها بدرته الشهيرة حتى يسقط الحجاب عن رأسها ويقول :فيم الإماء يتشبهن بالحرائر،” وقال أنس “مرت بعمر بن الخطاب جارية متقنعة فعلاها بالدرة وقال يالكاع أتتشبهين بالحرائر ألقي القناع،” وروى أبو حفص أن “عمر كان لا يدع أمة تقنع في خلافته،” ويقول كتاب المغني الجزء الأول ص٣٥١ عن ابن قدامة “أن عمر رضى الله عنه ضرب أمة لآل أنس رآها متقنعة وقال اكشفي رأسك ولا تتشبهي بالحرائر،” وفي سنن البيهقي الجزء الثاني ص٢٢٧ يروى عن أنس بن مالك “إماء عمر كن يخدمننا كاشفات عن شعورهن.”

 

Majirto,  ayaan darro ka wayn in Cumar noqdo astaanta cadaalada isagoo dumarka  adoon’nimada ku hoos nool  sida ula dhaqmi jirey.

 

Sidoo kale, sharci islaan ahaan,  qofka   adoomad  iibsanaayo waxuu xaq u’leyahay    inuu meel walba gacanta ka geliyo sida naasaha, badhida iyo caloosha

‏كما يجوز لأي مسلم أن يتحسس ويلمس مؤخرة أي جارية وبطنها وثديها وأي عضو فيها إن وجدها معروضة في أي نخاسة لبيع الرق .

 

Sidoo kale,  xadiisakan  wuxu leeyahay qofka adoonka ah ee ilaahay caabuda seyidkiisana adeeca laba ajar buu leeyahay

‏عن ‏أبي موسى‏ ‏‏عن النبي‏ ‏ ‏قال ‏المملوك الذي يحسن عبادة ربه ويؤدي إلى سيده الذي له عليه من الحق والنصيحة والطاعة له أجران» صحيح البخاري.

sidoo kale,  xadiiskan waxaa  ku cad in adoonka guursada isago aan fasax ka haysan seyidkiisa dhilo-nimo ku suganyahay.

عن ‏ ‏ابن عمر ‏ ‏قال ‏‏قال رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏‏إذا تزوج العبد بغير إذن سيده كان عاهر.

 

Dhanka kale, adoonisga  waa qayb ka mid ah diinta islaamka, waa sunnadi nebiga iyo amarki ilaahay,  qofka yiraahdaa ma jirtona ama beeniyaana wa qof beenineya quraanka ilaahey  iyo sunnada nabiga.

 

Sow wax lalyaabo ma’ahan, inaan isugu qaabno, iskuna dhiiri gelino adoonsi anagoo ku nool boqoleyda 21waad, madaama is adoonisiga xaalaal ku yahay diinta islaamka iyo sunada Rasuulka.

 

Hadaba, Qof walba  waxa la gudboon inuu caqligiisa kaashado, dadnimadana  kategin,  lana jaanqaado boqoleyda 21naad, islamarkiina iska ilaawo sheekooyinki boqoleydii 7aad.

 

Sidoo  kale,  qof kasta  oo diir madow waa   inuu ogaadaa in carabta xagood  adoon u xisaabsanyahay, haduu rabo  ha ahaado  Somali mijiyo  dhuuban oo  wahaabi’nimo diloote, ama Afrikaan diir madow oo diinta isnaalka shaqo ku laheen, waayo aragtida carabta dhaqan ahaan waxay ku dhisantahay in qoka diir madow marwalba  yaahy adoon, ha’ahaado qof muslin ah ama yuusan ahaan.

 

Sido kale,  waa  inaan iswaydiinaa  sidsa aay ku dhici karto in ilaahey yahay cadaalad iyo naxariisa,  islamarkiina  adoonsi  ogolaado xalalana ka dhigo?

La soco qeebta labaad.