Mustafaa Cali Qorraalo

Madhici kartaa in quraanka qaab qaldan loo soo guuriyay?

Madhici kartaa in quraanka qaab qaldan loo soo guuriyay?

Sooyaalka  markii  dib loogu laabto,  quraanka inbadan ayuu  ka horeyay naxwaha iyo qawaaciga afka carabta.

Xiliyadii  hore, dadkii degenaa magaaloyinka Makka iyo Madiina  waxaa wax ku  qori jireen  geedo la qoray,  maqaar iyo  lafaha xoola aqoorka sida lafta balaaran ee garabka  geelka.

Sidoo kale, qoraalka farta carabiga ee xiligaas jirey   waxuu ahaa qoraal aan dhibco iyo shaqal toona laheen.

Markii  aad fiirisid siiqada aayadaha qaar iyo waxa ey ka hadlayaan waxa dareemeysaa in ereyda  qaar ey ku haboonyihiin booska ereyo  kale oo ey isku dhawyihiin qoraal ahan sida

Marki laga shekeynayay nabi  yacquub iyo sida wiilashiisa  ey udhagreen walalkood Y usuf,

aayada kujirto suuratu Yusuf oo haatan uqoran sidan

وجاءوا أباهم عشاء يبكون

Aabahood ayey uyimaadeen waqti habeen ah ayagoo oynaya.

Marki aad fiirisid sheekada  aayaddan ka shekeyneeyso  waxad dareemeysaa iney ku habooneed in la dhaho

وجاءوا أباهم غشا يبكون

Aabahood ayey uyimaadeen ayagoo qiyaano darteed isu ooysiinaya

Sidaas aya ku habooneed waayo caruurta laga shekeynayo waa kuwii qiyaanada so sameyay oo dharkii Yusuf dhiig been ah kuso haleeyay

Aayadda kale oo tusaale nogu noqon karto waxa waaye

ياءيها الذين آمنوا لاتدخلوا بيوت النبي إلا أن يؤذن لكم إلى طعام غير ناظرين إناه

Suurat axzaab (53)

Suuradda axzaab oo badana kashekeyneysa haweenka nabi Maxamad waxey kahadashay qaabka ey haboontahay in saxaabadu ey ula dhaqmaan haweenka nabiga.

Aayadda kor ka muuqata  waxey shegeysaa in saxaabadu eysan gali karin guriga nabiga in cunto logu yeero mahane,  waliba eysan fiirin karin weelka cuntada loguso gudbinayo

Hadaba ereyga  إناه waxa ka habooneed in ladhaho

غير ناظرين إناثه

Adinkoo anan fiirineynin xilahiisa, waayo aayada dhamaadkeeda waxey sheegeysaa

وإذا سألتموهن متاعا فاسألوهن من وراء حجاب

Haddii aad wax weydiisaneysiin ka weydiista daah gadaashiis,  taas oo macnaheeda tahay ha arkina dumarka nabiga.

Sidookale,  waxaa jiro axaadiis badan oo sheegaya in suurada Al-axzaab ey kadheereed inta maanta ey tahay

رؤي عن ابن آبي كعب وعكرمة مولى ابن عباس أن سورة الاحزاب كانت تقارب سورة البقره وكان فيها آية الرجم

Xadiiskaan wuxu sheegaya ibnu abii kacab in waqtigii nabiga suurada Al-axzaab xaga dhirirka iyo tiro badanaanta  ayaadaheeda  aay ku dhaweed   suurad Al-Baqara, iyo waliba in aay  ku  kujireen aayadaha rajmiga, ama aayadha  dhagax ku dilka.

Waxa jiro isla xadiis kale oo sheegaya arintaan oo ey caaisha warineyso

Sidookale waxaa jiro aayado kale oo suuraddan aheyn oo maqan

Abii musa al’ashcari wuxuu leeyahay waxa jirto suurad  dheer oo an iloownay waxana ka xasuusta

لوأعطي بن آدم واديان من مال لابتغي واديا ثالثا

Haddii ibnu aadam la siiyo laba waadi oo hanti ah,  mid seddexaad ayuu dalban lahaa.