Khaled Muse Qorraalo

ISLAAMKU MA KARAAMEEYEY MASE  XOREEYEY DUMARKA?

ISLAAMKU MA KARAAMEEYEY MASE  XOREEYEY DUMARKA?

Islaamku dumarka wu karaameeyey, islaamku dumarka ama haweenka wa xoreeyey ayay muslimiintu isugu sheekeeyaan  haweenkoodan ku beer laxawsadaan, laakin weli ma is waydiiyeen dumarka soomaaliyeedoow waxa ka runta ah hadalada aadka u quruxda badan.

Si aan u ogaano waxa ka jira ama ka runta ah ereyadaas dhegaha iyo niyada u roon wa in aan dib ugu noqona quraanka iyo sunnada suubanaha waxa ku xusan ee quseeya arinkan, maadama labaadaasi ay yihiin labada tiir ee ugu waaweyn ee sharcig lagaso dheegto muslimiintna ku dhaqankoodu waajib ku yahay ee aan la dhaafi Karin hadal quruxbadana  lagu bedeli Karin laguna qarin Karin.

Waxaynu ku horeyn doona quraanka kariimka ah isla markaana ah hadalki ilaahay, si aan u ogaano waxa dumarka ugu qoran kitaabka ilaahay iyo derejada ay islaamka ku leeyihiin.

  1. Abuuridi dumarka ayaan ka bilaabeyna iyo sidu ilaahay dumarka u uumay

﴿يَا أَيُّهَا النَّاسُ اتَّقُواْ رَبَّكُمُ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفْسٍ وَاحِدَةٍ وَخَلَقَ مِنْهَا زَوْجَهَا وَبَثَّ مِنْهُمَا رِجَالاً كَثِيراً وَنِسَاء وَاتَّقُواْ اللّهَ الَّذِي تَسَاءلُونَ بِهِ وَالأَرْحَامَ إِنَّ اللّهَ كَانَ عَلَيْكُمْ رَقِيباً﴾ [النساء: 1]. Ilaahay aadan ama nebi aadan marku uumay waxa la yidhi feedhiisa ayuu ka abuuray hooyo xaawa weliba isaga oo hurda si aanu u xanuusan, yaa yiri hurdada xanuunka laguma dareemo.

 

  1. (الرجال قوامون على النساء بما فضل الله بعضهم على بعض وبما أنفقوا من أموالهم) [النساء: 34]. Ayaadani waxay ino sheegeysa o ina faraysa in ilaahay kala fadiley lab iyo dheddig ama ragga iyo dumarka ragguna ay ka fadilan ama ka wanaagsan yihiin dumarka
  2. ﴿وَاسْتَشْهِدُوا شَهِيدَيْنِ مِنْ رِجَالِكُمْ فَإِنْ لَمْ يَكُونَا رَجُلَيْنِ فَرَجُلٌ وَامْرَأَتَانِ مِمَّنْ تَرْضَوْنَ مِنَ الشُّهَدَاءِ أَنْ تَضِلَّ إِحْدَاهُمَا فَتُذَكِّرَ إِحْدَاهُمَا الْأُخْرَى ﴾ [البقرة: 282] makhraantiga labada qof ee haweenka ahi wuxu u dhiga hal nin mararka qaarna makhraantiba ma gasho
  3. ( لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الأُنثَيَيْنِ) dhaxal marku meesha yimaadana laba haween ahi waxay helaan ayu nin keli ahi heleya
  4. أَمْ لَهُ الْبَنَاتُ وَلَكُمُ الْبَنُونَ (39) aayadani waxay leedahay  ma wiilashi bad isi siiseen  ilaahay haweenki  (ويجعلون لله البنات سبحانه ولهم ما يشتهون “57”)  aayadanina sido kale waxay leedahay ilaahay  bay dumarka u gaaryeeleen ilaahayna wa ka nasahan yahay waxay ama uma qalmo in dumarka lo gaar yeelo wiilasha la’aantood,  أَلَكُمُ الذَّكَرُ وَلَهُ الْأُنثَىٰ (21) تِلْكَ إِذًا قِسْمَةٌ ضِيزَىٰ (22) labadan aayadood ilaahay wuxu leeyahay ma waxaad qaadateen wiilashi ilaahayna hablihi baad u reebteen, taasi maaha xaqsoor e wa cadaalad darro ,

 

  1. {فَاسْتَفْتِهِمْ أَلِرَبِّكَ الْبَنَاتُ وَلَهُمُ الْبَنُونَ (149) أَمْ خَلَقْنَا الْمَلَائِكَةَ إِنَاثًا وَهُمْ شَاهِدُونَ (150) أَلَا إِنَّهُم مِّنْ إِفْكِهِمْ لَيَقُولُونَ (151) وَلَدَ اللَّهُ وَإِنَّهُمْ لَكَاذِبُونَ (152) أَصْطَفَى الْبَنَاتِ عَلَى الْبَنِينَ (153) مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ (154) أَفَلَا تَذَكَّرُونَ (155) أَمْ لَكُمْ سُلْطَانٌ مُّبِينٌ (156) فَأْتُوا بِكِتَابِكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ (157) } ilaahay wuxu diidey malaa’iktu inay haween tahay,isago nebiga la hadlaya oo diidan ayu alle leeyahay bal waydi ma willashi bay qaateen ana hablihi bay isiiyeen, ma wiilasha aya ilaahay ka doorbidi kara hablo ilaahay ayaa taana diidey oo si cad wiilasha u doorbiday

 

  1. Sido kale ilaahay dumarka beer bu ku sheegay sida ku cad aayada 223 suurada al baqra ﴿ نِسَاؤُكُمْ حَرْثٌ لَكُمْ فَأْتُوا حَرْثَكُمْ أَنَّى شِئْتُمْ وَقَدِّمُوا لِأَنْفُسِكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ وَاعْلَمُوا أَنَّكُمْ مُلَاقُوهُ وَبَشِّرِ الْمُؤْمِنِينَ ﴾

 

  1. Sido kale ilaahay kitaabkisa kariimka ka ah suurada nisaa ayaad 24 wuxu ku ogolaaday haweenka in la adoonsan karo loona galmoon karo meher la’aan وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَالنِّسَاءِ إِلَّا مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ

 

  1. Sido kale diintu in aad garaacdo ayay ku ogoshahay haweenayda ad qabto  ((وَاضْرِبُوهُنَّ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا)) النساء 34

1o. raggu jannada waxbadan bay ku leeyihiin laakin haweenka kuma cadda sida (وَحُورٌ عِينٌ (22) كَأَمْثَالِ اللُّؤْلُؤِ الْمَكْنُونِ 23)) سورة الواقعة

  1. isku mesaalida ama iskumid ka dhigida saxarada iyo haweenka marka nijaas laga hadlayo ((‏أَوْ جَاء أَحَدٌ مَّنكُم مِّنَ الْغَائِطِ أَوْ لاَمَسْتُمُ النِّسَاء‏}‏))‏[‏المائدة‏:‏ ]6‏‏

hadi aan intaa ku dhaafno quraanka kariimka ah aan eegno axaadista iyo sunnada suubanu SCW ay ka tiri dumatka.

Axaadistu waxba kama duwana quraanka oo ah masdarka koowaad ee shareecada islaamka bal aan eegno.

 

  1. Islaamka waxa mamnuuc ka ah haweenku inay ummad islaam ah u talliyaan iyado la raacayo xadisakan عن أبي بكرة رضي الله عنه قال : لما بلغ رسولَ الله صلى الله عليه وسلم أن أهل فارس قد ملَّكوا عليهم بنت كسرى ، قال : ( لن يُفلح قومٌ ولَّوا أمرَهم امرأة ) . رواه البخاري ( 4163 )
  2. Sido kale waxa axaadista ku cad in dumarka eyga iyo dameerku ay ninka weesada ka gadi karaan ama ka burin karaan waxaan ka dheehan karna in ay isku derejo noqdeen haweenaydi iyo eygu ن رسول الله صلى الله عليه وسلم أنه قال: (يقطعصلاةالرجلإذالميكنبينيديهمثلآخرةالرحلالمرأةوالحماروالكلبالأسود)[1] وجاء في الحديث الآخر: (المرأة الحائض)
  3. Sido kale nebiga scw waxa laga weriyey in dadka naarta ugu badani ay dumar yihiin فعن عِمْرَانَ بْنِ حُصَيْنٍ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّه عَلَيْهِ وآله وَسَلَّمَ قَالَ:
    (اطَّلَعْتُ فِي الْجَنَّةِ فَرَأَيْتُ أَكْثَرَ أَهْلِهَا الْفُقَرَاءَ وَاطَّلَعْتُ فِي النَّارِ فَرَأَيْتُ أَكْثَرَ أَهْلِهَا النِّسَاء)
  4. Sido kale dumarku diinta iyo caqligooduba dhamays maaha marka loo eego diinta islaamka المراة ناقصة عقل والدين

Markay timaado haweenka iyo diinta islaamka waxaan odhan karna inaga o daliishanayna aayadaha quraanka ah iyo axaadista kor ku qoran islaamku ma xoreyn dumarka ee wuxu u duleeyey ragga si ay ugu raaxaystaan una dulaystaan, waxaan odhan karna ragga iyo dumarku masina dumarkuna waa dulman yihiin, waxaan odhan karna dumarku wax xuquuq ah kuma leh diinta islaamka, waxaan ka dheehan karna xata ilaahi abuuray in aanu raali ka ahayn in loo isbeeyo haweenka oo aad uga cadhooday.

Diinta yaan been laga sheegin, sida ay tahayna ha loo sheego hana loo qoro , yaan la qurxin wax aan qurxoonayn, hadi la raabo haweenka in la xoreeyo lana karaameeyo runta ha looga sheego diintoodu waxay qabto iyo waxa ilaahay siiyey.

 

Tixraac

  1. Kitaabka quraanka
  2. Sunnada rasuulka eek u qoran ( saxiixal bukhaari

 

 

W/Q Khaalid muuse