Khaled Muse Qorraalo

GAALNIMADA XUMAANTA LAGU SHEEGO MAXA KA JIRA YAASE GAAL AH!

Waxaan in badan maqla qof ugu yeedheya qof kale gaalyohow isagoo dooneya
inuu caayo ama aflagaadeeyo, qofk loogu yeedheyo kelmedani aad bay u
dhibta waayo xumaanta ay xamaabarsan tahay waxa ka wayn dhibka ay u
gaysan karto dhulka qaar.
Gaal inta badan waxa loogu yeedha qofka aan haysan diin gaar ah tusaale
ahaan muslinku waxay u yaqaanan gaal qofka aan diinta islaamka haysan, halka
kiristaankuna sida si la mid ah ay u yaqaanan qofka aan kiristanka ahayn,
yuhuuduna iyo diimaha kale oo dhami waa la mid, sido kalena waxa gaal loogu
yeedhi kara qofka diin-laawaha ah ee aan waxba aaminsanayn.
Waxa muhiim ah in aan is waydiino maxa keena gaalnimada? Ma tahay wax
dadku doorteen? Ma wax xunba mise wax wanaagsan? Sida aan ognahay qof
kasta oo aduunkan ku nool diintu doono ha haysto maaha mid uu doortay ee
waa mid uu ku dhashay oo hooyadi iyo aabihi baa u dooray manaha wax uu
shaqo ku leeyahay , mar hadi aanu shaqo ku lahayna denbi kuma yeelan karo
waxa loo dooray ee uu dhaxalka u helay.
Tusaale ahaan hadi aad adiga waalidka muslin ahaayeen adigana ay kaa
dhigeen muslin, diintaaduna ay sheegeyso qofka kiristanka ahi inu gaal yahay
taaduna ay saxsan tahay tiisuna ay khaldan tahay, waxa muhiim ah in aad
fahanto oo ogaato sida si la mid ah in diinta uu ku dhashay qofka kiristanka ahi
ay adigana ku taqaan gaal iyaduna wa kiristanimade ay tahay ta saxda ah,wa
yooyootan aan midha dhal ahayn, aanay jirin wax lagu kala baxa , waxna aan la
isu qirayn nin walbana wixiisa aya la sax san, si loo kala baxo o Kooxda gar ama
xaqa ku taagan lo ogaadana wa in la dhinta ama ilaahay so hadla ta hore ayaana
dhici, waxa iyana yaab leh in qofka diin laawaha ahi ee ku gaaloobey diin o
dhami ay qolyaha diimuhu ka midaysan yihiin inu gaal yahay imaan laawe ah
sidaasoy tahay su’aal baa meeshi taal, yaa gaal ah ? ma ka ku gaaloobey
kiristanka ee muslinka ama yuhuudiga ah? mise ka muslinka ah ee diidey
kirstnimada iyo sheekadi ciise ilaahay ba dhalay hadana wa ilaahay? Mise ka
Buda e dhagaxa hoos fadhiya? Mise ka diin oo dhan iskaga tegey ?
Diin waliba gaal leh,kol hadi aan ilaahay soo hadlayn in la dhinto aya lagu kala
baxaya o ilaahay qiyaamaha dadka u kala saaro iyo diimahan badan e aduunka
yaal, qiyaamayaasha laftooda aya kala duwan ilaahyda laftooda aya tiro belay,
laakin miyaynaan odhan Karin gaalka dhabta ahi wa diin lawaaha aan
aaminsayn wax diin ah iyo jiritaanka ilaahay ee aan samada waxba uga soo
degin.
Diin waliba ki aan aaminsanyn haday gaal u bixisay, saw ma dhihi karno
kuligood dadka diimaha haysta ha kala duwanaadeene gaalo ma yeelan karaan
maadaama ay aaminsan yihin ilaahyo iyo awoodo sare laakin ay magacyada iyo
habdhaqanka o keliya ay ku kala duwan yihiin maadama ay samada ama
dhagaxa ama waxay caabudaan ay samatabixin ka sugeyaan.
Diin laawuhu waa qofka keliye u qalma in gaal loogu yeedho maadama u
aaminsan yahay in aan waxba samada uga so degin wax walibana ay kartidiisa
iyo qofnimadiisa ku xidhan yihiin.
Markaad si dhab ah u eegto una baadho diimaha aynu kala haysano hadaynu
nahay dadkan aduunkan ku nool iyo khuraafadka ka buuxa iyo ilaahyadan
badan iyo sida aan qolona u hayn wax cadayn o qayaxan miyaynan odhan
Karin gaalnimadu xumaanba maaha e wuxu ruuxa gaaloba ka hadhay tartanka
jaahlinimada ee lagu hoobtay.
Diin waliba o maanta aduunkan taal iyada ayaa isku filan is burin iyo in lagu
gaaloobo, marka in lagu gaaloba xumaan ma aha, qofka diinta aaminsani isagu
ma doorane wa dhaxalki awoowayaashi, laakin qofka ku gaaloobey diimaha o
dhami isaga ayaa doortay in u hawlahaas iskaga dhex baxo inta la so kala
baxayo wixi ka dhashana way u fududaan in u aqbalo doorashadiisa, lakin
qofka diinta leh ee ku dhashay hadiba ay ka khaldanto hadhow cataw kama
bixi doono iyo calaacal iyo inu habaaro dad kale oo ay waalidki ugu horeeyan ,
diin laawaha waad ka nabad geli gaalnimo ku dili mayo, diinta aad haystona
kugu jeclaan mayo kuguna so dhoweysan mayo, dadnimada iyo insaaniyada
idinka dhexeysa isuna kiin haysa. Diin laawuhu waa gaalka dhabta ahe wuxu
isagu mar walba leeyahay idin kala garanmayne guulaysta .