Cabdirisaaq Macalin Axmed Qorraalo

XASUUS QORKA MUJAAHID HORE

XASUUS QORKA MUJAAHID HORE

Cabdirisaaq Macalin Axmed

Qeebta kowaad

Masjidku Waa Tawfiiq sanadku waa 1991dii, nin garweyn ayaa soogalay si gooni ah ayuu rag afka ugu dhaweeyay isaga oo leh dhalinyarada ikhwada ah ee lagu kalasoonyahay qeybta danbe ( dugsiga ) aan isugu imaanno.

 

Waxa aan ka mid noqday dhalinyarada lagu kal soonaa ee tagay qeybta danbe si si taxaddar leh, 10 cml ayaan noqonnay wadaadkii ayaa hadalka qaatay isaga oo bastoolad horta soo dhiganaya oo yiri: ikhwatii al acizaa, sida aad ogtihiin dalku wuu burburay waxa aanna rabnaa in aan ilaahay uga mahdinno taas waayo baadilkii maanta wuu tagay xor ayaanna nahay alx.

Waxa aan go’aansannay in aan u diyaar garrawnno jihaad sida aad arkeysaan waxa aan wadaa bastoolad waxa aan billaabeynaa casharro lagu barranayo maalinwalba mid ka mid ah qoryaha iyo sida loo furfurro.

Aniga ayaa furfurraya si fiican u fiirsada qof waliba waxa aan rabaa in uu furfurro markiisa. Ikhwatii arrintani waa sir yeysan idin dhaafin ikhwada maqan ee lagu kalsoonyahayna halloo shego cadawga islaamkana ka digtoonaada.

Waxa aan ku barrannay masjidka Towfiiq ee wahaabiyada wagaas qoryaha yar yar oo idil illaa la keenay xitaa baasuuke laga soo amaahday mooryaan ay walaalo ahaayeen mid ka mid ah ikhwada hawsha wadday.

Intaa dabadeed oo wax noo kala baxeen aanna dareennay halka loo sacdo ayaa naloo sheegay in hawshii ballaaratay oo markan naloo wareejinayo iskuul toos loogu qaadanayo duruusta mallatariga.

Laba iskuul ayaa magaalada laga furray xilligaas iskuulka Amiin-nuur ee isbartiibada kaga yaal dhinaca Xamar jadiid iyo iskuulka dagmada Hodan Shaafici.

Aniga waxa aan ku biiray kii ii dhawaa ee Amiin-nuur waxa aan halkaas kaga baxnnay dhibbawga waxa la islaamiyay gaardiga oo ay culimadu isku khilaafeen midigta miyaa laga gaardinayaa mase bidixda sida gaalada oo inkasta oo ay ku adkaatay macallimiintii na tababarrasay oo wax ku soo barteen ruushka sida Neero, C/laahi Cali Xayle iyo Guushaa haddana la qaatay arragtidii culimadii macawista laheyd taasi oo ah in la khilaafo gaalada oo laga socod billaabo midigta balse annaga farqi nooma laheyn waayo gaardiska dhan ayaa nagu cusbaa haddase aniga wey igu adagtahay in aan bidixda ka gaardiyo.

Macallimiintii wagaas waxa aan ka xasuustaa Dr Dasuuqi, Dr Cali Baashi, Sh. LAKERI, halka kan Imaamu Shaafici ay joogeen Xasan Daahir iyo C/QAADIR KUMAANDOOS iyo rag kale.

Ardadii wagaas ee iskuulka Amiin nuurna waxa aan ka xasuusnakaraa rag ay ka mid yihiin Abdirahman Abdishakur Saalax sh. Ibrahim (Gudoomiya maxkamadda Racfaanka) iyo Abdukadir Barnaamij. Waxaa la isigu jirray Al islaax iyo Salafiyo macalimiin iyo ardaba.

Qofka sidayda oo kale wagaas caruurnimo heyn waxa uu fahmikarray in labada iskuul ( Mucaskar) ay ku kala xoogbadnaayeen salafiyada iyo Alislaax oo ay iskuulka Shaafici ku badnaayeen Salafiyada halka Amiin-nuur ay joogeen Alislaax taasi oo aniga xitaa saameyn igu yeelatay oo sidaas Alislaax ku noqday…..

Qeebta labaad

Ku biiristeydii Alislaax ee waqtigaas wax badan iima sameyn waayo waxa ay aheyd oo kaliya mid xagga shakliga ah oo waxaa ka xoog badnayd tarbiyadeydii masjidkii Wahaabiyada ama sida ay jeclaayeen in lagu magacaabo Salafiyada waxa aanse dareemay intii aan qaadanayay duruustii isugu jirtay tababarka xagga jirka ee mallatari iyo tii xagga masakaxda kalana bixinayeen rag ka soo aflaxay maddaaris kala gadisan; taag-taagni iyo isla jaan qaad li,I hawshu sida ay usocoto ah, su’aalo iyo jawaabo aradada iyo mucallimiinta dhexmari jirray oo ay ka muuqatay rabitaanno kala gadisan, xodxodasho iyo kasbasho gaar ah.

Mucaskarkii madarasada Amiin nuur waxa uu ahaa meel kulmisay Alislaax iyo Slafiyada aanay u dhadhamin waagaas in lagu biirro urur oo uu huggaaminayay Sh. Lakari iyo rag kale( mustaqalliin) halka midda Shaafici ay laheyd laba astaan oo kala ah waa midi in ay gooni u ahey si guud Salafiyada iyo si gaar ah ururkii Alitixaad ( Alictisaam-ka manta).

SIDEE U SUURTA GASHAY FURRISTII MUCASKARAATKAN!

Magaalada Muqdisho malaheyn xilligaas maamul c walba oo uu yahay, waxaa ka jirray fawda baahday waxa qabiil walba lahaa wax loo bixiyay Aag kaasi oo ah in guri weyn malleeshiyo walbaahi dagto oo halkaas ay ka abaabusho hawlgalkooda iyada oo la xasuusanyahay in markaas ay socdeen dagaalladii USC ee Siyaad kaga baxay Muqdish. Waxaana xiiliigaas heystay Muqdisho dagaal rogaal celin ah oo ka imaanayay beelihii ka bxay magaalada mana billaaban burburkii USC, khilaafkii Caydiid iyo Cali Mahdi.

duruuftaas is ku dhex yaaca ah waxa ay u hiillisay raggii ku farxay markii horeba burburkii dawladda kuwaasi oo ah isla kuwa noo furay mucaskaraatka waxaase si looga badbaado su’aalo ka yimaada isla beelihii USC iyo horjoogayaasheedii loo dagay qorshe indhaha danbas looga shubay weydiintoodii ahaan laheyd qoyska iska leh Aaga-gan ( mucaskaraatka) taasi oo ah in lagu leymiyo mucaskar walba mid ka mid ah beelaha Hawiyaha.

Maddarasadeennii Amiin nuur waxa ay waagaas ula ekeyd dadka xaafadduna noo heysteen in aan nahay beesha Murusade oo waxa aan xasuustaa mid maalin i istaajiyay oo igu yiri waryaa adigu meesha maxaad ka qabataa! Waxaana taas sabab u ahaa macallimiinteenna xagga tababarka iyo diinta oo u badnaa qoyskaas sidaasna loogu ganbaday waxaa kale oo jirtay hadal heyn aheyd in beeshu si ahaanba ay u janjeerto xagga islaamiyiinta oo waxa aan xasuustaa kulamma lagu qaban jirray xafadda Xararyeele.

CASHARADII AMIIN NUUR

Waxa ay isugu jireen casharro aan si toos ah u tagno sabuuradda kuna qaadano arragtida mallatariga hubka qeybihiisa kala gaddisan, cidda soosaartay qeybkasta iyo sida loogu dagaal galo waxaana na siinayay khubarro qaatay fikirka islaamiyiinta oo ka soo qalinjabiyay kulliyadaha dagaalka ee Raashk.

duruusta xagga maskaxda waxaa naga haqabtirayay rag sidii aan horay u sheegayba kala raacsan madaaristii Ikhwaanka ( Alislaax) iyo Salafiyada (Wahaabiyada) kuwaasi oo ka mideysnaa xilligaas in la abuuro jiil ka gaddisan kan Soomaaliga ah ee jirray xilligaas, duruustaas oo keentay in hal mar ay isla ololaan keydkeygii Masjidka iyo kistii aan ka helay Amiin nuur.

Xasuusteydii muxadaraatkii nala siiyay ayaan ka xasuustaa mid cinwaankeedu ahaa المفاصلة السلوكية والمفاصلة الشعورية oo biya dhaceedu yahay in bulshada dhaqan ahaan iyo dareen ahaanba laga miirmo muxadaraadaas oo uu na siinayay dr Ibraahim Dsuuqi oo ahaa afartan jir isku helay aqoon iyo fusaaxad ayna ka buuxday qiiro iyo ciil uu ka qaaday markii taliskii Siyaad uu ka cararay isag oo dhiganaya iskuulkii Allaahida balse ay hubanti aheyd in Dasuuqi iyo saaxiibadiisii Alislaaxba ay ahaayeen kuwa laftirkoodu ku qasan Wahaabiyada oo magac iyo mabda’ahaanba lakala garran xilliyadii mucaskaraatka ( isug anaa kaaga dhiciye goortii la kala booodaye).

LIX BILOOD OO DHIBBAW AH DABADEED

Markii digsigii hayaayadda tuuray markaan cududeenna arragnay markii tarbiyadii na gaartay markii aan bulshadii ku noqonnay sida qalfoof kuu soo qosleysa (kula jooge kaa naqan) oo wax dareen ah aynaan la wadaagin waxaa timid in ay wada hadlaan labadii mucaskar iyada oo la go’aamiyay in nalaka saaro magaalada si carbis, hayaan,dab-rid iyo miina xir na loo barro taasi oo aan magaalada dhexdeeda ka suurta gal noqoneyn.

Waxaa na loo kagu keenay maddaaristii tababarka gawaari waaweyn waxaa nalaka qariyay halka loo baxayo saa waa shuqul ciidane waxa aan afka saarnay waddo uga baxda Muqdisho dhanka barri la sinnaadka xeebta waxaa nalaku daadiyay meel la iigu sheegay Warshiiq balse magaalada ka durugsan baddana afka ku heysa……..

 

 

Qeebta sedexaad

Markii aan gaarnnay dagmada Warshiikh waxa aan ka koobneyn labadii mucaskar ee Muqdisho ka furneyd iyo maddaaristii fikriga ayheyd ee Al Islaax iyo Salafiyada oo isugu jirray Al Itixaad iyo Mustaqalliin.

Waxaa halkeedii laga anba qaaday casharadii maskaxda leysaga dhaqayay oo mawaadiicda la beegsanayay ahaayeen sidan:

  1. Tawxiidka: si curdin ah aya la isugu sharraxayay iyada oo la isu tusinayo wixii ka horreeyay sharraxaaddan in ay aheyd uun hadaaq iyo hal bacaad lagu lisay sidaana bulshada aannu la noolnahay aqoonba u laheyn wax loobixiyay saddaxda tawxiid ee rubuubiyada, uluuhiyada iyo asmaa’u wa sifaat .( sharaxaaddani waxa ay gooni u aheyd Salafiyada)
  2. Jihaadka: waxaa horteenna la keenay duruus taariikhi ah oo si mugweyn u faaqidday dhammaan dagaaladii uu galay nabiga iyo saxaabadu waxaa la kala dhigdhigay labada nuuc ee jihaad dagaalka difaaca iyo weerarkaba waxaa naloo sheegay in ay hadda na sugayaan innaga labaduba oo waliba la iska rabo in aan la nimaadnno tallaabo maanta iyo wixii ka danbeeya dalka gacanta ugu dhigno si aan ugu soo dabbaalno sharrecada intaas kaliya maahee ay tahay in aan gaarsiinno tawxiidka inta san ku neefle joogo.
  3. Tarbiya xagga ruuxda ah: waxa naga dhigtay in aan umalabsanno duhur dharaareed in aan cagta marinno ciidankasta oo naga horyimaada innaga oo aaminnay nin kastaahi in uu u dhigmo tobaneeya cadawga ah.
  4. Casharro ku saabsan xagga fikrika (حاضر العالم الاسلام) : wacyi galinta iyo is hogo tusaaleynta waxa ka socda caalamka islaamka, dirirta gaalada iyo muslimiinta saxda ah u dhaxeysa waa sidee maalintaas wax na loo tusaya.

Duruustaas kala gaddisan ee aan qaadannay waxa ay horteenna keentay bulshada aan la noolnahay iyo waxa nagala gudboon si aan ula tacaamulno waxa aan si buuxda u rumeysannay in aysan waxba ka gadisneyn dadka Soomaalidu mujtamacii jaahiliga ahaa ee nabigu u yimid bal e, xitaa kuwaasi ay garanayeen tawxiidka Rubuubiyada.

Tarbiyada ceynkaas ah ee gaaleysiintu ka buuxda waxaa gooni la’ahaa raggii Salafiyada labadoodii dhinac mustaqilliinta iyo Itixaadka.

Xertii Alislaax hadafka ugu weyni waxa uu ahaa waxay gadaal ka yeelaanba in dhallintii curdinka ahayd ee saxwada ee qiiradu buuxdhaafisay aanay kala fakan Salafiyadu maanta, balse laga dheehankarray raadka weyn ee uu ku yeeshay waagaas fikirlii Maxamed Qudbi (جاهلية القرن العشرين ) iyo walaalki Sayid Qudbi ( معالم فى الطريق) oo in kasta oo aanay laheyn biseyl badan dabyarna aanay shideyn haddana aysan gaarsiisneyn in Soomaalida lagu tilmaamo mushrikiin; taasi oo aan gadaal ka arki doonno waayo waxa aan xasuustaa iyada oo lagu qabsaday C/laahi Cali Xeyle oo ka soo jeeday dhinca AL islaax ahaana macallin xagga fikirka iyo tabanare xagga mallatariga sida uu u sharraxay tawxiidka oo aan gaarsiisneyn heerka Salafiyadu rabtay taasi oo dood xoog leh ka dhex abuurtay aradada iyo macallimiintaba.

DURUUSTII DAGAALKA EE WARSHIIKH

Durbadiiba waxaa horray laga billaabay in la baraatik garreeyo wixii maskaxda la isugu shubay; dabridka ama shiishka, hayaanka habeenkii la sameeyo, dagaal ka fool ka fool ah oo innaga na dhexmarra iyada oo la adeegsaneyno dheemish, habka dhaawaca iyo meydka loo qaato adiga oo dagaalka ku jirra, habka gurmadka iyo qaabka ciidanku isu baddalo, xera taraarka sida loo sameeyo iyo sida miinada loo dhigo loogana badbaado xeradeeda.

Waxa aan xasuustaa in qeybtii aan ka tirsanaa uu naga shahiiday sh, Lakari ( sidii shaxda loo dhigay weeye) macallimiinteennii xagga tababarka dagaalka waxaa ugu cadcaddaa Guushaa iyo Xeyle xasuusteyda.

SOO GUNAANADKII TABABARKA WARSHEEKH

Markii uu noo soo idlaaday tababarkii waxaa la isugu kaanna keenay xilli galab ah meel udhaw xeebta Warsheekh waxaa naloo sheegay la laabanayo balse hawshu billawtahay loona kala baxayo saddax taqasus:

– Qeyb la barro caafimaadka.

– Qeyb la barro hubka afantariga ah.

– Qeyb la barro miinooyinka.

Waxaa nala siiyay khiyaar aan ku kala dooranno saddaxda qeybood iyada oo farta la taagayo laguna diiwaan galinayo qofba halka uu doorto, waxaa naloo sheegay in saddaxdanba ay daruuri u tahay dagaalka aan barri galidoonno diyaar garrawga dabadi ani ahaan maalintaas waxa aan iska Diiwaan galiyay qeybtii caafimaadka.

Waxaa nalaku soo celiyay barqadii magaalada Muqdisho innaga oo qoryaheenna wadanna cidnana ka baqeyn waayo waxaa iska caadi ahaa xilligaas gawaari la ciirciiraya ciidammo beeleed, midda kale lixaadka aannu leenahay maalintaas uma ekeyn wax malleeshiyo beeleed ku soo dhiirran karaan.

Dib ayaan u billawnnay duruustii aan kala doorannay iyada oo markaan la isuku kaanna dhafay sida taqasuskeennu kala ahaa. Amiin nuur ayaan mar kale ku laabtay aniga oo halkaa ka billaabay duruus ay na siinayaa dhaqaatiir kala gadisan.

Aniga waxa aan ku noolaa waagaas caalam kale kama warheyn ehel iyo qaraabo waxaa aan u arkay in markaan ay qeyb ka yihiin kuwa cadawga ku ah islaamka oo waliba uu ku imtixaamanahay iimaankeygu sida arxan darrida ah een ula dhaqmidoono waxa aan xasuustaa waagaa in walaalkey iga weyn C/casiis Macalin Axmed lagu dilay magaalada balse aanan maqlin illaa xilli danbe la ii sheegay….

 

Qeebta afaraad

DAGAALKII ARAARE

Durbadii laga soo laabataya Warshiikh dibna u billaabatay duruustii kala gaddisnayd ee la kala doortay sida: Caafimaadka, Afantariga iyo Miinada, waxaa na soo gaartay qeyladhaan ka imaatay dhinaca Kismaanyo oo aan horray uga heysannay warbixin farxad leh taasi oo ah in walaalaha Kismaanyo ay gacanta ku dhigeen magaalada oo sidaana ay ku billaabeen tadbiiqa shareecada iyaga oo ka faa,iideystay colaadihii iyo qaskii taagnaa xilligaas.

WARBIXINTII AAN HELNNAY

Barxadda maddarasada Amiin nuur ayaa la isugu kaanna keenay iyada oo na loo sheegay khabar dhiillo xanbaarsan kaasi oo ah in uu qarka saarranyahay dagaal dhexmarra Ceydiid iyo islaamiyiintii Kismaanyo oo daclka isku hayaan beelihii ka baxay Mudisho oo iyaguna diyaar u ah in ay ka difaacaan USC magaalada.

Warbixinta ayaa tibaaxaday in uu jirro kulan dhexmarray wadaadadii Hawiye iyo Caydiid oo tilmaameysa in Caydiid laga codsaday in uu siiyo iyaga fursada ay ugu tagaan saaxiibadeennii Araare. Caydiid waxa uu bixiyay fursaddii laga codsaday waxaana Muqdisho ka anbabaxay wafdi wadaada ah oo ka tirsanaa tayaarkii Salafiyada. Waxa ay gaareen Araare waxa ay la kulmeen raggii xagga joogay oo dhammaantood ah reer Muqdisho kana firxaday dagaalka si wanaagsanna loo ahaa ceyshooy-milix.(sifiican la isu yaqaannay)

Wafdigu waxa ay ka dhageysteen qolyihii ay u tageen qorshahooda dagaal iyo sida ay uga go’antahay in aysan marnaba aqbali doonin in mujaahidiintu u banneeyaan goob noqotay daarta islaamka mooryaan rabta in ay bililiqeysato taasna ay nafta u hurayaan waxa ay tilmaameen in markasta aanay maleeshiyadaas ka badbaadeyn xitaa haddii ay hubka dhigaan.

Wafdigii Xamar waxa ay ku diideen saaxiibbadooda fikradda dagaalka ee ay wateen waxa ayna u sheegeen in aysan maangal aheyn jihaad laga iclaamiyo qabaa,il is dagaalaya dhexdooda wax walba oo ay sameeyaanna u muuqan doonto niman caadifad qabiil qaadday waxa ay u soo jeediyeen in ay ka baxaan magaalada oo ay dagaan bannaankeeda ayna qaadayaan iyagu mas’uuliyadda ammaankooda.

Waxaa la is weydaarsaday hadalla kulul oo duruufto keentay dhihisteeda. Qolada loo tagay waxa ay u arkeen ragga u yimid kuwa aan dareemeyn walaaltinimadii ka dhaxaysay oo meeshii iyagu hubka qaadan lahaayeen garrabna istaagi lahaayeen ay gaf iyo gabood fal tahay in ay ka dalbadaan hubka dhiga!

Wafdigii Muqdisha ka tagay waxa ay galeen laba darran mid doorro; in aysan duruufto u saamaxay ciidan ay ka keenaan Muqdisho oo ay ku galaan dagaal ay sii muuqato natiijadiisu duruuftuna uba oggolaaneyn in lala dhexmarro jabhaddii USC oo sidaana loogu tallaabo ciidan kale oo iyaguba xabbadda ku billaabi karra waayo ma jirto isku xirnaan ka dhaxeysa wadaadada Kismaanyo iyo beelihii ay ka dhasheen iyo khiyaarka labaad oo ah in ay daawadaan walaalahood oo aanay u hiillin Karin.

Wafdigii Mudisho waxa ay ku soo laabteen Ceydiid oo sugayay jawaabtooda kuna sugnaa jiidda horre waxa ayna farta ka saareen sheekada qaraar ee ah in aysan heyn wax xal ah.

Warbixintii dhiillada xanbaarsaneyd ee nala ku siinayay barxaddII ardadii Amiin nuur daabuurka ku galijireen barri samaadkii waxaa naloo ku sheegay in wax yar dabadeed Ceydiid dagaal ku qaaday walaalihii reer Kismaanyo iyo bahdii ay ka dhasheen warbixinta waxaa lagu xusay in uu halkaas ka dhacay dagaal-kii ugu cuslaa ee USC gasho waxaa naloo sheegay in ay ku shahiideen rag badan oo aan naqiinnay oo xitaa masjidkeennii Tawfiiq ay kaga jirreen dhawr qof oo aan ka garanayay macallinkeygii Naxwaha Cali Ibraahim iyo yarkale oo la oran jiray Siciid (suuqa Tawfiiq ayuu ku lahaa tukaan xalwada lagu iibiyo).

Warbixintu intii ay socotay waxaa barbar socday ilma qoysay dhabannadeenna ciil iyo calooyow ka tarjumaha sida aan uga xumaannay waxa dhacayd dhanka kale aniga waxaa isoo gaarray dad aan ehel nahay oo ku dhintay dagaalkaas oo ku jirray safka Ceydiid lkn waxba iigama gadisneyn mushrikiintii dagaalkii Badar geeridooduna wax saameyn ah iguma yeelan.

Dagaalkii Araare waxa uu nooga dhignaa dhiiggii ugu horreeyay ee ku daata dhulka Soomaaliya iyo shuhaddadii ugu horreysay ee ciiddu qarriso oo sida shumaca oo kale u ifsan doonno barrito noomana muuqan duruufihii qallafsaneyd ee jirtay

Waxa aan u arkeynnay sagal yar oo ka hoorray Kismaanyo oo haddii aanu gaarri laheyn gulufkii USC isu baddali lahaa mahiigaan lagu baraaro.

 

lasoco qeybta 5aad

Abdirisaaq Macalin Axmed