Qorraalo

Diinta udhalasho mise qanaaco

Dear bleiver,  wali mais weydiisay maxaad urumeysantahay waxa aad urumeysantahay

wali maku fikirtay maxey tahay sababta aad udooratay diinta aad dooratay

maxeey tahay sababta aad u aamintay in ciisa masiix uuyahay badbaadiyaha kaliya ee kaligiis wax badbaadin karo

maxaad u aamintay in Allah uuyahay ilaaha kaliya ee xaqqa lugu caabudo maxamadne uuyahay rasuulkiisa

tusaale ahaan maxaad u aamini weysay xaqiiqooyinka cadcad ee uu puda layimid

maxaad u aamintay in towraatka uuyahay kitaabka kaliya ee saxda ah

soo ma ogid in janada aad aaminsantahay ey shaabahdo dhulka

oolaga helo isla waxyaabaha dhulka laga helo sida caano, khamri, iyo naago

sidookale boqornimada ilaahada iney uegtahay  boqortooyinkii jiri jiray iyo kuwa hada jiro

mais weydiisay sababta adiga iyo ilaahada aad u wadaagtaan Tilmaamoyin badan

caqiidadada miyeyna aheyn tan laga aaminsanyahay deegaanka aad kubarbaartay

miyeyna shakki kugu dhalin habayaraadee in dadka dhan caqiidadooda ey tahay tan ey aaminsanyihiin bulshada ey kudhasheen dhexdiisa

sidaas ey tahayne ey ku qanacsanyihiin in ey nasiib uyeesheen caqiidadii saxda aheed

taasi miyeyna ku muujineynin in dadka dhan caqiidadoda eysan ku dooran iney saxtahay darteed lkn ey kudhasheen ookaliya

xiligaan aan hada joogno cunug ayaa dhalanayo, hooyadiis iyo aabihiis shahaadada dhalasha waxey ugu qorayaan Muslim sidokale wadaad masiixi ah ayaa cunug yar biyo galinayo si masiixi loga dhigo , hooyo ayaa ayadane gabadheeda shanta jirta ah xijaab uxireyso, aabane cunugiisa afar jirka ah ayuu ukaxeynayaa masaajidka, kumanaan cunug ayaa dhalanayo mid waliba wuxuu dhaxlayaa diinta waalidiintiisa

soo lagama yaabo in iimaanka uuyahay lakowsi juqraafiyadeed taas oo macnaheeda tahay in qof walbo uuheysto diinta laga aaminsanyahay mesha uuku dhashay

kawaran haddii aad kudhalan laheed meel an ahayn mesha ad kudhalatay

maheysan laheed diinta aad hada heysato

caqiidada aad heysatid soomahan tan ey heysteen aabayasha iyo aabayashoodii

madama eysaas tahay kawaran hada halka ey kaadhaleen labo Waalid oo somali ah haddi ey kudhali lahayeen labo Waalid oo japanes ah , maheysan laheed diinta aad hada heysato

soolayaab Mahan haddii an cunug yar kutilmaamo inuu yahay shuuci ama calmaani ama markizi

wan wada ognahay in cunug yar uusan Laheen awood fahan oo uu kukala doorto inuu noqdo calmaani ama markizi sababtoo sababto ah waa aragtiyo ey aad udagatahay inuu fahmo cunug yar

lkn lama yaabno markan Aragon cunug yar oo laleyahay Wa muslim ama wa masiixi ama waa yuhuud

sidaas oo ey tahayne diimuhu wa ka faham adagyihiin fikradahaas an horay uso sheegnay

marka aad leedahay cunug muslim macnaheeda waa cunug hooyadiis iyo aabihiis ey Muslim yihiin

maogtahay in qofwalbo uu diintiisa kaliya u arko sax kuwa kalene qalad marka uu cibaadeysanayane uu dareemo daganaasho iyo udhawaasho ilaahiisa taas oo Anka yareyn tan aad adiga dareento

maogtahay in qofwalbo uu aqristo nusuus muqadas ah uuna heysto xujooyin uuku difaaco waxa uu aaminsanyahay sidookale uu arkay mucjisooyin uuku rumeystay in waxa uu aaminsanyhay saxsanyihiin

waxey aaminsanyihiin jiritaanka ilaah waxeyna raacaan waxyabaha uubaray aad ayeyna ujeclyihiin waxeyna caqiidadooda ku difaacaan isla xamaasada aad adiga kudifaacdo caqiidadada

haddaba waxaas oo diimo ah sax mawada noqon karaan

waa wax intee laeg suurta galnimada inaad adiga saxsantahay

marka aad qof kudhahdo naarta ayaad galeysaa hadad ilaah rumey weysid

suaasha mesha imaaneyso waxey tahay ilaahee ayan rumeeyaa nabigee ayanse raacaa diintee uhogaansama naarteese iska ilaaliya waayo waxa jiro ilaahyo badan iyo naaro badan

hadan ilaahada doorto soo lagama yaabo in doorasha iga qaldanto

marka inti doorashada iga qaldami laheed so kama fiicno inan waxba dooranin

madama dunida ey jiraan 4000 diimood adigane aad hal mid kadooratay 3999 kalena aadku kufrisay

kawaran anigane haddii an diido afarta kun soo Hal kaliya Mahan farqiga inoo dhexeeyo.

Qalinka

Mustafaa Cali