Khaled Muse Qorraalo

Maxaad ka ogtahay Al-Shabaab ( kororso aqoontaada)

 

Maxaad ka ogtahay Al-shabaab?

Kororso aqoontaada

Waxaan isku dayi wax yar oo kooban in aan ka idhaado alshabaab maxay yihiin?

Maxay rabaan? Qaabke u shaqeeyaan? Iyo waydimo kale o badan sido kale ma

rabo in aan ka hadlo aasaskoodi iyo fikrki ka danbeeyey koox argagixiso ah in la

sameeyo.

Alshabaab waxba kama duwana ururada la jaalka ah ee aduunka ka jira sida

daacish, booko haraam, alqaida oo ah hooyada dhashay iyo qaar kalo badan,

waa laga yaaba inay ku kala duwanaadan waxa ay rabaan laakin wadada ay u

maraan wa daadinta dhiiga ummadaha ay ka dhex shaqeeyaan.

Alshabaab wa urur argagixso islaami ah, hadafka ama ujeedka u sheegtana waa

inu dadka ku xukumo shareecada islaamka mana garan karo anigu cid iyaga si

gaar ah ugu dooratay, laakin waxa jira ujeedooyin kale oo ay u taagan tahay

alshabaab oo aan inta badan la shaacin, si aan u ogaano waxa alshabaab u

saamaxay inay ummada sida u xasuuqdo wa in aan ogaana wax yaalaha u

saamaxay in ay awooda yeeshaan, wax yaalo badan baana runti u saamxay o ay

ugu wayntahay qaran jabki ummada somaliyeed ku dhacay oo waxa

banaanaday meeshi ay buuxin lahayd dawlada dhexe, nin walba sharciga ayuu

gacantiisa ku qaatay, waxaana dhaqan galay sharciga kaynta ee ah kan xooga

wayn o keliya noolan kara.

Alshabaab waxay si qoto dheer u dhex gashay bulshada somaliyeed maadama

wahaabiyada o iyaduna waayada faro baas somalida ku hayseyna ay si xawli leh

u fidaysey, wahaabiyadu waa fikirka gurracan alshabaab ka shidaal qaadato,

awood sida u badan ma lahayn laakin waxay ilaalo u ahaayeen ganacsiyada ka

jirey dalka oo ay badankooda iyagu lahaayeen qolyo ay isku afkaar iyo muuq

yihiin, laakin isbedelki ug wayna wuxu dhacay Dagaalki ay la galeen qolyihi la

baxay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo aha hogaamiye kooxeedyo

taagero ka heleyey maraykanka, talaabadaasi waxay noqotay mid ay ku

midoobaan qolyihi argagixisada aha ee awel dadka ku dhex dhuumanyey ee

bila tamarta ahaa iyago heleya taagero dad wayne oo baaxad leh waxay ku

guulaysteen dagaalki ay la galeen qolyihi kaso horjeedey, waxayna si toos ah

ugu dhawaaqeen jiritaankooda 6/june/2006 magacyo kala duwan bayna soo

yeesheen al itixaad, ictisaam, maxakimta islaamiga , iyo ki dhabta aha oo ah

alshabaab magacyada kale o dhami waxay ahaayeen magacyo marxalado adag

lagaga so gudbey.

Qaab dhismeedka alshabaab

Alshabaab waxay leedahay asal ama marjac ay talada iyo wax kasta loola

noqdo marjacaasi wuxu u badan yahay rag culimo ah oo ku xeel dheer diinta

islaamka fikirkana la dhasan dal iyo dibedba way joogaan, raggaasi waxay ka

talo bixiyaan qaab dhismeedka golaha shuurada ee soo dooranaya

hogaamiyaha guud ee xarakada ama amiirka wa siday u yaqaanin, sido kale

waxay qaabilsan yihiin sharciyaynta iyo diimaynta falalka gurracan ee xarakadu

ku kacdo iyo tashkiilintta dhalinta cusub.

Sido kale waxa jira iyana waxaayo muhiim ah laakin ka farcama golaha

shuurada waxana ka mid waaxyahaas.

  1. Waaxda maaliyada
  2. Waaxda arimaha gudaha
  3. Waaxda sirdoonka
  4. Waaxda gaashaandhiga
  5. Waaxda warfaafint

Badana waaxyahani waxay leeyihiin magacyo carabi ah ama kuwo sarbeeb ah

oo ay fahmi karaan oo keliya kuwa ku abtirsada xarakada,waxaa muhiim ah in

aan ogaano jabki xarakada ku dhacay iyo kasaaristi magaalooyinka waaweyn

iyo ilihi dakhlliga waxay keentay culays fuulay xarakada xag ciidan iyo xag

dhaqaaleba, si ay usi jiraan waxay ahayd khasab in ay bedelaan habdhaqank

ama istiraatijiyada fool ka foolka ahayd.

Ma jiro uru jiri kara dhaqaale la’aan (running coast) sida darteed waxa loo

baahan yahay in lagu helo qaabkasta oo lagu heli karo dhaqaale xata hadi ay

tahay in ibliis dabada la qaabsado, si dhaqaale loo helo waxay xidhiidh hoose la

yeesheen maamulada dalka ka jira o dhan, sido kale waxay xidhiidh sir ah la

sameeyeen masuuliyiin ciidan iyo rayidba leh oo ku jira dawlada dhexe, waxay

sido kale xidhiidh dhagaraysan la yeesheen ganacsatada dalka ka jirta

badankooduna waxay bixiyaan cashuur qaar wa la khasba qaarna waa taagero,

sido kale alshabaab waxay leedahay ganacsiyo baaxad wayn oo dalka iyo

aduunkaba ka jira laakin dad kale ku magacaaban, dhamaana wa ilka abeeso oo

hoosta iska wada xidhan.

Tuasale

  1. Weli waxa jira xidhiidhka ganacsi ee alshabaab dekeda kismaayo la

lahayd sida dhuxusha o kale , alshabaab wa so gubaan so hagaajiyaan

qolyaha maamulkuna waa u dhoofiyaan lacagtana wa la kala qaybsada.

  1. Baydhabo waxa degan dhamaan ehelada iyo qoysaska alshabaab waana

meel ay ku nastaan iskana abaabulaan daaweyn iyo taakulayna wa ka

qaatan, sido kale dekeda baraawe ma jiro wax iska bedeley maamulki

alshabaab dhaqaalihi kaso geli jireyna weli waa kaso gala

  1. Puntland ganacsatada gobolka bari badankoodu waxay uruuriyaan waxa

loo yaqaan sakawaatka ama baada alshabaab ka qaado sido kale waxay

fududeeyaan hubka yaman uga imanaya ama dagaal yahanada ajaanibta

ah ee u imanaya, badana dagaalyahanada ajaanibta ahi waxay ku

yimaadaan injineero ama shaqaale nin ganacsade ahi so kaxaystay

  1. Dawlada dhexe si lamid ah waxay ku leeyihiin rag meela xasaasi ah u

jooga wardoonka dawlada ha u badnaade taana waxa keeneya ninki

sheegta inu kaso baxay xarakada toos bu uga mid noqda ciidanka

dawlada,sido kale magaalada muqdisho wa meesha xarakadu ka hesho

dhaqaalaha ugu badan waana gabaadka koobaad dalka gudihiisa,waxay

ku leeyihii ganacsiyo waaweyn laakin dad kale u maamulaan, waxay baad

joogta ah ka qaadan ganacsatada, sido kale waxay ka dhex faa’iidaan

ganacsatada is diidan aya alshabaab u kala tartama si u midiba kan kale

ganacsigiisa u burburiyo.

  1. Somaliland wax badan ba lagu xantay in ay alshabaab taageerto,

taageradaas o dhan walba ah, mid dhaqaale mid ciidanba, sido kale

degaan ay ku nastaan, alshabaab Burundi iyo Uganda gaahdey, jabuutna

qarxisay hargaysa ma iman kari waayin,waxayna u eegtahay inu ka dhex

jiro heshiis ah in la kala amaan helo, xarakdu wadanka ay six or ah laakin

qarsoodi ah uga shaqaysto cidnana aanay dhib ku gaadhsiine, taa

bedelkeedana dhaqaale fara badan iyo taakulaynba ay ka helaan.

  1. Koonfura gaalkacayo ama galmudug waxay u tahay xarakada ( safe

heaven) ay kaga gabadaan cid kasta o ku dabo jirta, hubka bari uga

yimaadana ay kula wareegan, wixi dhib ah ama ciidan ah ee puntland

lagu dhibayona lagaso abaabulo iyado laga faa’idaysanyo danaha

siyaasadeed iyo danaha qabaailka e is diidan

Sido kale alshabaab waxay xidhiidh toos ah la leedahay shirkadaha waaweyn ee

dalka ka jira gaar ahaan kuwa xawaaladaha, isgaadhsiinta, diyaaradaha,

shirkadahaasi mid waliba shaqo ayay qaabilsan tahay,tusaale ahaan shirkadi

barakaat waxay ahayd shirkad ay asaaskeeda qolyahaasi qayb wayn ku

lahaayeen, marki ay kala jajabtayna isla iyagi uun baa  kala wareegey wadanko

dhan, shirkadaahasi maadama ay dadko dhan dawlad alshabaab iyo rayidba ay

adeegooda isticmaalyeen waxay alshaab ka caawin jireen sirdoonka ka

warqabka dhegeeysiga iyo lasocoshada goobta u joogo qof walba oo ay

rabaan, taasi waxay sahashey in ay guulo baaxad leh gaadhaan si deg deg ah o

cajiib ah, waxay sido kale u sahashay inay ogaadaan meesha u joogo qofka ay

rabaan inay dilaan si fududna ay uga takhaluseen cadaw badan o ay lahaayeen

waxaana adgaatay in lagu dhex beero saraakil sirdoon.

Waaxda maaliyada ta sirdoonka iyo unugta naftood haligayaasha looyaqaan

( inqimaasiyiinta) aya si dhow u wada shaqeeya si xogta loo helo, loogu hawl

galo, dhaqaallena loogu helo tusaale ahaan

Hoteelada hebel ayaa diideya in uu bixiyo baadi ama wuu la raageya waxaa la

raba in laga dhigo tusaale ay kuwa kale wax ku qaataan,kadib waaxda

maaliyadu waxay wargelinaysa waaxda sirdoonka ninka haysta in hoteelkaasi

amar diido sameeyey isna dhankiisa wuxu la si xidhiidhaya ninka haysta waaxda

natfood haligayaasha ( inqimaasiyiinta) wuxuna u sheegeya war khaldan oo ah

in halka ay gaalo badani joogto, tahay meel lagu dhilaysto, rag diley mujaahidn

badanina ay halka si raaxo leh u degan yihiin, kadib diyaargarow ba bilaabmaya

hawshi sidaasa lagu fulineya.

Sido kale waaxda arimaha guduhu waxay qaabilsan tahay tashkiilinta culimada

abuurida unugyo hurdo (sleeping cells) maamulida masaajida, iyo goobaha lagu

barto fikirkan xag jirka ah, shaqaalaynta dad cusub oo ciidan noqda si ay ugu

gudbiyaan waaxda gaashaandhiga.

Waaxda gaashaandhigu waxay qaabilsan tahay fullinta iyo dejinta

qorshayaasha dagaal ee xarakada, sido kale waxay xidhidh la samaysa

waaxyaha kale ha ee xarakada, waaxdani marka ay qof qoranyso waxay ku

sameeyaan daba gal iyo baadhitaan dheer oo mudo qaata, badanaana waxay

doortan dadka ay sahlan tahay in si fudud loo bedeli karo waxyna mariyaan

marxalad dheer o hadi u ka gudbo aanu kaso noqon Karin.

Marka la qoro waxa bilaabmaysa marxalada labaad oo ah in qofkan la dhalan

rogo, qofka waxa laga jaraya in u wax xidhiidh ah la yeesho cid ka baxsan iyaga

( outside world ) waana la go’doomineya ( isolation) , waana la maangurineya si

qorsheysan oo aad u heersaraysa, ( brainwashing and reprogramming)

kadibna waxa la marinya tijaabo xaga maskaxda iyo jirka ah tusaale ahaan inu

dagaalami karo, amarka qaadan karo ( first assignment ) badana waxay noqoto

in uu khaarajiyo qof u yaqaan ama ehel ay yihiin.

Waxaas o dhan marku ka gudbo wuxu ka mid noqonya xaabada dabka lagu

shidayo dadkana lagu gumaadayo.

Waxa iyana door wayn oo aad u muhiim ah ka qaadata waaxda warfaafinta

xarakada ee loo yaqaan al kataai’ib oo qaabilsan waxa afka qalaad lo yaqaan

propaganda waxay propagndada u isticmaalan si ay cadawuga ugu qaadan

dagaal nafsi ah oo si xirfadysan loo abaabuley ( psychological warfare) ,

waxay so duuban hawlgalo xirfadaysan oo ay fuliyeen ama askar ama shaqaale

dawlada ka tirsan oo ay si arxan daran u dileyaan, sido kale waxay aalada

warfaafinta xarakadu qayb laxaad leh ka qaadata helida ama qorshada askar

cusub ( recruiting ).

Sido kale wa muhiim in aan ogaano in wadamada aduunko dhan ay u joogan

rag u daacad u ah si qoto dheerna ula shaqeeya, waxa jira sido kale wadamo si

dadban u taagera alshabaab, tabobaro heer sare ahna siiya iyago kusi dhex

dhuumanya ciidmada dawlaada ee dibeda loo qaadayo,alshabaab waxa sido

kale ka dhex shaqeeyaan beelaha somaliyeed , waxa muhiim ah in aan naqaano

waxa ay yihiin waxa aan dagaalka la geleyna.

Waxaan soo qaadanay dhawr hawlgal o ay fuliyeen argagixisadu si aan idin tuso

inay fududahay in laga hortegi karo, si aan taa u ogaano waxa muhiim ah in aan

taarikhda islaamka iyo tan xarakada si fiican u naqaano, dhacdooyinki

waaweyna ee dhacyna waxay ino yihiin tix raac (timeline) laga ogaan karo

waxa ay so wadaan.

  1. Hawlgaladani waa hawlgalo ay si joogta ah u fuliyaan waana mid ay ka

leeyihiin ujeedo siyaasadeed iyo is muujin hawlgaladas waxay qaadan

marka uu wadanka gaar ahaan muqdisho yimaado madaxwayne ama

sarkaal wadan shisheeye metala sidi kii ay qaadee booqashadi

madaxwaynaha turkigu kuna taarikhaysana June/3/2016 iyo tii dhacay

January 22.2015

  1. Hawlgaladani waa kuwo niyad jebin ah waana weeraro ay qaadan marka

la magaacbo taliye cusub gaar ahaan ciidanka xoogga dalka ama

booliska iyo sirdoonka ama marka doorasho cusubi dhacdo waxa ka mid

ah ki dhacay April/9/2017 jeneraal cirfiid laguso dhoweeyey,iyo ki dhacay

February/19/2017 kow iyo tabna berry kadib doorashadi farmaajo

  1. hawlagaladani wa kuwo leh astaamo diimeed tusaale ahaan 17 bisha

ramadaan o kale waa kuwo ay dooneyaan in ay kusi adkeeyaan

xidhiidhka taarikhiga ah e ka dhexeya iyaga iyo islaamku marku bilawga

aha dhacdooyinki waaweyna ee dhacay

  1. Hawlgaladani waa kuwo xidhiidh toos ah la leh dhacdooyin taariikhi ah

oo so maray xarakada lafteeda tusaale ahaan marki la asaasay o kale ama

marki la diley amiirkooda, wa hawlgalo ay ku wayneeyaan jiritaankooda

ama ay ku aargudashadooda

  1. Hawlagalo ay qaadan xiliyad ama munaasabadaha wadaniga ah sida

maalinta asaaska xooga dalka, 12 april ama 26 june o kale ama 1 luulyo

badana waxa dhacda maalin ka hor in ay fuliyaan hawlgalada noocan ah

si ay jawiga munaasabada tacsi ugu bedelaan waayo maalinta

dabaaldega waa ku adkaanaysa in ay dhaq dhaqaaqaan

  1. Hawlgalada noocan ahani wa joogto wa hawlgalo ay ugu talo galeen

argagax gelinta dadka iyo curyaaminta dawlada wa hawlgal ay ku

badhtilmaameedsadaan shaqalaaha qaranka iyo cid kasta o kaso

horjeeda si loo aamusiyo loona curaamiyo dadka iyo dawlada wa in la

abuura xaalad cabsi ah oo joogto ah.

Alshabaab waxa laga adkaan kara iyada o lagu qaado dagaal noocya badan

waxaana ugu muhiimsan dagaal xaga sirdoonka ah , mid lagu curyaaminayo

ilaha dhaqaaluhu kaso galo, iyo mid fool ka fool ah, sido kale waxa iyana aad u

muhiim ah in dagaalka u wayn lala galo fikirka alshabaab iyo waxay u

dagaalamayaan lana ogaado meesha la inaga jiro, waa in lala dagaala waxay u

taagan yihiin ( their philosophy ) , sido kale waxa muhiim ah in la ogaado

wadaad o dhami inu iyaga la jiro waayo weli lama arag hal mid o ka hadlay xata

kuwa dalka dibediisa jooga,sido kale waxa lama huraan ah in la helo ciidan

sirdoon o ka dhisan dhan walba una tabo baran si lamid ah sida alshabaab

haday tahay hab ama xeelad dagaal, fikrka diimeed la yaqaan, afka qalaad e

carabigana la yaqaan ciidan fartooda dhigi kara.