Ayaanle Huur

Maxaa ka run ah Jiritaanka Awooda sare, waynaha ama Allah

Tan iyo marki dadku ay so galeen marxalda cusub ee isbedlka hab nololeedka iyo koridi garashada dadka, waxa mar walba jirey su’aalo ka hor imanyey garaadka dadkaas o ka wayna mar walba , waxa jireyey dhibaatooyin badan, waxa jireyey cabsi, waxa jireyey baahi ay u qabeen ogaanta waxa aan la ogeyn waxaan isku day doona in aan aragtida odhanysa jiritaanka ilaahay saarno miisanka garashada aadanah. Jiritaanka waynuhu waa aragti so jirtey qarniyaal badan, wa aragti ay dadka badidiisu ku qanceen, waa aragti keentay in ay xakamayso ama hagto nnolosha dad badan, hadaba waxaan is waydiin doona waxa aan la is waydiin Karin waxaynuna qaawin doona waxa aan la jeclayn in la arko. Inti ay jirtey nolosha aadanaha waxa jirey malaayin ilaah o kala duwan ma ahayn fikrada awooda sare wax cid gaar u ah ama u xidhan sida ay sheegtaan qolyaha bariga dhexe ee qaarada aasiya dega, sido kale cabsida iyo Tamar darida iyo garanwaaga waxbadan oo jirey waxay qayb laxaad leh ka qaadatay fikreda ilaaha ama awooda sare ama waynaha wax walba ka koreeya ee maamula xaga sarena kaso eega. Cabsida laga cabsanayo waxa aan la garanyni waxay maanka iyo garaadka dadka ku dhalisay aragtida jiritaanka waynaha, sido kale tamar daridu waxay keentay bahi loo qabo cid wayn wax walbana oo qaban karta oo la tuugo ama la baryo in la helo,sido kale habka koritaanka khaldan ee ubadka loo dhaliya wuxu keenay in aan ka shidaal qaadano baahida aan waalidka u qabno inay jirto baahi ka wayn oo ah baahida aan u qabno wayne aduunkan mamula dushana inaga eegeye sida hooyada iyo aabuhuba guriga u maamulaan, aragtidaas khaldani waxay odhanaysa gurigan yar e saddexda qof ka koobani mamul iyo xeer la’aan ma jiraye side aduunkan wayni u jira xeer la’aan? Waa su’aal aan meesheedi ool, waydiinta saxda ahi waxay ahayd waynaha laftisa inu jiro maxa cadayn loo haya? Maxaan baahi u qabna? Maxaan xidhiidh leenahay? Muxu ino qabtay oo aan garan karo? Muxu inaga raba? Muxu yahay micnaha ugu jira inu ina sameeyo? Muxu yahay danta u inaga laha? Waydiimahan iyo qaar kalo badan aya u baahan in laga jawaabo ka hor inta aan la aadin meel kale. Dadka qayb baa waxay ku doodeyaan in ilaahay ama awoodaas sare ay jirto iyago cadayn uga dhigaya kutubta ama diimaha dhulka yaal waxa ku qoran sido kale waxay daliil ama cadayn ka dhiganayaan dabeecada ama dhulka sida buuraha, badaha iyo nooloho dhan, hadi aan aragtidan iyo doodan jaban ee ku qoran diimaha aduunka yaal waxaan ka arkayna inay tahay dad same waxaana cadayn u ah wax badan oo maanta cilmiga casriga ahi jawaab u helay, laakin waayadi hore ahayd wax wayn oo aan qeexid loo hayn, waxa meesha imanaya waydiimo badan si jawaab loo helo, Tusaale ahaan markaan u eegno ilaaha ku xusan diinta islaamka wuxu sheegeya dhulka iyo noolaha sidu u abuuray, laakin waydiintu waxay tahay ilaahaasi ma awoodi kari waayey inu isaga laftiisu inala hadlo? Ama inu ina habeeyo (programming) sida qalabka dadku samysto si uu inoogu jiheeyo ama ino mariyo wadada u rabo? Muxu ku doortay in uu ku hadlo af ka mid afafka dunida weliba kuwa ugu liita uguna tira yar marka loo eego afafka waaweyn? Miyu waayey af isaga u gaar ah oo u inagula hadlo? Waxa kitaabka ku qorani markay been yihiin side isagu doonya in lagu aamino jiritaankisa?, abuurka dadka iyo dhulku ma u noqon karaan cadayn ku filan? Aragtidani wa aragti aan waxba ka duwanayn sheekadi dheg dheer ,wa aragti dad same ah, wa aragti oo qof waliba tamartiisa garaad ahaaneed dhan ula kacay qeexitaanka iyo xal u raadinta tamar daridiisa, waa aragti ku dhisan maan gaabnimo diimuhuna waxa weeye waxa ugu fool xun ee maanta aduunka kor yaal waana beenta ugu way nee qof aamino, laakin waa wax beryo ama maalmo adka laguso dhaafay, laakin garaadka dadku wali maalinti ma taagna.sido kale waxa imanaysa waydiin fac wayn oo odhanysa maxay tari jiritaanka ilaah aan aan la arki karayn? Ilaah ama wayne aan waxa aduunka ka socda waxba ka bedeli karayn? Ilaaha aan ka fal celinayn malaayinta qof ee tuugaya ama baryaya ? ilaah aan ka hadlayn kana xanaaqayn malaayinta naf ee loo goynayo si isaga loo raali gelinayo? Waydiimahani ma yimaadeen hadi ilaah jiro. Ilaahay in aanu ahayn wax jira maaha wax wayn oo cadayn u baahan laakin ilaa maalinti laga so baxay marxaladi kaynta waxay ahayd waydiin maanka wareerisey,sababo badan oo u gaar ahayd dadka waaga noola , sida garaadkoodo yara, wax walba oo ku cusba, cabsi badan oo jirte,y laakin si aad u ogaato in aanu jirin ilaaha la leeyahay xaga sare ayu fadhiya waxaad u baahantay inaad si qoto dheer ugu fiirsato habdhaqanka dadka, iyo waxa aduunka ka socda, labadaasi waxay kaaga filan yihiin in aad fahanto in aanu jiran waynaha xaga sare fadhiya ee ina soo eegeya. Maxa dhaliyey hadaba aragtida jiritaanka waynaha? Waxa dhaliyey cabsida laga qabo waxa aan la garanyn, waxa dhaliyey cabsida laga qabo geerida, waxa dhaliyey dhibta iyo cadaalad darrada aduunka ka jirta, waxa dhaliyey rafaadka ay dadku ku jiraan, waxa dhalay baahiyaha ay dadku qaban laakin aanay waxba ka qaban Karin, dadku waxay u baahdeen blawgiiba meel ay cabashadooda u gudbiyaan, meel ay kaga baxsadaan fikradaha maankooda ka guuxeya ee cabsida ku dhisan, ilaahay wuxu u noqday xuub caaro oo ay ka hoos galaan waxan oo dhib ah, taasi waxay keentay in ay wixi dhib ah ee ku dhacda, ama khasaare ah, ama ay garan waayaan ay awoodaas sare ama ilaahay u tiiriyaan o ay halka kaga hadhaan, maankoodi yara wu nastay, cabsidina wa ka baxday waxbana kama duwana qofka fikirka ilaahay aaminsani qof ka cararay dhibaatada iyo waayaha nolosha oo miciin bido maandooriyaha loo yaqan waynaha wax walba ku shuqul leh, wax walbana qaban kara, waynaha ugu talo galay in aan sidan u dhibaatoono. Suuragal ma tahay in aan u cawdo cidi dhibka gaystay? Suuragal ma tahay in an ku amaano denbiile kuna abaal marayo denbigu iga galay? Suuragal ma tahay cidi ku aabo tirtay, awoowona an kugu simin, gaajada, xanuunka, colaada, faqriga, iyo darxumada aduunka taala oo dhan in aan saraynta intaa leeg siiyo? Suurta gal ma tahay in aan aamino aan aamino wax aan jirin weligay arag, maqal, urin? Suurta gal ma tahay in uu daaha dabadiisa aduunka ka maamulo sidana uu ugu talo galay?. Jawaabta waydiimahani wa fududahay wa maya, xata kan dadka ugu arxan daran kama suurtowdo in uu sameeyo waxyaabaha ilaahay ku kaco waalidku ma gubi karo mana dili karo ilmaha u dhalay wax kasta oo uu sameeyo bal kawaran ilaaha la sheego? . Nolosha iyo aduunku isaga is wada, waayo hadi aanu is wadin cidna waxa dhacaya ma dheceen, sido kale xeer kasta oo loo nisbeeyo jiriitaankisana waa wax lagu qoslo been ah, aflagaado, caqli cay ah, is amaan iyo caga juglayn, arxan, darro kibir, kelitalisnimo. Si fiican hadaad taarikhda u eegto waxaad ogaan in aanu jirin wax ka xun ama ka khatarsan diin iyo ilaah oo caqliga dadku sameeyey marxaladai caruurnimada eek ala guurka ahayd, tan kale ilaaha islaamka kan yuhuuda iyo kan siikha waxba isma dhaaman, koox waliba waxa ay jeclayd bu ilaahoodu u sameeyey, ugu danbaynta ilaahu waa runta ahi wa caqliga dadka, waa caqliga dadka kan waxan oo dhan sameeyey, sido kale ilaahi somalida hore waaq waxba kama duwanayn malaayinta ilaah ee ka jirey aduunka lakin xaalad marka jirtey darteed aya daaqada ka tuurtay. Hadaba aragtdan dhibka badani goormay inagu dhalata? Aragtidani waxay inagu dhalata maalinta aan dhalano wax yar kadib, waalidkeen o laftiisu aaminsan aragtidan habaaran ayaa ku dedaala ubadkiisa yar yare aan tamarta lahayn inu caqliga ka maydho, qof waliba wuxu dhasha isaga oo madhan ama xaashi cad ah, waalidka dhalay ayaa ku shuba waxa uu jecel yahay, ama wixi isaga laguso shubay, wado xun oo laso mariyey ayu waalid waliba mariya ilmaha yare e aan waxba kala ogeyn, tamar uu wax iskaga shaandheeyona lahayn, waana hab khaldan ooaadanuhu kuso socdey waana waxa khatarta ugu badan ku leh nolosha aadanaha, koox waliba waxay isku dayda inay samysato ahaansho gaar ahaaneed, sida darteed wa in ubadka dhalanaya lagu shuba waxa waalidku saxda u arko si aanay uga baydhiina wadada, sido kale waxa laga so xidha ubadka yar yar wado kasta oo ay wax isku waydiin karayeen waa sababta diimaha ay ugu jirto in is waydiinta darxumo lagu muto. Hab nololeedka khaldan iyo maandoorinta ubadka si ummad ama dad gaar o isku xidhan loo dhiso waa ka dhalay in bulshada aduunka ku nool dhamaantood ay ku dhacan khaladkan, waana sababta ay marba marka ka danbaysa uso xoogaysanysey aragtida jiritaanka ilaaha, waayo ilaahyadu waxay qayb wayn ka qaadan jireen asaaska bulshooyinka, waxay ahayd wax ay dadka kale ama bulshooyinka kale kaga duwan yihiin,sido kale aragtida ilaahu waxay ahayd wax dadka lagu maamulo,lagu cabsi geliyo looguna caga jugleeyo, welibana qaar lagu caayo. Maalinba maalinta ka danabaysa sheekada ilaahu waxay samynaysey horumar halki ay xiliyada qaar ahayd qoraxdu ilaahay, ama dabaysha, ama bahalaha qaar kamid , waxay isu bedeshey mid ka wayn o waxan o dhan sameeyey, maalinba maalinta ka danbaysa dadku kutubta ay qoraan waxay ilaahooda gaarka siinayeen awood xad dhaaf ah,sido kale kitaab kasta o diimeed ama aragtida ilaah ku qoran tahay isaga ayaa isugu filan is burin iyo been. Waxaa hubaal ah aragtidan marka loola kaco dhinaca diinta in ay iyadu isugu filan tahay is burin, bal aan eegno qaar ka mid ah ilaaha islaamka iyo wax yaabaha u sheegto ,laakin horta bal aan cabaar aamino in ilaah jiro 1. Ilaaha islaamku wuxu sheegta inu yahay naxariis badane isaguna uu dadka uga naxariis badan yahay hadana wuxuu abuuray geerida, cudurka,gaajada, cadaabta side naxaris u sheegan kara 2. Cadaalad: side ilaahay cadaalad kku sheegan kara marku dadka qayb u abuuray inay naarta galaan, side caadalad ku sheegan kara marku sheegay in dadku kala sareeyaan, isna adoonsan karaan 3. Sido awood wayni ku sheegan kara marka u ilme yar ka badbaadin waayo geeri ama dhibaato, haduse ugu talo galay ma u qalma in ilaah ahaan loo si haysto? 4. side ku sheegan kara wayni isago raali ka ah inu samaysto adoon u heesta una ciyaarta magacyo badana ugu yeedha si ay u raali geliso miyaanu ahayn mid xanuusanaya oo xanuunka isla waynida qaba 5. ilaaha islaamku wuxu ku raaxaysta dhaca dilka,kufsiga aduunka ka jira ilaaha islaamku wuxu jeclyahay galmada, ilaaha islaamku wuxu aad u neceb yahay dumarka, ilaaaha islaamku wuxu u eeg yahay sida qof maanka ka jirran oo jecel kku raaxaysiga dhibta dadka isla markaana dadki u baahan, waayo hadaanu u baahnyn o aanu jiranayn dhibka aduunka ka jira ayu mar hore ka dul qaadi laha , laakin ma jiro si uga dul qaado. Mar walba su’aal ayaa meesha imanysa una dhigan sidan ilaahay ma isaga inoo baahan mise inaga u baahan? Wa iska fududahay ilaahay isaga ino baahan waayo hadi aanu ino baahnayn inama sameeyen, ilaaha wayni muxu inoga baahan yahay? Waxba, o hada muxu ino abuuray? Wa waydiimaha u yaal kuwa aaminsan jiritaanka ilaahyada. Aragtida labaad ee ku dhisan cilmigu gebi ahaanba waxay diideysa aragtida diimaysan ee jahliga mugdiga iyo waa la yidhida ku dhisan ee aanay jirin cid cadayn I tus oo I taabsi ah u heli karta, aragtidani waxay ina tusaysa in caqliga dadku yahay cidda dhabta ah ee ka danbeeysey samaynta sheekada jiritaanka ilaahay, waxayna ahayd marxalad uu u baahna maadaama ay jireen waxyaabo badan oo aan caqliga dadku jawaab u hayn, cabsi iyo garanwaa jirey . Aragtida cilmigu waxay gebi ahaanba baabinaysa oo beeninaysa si ku dhisan I tus oo I taabsi wax kasta oo ku qoran kutubta diimaha, sido kale garashadeena kortay waxay ina tusaysa waxa kutubta ku qorani inay yihiin been maalmo madow lagagso gudbey oo ay ahayd maandooriye lagama maarmaan ah laakin maanta aanay shaqayneyn, garashadeenu waxay ina leedahay saddex kun o sano ka hor wixi aan is gaadhsiin ahaan u adeegsan jirney maanta uma baahnin sida si lamid ah diintana uma baahnin waqtigeedina wa dhacay waxayna ahayd wax dadku samysteen si ay ugaga gudbaan maalmaahaas madooba. Aragtida cilmiyaysan iyo garashadeena koriitaankeedu waxay wax walba saaren miisanka cilmiga iyo aqoonta, waxayna u bandhigeen garsoorka maanka maanta waxaan fahaney in dhibka diimuhu ka badan yahay wax kasto ina so maray, maanta waxaan ognahay in aanay jirin wax baahi ah oo aan u qabno diin ama ilaah. Dadku isaga ilaah isu ah, kala garashada xumaanta iyo wanaaga uma baahna sharci ama diin aad raacdo waa wax kugu abuuran, adeegsiga caqliguna wa furaha guul iyo caafimaad waara, laakin diintu waxay ku leedahay ha adeegsan garashada ee kitaabka adeegso taasina wa ado gacantaada isku dila. Waxa jawaab kuugu filan waydiin kasta oo aad ka qabto jiritaanka ilaahay in aad labadan cadaymood ee is diidan , is barbardhig aragtida odhanysa ilaahay waa jira ee ku qoran diimaha oo dhan ado ka baxaya xayndaabka aad ku xidhan tahay, sida si lamid waxaad si madax banana o ka fog nacayb iyo beenin waxaa u eegta aragtiyaha cilmiga ku dhisan, sido kale waxaa diinta ku qooran u bandhig cilmiga casriga ah waan huba inaad heleyso jawaab kugu filan. Ma kala ogaan kartid waxa run ah iyo waxa aan ahayn ilaa aad wax walba ku eegto indho iyo garaad caafimaad qaba oo dhexdhexaad ah, ha kku noolaanin waa la yiri, wax is waydi, cabsidana ka kor. Ilaahay ma jiro, waa hadu yahay ilaaha diimaha ku qorane, ilaahay wa garashadeena wa hadu jiro ee, ha cabsan hana xanaaqin, dib u noqo tag bilawgi is waydi maxaan uga baahanahay ilaahay? Muxu ino taray? Maxaqba in aan ilaaha ahaan u aqbalna markaan eegno waxa aduunka rafaad iyo xanuun, colaad, faqri geeri ka jirta welibana uu cadaab iyo jiidh dil ino dheertahay? Ma xaq ba in aan yeelno ilaaha kelitaliyaha ah, sidu doono yeelaha ah, waxba aan ina waydiin, wax walbana inoga baahan, ilaaha dilka inala daba taagan? Ilaahay wa garashadaada, ilaahay wa xanuun iyo maandooriye waayo madaow oo caruurnimo garaadkeenu ku jirey lagaga soo gudbey maanta se aan baahi loo qabin. Diin iyo ilaah ka wayni ma jiraan garashada xorta ah ee fayow ee aadanaha, ilaah iyo diin ka fiicani ma jiraan cilmiga casriga ah ee uu dhalay garaadka aadanaha ee koray welina koreya, ilaahasa mudan in la caabude denbi ha ka gelina, ilaahasa mudan in la wayneeye ha ka hor imanina, garashada o laga horyimaada wa lagu halaagsama, garashadaadu waa waxa aad wax ku kala garato waa waxa dhib o dhan kaaga diga, waa waxa habeen iyo maalin badbaadada iyo horumarkaaga ka shaqaynaya. Garashadaadu wa ilaahay ogolow haku badbaadise ama ku gaalow aad waalatide o xanuusatide, ma jiro xanuun ka xun garashada oo la diida.

About the author

admin