Axmed Nuur Taarwale Qorraalo

carab .

 

Marka aanu magacaas maqallo waxa ay nu xasuusanaa diinteenna Islaamka.

Tobankii qarni ee ugu dammeeyay saamayn aad u balaaran ayaa ay inagu lahaayeen. Soomaalidu maahan dad u furfuran shisheeyaha aan la afka iyo dhaqanka ahayn balse waxa la yaab leh sidii ay inoo dhex galeen iyadoo ay san jirin diin maahee wax kale oo ay nu wadaagno.

Inuu Hitleer ahaa baan filayaa ninkii garowsaday in ay adag tahay in la la diriro wax la diimayay in ka badan wax aqoon ku dhisan.

Si taas la mida, qoladaan shisheeyaha ah laba mar oo kala duwan ayaa ay saamayntoodu inagu soo baxday.

Markii koowaad waxaa galaangal dheer inagu yeeshay labadii dawladood ee carbeed ee kala dameeyay (Umawiyiintii iyo Cabaasiyiintii). Labadaan dawladood oo mid kastaa hal qoys uun iska haystay dhib mooyee dheef kuma ay naan qabin.

Waxa ay waxyeello wayn u gaysteen Afkeennii iyo dhaqankeenii. Intaas inooga ma ay san harin ee waxa ay isku dayeen in ay burburiyaan jiritaankayaga, waa na xiliyadaas xiliyada la sameeyay abtirsiinyooyinka beenta ah ee la leeyahay waxa jiray Oday la yiraahdo Daarood iyo Shiikh Isxaaq iwm oo ka soo jeeda carab.

Intaas keliya dhibtu kuma ekayn ee waxaas iyo wax ka badan ayaa ay nagu dhifteen.

Xasuusnow, in ay carabtu yihiin qolyihii falkiyay dacaayadii waynayd ee ahayd wiilashii Nuux mid ka mida oo la yiraahdo Xaam ayaa aabihii habaaray kadib ilaahay ayaa doorshay oo u yeelay waji gubtay (madow) timo adag iyo san wayn, waxaa na loogu talagalay dadkaas in la adoonsado.

Nasiibxumo iyo nasiib wanaag tii ay tahay ba, carabtu ma ogayn in aan anagu nahay reer xaam taas bedelkeed waxa ay ka dul dheceen Baantuugii bariga Afrika inagoo og gabood faladii isugu jiray kufsiga, boobka, dilka iyo adoonsigii dadyowgii madowga ahaa ee ay ka gaysteen dawladahaasi bariga iyo geeska afrika iyagoo qaaday adoontii ugu badnayd abid ee qaarada laga qaado.

Marka aad fiirisid sooyaalka xun ee ay carabi ka gashay geeska Afrika tobankii qarni ee la soo dhaafay waxa ay ku tusaysaa in ay san wali ka waantoobin in ay gumaysi diimaysan weligeen iyo waaqeen ba nagu khatalaan.

Waxa ay ahayd Lixdameeyadii markii anagoo curdin ah oo markaas gumaystihii xumaa ee galbeedku inaga kacay ay carabi sideedii xiriir inoo la soo samaysay. Anagu kama waynaano xumaanta carabta iyo lugooyadooda oo waxa aanu moodnay in ay wanaag inoogu imanayaan.

Waxa ay inoo bilaabeen deeqo waxbarasho oo aan oran karo waa ay sumaysnaayeen. Inaga oo lixajeclaysanayna xoogaaga carabtu inna siiso ayaa aanu ku biirnay jaamacada carabta oo khasaare mooyaane ay naan dheef ku qabin illaa maantadan.

Caruurtii deeqaha waxbarasho soo dhamaystay halkii laga sugayay in ay wax na taraan ayaa ay waxyeello iyo buuq cusub bilaabeen. Mar waa kuwaan iyagoo dadka caqiidadooda duraya oo leh diin cusub baanu sidnaa iyo aragtiyihii Ina Cabdiwahaab, mar waa kuwan iyagoo diidan in waaridkii la siyaartoo loo soo duceeyo, mar kale waa kuwaan iyagoo qofkaan iyaga ahay Mushrik ku sheegaya, hadana waa kuwaan iyagoo wax kala gaalaynaaya nidaamkii meesha ka jirayna umadda ku diraya.

Xiligaa dawladii kacaanka ayaa jirtay oo caburin ku haysay loo mana ogolayn in ay nacayb faafiyaan se markii dawladii dhexe duntay waxa ay heleen fursad ay caruurta ugu labisi karaan dhar carbeed ugu khudbayn karaan af carbeed uga na dhaadhicin karaan in carabi tahay cidda keliya ee ilaahay doortay oo afkoodu yahay midka keliya ee Aakhiro lagu hadli doono.

Intaas keliya ma barin ee waxa ay bareen in soomaaliya wixii todobaatankii ka horeeyay ay san oollayn diin saxa oo iyagu ay keeneen. In dadku cawaan qaaqaawan ahaayeen oo iyagu dharka bareen. In dadku ahaayeen kuwa caabuda dad kale ee aan ilaahay aqoon.

Intaa kadib waxa ay caayeen nidaam kasta oo xal loo arkay ugu dammayn waxa soo baxay jiil u diyaarsan argagaxin iyo inay qarxiyaan dadkooda. Waa jiilkaas jiilka maalin kasta hilbaheena dhulka waraya. Waa jiilkaas jiilka meel walba taagan ee qofkay arkaan Cilmaani iyo caqlaani ku sheegaya, wadaadadooduna ay baraha bulshada ay ka wadaan Fadwooyin cantarabaqash ah oo lagaga Fadwoonayo qof Alliyo kii aan la aragti ahyn. Waa kuwa ka fadwooda gabar yar oo mooto raacday ama meel ka heestay se aan ka hadli karin qaraxa, dhaqaala xumada, haybsooca, dawlad la’aanta iwm.

Waa kuwa aan la tusi karin qoondada haweenka oo maalintii waxaas laga hadlo qayladoodu uunka wada gaarto se marka masiibo nagu habsato la waayo meelay jaan iyo cirib dhigeen.

Ugu dammayn carabtii waxa ina gayaysiisay waa tan maanta Soomaaliya laba koox u kala jebisay ee kala furfurtay doonaysaa inay dekadahayaga curyaamiso iyagoo Magaca Eebbe nagu dagaya.

Isla carabtaas aan xumaantooda ka soo sheekeeyay ayaa aanu maanta leenahay “Maxay dawooyin inoo la soo gaari waayeen”.

Jabkaan iyo halaagaan maahan wax cusub ee waa luggooyo ay waligeen iyi waaqeen inagu hayeen hana ka sugin arxan waayo ninku dilay har kuu ma jiido!

#SayIlaTahay Maaha ee waa #SayTahay!

 

Qalinka. Axmed Nuur Taarwale