Qorraalo Shaafici Xasan Maxamed

Aniga iyo aakhiro

Aniga iyo aakhiro

”Naf” bay dadka aan aakhiro weligood tegini sheegaan, waxa ayna intooda naftaas jeceli ku maahmaahaan ”Naftu waa ay macaan tahay”. Badankoodu in ay naftu ku raagto ayey jecel yihiin si ay u sii joogaan meelihii ay u barteen, ama se ay u la sii joogaan dadkii ay garanayeen, laakiin waa ay hubaan in nafta laga sarriijin doono. Waxa ay qaarkood og yihiin in nafta ay weligood jeclaayeen uu Eebbe aad u weyni dadka, duunyada iyo dugaagga ka qaado iyo in malag yar oo uu ku adeegtaa noolaha nafta ka sarriigo.

Dadku wax kasta oo aysan la kulmin aragtiyo baqdin iyo qalo leh bay ka qabaan, waana gartood oo la ma ay qabsan. Wixii aysan la soo qabsan waa ay ka baqaan. Kuwa ugu doqonsan baa ugu jecel in ay naftu ku sii jirto. Awal nafta oo ku jirta ayey ku caqlisadeen. Haddii uu Eebbe malag adeege ah u soo diro oo qofkii uu nafta ka xayuubiyo uu hore janno ama naar loo diyaariyey ka geeyo maxaa looga baqayaa? Ma jannada iyo naarta uu Eebbe diyaariyey baa laga baqayaa?

Waxaa la wada og yahay in ay dowlado nacab ah oo ay midda Maraykan ugu danbaysaa xasuuq cadownimo ah guud ahaan iyo gaar ahaan u sameeyeen. Qofkii aan xasuuq ku dhiman waxaa la wada og yahay in uu iskiis u naf beeli doono, oo uu kolley sugayo malag yar oo uu Eebbe weyni ku adeegto.

Sida uu Eebbe u weyn yahay in ay jismi ahaan tahay, in ay xoog tahay, in ay xeel tahay iyo in ay tahay si aan la fahmayn dad badan baan ogeyn. Waxa keli ah oo la wada og yahay waa in uu malag miskiin ah u soo diro dad iyo duunyo wixii dhimanaya. Eebbe ma uu u baahan yahay in uu malaggaas dilaaga ah noolaha u soo diro? Haddii la sheego in uu u baahan yahay waa gaalnimo oo Eebbe xoog weyn lagu sheegay in uu baahan yahay in loo maleeyaa waa maagis loo la bareeray. In uu malag diro in uusan u baahnayn baa ah sida runta ah, ha yeesho ee wax uusan u baahnayn marka uu samaynayo yaa u baahan oo uu qancinayaa? Ma malagga miskiinka ah oo loo diray in uu neef ama nafley kale nafta ka gooyo ayuu Eebbe qancinayaa? Ma nafta la jarayo ayuu qancinayaa?

Maya! Waxaa la sheegaa in uu Eebbe kibrey, ruuxii kibraana waxa uu samayn karaa waxyaalo aan ujeeddo lahayn. Adeegsashada malagga miskiinka ah wax ujeeddo ah Eebbe ka ma uu laha ee markii uu kibir ka batay buu wixii uu rabo iska sameeyaa. Kibirkiisa waa in laga baqaa kol haddii aan loo hayn wax laga hor geeyo.

Anigu Eebbe mar uun baan arkay oo kibirkiisa ma aan awaali karo. Waxa kale oo aan arkay rati ama awr kibrey. Sida uu kaadida miskihiisa ugu guduudiyey iyo sida uu daamankiisa xunbada uu tufay ugu madoobeeyey waxaa ka darnayd sida uu tunkiisu dawaad dhuxul la moodo u la madoobaadey. Rati kale oo kasta dhaqso ayuu uga adkaanayey oo xooggiisa iyo xeelihiisu aad bay u yaab badnaayeen. Kibirkiisa waxa uu jeclaa in galabtii marka uu doobbiyo ay boqollaal halaad oo qaalmo u badani goojiyaan, shinbiruhuna ay meel kasta ka ciyaan iyaga oo ka subxaanalaysanayey kibirka ratigaas surkiisa iyo samayskiisa la moodey wax aan la moodi karin.

Aniga qof ahaan waxa ay dadku ”Naf” u yaqaanniin waa la iga qaaday maalin cad oo harkii la joogey. Waxa aan u malaynayaa in Eebbe oo aan malag yar ku soo dabo gabban ee iskiis ii soo aadey uu iga qaaday. Waxa kale oo aan filayaa in uu markaas malagga ka kaaftoomay si uu aniga gaar ahaan ii tuso kibirkiisa xad-dhaafka ah iyo awooddiisa uusan u baahneyn malag yar oo iga soo saara naftayda macnaha yar oo aanan garananeyn sababta ay iigu jirtey. Ma aan aamminsaneyn in ay nafta igu jirtaa leedahay macne kibir la ii muujiyo, mana aan ka la saari karo in malaggii yaraa la igu soo diray iyo in uu Eebbe laftiisu u tafa xaytey in uu kibirkiisa i tuso. Midda danbe ayaa raajax ah oo meesha malag ku ma uu jirin marka dhan kasta laga eego ama aynu dood saxaafadeed qabanno. Waxa arrintaas xaqiiqo ugu filan in aan soo bandhigo sidii nafta la iiga qaaday, aniga oo runtii Eebbe abaal ugu haya in uu si wanaagsan ii la dhaqmay oo uu gob yahay.

Meel Yurub ah baan joogey markii uu Eebbe oo toos u kacsan ama malag lagu adeeganayey i soo abbaaray. Male’awaallada aan in uu Eebbe naf dilo ka haystey waxaa ka mid ahaa in uu qofku marka uu gaboobo foolxumadiisa bulshada ka dhex saaro isaga oo nadaafad xeerinaya, waayo qofkii gaboobaa waa uu foolxumaadaa xataa haddii uu qurux badnaan jirey. Aragtidaasi waxa ay ka mid ahayd saadaalaha habboon oo aan Eebbe wanaag u filayey. Waxa kale oo aan ogaa in ay xoolaha ku soo boodaan kud iyo qanje oo uusan Eebbe lahayn xilli sida roobabka gu iyo dayr loogu xisaabtami karo ee uu dadka iyo duunyada ku kediyo. Gabar walaashay ahayd iyada oo 15 jir ah bay nin la siiyey diiddey sanad ka dib subax baa low laga qabtay. Sidii ay lowgii uga cabanaysey bay naftii ka baxday, aniguna 6 baan jirey oo waa aan ogaa in uusan Eebbe u dilin foolxumo uu ummadda ka dhex saarayey ee uu kibir u diley. Walaashay quruxdeedii marka aan xusuusto waxa aan ogaadaa in uu Eebbe kibrey oo uu ku falan yahay dilitaanka ciddii uu maago.

Anigu markii nafta yar la i seejiyey isbitaal baan joogey, waxa aanna ogaa in rugaha caafimaadku ay yihiin meelaha uu inta badan Eebbe ka ugaarsado. Dad badan buu hore ugu laayey meelo caafimaad u furan. Meelaha sidaas ahi in ay in naf lagu badbaadiyo u furan yihiin haddana uu Eebbe micidiisa geerida la dhex taagan yahay waa yaab, laakiin waa run qayaxan oo uu qof kastaa og yahay.

Sariir madow baan jeego ugu jiifey, waxa aanna isu haystey nin yar oo timuhu waxa ay iigu jarnaayeey sida 20 jirrada, dharkayga caadiga ahina waxa uu ahaa sidii ugu danbaysey. Cirrada oo la sheego in uu Eebbo dadka ku maago ma aan lahayn, muruqyadaydu sida ay u kuuskuusnaayeenna hadba derbiga ayaan feer ku garaacayey. Kolkii la ii yimid ma aan xirnayn dharkaygii xarragada oo uu Eebbe igu nabadgelin jirey muddo dheer, ee waxa aan xirnaa maryo goobta geerida ama gegida caafimaadka laga xirnaa oo cadcaddaa, aadna u liitey.

Waxba yaanan hadal badan idin ku daalin ee mar qur ah bay indhahaygu kor u salladmeen, oo aan geesaha dhanna eegi kari waayey, waxa aanna dareemay jirrooyin aanan weligay soo marin oo ay ka mid ahaayeen yaqyaqsi badan oo uu matag i hayey, tigtignaan badan oo aan kor u sallladnaa aragga ahaan iyo addimo ahaan, xanaaq la i moodey in geelayagii la dhacay.

In aan hadlo ayaan isku deyayey, bal se cunaha ayaa la igu dhegganaa, oo cunaha iyo dhuunta siriq baa igaga roorsanayd. Indhahaygu kor keli ah bay eegi kareen, laakiin dheguhu meel gaar ah ma ay eegayn oo waxa ay la mid ahaayeen mashinka wax lagu xaaqo oo wax kasta iska liqa. Waxa aan dareemay in aan la ii turayn, waxa aanna soo xusuustay nin dagaalladii qabyaaladda joogey oo ii sheegay in aan qabyaaladdii dalka la isu turi jirin, waxa aanna aniga oo gariirayey iri

”Qabiilkee baad tihiin?”.

”Soo bax nafyahay xumi!”.

Baan maqlay aniga oo dareemey in meel aanan garaneyn la ii taxaabayey. Gacmaha iyo cagaha waxa fooddooda ka taagtaagan oo 20 isku ah soomaalidu dhammaandood “faro” ayey u yaqaanniin, laakiin dadyow kale kuwa cagaha magac bay u yaqaanniin, kuwa calaacalahana magac kale. 16-ka farood iyo 4-ta suul waxaa la moodey in koronto ama dab silloon la iga geliyey, waxa uuna xoogga korontadu sii xulayey afarta addin. Meesha uu xanuunka badani marayo inta ka shishaysa oo uu xanuunku soo dhaafay in la iga gooyey oo kale ayaan dareemayey. Waxa aan isu haystey in aan alaladayey ama aan aad u taahayey, mana aan hubo. Waxa aan maqlayey digasho uu qosol ku jirey. Dad badan baa u haysta in uu Eebbe afka carabta jecel yahay, waa se been oo markii aan nafbaxayey af soomaali buu ku hadlayey. Af soomaaliga uu ku hadlayey ma uu ahayn Garamgaram iyo Qaldaan ee si wanaagsan buu luqadda ugu hadlayey sakaraadkaygii. In aan qolo maago uga ma aan jeedo ee sidii nafta la iigu dhibay aniga oo aan dhagar iyo eed qabin baan ka faalloonayaa.

Marka uu sakaraatul mowdku ku hayo been ma sheegi kartid, la mana faani karo. Indhaha hillaac xun baa igaga furmay, dhegahana qaylo foolxun oo uu qosol foolxumi ku jiro. Cadaabkii addimada waa uu ka soo dhammaaday oo inta kale ayuu isugu ururay, waxa aanna dhegaha oo biro la igaga sharqaminayey ku maqlayey

”Soo bax nafta xumay!”.

Madaxa iyo saabka ayaa biro dabaysan la igaga garaacayey, waxa aanna maqlayey sharqan weyn oo foolxun oo leh

”Naf yahay xumi soo bax!”.

Sidii la ii garaacayey bay dhibtii madaxa ku soo koobantay. Indhuxu waxa ugu xun bay arkayeen, dheguhuna waxa ugu liita ayey maqlayeen. Afku waa uu tikhraarmay oo erey ma aan oran karin. Nal weyn baa sankayga ka soo baxay, oo qolkii oo dhan ifiyey, waxa aanna noqday ifkaas baxay oo waa aan duulay. Jirkii isbitaalka ku haray iyo aniga oo if duulay noqday isu ma aannaan hiloobin, waana aan nefisey intii aan aniga oo if ah hawada ku sii jirey. Eebbe meel fog buu joogaa oo uu ifku saacado u socdo, ifkuna waa waxa ugu dheereeya inta la og yahay. Rumayso ama ha rumaysan ee Eebbe aad buu u weyn yahay, waxa aana aan la yaabay markii aan carshigiisa aniga oo if ah gaarey weynankiisa iyo sida uu carshiga ugu sugan yahay. Isaga oo xanaaqsan buu igu yiri:

“Maxaad iga soo doontay?”

Indhaha Eebbe waa mid lagu gubanayo iyo mid naxariis ah, waxa aanna aniga oo ishiisa naxariista ah eegaya ku iri

“Waa la i soo khasbay oo gabar aan jeclaa baa dhulkii jirta”.

Runtay bay ahayd oo gabar gaaban oo hogfo leh baan jeclaa. Lugeheeda hogfaysnaa waxa ku dhex jirey ma aan gaarin oo xog buuxda ka ma aan hayo. Koodad iyo dhafoorro waaweyn oo indheheeda qariyey bay lahayd. Timaheedu aad bay u yaraayeen oo wax hoolmay baa la moodey, barideeduna simaha ama geesaha ayey u baxday oo gadaal bari ku ma ay hayn. Garbo isku soo jeeda oo naasaha ka horreeya iyo afar fool oo dheerdheer bay lahayd, waxa ayna ku dhalatay magaalada Luuq. Eebbe isaga oo il naruuro leh iga eegay buu yiri

“Nin kaa horreeyey baan isaga oo ay cayshadi u laaban tahay ku khaldamay, cid aan aniga ahayn oo aan khaldaminina ma ay jirto. Nin ruush ah baannu aakhiro ka celinney oo dhulkiisii ku celinney, adiguna u ma aad ekid nin uu calafkiisii adduunka ka soo dhammaaday, ee dunidii ku laabo. Yaan lagaa maqal in aad dhimatay oo naftaadii lagugu soo celiyey, waayo nebiyo ayaan ka diidey in la celiyo macaada laahi waa adiga oo tuug ahe”.

Markii uu hadalku intaas marayey baan ku fakarey in Eebbe loo sheeko xumeeyey, waayo weligay wax ma aan xadin. Mar baan aniga oo siqiir ah nin wadaad ah xoolo la soo ururiyey, ka dibna aniga oo arradan buu lacagtii ariga santuukh bir jilicsan ah ku gurtay. Santuukhii baan qalbaciisii kore xoog ku fedey oo lacag isku xiran gudaha ka soo ruqsaday. Waxa aan iibsadey funaanad iyo hoosgunti. Taasi tuugnimo ma ahayn, ee wax aanan fahmin buu Eebbe ka hadlayey. Waxaa Eeebbe hortiisa yiil miis ka weyn samaawaadka iyo arlada oo la isku daray, waxaana miiska saarnaa baakad sigaar ah oo ka weyn samooyinka iyo koob cad oo la eg dhulka boqolkiis. Eebbe wax ma uu cuno, waxna ma uu cabbo ee baratakool ahaan buu miiska iyo waxa dul saaran uga jeedey. Waxa uu Eebbe igu yiri: “Dhulkii isaga laabo. Kolley haddii aannu aakhiro kaa celinney lagaa ma doonayo camal danbe in aad adduunka ku samaysid ama aad iga baqdid. Wax allaale wixii aad doontid samee haddii ay sino ahaan lahayd iyo haddii ay khamri iyo qaad ahaan lahayd”.

Markii aan Eebbe ka soo tegey waxa aan dareemayey fudayd iyo farxad, waxa uuna ii dhiibey lacag fiican oo riyaalka Sucuudi Caraabiya ah, oo uu u qorsheeyey in aanan aniga oo faro maran dhulka ku soo laaban. Run ahaantii lacagtaas waa aan u aayey oo deymo adduunka la igaga lahaa baan isaga bixbixiyey.

 

Shaafici Xasan Maxamed

Dhalaandhuux@hotmail.com