Abdinur Abdella Qorraalo

Dowlad taag daran oo Tala xun

Dawlad taag daran oo Tala Xun!
Tan iyo Doorashii Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadda Raysal Wasaare Kheyre oo ay dadku ka qabeen rajooyin aad ubadan iyo yididiilo wanaagsan waxaa soo badanaya arrimo badan oo marwalba jabiya muraayadda shacabka Soomaaliyeed. Doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (MCM) waxay shacabka Soomaaliyeed muujiyeen qaddarin iyo jaceyl dhab ah oo aan xad iyo beel lahayn oo isku duuban. Waxaa aad u caan baxay eraygii wiilkii dhalinyarada ahaa ee “AR FARMAAJO II GEEYA” oo dunida dhan ka noqdey caan iyo halqabsi wanaagsan. Ujeedadaasi ma ahayn mid beeleed mana ahayn mid daan gaar ah ee waxey ku qotantay Qaranimo, waddaniyad iyo rajo wanaag laga qabay Madaxweyne MCM. Balse tan iyo intii uu shaqo galay isaga iyo xukuumaddiisa waxaa bilawdey arrimo badan oo loo baahnaa in dawladdu go’aamo muuqda ka qaadato balse rakaadey. Jileec badan oo dhanka dawladda ah iyo hadal badan oo aan hubsiimo lahayn ayaa kusii badanayay Dawladda waxayna mareysaa maanta meel aad u durugsan marka la eego muddada yare ee ay xukuumaddani hawlgaleysey iyo meelaha ay fanatay oo aad u durugsan. Kasakoow eedaha iyo caqabadaha muuqda waxaa hubaal ah in xukuumaddu ay muujisey dadaal dhanka Amniga ah oo ku kooban Magaalada Muqdisho oo ay tahay in lasoo dhaweeyo looguna mahad celiyo nadaamkii Xasilinta Muqdisho waloow baryahan dambe uu hakad galay ayna u badan tahay in hawluhu sidoodii ku laabtaan. Haddii aan soo koobno dhacdooyinka ay dawladdu ku guuldarreysatay iyo xasaradaha ay abuurtay waxaa kamid ah.
1- La dagaalanka Musuqa: Dawladdani waxey si hoose iyo si koreba ugu celcelisey iney la dagaalameyso Musuqa taasoo sahashey in xukuumadda laftigeedu si ula kac ah ugu dhaqanto Musuqii dadka looga digayay. Tusaale ahaan maanta waxaa si toos ah isugu xiran Guddoomiye kuxigeenka Bangiga dhexe Drs Maryam iyo Xafiiska Raysal Wasaaraha waxuuna Raysal Wasaaruhu faraha kula jiraa shaqadii wasaaradda Maaliyadda iyo middii Xisaabiyaha Guud. Isaga kaliya ayaa ka qaata waxuu rabo Bangiga dhexe cid kale oo loo ogol yahayna ma jiro. Guddoomiyaha Bangiga dhexe Dr Bashiir Ciise wax shaqo ah ama awood ah ma lahan waxaana hawsha maaliyadda dhan wada Maryan. Intaas waxaa dheer in Xukuumaddani ay hor istaagtay kulamadii labada gole tiro laba jeer iyadoo bilawdey laaluush iyo bixin kharashaad ay ku kasbaneyso Xildhibaanada si xasaradda loo dajiyo. Lacagta la bixinayo waxaa iska leh shacabka Soomaaliyeed waxaana nasiib darro ah in Farmaajo iyo Kheyre ay maanta mareen jidkii caanka ahaa ee umadda Soomaaliyeed taqaanay waana Tala Xumo la garanayo meesha ay ku dhamaan doonto.
2- Burburinta Hay’adaha Dawladda: Xukjuumaddu waxey bilawdey si degdeg ah waxaan marna kasoo dhicin xukuumadihii ka horeeyey oo ah burburinta hay’adaha dawladda oo kusoo shaqeeyey duruufo adag. Tusaale ahaan wasiirada Xukuumadda oo ogolaansho hoose ka heysta Raysal Wasaaraha ayaa bilaabey iney si aan sharciga waafaqsaneyn shaqada ugu qaadaan Agaasimayaal iyo Xoghaye yaal ku magacaaban Dekreeto Raysal Wasaare. Waxaa intaas dheer in xukuumaddu ku dhawaaqdey iney rabto iney Xayeysiiso dhamaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha taasoo noqon doonto dhibaato aan laga soo waaqsan doonin. Sababtoo ah waddanku ma lahan xasuus iyo nadaam qoran oo la raad raaco waxa wasaaradaha wadayna waa maamulka sare oo marwalba oo ay wasiiradu is baddaleen iyagu joogteeynayay shaqada hay’adaha. Haddii hal mar la xaaqo agaasimayaasha waxaa iman doona dib dhac aad u weyn oo lamid ah midkii magaca yeeshey ee xiligii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Waxaa jira in Xukuumadda iyo Wasiiradu ay wataan dad gaar ah oo ay dibadda ka keensadeen ama ay qaraabo yihiin. Wasiirada ayaa bilaabay iney ku heshiiyaan adna mid ii keenso ana aan mid kuu keensado taasoo ka dhigi doonta dawladda mid meel cidla ah ku dhamaata. Talaabo walba oo dib u dhac ku keenaya dalka waxya noqon doontaa mid laga sheekeeyo. Dad ku dhaw dhaw Xafiiska Raysal Wasaaraha ayaa sheegey in guddi ka kooban 7 ruux loo qorey iney sameeyaan xulashada Agaasimayaasha oo wasiiraduna qayb ka qaadan doonaan. Dawladda waxaa ka khaldan ineysan marnaba adduunka ka dhicin in Agaasimayaal guud hal mar la xayeysiiyo waxaase hubaal ah in xukuumaddu dan gaar ah ka leedahay. Weynu garan meesha ay ku dhamaaneyso haddii indhaha laga rido .
3- Dagaalo cusub: Waxa dalka dib uga curtay dagaalo beeleed ka dhacayay meela kala duwan oo aysan xukuumaddu waxba ka qaban kana hadal. Waxaa marwalba sii xoogeysanaya tuhunka iyo niyad jabka laga qabo dawladda waana mid ayaandarro ah. Gobolada dhexe, Ahlu Sunnah iyo Galmudug dawladdu aragti kama yeelan waana u aamusan tahay ama ma garaneyso waxay qabato.
4- Burburkii Hirshabeele: Dadaal, kharash iyo xoog badan ayaa umadda Soomaaliyeed kasoo galay dhisitaanka Hirshabeele balse nasiib darro iyadoo loo jeedo ayaa la burburiyey maamulkii Hirshabeele. Waxaa loo maray burburinta nadaamkaasi waa sharci darro mana waafaqsaneyn Dastuurka Hirshabeele iyo kan dalkaba. Balse xukuumaddu waxaa muuqata iney raali ka tahay waana ay ka aamustey. Waxeyse ogeyn in dawlad goboleedyadu iska war hayaan mid walbana uu dhufeys ka galay dawladda dhexe. Colaadda Hirshabeele ka imaan karta waxey keeni kartaa dagaal sokeeye oo dad walaalo ah isku dilaan waxaana mas’uuliyaddaas iska leh dawladda.
5- Madashii Qaranka: Shirkii ugu horreeyey ee ay isugu yimaadeen Dawlad goboleedyada iyo Dawladda dhexe waa lagu heshiin waayay mana dhicin kulan kale oo la og yahay oo qorsheysan. Middani waxey ka dhigan tahay inaysan isku dhinac wax u wadin dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada. Dawladda dhexe kuma aamin qabaan Dawlad goboleedyadu waxayna horseedi kartaa iska dabashaqeyn hoose iyo aaminaad xumo waana midda keentey in sharciyo muhiim u ah dalka oo ay dawlad goboleedyadu ka hadleen inaan la tixgelinin.
6- Xasaradda Khaliijka: Dawladdu go’aan wanaagsan oo dhexdhexaad ah ayay ka qaadatay xasaradda Khaliijka balse ma ahayn mid siyaasadeed oo dalka dantiisa iyo tabartiisa ka turjumaya. Qodobka 5aad ee qormadan awgiis waxaa dhacdey in qaar kamid ah Dawlad Goboleedyadu ay la saftaan waddamada qaar iyagoo ka xarig furanaya dawladda dhexe. Taasi waxey keeneysaa in dalku noqdo gobolo kala socda waayo dawladda dhexe wax talo ah kamaa galinin dawlad goboleedyada mana awooddo iney ka joojiso go’aanada ay qaadanayaan.
7- Dhacdadii Bariiirre: Dhacdadan waxa ugu muhiimsan ee umadda Soomaaliyeed ka baratay waxey noqotey in dawladdu ay tahay beelo isku jira oo difaaca dano beeleed. Waxey noqotey ceebtii ugu xumeyd ee dawlad Soomaaliyeed soo marta illaa iyo haddana aan si cad loo xalinin marka laga tago in meydadkii la aasey lana go’aamiyay in mag laga dhiibo dadkii la dilay. Qoraalo iyo hadallo is khilaafsan ayaa dawladda dhexdeeda ka soo yeerey oo aan illaa iyo hadda cidna loo qabanin laguna xisaabin. Waxey gaartey inay xukuumaddu dhahdo wasiiradu yeysan saxaafadda la hadlin taasoo iyaduna noqotey mid aan hirgalin si cadna looga talaabsadey. Fashil aan la qiranin balse waa utun ku maqan dawladda.
8- Baddalkii Afartii Taliye: Degdeggii lagu badalay afarta taliye ee dalka ayaa noqotey mid af kala qaad noqotey oo ka dhigtey dawladdaan mid aan xeerinin waxqabadkii iyo xogtii ay hayeen taliyaashii ka horreeyey. Marka dib loo qiimeeyo taliyaashii shaqada hayay waxey Soomaalidu is weydiisaa sababta Bashiir Goobe looga qaadey xilka maaddaama uu ahaa nin karti iyo shaqo wanaasgan oo cad qabtey. Waxaa loo daayay in dawladdani ka xun tahay waxii wanaag ah ee ka horreeyey balse waynu ogaan meeshii ay ku dhameeyaan!
9- Ficilka Fahad Yaasiin: In Agaasime Guud uu warqad u qorey xildhibaano, wasiiro iyo masuuliyiin naftooda kula soo dhuuntey gudaha madaxtooyada oo degaan ka dhigtey lagana damiyo korontada iyo biyaha waxey noqotey ceeb iyo takri fal. Tiro gaareyso 20 xildhibaan ayaa degan iyo masuuliyiin hore oo amnigooda dartiis iyo shaqa la aanta heysata kusoo xaroodey Madaxtooyada. Dawladdu wax qorshe ah ma keenin waxaana la ogayahay in Fahad doonayo in isaga iyo asxaabtiisu dhex dagaan madaxtooyada lagana saaro dadka kale ee daggan. Waxaa kale oo la og yahay iney been tahay in la duminayo madaxtooyada sida uu qorey Fahad waana sharaf dhac iyo awood maroorsi ka imanaya Xafiiska madaxweynaha. Xukuumadda iyo dawladdu kama hadal arinkaas waana Utun aasan goor ay soo baxdaba!
10- Rugta Ganacsiga: Go’aankii Wasiiradda Khadra ee ay ku kala dirtay Rugta Ganaciga oo Raysal Wasaaruhu sharciyeyey bishii Maarso, waxey shacabka u qirtey in xukuumaddu aysan kala amar qaadanin oo aysan isla soconin. Ilaa iyo hadda Xukuumadda warkeeda lama hayo waxaana loo badinayaa uun aamuskii iyo kala hadalkii lagu bartey Xukuumadda. Jidkaas muuqdana waa la garanayaa meesha uu ku dhamaan doono!
11- Amin Aamir Arts: Xukuumaddani waxey kaga baddalan tahay kuwii hore saxaafadda lacag kuma bixin jirin waxeyna ogolaayeen in la caayo waxna laga sheego run iyo beenba. Balse dawladdani waxey lacag badan ku bixisey si Musuq ah warbaahinta iyo saaxaafadda oo ay ka gadeen iney amaanaan. Haddii aad eegto baraha Bulshada waxaad dareemeysaa culeyska ay xukuumaddani ku heyso warbaahinta balse waxaa ugu daran lacagta joogtada ah ee loo qorey Amiin Caamir oo illaa maanta aan dawladdan waxba ka sheegin. Ma qarsoona in Amiin Caamir saaxiib la yahay Farmaajo balse sharaf dhac ay u tahay in Amiin Caamir oo awalba lagu ogaa laaluush qaadasho inuu caddeystey oo Soomaali oo dhan yaaban tahay! Ammaan haddii meel lagu gaarayo Siyaad Barre Ayaan dalka ka tageen waxaase haboon in dawladdu ogolaato in la saxo!
12- Fadeexadii Farmaajo ee Qalbidhagax: Sarkaal Soomaaliyeed oo ka tirsanaa ciidanka Qaranka Soomaaliyeed in si xoog ah loogu dhiibo Ethiopia waxey noqotey Fadeexo iyo khayaamo qaran oo aan meelna looga dhuuman Karin. Waxaase ka sii darnaa marka golihii Wasiiradu ay go’aankooda ku xoojiyeen dhiibitaankaas sharci darrada ahaa. Qalbidhagax waxuu ahaa ONLF waxuuna dagaal kula jirey Ethiopia. Haba la dhiibee in Farmaajo yahay qofka dhiibey ee ku qanacsan waa ayaandarro!. Soomaalidu waxeysan ogeyn inuu go’aankaasi ahaa mid Farmaajo uu raali ka yahay isla markaana ogaa oo Ethiopia iska gadayay. Haba dhacdee in Farmaajo iyo xukuumaddu dhahaan ONLF waa Argagixiso waxey noqtey amakaag kale. Farmaajo iyo Kheyre waxay daganaayeen waddamada Norway iyo Ameerika waxeyna yaqaanaan ururka ONLF waxuu yahay. Maanta ONLF waxaa guddoomiye ka ah Admiral Maxamed Cumar Cisman oo soo qabtey taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed. Waxaa muuqata in Farmaajo iyo Kheyre ay dhiibayaan Admiraalka oo ay u aqoonsadeen inuu yahay Argagixiso. Suaasha shacabku isweydiinayaan waxaa waaye goormaa sharciga Addisababa lagu dhaqay Muqdisho, illeen Ethiopia kaliya ayaa caalamka u taqaana ONLF urur Argagixiso! Fadeexadaas Farmaajo waa Fal ay eedi doonaan! Muddada ay xilka heyn doonaan labadan masuul waa mid kooban balse eraygaas iyo godobtaas ay galeen way la noolaan doonaan dalka iyo dibaddiisaba. Balse aan aragno mararka ay dhacdo in madaxdu dalka dibaddiisa aadaan sida loogu banaanbaxo sharaftooda iyo magacoodana loo xumeeyo. Waxaase ugu xiisa badneyd in Cumar Cabdirashiid Farmaajo ku eedeeyey waddaniyad xumo iyo khalad laga galay muwaadin Soomaaliyeed. Ma is leedahay in Farmaajo waligiisba Ethiopian hoosta kala jirey Taariikhdu waxey qoreysaa in Dawladda Farmaajo fashilantay kuna sifawdey Tabaryari iyo Tala Xumi.
Qore. Cabdi/nuur Cabdalla.