Abdi J Arab Qorraalo

MAXAY U FASHILMEEN URUR DIIMEEDYADA SIYAASADEED? [BAADIGOOB XAQIIQ](QEYBTII 3AAD)

T) CASRIGII MAGAALOOYINKA

Taariikhyahannadu waxay sheegaan in casriga tuulooyinka uusoo khatimay nebi Muaxammad (NNKH), uuna si rasmi ah u bilaabay casriga loo yaqaan casrigii magaalooyinka ‘عصر المدن . Casrigii maaaloyinka waxay culumada taariikhdu ku qeexaan inuu yahay casrigii uu bilaabmay is-dhexgalka bulshada qeybaheeda kala duwan, lana aqbalay kala duwanaanshaha diinta, fikirka, dhaqanka, midabka jirka, jinsiyadda, fikirka iyo luuqadda. Sidoo kale waa xiligii la bilaabay in la duugo; qabyaaladda iyo is addoonsiga. Suubanaha (NNKH) wuxuu ahaa shaqsigii ugu horeeyay taariikhda aadanaha oo sharcidarro ka dhigay addoonsiga (Watt, 2012). Rasuulku (NNKH) wuxuu ahaa naxariis iyo naruuro ilaahey usoo diray dhamaan koonka oo dhan, si uu uga saaro mugdiyadii iyo jaahiliyaddii ey ku jireen gaar ahaan aadanaha. Sababtoo ah rasuulka ka hor dadku waxay u noolayeen qaab tuuloooyin, waxayna diideen iney suurtagal tahay in iyagoo kala duwan ey wada nolaan karaan. Si kale haddaan u dhigo, ilbaxnimada dhabta ah wuxuu aadanaha gaaray kadib soo saariddii Nebiga (NNKH). Eebe wuxuu yiri:
وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِين
“kuuma aanan dirin naxariista caalamka adoo ah mooyee”.

Eebe (SWT) wuxuu aayaddaan noogu sheegayaa oo na dareensiinayaa in rasuulka Muxammad ah (NNKH) kahor uu aadanuhu dhib iyo jahwareer ku jiray, iyagoo ku dhaqmaya dhaqankii tuulooyinka taasina ey u sababtay halaagyo kala duwan oo is daba joog ah. Sidaas aawadeedna nebiga (SCW) loogu soo saaray inuu aadanaha ku hogaamiyo xagga horumarka, wada noolaanshaha; uuna midkood midka kale aqbalo oo la noolaado si nabadgelyo ah isagoon qofna loogu eegeyn midabka diirkiisa, diintuu aaminsan yahay, qabiilkuu kasoo jeedo, darajadiisa bulshda dhexdeeda, dhaqaalihiisa amaba dhaqankiisa. Shardi inuusan qofkaasi ku xadgudbin kan ka ra’yi duwan oo la imaanin dhaqan cadaawad iyo kala soocid ku dhisan (dhaqankii tuulada).

Tusaalaha ugu wanaagsan oo aan ka jaleeci karno taariikhda waa in rasuulka (SCW) uu doortay inuu dago magaalada Madiinah oo halkaas ka dhiso dawladdii Islaamka, kana doorbido magaaldii uu ku dhashay ee uu aadka u jeclaa ee Makkah. Madiina intaan nebigu usoo hijroon waxaa la oran jiray ‘yatrib’ rasuulka ayaa u bixiyay ‘Madina’ oo micnaheedu tahay magaalo. Nebigu (SCW) markuu Makkah furtay oo ka xoreeyay gaaladii reer Quraysh, wuu awooday inuu dawladiisa halkaas saldhig uga dhigo, laakiin wuxuu ogaa in Makkah ey ahaanayso Tuulo xaram ah (macnaha tuulada), uusanna soo geli karin qof aan muslim aheyn mooyee. Rasuulkuna wuxuu doonayay inuu dhiso dawlad balaaran si uu u gaarsiiyo naxariista Eebe usoo dhiibay dhamaan aadanaha. Dawlad markaad tahayna waxaad xiriir la yeelanaysaa aadanaha oo dhan iyagoo kala diin, dhaqan iyo midab duwan – oo waxaa booqasho kuugu imaanaya umado kala, diin, midab iyo dhaqan duwan. Rasuulku isagoo taas dareensan, ayuu doortay magaalada Madiina, sababtoo ah; Madiina waxaa xiligaas ku noolaa: Muslimiin, Yuhuud, Kirishtaan, Mushrikiin iyo Munaafiqiin, Rasuulkuna dhamaantood ayuu madaxweyne u ahaa, wuuna simay xuquuqdooda isagoon u kala soocin kanaa i rumeeyay kanna ima rumeyn, kanaa Carab ah, kanaa Cajam ah.

Taariikhyahanka reer galbeedka ee lagu magacaabo Michael H Hart wuxuu ku sheegay buugiisa la yiraahdo: ‘The 100: A Ranking of the Most Influential Persons in History’, 100kii qofood ee ugu saameynta badnaa taariikhda aadanaha, in nebi Muxammad (SCW) uu ahaa shaqsigii ugu saameynta badnaa taariikhda banii’aadanka. Isagoo arinkaan faahfaahinaya wuxuu caalimkaani yiri: “waxaaa dabiici ahaan laheyd inaan Ciise ka dhigo qofkii ugu saameynta badnaa taariikhda maadaama aan heysto diintiisa, dadka igulama yaabeyn go’aankaas, laakiin waxaan doortay Muxammad. Sababtoo ah, Muxammad wuxuu ahaa; aabe oo ilma dhalay, wuxuu ahaa nin xaasas leh oo guursday, wuxuu ahaa hogaamiye diin, wuxuuna ahaa madaxweyne dawlad rayid oo ey ku hoos noolaayeen noocyada kala duwan ee aadanaha – isagoo si siman ugu kala garsooray dhamaantood; isagoon eegin mid rumeeyay iyo mid aan rumeyn. Michael oo hadalkiisa sii wata, wuxuu yiri; laakiin, Ciise wuxuu ahaa oo kaliya hogaamiye diin, oo ma guursan, waxna ma dhalin, dawlad ma dhisin, umado kala duwanna kuma hoos nooleyn – ee reer banuu islraa’iil oo qudha unbaa loo soo diray”.

Rasuulku (SCW) wuxuu tusaale u sameeyay cid walba oo doonaysa iney dawlad yagleesho, marka hore waa iney aqbashaa kala duwanaanshaha umadaha, suurtagalna ma’aha iney guulaysto dawlad ku dhisan kala soocidda dadka iyadoo loo eegayo, diin, dhaqan iyo midab. Tusaale waxaa noogu filan dawladdii Koonfur Afrika ee ku dhisneyd midab takoorta (apartheid) meeshey ku danbeysay iyo wixii dhibaato ah ey soo martay, iyo sideey u halaagsameyn. Urur diimedyada Islaamka ee haatan dunida ka jira ee leh yididiilo siyaasadeed oo ah iney umadaha hogaamiyaan, waxay ku qasban yihiin iney aqbalaan kala duwanaanshaha dadka, kalana soocaan diinta iyo siyaasdda – haddii kale waxay ku danbeenayaan halaagii ku dhacay dadyowgii hore ee ku dhaqmay nidaamkii tuulooyinka ee ahaa kalitalisnimo aan ogoleyn dadka ka duwan, diidayna wada noolaansho.
La soco qeybta 4aad…

TIXRAAC

Suurat Al-israa’ 103
Reza Aslan: “The very first thing that Muhammad did was
outlaw slavery
Watt, W. (2012). Muhammad at Medina. [Charleston, SC]:
[Nabu Press].
Suurat al-anbiyaa’ 107
Barnaby Rogerso (2003) The Prophet Muhammad: A
Biography

Michael H Hart – The 100: A Ranking of the Most Influential
Persons in Histor

FADLAN LA WADAAG ASXAABTAADA #SHARE
Qalinkii: Abdi J Arab