Cabdiraxmaan Biyo Kama Dhibcaan Qorraalo

Maxaa ugu wacan guusha dalka Israaiil?

Maxay tahay sirta ka danbeysa horumarka iyo
guusha Waddanka Isra’iil ku tallaabsanayso?!
Waa jawaab fudud oo haddii loo kuurgalo
cibaaro ku dheehantahay.! Wax kale ma
suubbiyaan – keliyaata sharciga iyo dastuurka ay
qorteen ayaa ah mid u carbisan inuu si siman oo
saafi ah ugu adeego qof kasta “Siyaasi” iyo
“Shacab” labadaba. Bilmatal, Ehud Olmert waa
ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Israa’iil, waxa
la gu soo oogay dacwad ah inuu – laaluush iyo
wax-is-daba-marin ku kacay xilligii uu qaranka
uu adeegayay; waxa lagu xukumay xabsi dhan
sannad iyo badh. Bal u fiirso, sannadii 1988-dii, Ehud,
waxa uu ciidanka qaranka Israa’iil usoo
adeegay muddo dhan toddobo sano; markale
sannadii 1993-dii, wasiir dawladda ah ayuu
noqday. Isla jeerkaasna, sannadii 2003-dii, waxa
uu noqday Maayarka caasimadda Tel Aviv.
Haddana 2006-dii, waxa uu qabtay jagada
ra’iisal wasaare ku xigeenka. Ugu dambayntii
2009-kii, waxa uu noqday ra’iisal wasaaraha
waddanka Israa’iil.
Dulucdu waxa weeye; xilalkaas badan ee Ehud
Olmert soo qabtay kama ay baajin in xukun iyo
xabsi lagu rido, isla jeerkaasna, cidina ma odhan waa “Halyeey
qaran oo jagooyin sar’sare soo qabtay” iyo waa “Mujaahid duurka soo galay”.!!! Cakuye, innagana
haddii aynu Soomaali nahay eegga
sharcigeennu waardiyaha kama adka!!!