Hope Abukar Qorraalo

Xoriyada dhabta ah

 

Rumeyta  waa doorasho, rumeynta  ma ahan  wax ku yimaada   qasab, caga jugleen,  iyo  cabsigelin.

 

Rumeynta  waa doorasho  ka imaata uurka qof og   jiritaanka  waxa uu dooranayo in uu rumeyo  asagoo   adeegsanayo garashadiisa,  iyo dooqiisa  xorta  ah.

 

Marka aan aragno qof  lagu qasbaayo  qaadashada diin, caqiidad, dariiqad, fikrad,   ama ideology uusan raali ka eheen,  su’aasha imanaysa ee iswaydiinta mudan ayaa ah caqiida, ideology, diin, ama xiita dariiqad   ma lagu aamini karaa  qasab?  Qofka  wax  jiritaankoda uu  ku qanacsaneyn in niyda ah ma u rumen karnaa ?

 

 

Rumeynta  qasabka ku timaado, lkn waa xulasho  ka timid  qofka gudahiisa isagoo adeegsanaya garaadkiisa iyo garashadiisa gaarka u ah.

 

Bulshooyinka aan ku dhaqmin fikirka diimooqaraadiga ah guud ahaan iyo gaar ahaan bulshadeena soomaaliyeed waxaan  jecelnahay in  qofka doonistiisa, xulashadiisa iyo   rabitaankiisa   loo laafin, lkn  la qusbo fulinta rabitaanka  waaldiisa iyo waxa  bulshada ku qanacsantahay ama aaminsantahay.

 

Badanaaba waa dhacda  in qofka dil iyo wax lamid ah  lagu handado hadii uu ka soo jeedsto  inuu  qaato fikrad  la rabo inuu qasab ku aqbalo ama ku rumeyo.

 

Hadii qofka jirdil iyo wax lamid ah ka badbaado,  waxaa dhacda  in lagu qaado dagaal xaga nafsada ah (psychological presser) oo jirdilka aad aga xanuun badan  sida in caadadis badan dusha laga saaro, in xaga dhaqaalaha laga cariiriyo,  in  loo adeegsado  hadalo cabsigalin ah, handadaad, cay, habaar iyo hadalo niyadjab leh si qofkaas u soo raaco waxa lagu qasbayo.

 

Waxaa kale oo la  adeegsadaa in qofkii laga gooyo bulshada   uu dhaqanka  la wadaago, walaalahiisa, iyo qaraabadiisa, mararka qaarkoodna waxaa loo diidaa  inuu ku noolaado dhulkiisa hooyo.

 

Waxyaalahaas oo dhan qofka waxay u keeni karta xanuun nafsada iyo caatifada ku yimaada iyo niyadjab badan oo dhaqsi laga kaban karin.

 

Ka waran hadii  qof   afka ka sheego inuu rumeye diin ama fikrad  uurkiisa aan jirin  asago  ka baxsanaayo cadaadis aga yimid  xaga waalidkiisa, walaalahiisa, dariska iyo bulshada uu la noolyahay?

Makula tahay  in rumeynta uu afka ka sheege in ay tahay mid rabitaankiisa mataleysa oo uurkiisa ka timid?

 

Yaa leh mudnaanta kowaad:  rabitaanka qofka,  mase rabitaanka  bulshada?

 

Waa wada ognahay dhibka iyo munaafiq nimada uu ku noolyahay qofka lagu qasbe inuu rumeyo waxaan uurkiisa jirin, lkna isweydiinta layaabka leh waxaay tahay: marka qofka afka ka sheego inuu  aamine waxa lagu qasbaye oo uurikiisa jirin  maxay bulshada  nafci  u leedahay?

 

waxaa aad u wanaagsa in qofka  lagu ixtiraamo, rabitaankiisa,  doonistiisa,  iyo doorashada waxa uu jecel yahay oo uu ku qanacsan yahay, taana waa xoriyada dhabta ah ee uu qofka bani’aadamka ah  xaq u lereyahay inuu ku noolaado.

 

Hope Abukar