Qorraalo

KHILAAFADA CILMAANIGA IYO SAFARKII DALKA (1)

 

 

Dadkayga waxaa caado u ah, inay degsiimoyin u degan hatan oo dalku horumar sameeyay, dadkayguna simanyahay, weli waxaa caqabad ah in degsiimaysigii berigii dadku xoola raaca ahaa, uu jiro haatan oo xoolohu u yihin dadkan kuwo loo dhaqo.

Safarka waxaan ka bilaabay degaankii loo aqoonjiray Shabeele oo webigu maro, jiinka webiga ayaan ku dhex lugaynay anaga oo ah “UMURADA UMADA” oo keliya, hayeeshe aan cidi nama wehelin, mudo ka hor

halkaan waxaa loo soo qaadan jiray ciidan faro badan.

 

Sidaan Sooyaal ku maqlay qaybna goobjoog u ahaa, dadkaygu xiligii kala duwanaanta ayasanba aqbali karayn, muwaadinkuna qiimo badanba kuma fadhin, waa ka hor labatan sano, bulshadaan baahideeda waxaa iga war bixiyay Ibrahim Mohamud Sheikh Hilowle,  degaankana deganaa xili dowlada iyo dagaalada sokeeye hataana jooga, dhibka ugu weyn ee haysta waa sanadkaan oo aan loo soo saarin ulihii istunka ay ku ciyaari jireen.

 

Istunku waa ciyaar dhaqameed degaankan aad caan uga ah, waxaana loo qaybsamaa laba Kooxood, iyada oo ul la isla dhacayo, ushu mahan mid wax yeelaysa, waase wahab iska kicis xiliga beeruhu soo go’aan, la sameeyo waxaan u balan qaadnay in ulahaan warshad u samaysa todobaad  ka dib loo keenayo, waxaana u jihaysanay magaalo xeebedka weyn ee Baraawe, waa magaalo dalxiis qurux badan, waxaana aad loogu sameeya dharka hidaha, halkaan Kaluunka ayaa aad looga isticmaala, walow ay yaraayeen shaqaalaha kaluunka oo aan ka keenay  ”  Koria France Iyo Emarate”, jilaabta ayay aad u yaqaanan sida la ii sheegay .

 

Maanta waan ku nasanay halkaan, waxaana aad nalooku sharaxay, sida bulshadaydu ugu faraxsan tahay nidaamka barakaysan iyo xukumadan weyn, sida xaqsoorka ah, ee ay dadkeeda uga ilaalisay eexdii beri jiri jirtay.

Sinaanta sharciga ee bulsho iyo waayo dalku wuxuu soo maray, aanse goob joog wax badan uga ahaa, waxaa habeenkii markii la gaaray qodbad ka jeediyay fagaaraha cilmaaniyada, taas oo aan uga hadlay danta dalka, waxaa qodbado iyana jeediyay halgamayaal, faylasuufyo Iyo wax garad faro badan.

 

Arimaha dibada sidii magaaladan shir dib uheshiisin loogu furi lahaa, kooxaha isku haysta dalka sucuudiga loo yaqaanay iyo inay muhiim noo tahay, inaan ciidan dadkayga ilaaliya, markay xajinayaan dalkaas geeyno, waayo bulshadu aad ayay ugu xirantahay, sanad ka hor ayay kooxaha magaalada jooga dhib u geysteen muwaadin soomaaliya, waa lama huraan taasi, waxaan kaloo aan la hurayn in nabadi ka dhalato dalkaas, boqortooyadiisa cagta mariyay, dhamaadkii dadkayga mahadsanaa, habeenkii magaalada ayaan beryay, alasaydii  waxaana u jihaystay dhanka gobolka  Baay.

 

Qaybta xigta Baay iyo baraaraha khilaafada safarka labaad