Qorraalo

Sideen wahaabi ku noqday ?

Inkastoo dhab ahaantii aanan xasuusanin waxa maskaxdeydii dhalinyaranimada dhex dabaalaneysay hal mar dhan aanay waligeed u janjeeran u jeesato ku keenay, balse waxaan si fiican u xasuus-taa duruufii baraarugaa ku heeraarsanaay.

Horta, inta aanan sheekada idiin galin, aan bal hordhac yar idinka siiyo qofka bal noloshiisu dabo ilaa dacal is foorarin doonto.

Dhoor iyo toban jir hankiisa ugu weyn yahay inuu ficii ka dhax muuqdo, hablaha da’diisa ahne qeyb ku yeesho, noloshiisa dhamina ay ku koobantahay dheesha kubada cagta, dageysiga fan-ka iyo suuganta iyo daawashada filimada nocyadooda kala duwan.

Diin iyo wixii la xiriirane ay ahaayeen waxa ugu dambeeya ee maskaxdiisa ku soo dhaca, waxaan xasuustaa in aniga iyo saaxiiba badani markaan ka soo dhamaano ciyaarta aan soo garab mari jirnay masaajid-yada iyadoo saladii maqrib lagu jiro ama markaa laga baxay, inagoo qosol-keena iyo sheekada iska wadano. Run ahaantii, qiimo sidaa ubadane salaadu agteena kama leheen, oo waxay iska eheed wax aan markaan rabnane dugano, markaan rabnane iska dhaafno, kaliya salaada aan ku dadaali jiray inaanay sadax jeer oo isku xigtaa i dhaafin waxay eheed salada jimcaha, taas oo salka ku heesay sheeko cabsi badan, ee aan waligee maqli jiray oo eheed in qofkii ay sadax jeer oo isku xigtaa salaada jimco dhaafto ay isaga iyo jana kala dhamaadeen, naar dhagax iyo dad xaabo u yihiin-ne meel ay ku sugeeyso.

Anigoo noloshaa yara qaboowga ahi isaga jiro, baa magaaladii hal mar wareer gashay, subax subax-yada ka mid ah anigoo isku diyaarinayo aadista iskuul aan run ahaantii necbaay aadistiisa, baan waxaan ka war helnay in saakay magaaladii qasantahy, oo anan baananka la isku aamini kareen, anigu intaabaa khabarka iigu muhiim saneed maadama aan ka nasan doono iskuulkii aan necbaay, balse dadku maalintaa wax kaloo aan aniga xiisa badan igu heen bay daldalaayeen, oo aan gadaal ka fahmi doono, saameen weyn-ne nolosheeda ku yeelan doonto.

Hadaan u soo laabto duruufihii ku hareersanaay isbadalkii ugu horeeyay, uguna saameenta badnaay ey nolosheeyda ku dhacaa, waqti ahaan marka hore wuxuu ku beegnaay xiligii ay soo if-bexeen, sarana u soo keceen midowgii maxkamadaha islaanka ee magaalada muqdisho si fudud oo lama filaan dad badani ku noqotay ay kula wareegeen. Inkastoo aanay wax saameen ahi igu yeelan dhacdadaasi, balse waxay hordhac u eheed dhacdo kaloo saameen balaaran ku yeelan doonto nolosheyda, taas oo ah soo galistii ethopia ay soo gashay muqdisho, oo run ahaantii sabab u noqotay dagaal aad u ba’an oo ay dad badani ku baaba’een.

Dagaalkii ka dhashay soo galistii ethopia ay soo gashay magaalada muqdishu, oo runtii ahaay dagaalkii ugu xumahaa ebid ee aan anigoo garaad yar leh la kowsadaa, wuxuu igu abuuray cabsi aad u balaaran, oo aan horay wali isoo marin, cabsi ka dhalatay tirada dhimashada aan xisaabta leheen e aan goob-joog u noqday waqti yar gudeheed, dhaawaca aan xadka leheen, barakaca aan loo kala harin, iyo jahwareerka wajiyada dadka dhan ka muuqda. Waxaasoo dhami waxay sabab u noqdeen inaan ku baraarugo in dhimashadu meel ii jirin, deedne waxay nafteedu bilaawday inay isweydiiso su’aalo badan, oo runtii cabsi uun aan ka sii qaaday.

Su’aalihii ugu horeeyay ee aan isweydiiyaa waxaa ka mid ah; bal maanta hadii uu “caz-raa’iil” ku helaa ka waran? Maxaad eebihii ku abuurtay la hortagi? Maxa qiimo ah oo ay naf-taadu eebe agtiisa ku leedahay?
Su’aalahaa iyo kuwo kaloo badani oo badankoodu isaga badnaayeen su’aalo xiriir la leh cabsida hal mar igu habsatay, waxay igu dhaliyeen inaan raadiyo wax micno iyo qiimo u yeeli kara nafteydii ila qiimaha beeshay, inta uusan “caz-raa’iil” ii imaan.

Hadab, maxaad isleedahay, inan yaroo dhoor iyo toban jira, ee ku nool muqdisho, xiligaa aad wada garaneysaan, ee raadiyana “aragtiyo” noloshiisa micna iyo qiimo u yeela, wuu la kulmi?

Su’aalihii tira badn ka dib, waxaa bilowday safar-kii qiimo u raadinta nolosheydii ila qiimaha beeshay.

Baraarugii cabsida ka dhashay ka dib, nolosheydii dhami wey isbadashay, waxa yaabo badanoo qiimo agteyda ka lahaay way ka qiimo beeleen, halka waxyaboo ka loo xisan badan igu heen jirin ay ila qiimo yeesheen.

Waxaan bilaabay inaan xertii igu heeraar saneed aan tartiib tartiib uga dhex baxo, haasawaha hablahane ka gaabsado, fanka iyo sugaan-tiine xiriir-ka u jaro, hooy-ga eebane aan daris la noqdo, balse waxaasoo dhami saameen weyn maanka kuma yeelan, marka loo fiiriyo saameentii maadadii diin-ta ee dugsi-geygii lagu dhigi jiray ay ku yeelatay.

Ka hor inta aanan jahwareen-kan ama dheh hadaad rabtid baraarugaan igu dhicin, maadada diintu, marka laga soo tago inaanay xiiso badan igu heen jirin, run ahaantii maba aanan fahmi jirin waxa ay ka hadleyso, balse jahwareer-kii ka dib, waxayba noqotay waxa kaliyoo naftu u riyaaqdo, xooga daganaansho ahne ay ka hesho.

Waxaa wali maskaxdeyda ka go’in, oo aan si fiican u xasuustaa wadaadkii diinta inuu nabaro u xil-saarnaay, oo runtii ahaay bini’aadan daganaansho eebe u dhiibay, balse waxa loo xil-saaray inuu nabaro, isagune uu ka soo bartay adayaal carbeed e aabayaashood saxaraha jaziirada carabta xoolaha ku raaci jireen, ayaa ahaay afkaar aad halis ugu ah nolosha aadanaha, oo sabab u noqotay dhimashada umad badanoo soomaali ah, walina dabar-goyn ku heysa bulshadeena oo awalba faqri, gaajo, iyo aqoon-yari ay la hartay.

Waxay ila tahay sharaxaad badan uma baahna wax-yaabihii uu wadaadka nabari jiray, mar hadaad ogaatay in ay ahaayeen afkaar laga soo guuriyay jaziirada carabta, balse waxaan rabaa inaan tilmaamo mowduuc yaroo aniga i taabatay, kaas oo ahaay cashar ilaa wagaan dugsiga hoos ahaay la igu soo shubi jiray, balse wuxuu yahay aanan famin ilaa laga soo gar xiligii aan jah-wareer-ka galay, cashar ay ugu magac daraan “Toban-ka tiir ee buriya islaam-ka”.

Run ahaantii cashar kaas kadib markaan si fiican u fahmay, oo uu si qota-dheer iiga daadagay, wuxuu qar-ka ii saaray halaag ay dhalin-yaro badani ku hoobteen, basle nasiib-ku iga badbaadiyay.

Dugsigii cashar-kaa noogula meerin jiray, waxaa xiligaas ka socday “olo-olo” dhalin-yarada lagu dhiiri galinayo sidii ay cashar kaas dhowr-ka sadar ka kooban ay “fal” ugu badali lahaayeen, oo ay hor kacayaan ragii madaxda ka ahaay dugsigaas.

Waxyaabihii ay sameen jireen waxaa ka mid ahaay in si gooto ah noogula keeni jiray dugsiga hor-jooga yaaasha “aragti-da” dulka carbeed laga soo maan-guuriyay, si noogula hubsado inuu cashar-kaa naga daadago (malahaa casharada diinta kaliya kuma filna ayay islaahaayeen! Moogi), bal waxaa marar badan dhici jirtay in inta nagala joojiyo cashirada, ka dib-ne sidii xoolaha ayadoo hareeraha naga jiraan barayaashii dugsiga noola kexeeyo meelaha ay isu-soobax-yada ku qabsan jireen hor-boodayaashii urur-kii midow-ga maxkamada, kuna guubaabin jireen dhalinyarada in la joogo xiligii casharo badan “fal” loogu badali lahaay.

Olo-olohii wuxuu dhalay in arday badanoo dugsiga nala dhigan jirtay is abaabulaan, oo ay ku biiraan xurumo dhalinyarada lagu tababarijiray oo ay gacanta ku hayeen ragga aad wada garaneysaa, si loogu diyaar gareeyo fali u badalida casharadii inbadan lagu soo cabeey-nayay.

Rag badan oo aan maankeyga ka go’in kana go’i dooni buu ololahaas naga sal-faday, oo aan hubo in hadii ay heli lahaayeen badal wanagsan maanta nolosha ku raaxeysan la haay.

Mirihii ka dhashay “afkaar-tii” saxaraha carabta laga keenay, ee dhalinyaradeena lagu shubay, walina lagu shubayo iyadoo looga dhiga in ay tahay mid eebe kaga timid, waa taas aan maanta aragno sida uu dhadhan keedu yahay.

Ali Barre