Qorraalo

Ma boqorro beelahooda la joogeybaa mise rusul aadanaha loo dirray

Ma boqorro beelahooda la joogaybaa mise rusul aadanaha loo dirray!

Haddii Anbiyada loosoo dirray ummadaha dhundan wali ma isweydiisay arrintan waxa ay ku dhacday ? Ibrahim waxa uu dhalay Isxaq iyo Ismaciil. Ibrahim waxa uu adeer u ahaa Luud, Isxaaq waxa uu dhalay Yacqub, Yacqub waxa uu dhalay Yuusuf.

Da’ud waxa uu dhalay Suleyman. Zakariye waxa uu dhalay Yaxye. Haruun waxa uu ladhashay Muuse. Dhammaantood waa hal qoys kana wada yimid hal deegaan xitaa Ciise. Nami Muxaned waa faracii Ismaaciil.

Maxaad ku macneyn laheyd wiil iyo aabihiis awoowgiis iyo abkowgiisa oo wada rusul ah oo guri kuwad shaahaya oo dunida daafaheeda diin la’aani ka jirto.

Maxay macana sameyneysaa hadalka ah ilaah waxa uu rususha u soo dirray hanuuninta aadanaha! raadka ay ka tagtay arrinkaas waxaad ka garrankartaa dadyawga taariikh ahaan aanay soo marrin wax rusul ah sida: Shiineyska Jabaanka, hinduuska iwm ogow waana halka ugu badan xagga deegaanka maanta dunida.

Su’aasha kale dadkii ladaabtay rususha oo xitaa anbiyada aan la soodirrin iyo kuwa la soo dirray ee ku jirray ciidda ka badnaayeen iyo deegaanadoodii maxay ka dheefeen risaaladii ma heystaan nolol ka wanaagsan kuwii dagaladooda aanay tagin rusushu bale saw kama nolol hooseeyaan illeen waa barriga dhexe oo xaajadiisub bariga dhaxe tahaye!

Qudus maxay ka heysaa wixii anbiya ay rakaadatay/ladaabatay maxayse ugu faanikartaa maanta Tailand iyo Japan?

Caddaaladda alle waxa ay keensaneysaa in uu dadka uggarsoorro si ay u timaaddo hadhawti ( maalinta aakhirro) in lagu yiraahdo الم ياتكم رسل منكم يقصون عليكم اياتى وينذرونكم لقاء يومكم هذا
Oo iyaguna markaa u yiraahdaan: قالوا بلى

Ma is leedahay su’aashaasi wey qabataa Shiineyska iyo Japaaniiska? Maxaa lagu cadaabayaa aakhro? Maxayse kaga daysadaan oo wanaag ah kuwa sheegtay in xagga samada looga yimid oo aan ka aheyn dhiig qubanaya cudurro iyo gaajo?

Ma anoo u jeeda in aad iga liidato ayaan kaa yeelikaraa waan kaa fiicanahay been ah! Maxay tahay fiicnaantu miyaanay laheyn astaama lagu garo maxay tahay xumaantu miyaanay laheyn calaamado lagu yaqaan?

Waxa aad la yaabeysaa rasuul loosoo dirray hanuuninta dadka oo haddana doodiisu tahay in beeshiisa uu xorreeyo! ارسل معى بنى اسرائيل ولاتعذبهم iyo mid leh Jasiiradda carrabta halla iiga baxo! Iyo dalabaad cajiib ah oo ku dhisan xigto iyo qaraabanimo واجعل لى وزيرا من اهلى هارون اخى oo mid kale leeyahay mid i dhaxla ayaan rabaa si aanuu dabar go’iigu imaan ama ugu imaan sooyaalkii reer yacqub وانى خفت الموالى من ورائى………يرثنى ويرث من آل بعقوب.
Daaud ayaa isana laga yiri sidan: وورث سليمان داوود.

Caadiyan marka aad sheekooyinka akhrineysid adiga oo aan maahsaneyn ama daroogeysneyn waxaa durbab dareemeysaa in aad ka hadleysid boqorro wal wal kahayo cidda dhaxelidoonto kuna siidarsoo maba ahan qaar arimahan inkiraadi ka jirto oo boqorro ayayba ahaayeen sida Suleymaan iyo Da’ud.

Haddiiba marka hal qoys ku dhex shaahayeen 5-rasuul wallee in aanan la yaabeen Soomaalidan aan ku hadlin luqadaha nool ee dunid in loosoo dirro rasuul ku af ah oo u caddeeya xaqa si aanay ugu marmarsiiyoon manaqaanno carrabiga lkn wale wal ayaan ka qabi lahaa haddii laga dhigo Daarood in Hawiya aqbalo ama cagsigeedu dhaco sidii ku dhacaday nimankii xafiiltanku ka dhexeeyay ee Qureysh!

قال عبد العزى : تنازعنا نحن وبنو عبد مناف الشرف أطعموا فأطعمنا وحملوا فحملنا وأعطوا فأعطينا حتى إذا تجاثينا على الركب وكنا كفرسي رهان قالوا: منا نبي يأتيه الوحي من السماء فمتى ندرك هذه ؟ والله لا نؤمن به أبدا ولا نصدقه

(Fardda la isu hayo narkaan noqonnay oo ay haad ay naga baasaan waayee reer Cabdi Munaaf miyay na dhehee nabibaa naga soo baxay taga dheh, walaahi in aanan yeeleyn).

Qore: Abdirisak Moalim Ahmed