Qorraalo

Weydiinta Shakaroon!

Qof mathematician ah hadaa weeydiiso Su’aal ku saabsan mathematics asoo faraxsan uu kaaga jawaabaa, Qof physicist ah hadaa weeydiiso su’aal ku saabsan physics asoo faraxsan uu kaaga jawaabaa!…..Qof ku taqasusey religion ama sharia hadaa weeydiiso su’aal ku saabsan diin wuu caaytamaa wuuna kaa saaraa diinta!! Mid aan Qaraabo nahay oo ka soo Qalan jabiyey Al-azhar kadibna master oo Shariico ah ku soo diyaariyey Jaamacad ku taalo Sacuudiga ayaan waxaan weeydiiyey: maadaama barwaaqada jannada laga dhex sheegey eey tahay khamro cabis iyo in naago la korsaarnaan doono bas, Annaga naago muslim hadaa nahay jannada markaan galno ma artificial penis ayaa nalagu rakibaa mise plastic dildo aa na loo qeeybinaa si naagaha jannada joogo geeskeena ooga karbaashno, mise nimanka kali uun baa naagahaa xoorul ceeynta korsaar naan doono?….sideey saas macquul ku noqon kartaa aniga iyo adiga 20 saac ayaan maanta isla Af xiran nahay ramadaan ka dartii, Salaada, soonka iyo cibaadada oo dhan isku si eey waajib noogu tahay, laakin jannadi marki lagalo kaligaa ayaa barwaaqada laguu diyaariyey miyaa…..intaas marki aan weeydiiyey buu caay iyo gaaleeysiin iyo fafakasho isugu keey darey….waa isaga soo cararey si dadka noo dhihin Afrikaankaan wadankoodi soo burburiyey ayaa meeshaan hada violence ka bilaabi rabo.