Khaled Muse Qorraalo

SI AANAY USOO NOQON DAWLADI ISLAAMKU ( KHILAAFADA)

 

Taariikhdu Ma’aha wax qof waliba waxa u jeclyahay ku qorto, taariikhdu iyada is qorta mana naxariisato waana mudan tahay in casharo laga barto si mustaqblaka lo badbaadiyo, cinwaanka aan qoraalkan u sameeyey qaar badan oo idin ka mid ah way ka guban qaarna way layaabi qaar kalena wa la dhici waana dabeecada bani aadamka in lakala fikir duwanaado waxaan isku dayi in aan si kooban uga hadlo taarikhdi khilaafadi islaamka si ka duwan sidi madaarista iyo jaamacadaha la inoogu dhigay , ma so kordhinayo wax cusub, waxaana igu dhaliyey inaan qoro waxaan arkay dad badan oo muslimiinta ka mid ah o ku doodeya in khilaafada o la so celiya ay xal u noqonayso mashaakilka haysta o dhan waxaa iso baxday badankoodu in aanay garanayn maanta o aan joogno qarniga 21 aad iyo micnaha dhabta ah oo ay leedahay doonista ay dooneyaan so noolaynta khilaafadi islaamka, waxaan si kooban o qofka soomaliga ahi fahmi karo uga hadlaya khilaafadi islaamka , taarikhdeedi xumaanteedi ,wanaageedi iyo wakahtigaa xaalka aduunku sidu aha iyo sidu maanta isu bedeley iyo suurtaglnimada in mar labaad himiladaas la gaadhi karo.

Ugu horayn KHilaafadu wa nidaam maamul o islaami ah la iskuna xukumayo shaareecada islaamka,khilaafo waxa loogu bixyey wa nidaam ay isku bedelayaan hogaamiyayaal muslim ah o ay ka dhaxlayaan xukunka si ay halki uga si wadaan fulinta shareecada islaamka iyo maamulida danaha musimiinta iyo gaadhsiinta aduunka ama fidinta diinti nebi maxamed iyado loo marayo qaab nabad ah iyo mid colaad ahba , waxayna dhalatay ama bilaabatay kadib geeridi nebi maxamed ,waxayna soo martay dhowr marxaladood o kala duwan wanaa la so kala dhaxaly ilaa ay so gaadhey ti cismaaniyiinta o marki danbe iska noqtay mid ku kooban ilaalinta danaha iyo masaalixda wadan waynaha maanta lo yaqaan turkiga.

Saw muhiim ma aha in qofka muslimka ahi ogaado marka hore in u bani aadam yahay waayaha aduunkuna is bedbedlo waxa la toosan isaga dad kale o aduunkan kula nool ay la qaloocan tahay Waxa ta kasi muhiimsan in si dhab ah o cadaalad ah lo sheego xumaanta iyo wanaaga cid gaar ah ugu xusan baalasha taariikhda.

Hadaba Ma ogtahay sida ay ku fiday diinta islaamku? Sida ay ku gaadhey Qaaradaha yurub Aasiya iyo afrika ,sida ku cad taarikhda diintaasi waxay ku faaftay inteeda badan Xoog iyo seef dhulka iyo qaaradaha inta leeg waxay

ku gaadhey seefta caaradeeda baryo kuma tegin waxa dadka lakala doorsiineyey inay muslimaan , in la laayo in ay cashuur bixiyaan iyaga oo bahdilaan waxaaso dhan waxa ka horeeya dulaan iyo in marka hore jilbaha dhulka loo dhigo si ay saddexdaa mid uun u ogolaadaan.

Inaga waxa la inoogu dhigay iskuulada in ay ahaayen halyeeyo furanyey dhulwaynaha ilaahay gaalada xunxunka ahna ku dhaqayey shareecada islaamka ayna fulinayeen doonista ilaahay iyagoo ah khalifaadi ama wakiiladi ilaahay ee dhulka.

Hadaba runtu waxay tahay Dulaanadi islaamka iyo wixi xuma ee ay ku kaceen waxay la mid tahay ama ka xuntahayba wixi ay ku kaceen imbiradooriyadihi ingriiska spaniskha ruushka iyo japanka , sido kale Waxba kuma kala duwanayn muslimiintu iyo salibiiyintu ( crusaders ) ficilo isku mid ah ayay ku kaceen labada kooxodba waxaana dhiiga maataida lagu banysaneyey magaca ilaahay.

Dadka degan jaziirada carabta o u hogaaminayo nebi Mohamed iyo khulafdi ama hogaamiyayaashi ka danbeeyey e ka dhaxly seefta iyo kitaabka ayaa afarta jihoba u qaaday weerar iyo duulaan qaawan waxay dileen malaayin dad ah waxay qabsadeen dhul aad u baaxad wayn ,waxay adoonsadeen malaayin dad ah malaayin kalena waxay ku khasbeen inay kala doortaan inay dhintaan ama muslimaan ( convert or die) ama inuu cashuur bixiyo isago bahdilan waxay kalo muslimiinti iyo dawladoodi kufsadeen o hadiyado isugu gayn jireen ama isu siin jireen dumarka ay dhulka ay weeraraan ku qabsadaan wanaageda waxa ka badan dhibta ay u gaysatey bani aadamka waa taarikh madaw la so maray loona baahanyahay in looga hadlo siday tahay wixi dhacayna aan la asturin magaca ay leeyihiina logu yeedho.

Khilaafada islaamka iyo Maanta

Maanta aduunku wu ka duwan yahay berigi khilaafada awoodaha aduunkuna wa is bedeleen waxa meesha ka baxay boqrtooyoyin xoog waaweyna kuwa kala burburkoodi kaso dhex baxay waxa is bedeley fahamki laga haystay aduunka nolosha cilmiga diimaha waxkasta o beriga jirey maanta qaar badan o kamid ah waa laga koray .

Lakin bilyan muslimin ahi wacyigoodu ma korin waxay u oyayaan o u barooranayn khilaafadi dhiigyacabka ahayd e ku dhisnayd dhiiga dadka e burburtay , Hadaba maxa keenay in muslimiintu maanta u hilooban waagi khilaafada ? wa su’aal iswaydiin mudan, maanta dhulwaynaha muslimka in

yar mooyane way ka hadheen xadaarada aduunka waxaana la hadhay askar iyo boqortooyoyin mayal adag o shaqo ka dhigtay dulaynta dadka iyo ilaalinta kuraasta ay ku fadhiyaan waxay la dagaalameen cilimgi iyo garashadi dadkina waxay ku mashquuliyeen taarikh hore o xumaan iyo mugdi ahay o aduunka so martay lakin la qurxiyey si kalena loogu akhriyey , taarikh aanay is waydin in ay saxsanayd iyo inay qaldanayd.

Waxa ugu wayn e keeneya in wixi la so dhaafay loo noqdo waxa ugu wayn fashil akhaalqi ijtimaaci ah o ku habsadey muslimiinta sido kale

Waxay lumiyeen gacan ku haynti aduunka waxa meesha ka baxay dulaysiga dadyowga aan muslinka ahayn waxa meesha ka baxay baadi la qaadi jirey dumarki la adoonsanjirey lana kofsan jirey sido kale saamaynti ay aduunka ku lahaayeen ,Mar walba waxa gacanta sare leh cida nolosha rabta ee si hufan o wanaagsan u maalgashata aduunka ,maanta suurtagal maha in muslimku khilaafa dagaal ku dhisaan waayo khilaafada waxa lagu dhisa dhiiga iyo lafaha dadka lagu duulo khilaafadu kuma timaado dimuqradiyad ama wax is waydin maanta aduunka awoodisa waxa gacanta ku haya dadka aan muslimka ahyn iyagana hogaaminya xadaarada iyo cilmiga maanta nolosha haga iyaga aha awooda ciidan e maanta aduunka ka jirta sida o ay tahay waxa ay ogol yihiin in ay nabad iyo iskaashi aduunka kula nooladan wa jiraan khaladaad ay ku dhacaan iyo gabood falo ay gaysteen lakin wa ka hadleen wa diideen wana qireen in ay baal madaw o taarikhdooda ka mid ah tahay o ay ka xun yihin, muslimintuna wa u ooyaan waxay u ooyaan in ay mar labaad dhibti ay gaysteen ay mid ka daran gaystaan o dhisaan imbiradooriyadi shaydaanka .

Waxa kalo muhiim ah in aan ogaano in shareecada islaamka ama qaanunka ilaahay sida muslimiintu aaminsanyihiin aan laga doodi karin wax ka bedel lagu samayn karin lama la laali karin wa in lo qaata sidu yahay.

Ma jirto xuquuqul insaan nabad cadaalad iyo wada noolaansho markay timaado khilaafada islaamka , ma jirto qaab loola xisaabtami karo hogaanka maantana suurtagl ma aha in qof aanad doorani kuu taliyo sharci aanad ka doodin ama wax ka dejina lagugu dhaqo wacyiga dadku wa ka koray howlaha , khilaafadu wa bahlinimo laga koray fashilka maanta jira maha xalkiisu in lagu riyoodo guushi qarniyadi laso dhaafay ee ku dhisnayd dhibka iyo dhiiga dadyowgi khilaafadu guumaysan jirtay.

Khilaafadu waxay ahayd welina tahay nidaam maamul o dib u socod ah nidaam aan maanta la jaanqadi Karin wacyiga aduunka ka jira nidaam ku dhisan dhac dil boob dulaan adoonsi kufsi baahsan o sharciyaysan ku tumasho xuquuqda aadanaha iyo ka ganacsiga aadanaha , nidaam ay macquul tahay inu aqbali karayey caqliga waaga jirey lakin maanta laga yaqyaqsoodo, Aduunka xorta ahi ma yeeli doono in mar labaad dhibki ka dhacay qaarad u eekaha hindiya afrika aasiya iyo badh ka mid ah yurub inu so noqdo iyado aan waxba laga bedelin ileen denbilayaasha qaarba dhuunta ama dafira denbigooda indha adayga musliminta waxa kow u ah jahliga iyo ka beensheegida khilaafada kasi darane weliba maanta o aan jogno qarnigi 21 aad ayay u ooyeyaan in ay dhac duulaan kufsi adoonsi dhagax ku dil gacma gooyn ay aduunka ka fuliyaan.

Ninka dooneya khilaafada wa inu ogaada in wadamada islaamka hubka yaala iy cilmiga yaala u asal ahaan ka so jeedo reer galbeedka kufaarta ah wa in ay ogaadan in nidaamka difaaca aha e lagu ilaaliyo kabcada in gaal xumi sameeyey o aan diin midab iyo degaan lagu kala fadilnayn ee aqoon a isku dhaafay.

HADABA

Si aan taasi u so noqon waa in aan ka run sheegna taarikhda wa in aan ogaana in aany wanaag ahayn dhiiga dhibta gumaysiga iyo xanuunka ay khilaafdu soo marisay dadwaynihi ay gumaysan jirtay, wan in aan ogaana in aan khilaafadu waxba ka duwanayn guumaystayaashi soo maray aduunka,wa in la ogaado dhibti ay geeysteen saliibiyiintu (crusaders) iyo muslimiintu ay geeysteen ay isku mid tahay inkasto ta islaamku ka xumayd kana mudo dheereyd , wa in wacyiga muslimiintu ka koro khuraafadka ah diintyada ah ta saxda ah aduunkana anaga ka dhaxlnay ama wakiil uga ah ilaahay, wixi la gaadhsiiyey islaamka wa inay wax ka bartaan wixi ay dadka kale gaadhsiiyeena wana inay raali gelin ka bixiyeen, wa in ay ogaadan inay denbi labaad tahay in dhiigi ay daadiyeen dadki ay guumaysteen ama adoonsadeen dumarki ay kofsadeen ay ku faanan kuna farxaan una ooyaan in ay mar labaad fuliyaan , taarikhda waxa ku sugan casharo cidi rabta inay barato.

Ugu danbaynti aduunyadu dadka ku nooli waxay u baahan yihiin in ay si nabad ah u wada nolaadan iskana kaashadan wanaaga horumarka uma

baahna nin qori sita afkana duuban dadkana dib u celiya 14 qarni iyo ka hor aduunyadu horay u socota dib uma socdo taarikhdi la so maray ninka u ooya so celinteeda wuxu lumiya mustaqblaka iyo xaalka u marka ku sugan yahay.