Khaled Muse Qorraalo

DHAXALKI NEBI MOHAMED IYO QARNIGA 21 AA

Wakhti kasta wuxu leeyahay waayihiisa iyo ficiladiisa u gaarka ah Maskaxda iyo fikirka ama garashada dadkuna Wa mid ku eeg Wakhtigaas oo aan u so talaabi Karin wakhti kale o waayo gaar ah wata o aan weli la gaadhin Garashadaasi Wa fal celin U maanka dadku ka fal celinayo dadkaasi iyo waayaha ay marka ku nool yihiin Taarikhda bani aadmka Markaad dib u raacdo Waxay so yeesheen o soo maray diimo iyo nebiyo badan o kala duwan oo uu mid waliba ugu yeedheyey dadkaasi Waxa u isagu wanaag u arkeyey ama uu is laha waxay xal u yihiin dhib markaa taagnayd ama baahi ay dadku qabeen in lo sameeyo Wax buuxiya o ay u nisbeeyaan wixi aan maankoodu ka fal celin Karin ama koobi Karin .
Marka laga hadlayo nebi maxamed waxba kama duwanayn dadka aan ka akhrinay baalasha taarikhda qofba si ha u fahmo ama sida u jecelyahay ha u fasirto taarikhdaas Waxkasta o u beriga dadka u ugu yeedheyey waxay ahayd wax ku kooban wakhtigaas u noola iyo sanado kooban o ka danbeeyey waayo waxkasta oo uu la yimi waxay ahayd waxyaabo laga yaabo inay dhibaatadi beriga xal u ahayd ama ay u arkayeen dadki beriga noola in ay xal u tahay ayna u baahnaayeen,garashadooda ama caqligoodana ay u fududayd inuu fahmo o kobo ama u aqballi karo.
Sida daradeed wa muhiim in an ogaano ama akhrino wax yar oo kooban oo siradi ama taarikh nololeedki nebiga iyo ficiladiisi ka mid sido kale sharciyadi uu berig dejiy isla markaana aan barbardhigno dadka maanta ama qarniga 21 aad nool siday u arkaan ama ula muuqdaan caqligooduna u fahmo ama ay uga dareen celiyaan sido kale waxa muhiim ah in wax kasta ama ficil kasta loogu yeedho magaca u leeyahay midna wa sual u baahan iswaydiin waxa lo yaqaan wanaag ama xumaan ma is bedelaan sida waayaha iyo wakhtigu isu bedelo ? tusale ahaan wax aad maanta xumaan u taqaano ma laga yaaba qarniyo ka hor in u aha wanaag? , sido kale wanaagana halbeegaas o kale bal aan ku eegno.
1400 o sano ka hor nebi maxamed wuxu galay god mana cada sababta u godkaa u galay wuxu sheegay godki isago kujira godkaas  inu arkay malag la hadlaya  risaaladi iyo diinti u dadka ugu yeedhay halkaasa asal u ah wa lala dagaalamay nin waalan ba loogu yeedhay  waana laga hor yimi o dadki meeshaas ku noola waxay u arkeen inu waashay sixiroole yahay , waxay kalo ku eedeyeen inu mansab doon yahay wakhtiyada qaar wa ka riwaayadaysan jireen, Bal aan eegno dhowr waxyaabod o ka mid ah afcaashi suubanaha waana ka badh diinta afcaashisu , bal si kooban o dul mar ah aan isu barbar dhigno o aan uso bandhigno taarikhda iyo afcaasha suubanha.
Guurkiisi
Wuxu ugu hor guursadey khadiija o ka waynayd isaga hantina lahayd sido kale wuxu guursadey dhowr iyo toban dumar ah oo ay ku jiraan qaar caruura iyo qaar adoon ah iyo qaar naftooda  u hibeeyey qaar u ragoodi ka qaaday ama seef hakaga qaado ama aaayado quraan ah.
Duulaanadisi
Nebigu wuxu qaaday dhowr iyo labaatan duulan hadaanayba ka badnayn o u ku kala bixiyey dadki kula noola hal magaalo iyo kuwi jaarka aha  ama aduun waynaha ku noola dulaanadas  waxa ku naf waayey boqolaal kun o qof hadaanayba malaayin ahayn waxay lagu qaatay hanti waxa kalo lagu qabsaday dhul dadna wa lagu adoonsaday qaarna cashuur ay naftooda ku furtaan ba laga qaaday si toos ahna wa loo gumaystey, diinti u la yimi waxay ku fiday seef iyo duulaan dhac iyo boob adoonsi iyo bahdilaad dadyow kale o nabad ku nool
SHarciyadu la yimi nebigu
Wa muhiim in aan ogaano diini maxay tahay , ninba si u qeex lakin dad badan o an anigu ka mid ahay waxay u yaqaanan dejinta iyo ku dhaqida dadka ama umada meel ku nool sharci aanay iyagu samayn o ay aaminsanyihiin in samada lag so dejiyey, markaa diini wa qanuun samaawi o an ka hadal lahayn qaadasho mooye waana quraanka islaamaka marka laga hadlaayo , sida darted sharciyadaas waxa ugu muhiimsan ogolaaanta ilaah keliya iyo in isaga la isu dhiibo ogolaanta iyo aaminida nebinimadisa iyo ficilo cibaado ah waxa kalo ka mid ah nidaam cadaaladeed o qeexeya fulinta  abaalmarinteda ama ciqaabida cida qaadan wayda awaamirta iyo sharciyada iyo cida qaadata waxana fulinteeda leh muslimiinta ama adoonta alle  qaarna waynaha waxa sido kale ku xusan faldenbiyeedada qaar  iyo waxay noqonayso ciqaabtoodu tusaale ahaan sinada ama qofka galmo sameeya hadi u guur so maray waxa lagu dili dhagax meel ay dad badani daawanayaan ki aan so marina wa la jeedali tuuga gacmaha la goyn ki diinta kabaxana wa la dili, waxa kalo ka mid ah cida u dhega nuglaata abaalmarinta ay heleyso o  waxa ugu wayn cadaabta inay ka badbaadan janadana la geeyo laguna abaal mariyo dumar badan iyo webiyo khamri iyo malab ah.

Hadaba aan u gudubno Maanta ama qarnigan 21 e aynu noolnahay
Aaminaada aad wax aaminsantahay micneheedu maaha in u wanaagsan yahay ama sax yahay o umadaha iska daaye dadka ama laba qof o wada dhashay baan isku aragti ahayn.
Maanta hadi  aad god gasho oo aad kaso baxdo ka dibna ad tidhaahdo wa la iso diray ilaahay ba ila hadlay ama cid iso dirsaday wa laga yaaba in aad hesho cid ku aaminta lakin dadka meesha ku nool 90% waxay isku raacayan in aad maskaxda ka jiran tahay o ay tahay in dhakhtar ama hospititaalka waalida lagugu xidho iyado lagu naxarisanyo daawayn bilaash ahna lagu siinayo , waayo sebenka ama wakhtigaa aan kor kuso xusany maanta lama joogo dadkuna caqli ahaan wa koreen o cilmiga casriga ah ( science) aya nolosha haga mana jirto cid kaa yeeleysa samada ayaan laygala hadlay waana idin badbaadineya , sida si lamid ah ma jirto cid kaa yeeleysa waan duuleya ama duulaan ban ku qaadaya aduunko dhan si ay tayda u raacan o Japan iyo Germany ba laga diidey o weliba la burburiyey lakin waxa la ogol yahay o waayhuhu iyo dadka wakhtigan nooli kaa yeeleyaan in aad nabad kula noolaato iyo xoriyad.
Maanta ma jirto cid ka yeeleysa adoonsi iyo (milkul-yamiin) ama in aad dadka adoonsato ama aad yeelato naago aad adoonsato o khasab bila meher bila heshiis aad ku fuusho maatna insaanku xuquuq bu leeyahay lakin diimuhu ma laha waayo insaanku ama bani aadamku isaga asal ah diintuna bani-aadmka  iyada u baahan dadku se wa ka maarmi kara.
Maanta  ma galayso caqliga dadka nool in aad guursato caruur o wa cudur waana falddenbiiyeed aad u culus ciqaab adagna lagu mutaysto loona yaqaan (pedophilia) wa denbi u maanka caafimaadka qaba aad u diido ugana argagoxo sido kale nina kaa yeeli mayo inaad xaaskisa ayaad iyo qoritoona ku qaado mana jirto qof haween ah u intay ku timaado ku odhanaysa naftaydaan ku hibeeyey o noloshu wa doorasho iyo jacayl loo siman yahay (equal terms), sido kale waxa ka mid ah horumarka bani aadmku gaadhey in la isku ixtiraamo kala duwanaanshaha waana furaha hurumar waara , Wa adagtahay in laguu dilo diintad ka baxday ama diinlaawad tahay waxa maanta bahalnimo ah in qof dhagax lagu dilo ama gacmaha la gooyo  lakin wadamada islaamku diin ahaan majority yahay wa ka jirta waxa an sare kuso xusnay o dhan o waxay ku daydan waxayna jeecel yihiin in ay u noolaadan 14 qarni ka hor iyo sidu u noola nebi maxamed  awood baase ciishay danta aduunkuna waxay ku jirta in aanay awood yeelan  si aduunku nabad u ahaado una noqdo meel aan ku noolaan karno si xor ah o sharaf iyo karaamo leh inta ay maanka ka koreyaan o wax fahmeyaan, kawarma hadi Maraykanku yidhaahdo diintayda qaata ama  cashuur bixiya hadi kale hubka lo yaqaan  thermonuclear  ama mid ka khatarsan ban idin la dhici ? .
Maanta lagayeeli mayo in aad keento sharci dadkana aad tidhaahdo wa sharci ilaahay ama ana idin dooray waana in la qaata dood la’aan waxa lo yaqaan tyranny ama dictatorship waana ka dagaalaman dadka caqliga u saaxibka ahi cidi ogalaatayna taarikhday ku xusan tahay dhibka iyo burburki gaadhey.
XALKU MUXU YAHAY
Xalku wuxu yahay in bani-aadamka  u noqdo ka dejiya sharciyada u isku dhaqayo in wax walba caqliga loo eego bulsho kastaana ku heshiiso waxay isku maamuli lahayd,xalku wa in laga kaaftoomo diima markay timaado dejinta sharciyada  Waayo diimaha iyo waaqaca iyo caqliga ama mandaqu isma waafaqayaan wa in laga doodo kee ino faa’ido badan ma kan mise kan e aan la odhan samadu ka yimi duudub ku qaata wa in aan waaqaca laga go’in o loo ooyin kumanaan sano dad noola qaabkay u noolaayen wa in aan ogolaana  in caqligu taliyo  wanaaga aduunka ku jira in caqligu taliyo  waayo hadi diintu taliso aduunka wuxu u qaybsami laha nin la dilo nin diinta qaata nin cashuur laga qaado isago bahdilan malikulyamin iyo dhagax ku dil iyo gacmo goyn hadi awoodi lagu fulin laha la waayana waxa lagu jiri riyo joogto ah waana laga hadhi xadaarada aduunka sida maantaba taagan.
Xalki wa cilmaaniyada ,Ha nixin cilmaaniyadu wa ta  ogolaatay in aan yurub masaajido ka dhisano iyo wadamo aan aaminsanyn jiritaanka ilaah Xalku wa dhawrida iyo ilaalinta xuquuda adanaha o dhan iyo nabad kula nolaanshaha dadka kala duwan diin ahaan luqad ama midab iyo degaan ogow qofi diin wa yeelan kara lakin dawladi may waayo diini wa xidhiidh khaas ah u dheexey qofka iyo waxa ama cida u caabudeyo.Wa muhiim in aan ogaano cida muhiimada leh ma dhagaxa ( xaramaynka Aqsa,Gidaarka Galbeed ,sanamla Buda Cross ka) iyo ki sameeyey intaaba e dhisay o aaminey xurmadna siiyey Kaaso ah bani aadamka.sido kale wa muhiim in aan ogaano dhibka aduunka iyo aadanahaba diimuhu u gaysteen wuxu ka badan yahay fa’idada ay keenen , Waxaan Makhraanti ka nahay dhamaanteen diin o kelia o lagu dhaqma caqliga way disha.

ASALKU WA BANI AADMKA