Khaled Muse Qorraalo

Boqortoyada Samada Q.1

Muddo kusiman tobanaan kun o qarni Waxa jirtey o ilaa maantana jirta boqortooyo aad u xoog wayn aad u arxan daran aadna u baaxad wayn boqortooyadaasi waxa fadhigeedu yahay cirka , Tan iyo maalinti la asaasay waxay gaadhey boqortooyadaasi dhulka o ka hooseeya cirka waxay la wareegtey dhulki o dhan waxayna ula dhaqantay cidi ka hortimaada si arxan daran Boqortooyadaasi waxay noqotay tii ugu xooga waynayd ee aduunka soo marta ilaa maantana jirta.
Boqortooyo kasta waxay leedahay shuruuc iyo qawaaniin lagu dhaqo dadka ay xukunto sharciyadaasi ma leh ka hadal iyo dood ka keen o wa kuwo ka yimi boqorka samada o ah kelitaliyaha dhabta ah e boqortooyada xooga wayn xukuma , lagma doodi karo lama codsan karo wax ka bedel lama casriyayn karo lagamana hor iman karo cidi ka kacdana waxay mutaysan ciqaab arxan daran o ay fuliyaan dadka ay xukunta boqortoyadaasi iyago ka cabsi qaba in ay ku dhacdo ciqaab wadareed hadi ay ciqaabi waayan qofka ku gefey boqorka samaada ahna kelitaliyaha keliya ee ay hoos tagaan dhamaan dadka ku nool dhulka (Adoonta).
Si ay u fusho talada kelitaliyaha samada fadhiya ee dadka hoos u soo eegeya wuxu samystay shaqaale waaweyn o baalal leh dadkuna aanay arag dhulka oo dhanna ka wayn si ay u fuliyaan una qoraan ulana socdaan talaabo kasta o dadka dhulka ku nooli sameyaan ama ka fikiraan inay sameeyan si loogu abaal mariyo kuwa u hogaansama una dhego nuglaada talada kelitalliyaha kuwa aan wax hadal ah ama dood ah waxna aan iska waydiin awaamirta kelitaliyaha una hogaansama wax kasta o isaga ka yimaada o sharciyo ah ama heeso iyo gabayo lagu waynaynayo ah dadkaas waxa u keli taliyuhu u sheegay wa sida ku qoran qodob ka mid ah qodobada shuruucdisa in u gayn doono meel wayn o aanay arag o maqal si ay ugu raaxaystaan ugana nastaan dhibti soo gaadhey inti ay joogen dhulka si ay fuliyaan una qaatan talada iyo awaamirta keli taliyaha .
Kelitaliyahaasi wuxu ku mutaystey in loo dhega nuglaado raali gelintiisa Gacan furnaanta ( deeqsinimo) ,samaynta dadka iyo dilida dadka,dhibaataynta dadka , caga juglayn joogto ah , qaybinta khayraadka si cadaalad ah arxandaro iyo qaarkalo badan , kelitaliyahaas waxaa dhaqan u ahayd inu dhowrki qarniba so dejiyo sharci cusub si loo joogteeyo dhega nuglaanta iyo fulinta awaamirtiisa ogow oo dadka ama adoonta waxba lagama waydiiyo lagalamana tashado so dejinta ama wax ka bedlka shuruucda kelitliyaha boqortooyada samada fadhiya u dadka u so dejiyo .
Boqrtoyadaa samada fadhida kelitaliyaha boqorka u ahi Marka u sharci cusub so dejinayo wuxu u so dhiibi jirey mid ama labo ka mid adeegayaashisa waaweyn e duula iyaguna waxay so gaadhsiin jireen mid ka mid ah dadka dhulka ku nool ee loo taliyo waayo boqrtoyadaas xooga wayni waxay u baahnayd qof fahmeya luqada ay ku hadlaan dadka ay iyadu maamusho dadka u samystay kelitaliyaha xukuma boqortoyada sidaas o ay tahay hadana Waxa lama huraan ahayd in shuruucdaas u dadka (adoont) gaadhsiyo qof afkooda ku hadla hana hilmaamina in kelitaliyuhu u shuruucdaas isaga laftiisu soo qoro