Ina Cabdullahi Qorraalo

Filan-waa! Sheeko gaaban (jaceel)

Filan waagga waayaha!!! Iyadda oo I jecel, ayaan ka tegay. Dartay ayay u ilmaynaysay. Qalbigeeda ayay igu qortay, wehelkeeda dhabta ah ayay iga dhigtay. Nafteeda way iga jeclayd, si aanay qudheeda uga fikirin, ayay tayda uga fikiri jirtay. Ixtiraam wayn ayay ii haysay. Annigu se wax jacayla umaan qabin. Waan ku jeesjeesi jiray. Dan iyo helo kamaan lahayn. Wax naxariisa iyo jixin_jixtoona umaan hayn. Markay I soo wacdo waan ka nixi jiray. Waan dhibsan jiray hadalkeeda. Waxan yaa ka daba Reeba, ayaan odhan jiray, maquustadan sidaan ka yeela. Si kasta haddaan wax ugu sheego, oo idhaahdo i nabadgeli, kuma jecliye, wakhtigaaga waxba haygu qasaarin. Dheg uma dhigayso. Intay Cabaar oydo, ayay odhanaysa, ,, waan ku jecelahay, damiir aan wax ku qaato malihi, waan ku baryaya ee hadalada xanafta leh haygu odhan, adiga oo idhirbaaxa ayaa iidhanta,, gabadh kale oo weriye ah ayaan jecelahay, iyaduna way I jecelahay. Xata si aan iyada ugaga hinaasiyo, ayaan u baray, oo ku idhi tani waa saaxiibadayda dhabta ah, ee mustaqbalka Ila wadaagaysa. Waxan ku rajaynaya inaad adiguna mustaqbal wanaagsan dhisandoonto,, Sidaan jawaab kale uga sugaayay ayuun bay igu tidhi: Kuguma nacaayo gabadhan, sidaad iyada u jeceshahay ayaan ku jecelahay. Alle afar dumara ayuu ku baneeyay, xata hadday xaaskaga dhabta ah noqoto, annigu waan ku jecelahay,, Maalin uu roob mayay ahi na helay, ayaanu anniga iyo saaxiibkay, intaanu gaadhi kaxaysanay magaalada ka baxnay, oo dalxiistagnay. jidka annaga oo sii socona, ayuu baabuurkii nala dhacay. Saaxiibkay isla goobtii ayuu ku qudhbaxay. Anna koomo ayaan galay, labtan cisho, ayaan miyir doorsana. Koomadii waxaan ka soo baxay anniga oo dhakhtar aalla, labadii lixaadna layga jaray, waa lugihiiye!!! Isla daqiiqado gudahood waxa halka ka soo gashay, inantii I jeclayd, ee aan xumeeyay. Markaan muuqeedii arkay, ayaan isku daray oohin iyo ilmo aan joogsilahayn, iyaduna way igu dartay. Madaxayga intay gacanta saartay, ayay igu tidhi, walaal waa aduunyo, waxba hays murugayn, waan ku garabtaagtay, meel kama tegaayo bes ilmada jooji,, Saaxiibadaydii dhabta ahayd, ee aan jecla, markii lugaha layga jaray, ayaa nuurigeedii igu dambaysay. Xata taleefoonka igama qabato. Nabsi waa madaale, qofkii aan ka cararayay, ayaan mutay. Marna ismaan lahyn, sidan ayaa dhacaysa. Waa see aduunyo oo wax walba waa laga fisha. Laxaad la’aantaydii igumay nicin, sidii ayay I jeclayd. Mustaqbaal baanu dhisanay, reer baanu wada yagleelanay. Saddex carruura ayuu eebbe nagu arsaaqay. Dhammaad.