Muxsin Jama Qorraalo

Soyaalka shibil

Soyaalka shibil

 

Hor dhac.

 

Dhawr dab-shid ka hor, waxaa bulshada dhagahooda qabsaday muran ka dhashay hadal uu jeediyay mid kamid ah culumada gayiga somaliyeed loogu ixtiraamka badanyahay. Waxa uu ka dhawaajiyay arin fajac iyo af kala qaad ku noqotay, intii maqal iyo muqaalba ku aragtay hadalka uu wadaadku bulshada la wadaagay. Waxa uu ka dhaawaajiyay inuu aragiisa soo saaray dadyow dumar u badan da,dooduna 14-19 sano u dhaxayso, oo xero lagu hayo, kuwaas oo qaba cudurka laga cawdu bilaysto gaal iyo mislimba ee AIDs. Wadaadku waxa uu aad hadalkiisa ugu sii ta,kiidiyay, kaliftayna in bulshadu badankood ay arinkaas run u qaadato. Markuu sheegay inuu shaahid u ahaa, indhihiisana uu kasoo qaaday meesha ay ku jiraan, waliba si cad farta uu ugu fiiqay.

 

Doodi iyo sawaxankii ka dhashay arinkaas, waxa uu gaaray,  dadyawgii kunoolaa gayiga uu ku carabaabay inay gabdhaahsi ku noolyihiin. Baaris iyo fatashid dheer kadib, waxa soo cadaatay wadaadku inuu, u gafay gabdhaha somaaliyeed, iyo dhamaan bulshada degaankaas uu ku shegay ku dhaqnayd. Waxaase layaab ku noqotay markii uu wadaadku dan iyo heelo toona ka galin, dhagahana ka furaystay; qayladii kaga imanaysay dhacdadaas, kana gaabsaday inuu soo bandhigo meesha uu ku arkay, kuna shuufay hablahaas, waliba si cad u, udiiday inuu raali galin ka bixiyo.

Naxariista iyo dabacsanaanta ay u hayaan  bulshada soomaliyeed culumadooda , waxay sababtay dhacdadaas u gaftay dhaqankooda iyo diintoona inay si fidud uga gaabsadaan, kan soo qaadaan gaf iyo qalad ka dhacay qof saalix ah. Walow ay yaraatay xiisihii iyo ixtiraamkii loo hayay, hadana ma ahayn mid ay bulshadu ka saarto saaxada wadaadnimo.

 

Si,aan uwada fahano ujeedka qormada, waxa lama huraan ah inaan dib u milicsano soyaalkii nololeed ee wadaadkan ay qormadan khusayso .

 

Shibil waa kuma?

 

Maxamud maxamed cabdi samad, oo loo aqoon ogyahay (shibili), naynaasta “shibil” sida uu sheegay waxay kasoo raacday aabihii, walow uu ku sheegay micnaheedu inuu la mid yahay dadyawgii laga barkaysan jiray ( sida jaylaani, shaaadali iwm.) Hadaan soyaalkiisa aqoonayeed inyar aan soo tibaaxno, sheekhu waxa uu barashada diinta kasoo bilaabay dugsi uu meeriye ka ahaa aabihii, waxa uuna bartay qur,aanka min faatixa ilaa maryama fasirkeda. Sidoo kale waxa uu in yar ka bartay xusnul muslimka iyo kutub aan sidaa usii badnayn.   Mudo kooban ka dib,  waxa uu jaanis u helay inuu sii barto culuumta diinta, waxa u soora gashay inuu qayb kamid ah barto fiqiga shaafiga, walow uusan dhamaantii koobin. Sheekhu waxa uu dib ugusoo noqday dugsiyadii maadiga, halkaas oo u kaga baxay heer dugsi sare aan gaarsiisnayn .

 

Intaas ka dib sheekhu waxa uu, u baqoolay dhankaas iyo madiina,  si uu horay uga sii wato cilmiga diinta. Sheekh shibil waxa uu bilaabay kuliyada axaadiista ee jaamacada madiina. Qalin jabintiisii kadib waxa uu si toos ah usoo galay saaxada dacwada, walow uusan ka harin aqoontii diimeed, se waxaa muuqata cilmiga diinta inuu ka wato hal shahaado oo kuliyada axaadiista ah.

 

Aqristow adaan kuwaydiiyayee, Sidee-baan caalim diimeed ugu magacawnaa, qof aqoontiisa diimeed becholar xadiis  un ay  tahay?

 

Wadaadku yaraantiisa waxa uu kusoo ababay sida uu sheegay, mad-habta shaafici-yada, oo bud dhig u ahayd bulshada soomaliyeed. Taaso garab uu kaga helayay, aabihii Sheekh Maxamed Shibil iyo abtigiis Sheekh Yuusuf Siyaad Cali Dhuux,

Waxaa kaloo usadexeeyay Sheekh Mucaawiya cali Maxamuud.

Halkaas hadaan kaga soo baxno culimadii somaliyeeed ee sheekh shibil asalka u ahaa, ababinta mad-habta shaafiyada. Waxa kaloo u dheeraa culumo carbeed oo aqoontiisa diimeed usii dhamays tiray. Kala duwnaanta fahan fikirka mad-habeed e ka jirtay, culumadii uu wax ka soo bartay, waxay sheekha ku qasabtay inuu dhan isugu luga duwdo.

 

Sheekhu waxa uu door biday inuu kasoo jeesto dhanka shuyuukhdii carbeed,  ee aqoonta diinta uu badankeed ka daalacday. Aragtiyihii iyo mad-habtii kala duwanayn ee uu cilmigiisa kusoo qaatay waxay sababtay, in loosoo xambaariyo isaga iyo kuwa lamidka ah fikir diimeed ka duwan kuwii uu dalka kala tagay, taasoo ujedoyin gooni ah ay hoos socdeen, se bud dhaceedu ahaa sidii loo doorin lahaa bulshada somaliyeed qalbiyadooda, looguna dacarayn lahaa caqiidadi ay ab-ka- ab soo haysteen.

 

Isku soo wada duboo soo xanbaardii uu shibil iyo xertiisu inoo soo xanbaareen ,fikirkan takfiirga ah ee seftu hor boodayso, waxay bulshadii u sababtay bur-bur nafeed iyo mid degaaneed, waxayna dhalisay in bdan oo aqoonyahano iyo culimo dadka iyo dalka wax tari lahaa, loo arko fasahaad iyo baadil wadayaal, kuwaaso oo caamadii iyaga hoos fadhiday dhagaha ugu shubay inay seeraha ka gudbeen ninki kab iyo kal lagaari karana uu janada ku tagayo (Geerl jire janada iyo dumar looga sheekeyay ma meel buu ka gaban).

 

Dhibaatada kale een ka dhaxalnay xanuunka loosoo xambaariyay shibil iyo shuyuukhdiisa ayaa ah nabaad guurka degaameed ee maanta gaxiga somalaad ka jirta. Waxa macquul ah inaad is waydiiso nabaad guurkee? Oo maxaa mashaa,ikhda iyo abaarta isku xiehay?

.aan kuu faah fahiye carabayntii inala carabeeyay, nalooguna sheekeyay inaan nahay carab  qadarta alle ku madoobaaday, waxay na dhaxashiisay nabaad guurka maanta ka jiraa dhirteenii, tasoo asal u ah jeclaysiinta ay bulshada jeclaysiiyeen wadadadii dhulalka carbeed diinta kasoo xamaalay uguna sheekeyay carabtu inay tahay bulsho alle karaamo iyo cisi siiyay, inta islaamka ku abtirsataana ay waxooda la leeyihiin. Taasina waxa marag u ah sida maanta aan dhirteeni intaan ugoyno, deedna gubno aan ugu dhoofinayno dhilalaka carbeed kadibna carab cunta ka dhargay uu shiishad ku shito, hadhowna ay macluul feeruhu isku kaaya dhagaan

 

Sheeko gaaban

 

Carab cisi iyo karamu ale siiyay.

oo see ah ?

Dee nabiga NNKH ka dhashay udkoon badanihii umada.

 

Yuhuudana?

 

Nacalad baa lagu dhabooqay.

 

Sow tay anbiyadu badankeed kasoo jeedaan. Sabab bay nacalada intaas la eg  mutaysteen, carab oo nabi kali ahna leh cisiga iyo sharafta inta laeg uheleen ?

 

Dhibaataday geesteen ba ka badan .

 

Haye wixii anbiyo ahayd ma afar yuhuud ah dhibtooda qarisay?

 

Hmmmmmmm

 

Ok sow tan diinteenu sheegayso 99.9 xumaan ah haduu qofku samaeeyo 00.1 wanaag ahna sameeyo inu ale wanaaga u eegayo, goormay bahshu is badshay?

 

Adeer waad dheeraynaysaa culimada ha hor boodin, heheh waan garanayaa wiil yaroo loo gacan taagayo.

 

Raali ahow wadad hadaad khalad fahantay. Ee waxaan ula jeeday wixiinu so uma eka inaad dad jeclaada diin inooga dhigaysan.

 

Subxanalaah horaan kuu shegay maanta kaga bilaabo jamaacada waad ka baxday, waxaadna tahay caqlaani .

 

Caqlaani maxaad ula jeeda wadaad ?

 

Yacni kuwa caqliga adeegsada .

 

 

LASOCO QAYBTA XIGTA….