Qorraalo

Diinta Eebbaa leh, dalkana waa wadaagnaa!

Halkudhegga yiraahda: ” diinta Ilaah baa leh, dalkaan waa la wadaagaa” waxaa loogu abtiriyaa oo markii ugu horraysey adeegsaday aqoonyahankii reer Lubnaan ee Butrus al-Bustaani (1819-1883). Laakiin halkudheggu wuxuu dunida islaamka, gaar ahaan dunida Carabta uu ku faafay wixii ka danbeeyey sannadkii 1919, ka dib markii uu adeegsaday hoggaamiyihii Masaariga ahaa ee Sacad Saglool (1858-1927) oo guddoomiye ka ahaa xisbigii waddaniga ee la oran jirey “al-Wafdi/الوفد”, isla markaana dalkaas Ra’isu Wasaare ka noqday.
Sacad Saglool halkudhegga wuxuu adeegsaday xilli Masar halgan kula jirey gumeystihii Biritan, wuxuuna uga dan lahaa in uu ku mideeyo bulshada Masar, maxaa yeelay wuxuu welwel ka qabay in Ingiriisku ka faa’iideysto diimaha kala duwan ee Masar ka jira, uuna kula dhaqmo siyaasadda uu ku caanbaxay ee loo yaqaan “qaybi oo xukun” (divide and rule/فرق تسد). Taa awgeed, hoggaamiyuhu wuxuu bulshada ku baraarujiyey ahmiyadda midnimadu leedahay iyo in ay xusuusnaadaan in bulshada oo dhammi ay dalka wadaagaan iyada oo aan loo eegin af, dhaqan, diin iyo midab toona, ayna lamahuraan tahay in la ixtiraamo kala duwanaanta muwaadiniinta.
Yeelkadeede, xilligii oraahdaani ay baxday iyo waayihii ka danbeeyey si wanaagsan looma fahamsanayn waxtarka oraahdu leedahay, maxaa yeelay xilliyadaas ma muuqan khilaaf weyn oo diin iyo fikir ku salaysan oo ka aloosan muslimiinta dhexdooda ama muslimiinta iyo dadyowga diimaha kale haysta ee ay dalka wadaagaan. Tusaale ahaan, dabshidkii 1923, dalka Masar guddigii diyaarinayey dastuurka dalkaas waxay isku soo qaadeen in qodobbada dastuurka lagu daro qodobka gadaal caanka ka noqday ee oranaya: “diinta dowladdu waa Islaam/دين الدولة الإسلام”. Guddiga dastuurku waxay isugu jireen Muslimiin iyo Qibdiyiin Masiixi ah. Xubnihii muslimiinta ahaa oo dareensanaa in masiixiyiintu ugu horreeyaan dadka dhibsan kara in qodobkaas dastuurka lagu daro, waxay talada arrinka u daayeen xubnihii masiixida ahaa oo iyaguna kolkooda ku taliyey in wax dhib ahi aysan ku jirin in qodobkaas dastuurka lagu qoro.
Hayeeshee, muslimiintu meel kasta oo ay joogaan, maanta baahi weyn bay u qabaan ka dhabaynta hirgelinta halkudheggaan ku baaqaya in ruux walbaa uu u madax-bannaan yahay in uu qaato caqiidada qalbigiisu ku qanco, laakiin lagu khasban yahay in waddanka la wadaago. Waayo? Maanta meel kasta oo dunida Islaamka ka mid ah, waxaa ka taagan colaad diin salka ku haysa oo u dhaxaysa firqooyinka muslimiinta dhexdooda ama muslimiinta iyo dadka diimaha kale haysta ee ay waddanka wadaagaan. Waxaana xusid mudan in muslimiintu baahida arrinkaan loo qabo ay mar hore ku baraarugeen. Tusaale ahaan, Taha Xuseen oo waa fog faallo ka bixiyey jawaabtii Qibdiyiinta Masar ay ka bixiyeen weydiintii ku aaddanayd in dastuurka dalkaas lagu qoro qodobka oranaya: “diinta dowladdu waa Islaam”, wuxuu yiri: “waxaan kala kulannay dhib, dhib oo dhan/وقد وجدنا فيها الضرر كل الضرر”.
Waxaa nabad, barwaaqo iyo horumar la higsan karaa marka la fahmo macnaha muwaadinnimada, lana xaqiiqsado in diinta Eebbe leeyahay, dalkana la wadaago. Bilmatal, Bakistaan waa dal ay ku noolyihiin dad asal ahaan badankoodu diin isku raacay, laakiin bulshadiisu aysan si dhab ah u garan macnaha ay leeyihiin erayda waddan iyo muwaaddin, sidaa awgeedna dadkiisku ay dharaar kasta dhiigga iska qubayaan. Si taa ka duwan, Hindiya waxaa ku nool dad kala haysta diimo aad u fara badan, isla markaana ku kala hadla boqollaal af, sidaas oo ay tahayna ilaa heer nabad iyo xasillooni ku wada nool. Taana waxaa ugu wacan in Bakistaanida loo sheego in ay wadaagaan dal la doonayo in diin lagu dhaqo, halka Hindida loo sheego in ay wadaagaan dal dimoqoraaddi ah oo muwaadiniintu xuquuqda iyo waajibaadka u siman yihiin.
Sida aan ka wada dheregsannahay, bulshada Soomaaliyeed inta taariikhdeeda sida wanaagsan loo hubo waxay ahayd bulsho xoolo-dhaqato u badan oo u qaybsan beelo diin wadaaga laakiin aan dal iyo dowlad wadaagin . Bulshada dhaqatada ah waxaa lagu yaqaan tilmaamo ay ka mid yihiin in beeluhu si joogto ah isu dhalan rogaan. Sidaa darteedna waxaa la rumaysan yahay in aysan jirin beel dadka ku abtirsada oo dhammi ay wada dhasheen, oo ay dhiig wadaagaan. Beeluhu waxay ka abuurmaan isbahaysi dhaqan-dhaqaale, in ka badan inta ay ka abuurmaan dhiig wadaag.
Dhanka kale, bulshada reer miyiga ahi waxay ku sheeggan tahay in ay adduunyada daneeyaan in ka badan inta ay aakhiro daneeyaan. Waxaana la yiraahdaa dhaqatadu waxay leeyihiin dhaqan calmaani (=secular) ah oo halganka nolosha adduunyada ku mashquula, laakiin aan si weyn isugu mashquulin arrimaha maqan (al-Geybiyaat). Tusaale ahaan, dhacdada taariikhda Islaamka ku caanbaxday magaca “dhacdadii maroodiga/حادثة الفيل”waxay noo sheegaysaa in markii Abraha uu ku duulay Maka si uu u burburiyo Kacbada, uu Abuu Daalib ergo ahaan ugu tagay kana codsaday in boqorku geelooda u soo celiyo isaga oo dooddiisa ku saleeyey oraahda caanka ah ee: “Anigu geela ayaan leeyahay, Gurigana (=Kacbada) waxaa leh Rabbi ilaashanaya/أنا رب الإبل وللبيت رب يحميه”. Si taa la mid ah, Soomaaligii xoolo dhaqatada ahaa wuxuu ahaa mid diyaar u ah inuu u dhinto halihiisa dartood, laakiin way adkayd in uu Alle darti u dhinto. Soomaaliduna waa kuwa wariya sheekada tiraahda: “Alle iyo Catoosh baa nagu hardamaya, dhanka Catoosh baana u badannay!”.
Midda kale, beelaha xoolo-dhaqatada ahi waxay ku sheeggan yihiin in ay leeyihiin dimoqoraadiyad bilow ah, oo ilaa heer talada la wadaago. Tusaale ahaan, golaha duqeyda beesha waxaa lagu metalaa in uu u dhigmo baarlamaan looga doodo ummuuraha beesha, wadar ahaanna ku go’aamiya danaha beesha.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliga dhawaan bay u ahayd maqalka dal iyo dowlad, muddada kooban ee uu maqlayeyna waxtar la taaban karo kalama uusan kulmin. Soomaalida iyo dowladnimadana waxaa ku rumoobaysa maahmaahdii ahayd: “ dibiga Doolood dhegihiisu wax san waa maqlaan, laakiin indhihiisu ma arkaan.”
Waxaa taa dheer, in fikirkii diiniga ahaa ee Soomaalida midayn jirey uu hadda u qaybsamay firqooyin iyo ururro is wada colaadinaya. Diimaha iyo firqooyinka kala duwan mid kastaa waxay ku andacootaa in keligeed ay tahay midda xaqiiqada dhabta ah haysa oo taqaan waxa Ilaah yahay iyo waxa uu doonayo. Marka xaqiiqada la isla garan waayana waxaa imaanaya in la is-gaalaysiiyo, isgaalaysiintana waxaa ku xiga in la xalaashado dhiigga cidda la gaalaysiiyey. Islaagaalaysiinta oo la raaciyo gacan-ka-hadalna waa waxa loo yaqaan argagixisada. Argagixisanimadu waxay ka bilaabataa gaalaysiin, waxayna ku dhammaataa dil iyo dhiig daadin.
Iyada oo kooban, diin iyo qabiil midkoodna Soomaalidu dowladnimo waarta ku gaari maayaan, waxaana lagama maarmaan ah in la fahmo macnaha ay leedahay muwaaddinnimada ay ku qotomaan dowladaha casriga ahi. Sidoo kale, waxaa lagama maarmaan ah in lagu baraarugsanaado in aysan suuroobayn in la helo dimoqoraadiyad, horumar iyo ilbaxnimo jeer laga garwaaqsanayo qiimaha qofka aadamiga ahi uu leeyahay, xuquuqdiisana laga ilaalinayo.
Sidaa darteed, aqoonyahanka, waxgaradka iyo xukuumaddaba waxaa xil weyni ka saaran yahay in ay bulshada baraan macnaha dhabta ah ee ay leeyihiin erayada waddan iyo muwaaddin. Taasina kuma imaanayso halkudhegyo iyo suugaan fagaarayaasha laga tiriyo iyada oo waaqica dhabta ah ee dadka hortooda ka muuqdaa uu beeninayo waxa gabayga, geeraarka, heesta iyo wacdigu ay sheegayaan. Soomaali oo idil sida faataxada ayay dusha uga qaybtay heesta aan munaasabad kasta ku luuqayno ee ” Soomaaliyeey toosoo! Toosoo isku tiirsada eee!!”, haddana maanta dadka intooda damiirka lihi marka ay heestaan maqlaan, halkii ay ka qiroon lahaayeen way ka khajilaan- haddiiba aysan murugo u dhiman.

Isku soo duuboo, dalka waxaa wadaaga dhammaan muwaadiniinta dalka u dhashay iyaga oo aan loo eegin dhalasho, dhaqan iyo diin toona. Dhammaantoodna waxaa xil ka saaran yahay ka shaqaynta danta iyo horumarka dalka, waxayna leeyihiin xuquuq iyo waajibaad is le’eg. Laakiin si taa ka duwan diinta Allaa leh, mana jirto cid Alle wakiil ka ah oo xaq u leh in ay dadka ku kormeerto sida ay u caabudayaan iyo meesha ay ku caabudayaan.
Ku Allahoode, waxay wariyeen in suufigii weynaa ee Abuu Yasiid al-Bastaani (804- 874) uu soo maray Kaniisad ay joogto haweenay wadaad ahi uuna ku yiri: ma heli karaa meel daahir ah oo aan ku tukado? Haweeneydiina waxay ugu jawaabtay: “Qalbigaaga daahiri meesha aad doontana ku tuko!”. Nebi Muxamedna (scw) waa tuu yiri: “dhulka waxaa la iiga dhigay masjid iyo meel daahir ah”. Marka ruux kastaa ha ogaado in diintiisa uu isagu leeyahay, laakiin dalka la la wadaago.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
sismail42@gmail.com