Qorraalo Safiir Abdirizak Osman

Waa maxay xoriyada hadalka?

Waa maxay  xoriyada hadalka/fredom of speech?

Ulajeedka   xoriyda hadalka waan in qofka adoow buuxda u’helaa in  fagaare   ka cadeyo waxa uu rumeysanyahay, iyo sida asaga la tahay aadoo jirkiisa ama nafsadiida wax dhibaato ah loo geysan.

Marka xoriyada qoolka sidaa loo qeexo,  weydiinta qeexidaas ka dhalaneyso waxaay noqon kartaa waa kuma bolshooyinka horseedka u’ah fulinta xaq qokfa u leyahay inuu graadkiisa ka hadlo gurigiisana u soo laabto asagoo nabad qaba.

Jawaabta iskeeda noo soo dul’istaageysa waxaay tahay, waa bulshooyinka galbeedka Yurub, kuwa ugu tilaabo dheer xushmeenta iyo ixtiraamka xaqa qofka u’leyahay inuu maankiisa ka hadlo.

Hase-ahaate,  hadana waxaa jirta  iin iyo ceeb culus oo ku aadan  in dowladaha bulshooyinka ka askuman  diideen in  qofka   yiraahdo:  ”waxaanshaki  ka qabaa tirada  dadka Yahuuda ah ee  galbeedka Yurub lagu xasuuqe xiligii uu socde dagaalka labaad ee aduunka” taaso micnaheeda yahay in la jebiye qodobkii ugu adkaa firikra Libaraalismaka.

Sikastaba xaalka ha ahaado, hadana waxaa marnba la inkiri-karin in reer galbeedka heer aad u sareya ka gaareen adeegsida xoriya hadalka, waana istaahilaan in lagu amaano iyo waliba in looga daydo.

Xoriyada hadalka waa  xoriyad  u baahan in la maamuuso, qimo iyo qaayana la hugeyo  si loo helo bulsho maamul daahfuran oo abuuri kara kalsooni dhaxmarta bulshda iyo dowlada.

Tusaale ahaan, xoriyada hadalka Somalida gudaheeda waxaa ugu adan:

in qofka Hargeysa jooga yiraahdo “Xamar  waa in latagaa, calanka bluuga ahna  Hargeysa laga taagaa”

Ama qof  Baraawe jooga ku heeso, heesaha culmaaniyda lagu aamaano, hadana xabad maxada laga saarin.

Ama wadaad   Jigjiga jooga dhoho “Ogadenia ha xorowdo”.