Abdirisak Moalim Ahmed

Guuxaaga iyo Garashada Qalddan( horta kumaan ah)

Guuxaaga iyo Garashada Qalddan ( horta kumaan aheyn)

 

Sida wadaadadu sheegeen ama qaaciddooyinka ay u dajiyeen gaalnimada anigu iyada ruuxeeda ayaan ku gaaloobay hasayeeshee in aan ilaahay agtiisa gaal ka ahay aniga iyo isaga kaliya unbaa og.

 

Waxa aan rumeysanahay in Ilaahay rumeyntiisa la isaga dayan sidaas daraadeed ayaan diidanahay in qofku rumeeyo wax aanuu aqoon u laheyn oo rumeynta alle la mid tahay sida adiga oo shaqa lasoo gudbiya CV ugudubsaday balse markii ay caddaatay in aysan islaheyn aqoontaada iyo shaqadu lagugu diiday.

 

Waxa aan diidanahay in ilaahay laga dhigo mid wax yar naga gadisan kaasi oo durbaba marka aad faallo yar ku qorto Facebook xanaaqaya ayna jiraan wax u qarsan oo aqoontu dhibto.

 

Waxa aan rumeysnahay in wax baaristu xoojiso wax jiray awal dhaawacdana wax dhutinayay. Waxa aan ogahay in islaamka aan ka dhex heley bulsho u badan caammo kuna hadlin luqadda uu ku qorranyahay sidaasna ku ah %100 muslim kuna heshay iyana islaam-ka dhaxaltooyo fursadna aan u helin loona siin in ay isweydiiyaan waa maxay waxa diinteenno kaga gadisantahay diimaha kale waayo is weydiinta kaliya oo ka marran shaki ayayba ka dhigeen gaalnimo haddii shaki yimaadana waa murtadnimo geed aan loogu gabban ayay yiraahdeen.

Waxa inbadan aan idinkaga gadisanahay ayaa ah; in qofku wax uu aaminsanyahay %100 uunan awoodin in uu arko sax iyo qaladkeedab kiiyoo sii rumeysanba saxnimada wixiisa kumana sii jirto marka ay la socoto handaad iyo cabsiin u eg sidii in laga rabay hawshan xitaa markuu ku jiray uurka hooyada; xaggeyga se anigu xeradaas waan ka tallaabay cariiriga badan ee anigii oon wax ley barrin leyga robo wax walba waayo waxa aan aaminsanahay in Naska akhriyo aniga oo aan sii huwin qaddaasa ii diida in aan xaqiiqdiisa garto waayo sidaan horey u sheegaba wuu igala weynyahay ilaahay in uu iga dalbado in aan rumeeyo wax aanan iska baarin garranna guntooda oo ay timaaddo aniguna sidii in aanuu ogeyn qalbigeyga u cammirro ama mujaamaleeyo oo afka ka iraahdo Subxaanaka maa acdamaka!

Waxa aan rumeysnahay in yaqiintu ka dhalato cilmi iyo caqli iskaashaday sidaas daraadeed waxa aanan ilaahay u quurin in la yiraahdo qof aanan carabigaba qorrin rumey diinta oo haddii ay ku dooddo ma aqaan ee maxaan rumeeyaa lagu yiraahdo dadka raac haddii kale cadaab ayaad mudaneysaa.

Waxa aan u arkaa in ay ii furranatahay xaqna u leeyahay in aan wax walba su’aal iska weydiiyo sida: ilaahay, anbiyada, iyo Qur’aanka oo inta wax baaristu socoto iyo xitaa natiijada baarista aanay aheyn magacyo in la isugu bixiyo oo xitaa natiijada uu gaaro qofka maskaxda dhalaaliyay waxa aan rumeysnahay in aanuu ilaahay ugu carooneyn. Waxaa maangal ila ah sida aayaddani u hadleyso oo ah in gaalnimaduba tahay( inkiraaddo) laba shay waxa kadhsha kaddib marka uu rumeysto qofku qaldanaanta mawqifkiisa: 1. Kibir. 2. Madax adeyg.

وجحدوا بها واستيقنتها انفسهم ظلما وعلوا ..النمل

Gabangabadii: ماكنت بدعا من الرسل

Waxa aan arkayaa waxa asaxaabteyda in badan ka dhex-guuxayaahi uu yahay in ay igu eegayaan isla ookiyaalaha aan tuuray ee la xirnaa qarniya hore isla markaana aan dayacay arigii aan wada ilaalin jirnay ee lahaa furta iyo dacasha sidaas daraadeed magacyada ay iigu yeerayaan uu yahay oo kaliya Xoolo-dabemar ayaad tahay oo u dhiganata ZINDIIQ ama MULXID  waana labada kalimadood ee ugu adeegsiga badan xagga marka ay timaaddo in la is-hiifo, tilmaantan ayaa aheyd mid horay loogu yeeray culimadii waa weynaa ee islaam-ka sida: ibnu Nafiis, Ibnu Rushdi iyo Ibnu Siina, halka xitaa kuwa madaahibta, dariiqooyinka iyo jamaacaadku iskugu baacsanjireen sida xabbad Kaliile iyo Baas.

Aqoonta iyo caqligu waxa ay fura u yihiin is fahamka aadanaha lkn haddii aad tiraahdo suuliga Jin ayaa ku jiree iska ilaali ee lagu yiraahdo waxba kuma soo arrag ku jira! raadso awgayow tabtii aad ku qancinlaheyd qofka lkn in jawaabtu noqoto Zindiiq ayaad tahay diinta diiddan waxa ay keeneysaa in uu raadsado qofku ookiyaalaha aad ku arragtay Jinka si uu uga badbaado Zindiiq ama Mulxid.

 

 

Qore: Abdirisak Moalim Ahmed

Email: risaaq44@hotmail.com