Amina Qalin Maal. Qorraalo

Miskii iyo Mascuud ( 4) dhamaadka sheekada

Miskii  iyo Mascuud.

4aad iyo dhamaadka sheekada

Shuruudihii Mascuud waalidkii hordhigeen, waxay ahaayeen qaar adag, oo aannu ka filayn meesha. Sidan bayna u dhignaayeen,

1 mudo laba sano ah in aanad dalka ka dhoofin.

2 inaad gabadhan fanaanada ah ee kirishtaan ka ah aad xiidhiidhka u jarto.

3 sida ugu dhakhsaha badan in aannu kugu guurino gabadh aanu faamligeeda garanayno, oo aanu ku soo xulo.

Mascuud dheesha waxay ku noqotay laba daran mid dooro!

 

Hadalka waalidkiisa kama hor iman karo, jaceelka Miskina waa qofta uu noloshiisa ugu deeqe, hase-ahaatee badheedhiihisa ayuu dhiibtay, waalidkiisana waxuu ugu jawaabe:  «shuruudaha hal marka la reebo inta kale waa ogolahay,  taa gabadha ma dayn karaayo, waa mustaqbalkaygii waan jecelahay, waa qoftii  nolosha lawadaagilaha, waa ubadkaan dhalilaha hooyadood, waa gabadhaad sodohda iyo sodoga u noqon lahaydeen»

Aabbihii intuu kacay, ayuu afka gacanta qabtay, ayuu yidhi ,, waar naga aamus wejiga gubaye, waxba ku hadlimayside, abb  iyo isir  umaanu lahayn  waxaan aad samaynayso,  miyaadan damiir lahayn, sidaad naftada ugu quudhaysa fanaanad faransiis ah oo  weliba krishtaan ah?

«aabbe waa runta oo abb  iyo isir  umaynu lahayn, arrintan aan ku dhaqaaqay, haa waa kirishtiyaanad, se ka fikir in aan ahay nin raga, oo caqli badan.

Gabadha waan soo musliminaya, fankana waan ka saaraya, xijaab na waan u xidhaya, qur’aankana waan baraya, allena ajar buu iga qoraya, I garab istaag, oo ii ducee aabe.

«Annigu kulama rabo naagtaas, kamana mid noqonayso qoyska reer Fadxi, taas ku bushaarayso, aroortana waynu is raacayna, waxaan gabadh kaga doonaya, qoys beeralay ah, oo dhaqankeenii soo jireenka aha haysta»

Talo way ku baahday Mascuud, waa 5tii  galabnimo, maqsinkiisi ayuu hoosta ka xidhay, saaxiibadii ayuu taleefoon u diray, xaaladaha soo kordhay iyo arrimaha murugsan uga muu waramin  oo wuu ka qariyay.

Balanta labadooda u’taale  waxay ahayd, inay gabadhu diinta islaamka qaadato, ka hor intaanay is guursan, fankana  ka baxdo, iyada dhinaceeda intaasa laga rabay, isagana waxa laga doonayay, inta xidhiidhkoodu socdo inuu bishiiba halmar ugu yimaado dalka  fariinsiiska, si ay jacaylkooda u xoojiyaan, wakhtina isula qaatan.

Waxay sii kala maqnaayeen waa bil, mudada yar ee tirsan, labadii shuruudood ee laga rabay way oofisay balantiina way ka soo baxday, gabadhu.

Reerkoodii weer cad, iyo weer madow bay xidheen, markay ogaadeen in inantooda  diintii krihstanka ka baxday, xitaa waxaay gaaree heer gabadhooda ku tilmaaman in qoloyinka argagaxa ku biirte.

Maalinta uu mascuud la hadlayay gurigooda may joogin, sabab  amaan darteed ayay uga carartay, waxay la joogtay qoys reer  bakistaan  oo muslin ah.

Waxay hadal uga bilawday: « darta ayaan  ayaan uga tegay, hooyaday, aabahay, iyo walaaladaydii aan jecla, diintaydii ka awoow ka awoow aan haystay, ee laygu barbaariye iyo fankaygii aan ku faraxsana jaceelkaada dartiisa ayaan aga guure,  waxaa  tahay hanuun uu alle ii soo diray, waxaad ii horseeday jid wanaagsan, maanta qof islaama oo iiman leh ayaan ahay, anigo maalmo kooban haysta diinta islaamka, ayaan hadddana degaansho iyo farxad aanan weligay dareemin ayaan dareemaya, wixii iga dhimana adiga ii dhameestiraayo,,

Ilaa waaga berigiisi ayay wada hadlayeen, arrimo badana way isla mel dhigeen, oo ay ka mid tahay xilligii ay is guursan lahaayeen, waa la is  macasalaameeye, oo taleefoonadii la kala dhigay.

Mascuud durufo adag ayaa haysta, baasaaboorkiisi walaga xereeste, oo aabbihii ayaa ka qaaday, balantiina way taagan tahay, oo waqtigii gabadha loo doonayay, go’aan adag ayuu se qaatay, wuu diiday inuu raaco aabbihii, odaygiina askar ayuu u dalbay, isaga oo ku soo eedeeyay waalid caasi, 3 sano oo xabsi ah ayaa loo jaray.

Miskii  dhawr iyo labatan casho ayay soo wacaysay lambarka telefoonka Mascuud, ma dhacaayo,  way werwersan tahay, waxa jaceelkeeda  ku dhacay ayay ka fikiraysa, habeenkii inta badan ma ledo.

Waqtiyadii  utilamaansana ayada iyo Mascuud u tilaamsanaa  maqribka iyo cishahaa dhaxdooda  ayaa lambarka telefoonka  Mascuud laga soo garacay,saligii  salaada makhrib ku tukatay, ayay weli fadhide kor ayey uboode farax daraadiisa waxaan ka soo boode neef kulul.

-Hello, ma i maqashaa?

– Haa waa ku maqlaa

-qofkan kula hadalaya waa mascuud aabbihii, arrin ku dhaawici doona ayaan ku wada

– adeero haygu odhan mascuud bay wax ku dhaceen.

-Wiilkaygii mudo  bila, aroos ayuu ahaa, xaaskiisi waa walac, uur bay leedahay, adiga kumu jeclayn,  sheeko waqti lumisa ayuu kula jilaayay, wax dana oo uu kaalaha may jirin, taleefoonkiina wuu iska bedalay, kana anniga ayaa haysta, mar dambe hayga soowicin

-ma dhici karto!!! Wax kale ii sheeg, taas kaa rumaysanmaayo, isagu waa muslin, qof islaamina been ma sheego.

Taleefoonka ayaa lagu xere ayaado warkeeda dhameysanin, waana ku cadaate, nafteedii ayay la sheekaysatay oo la showrtay, shaydaankana hadalkii u loogu sheege waxuu aga dhige run, weyna  aamintay hadalkii, Waxay iska dhaadhicisay inuu Mascuud khiyaamay.

Reerkii bakistaaniyiinta aha, ee ay la noolayd ayaa qisadeedii ogaaday, ninkii guriga laha ayaa ku yidhi:

” waxaan kuu guurinaya aabbahay, oo waayeela, oo jooga bakistaan,  diintana asagaa  sifiican kuu bari doona  intuu noolyahay, waa haddii aad naga aqbasho”.

Miskii  way ogolaatay, odaygii wayna guursatay, bakistaan ayay degtay.

Warqad ayay boosta u dhigtay Mascuud. “adigu guurkaagii waad iga qarsatay, ii ma’aadan sheegin, waad ikhiyaantay, been iyo malawaal ayaad ii dhistay, qalbi ku jecla ayaad dhaawacday, niyad ku rabtay ayaad nabar ku noqote.

Annigu waan guursaday, bakistaan baan deganahay, weli caruur  maan dhalin, alle ayaan ka sugaya carruur khayr qabta, dar illaahay ayaan kuu saamaxay, waxba caloosha kuguma hayo, aduun iyo aakhiro ba khayr baan kaga tegay”

Mascuud, Saddexdii sano ayuu ka soo laacay,  intii uu jeelka ku jiray timaha iyo gadhka midna iskamu jarin, waxa uu timihiisa ula baxay xaq udiriradii jacaylka, xata ma shanleeyo tintiisa.

Saacadii uu xoriyadiisi helay ba taleefoonkii gacaladiisa  oo uu korka ka xasuusna ayuu garaacay nasiib daro  wuu xidhnaa.

Boostada  ayuu qabtay, fariintii ayuu helay, waa kaaf iyo kala dheeri, waa naxdin murugo iyo  gabal baas ba u dhacay.

Tigidh ayuu goostay, bakistaan ayuu isku shubay,nasiib wanaag wuxuu tegay masjid uu ka eedaamo odeygii Miskii guursate.

Odaygii iyo mascuud si dar illahaya ayay isku barteen, way is xogwaraysteen, saaxiibo dhow ayay noqdeen.

Maalin ayuu gurigiisa ku casuumay, Waxa uu uga sheekeeyay inuu qabo xaas aad u wanaagsan, oo raaliyo u ah, oo daryeesha.

Intu u yeedhay gabadhii, ayuu ku yidhi Mascuudoow alle raali ha ka noqde waatan xaaskii aan kaga sheekayn jiray.

Mascuud wuu gartay inay iyadii tahay indhihiisana  ilmo hililiq ka soo tidhi, laakiin iyadu magaranayso, oo timo iyo gadh buu leeyahay.

Odaygii ba ku yidhi: “maxaad la ilmaynaysa ee kugu dhacay” ?

Isaga oo dhoolacadayn beena metalaya, oo murugada iska baabinata, ayuu ku jawaabay, wax kale maha, waxaan la ilmeeyay xaaska wanaagsan, ee uu alle kugu arsaaqay, anna alle ayaan waydiistay mid iyada oo kale ah,,

Illeen mawdku waa lama huraane, haduu gabow ku daayo geeraan ku daynayn.

Odaygii wuu dhintay, oo alle ayaa oofsaday, saddex bilood ayay asaydii siday gabadhii.

Marwada wanaagsan cidi madayso, sheekh iyo shariifba , wixii magaalada rag ku noola guur bay u soo bandhigeen, ragaas  Mascuudna wuu ku jiray, waxay tidhi:” ninka timaha waawayn, ee gadhka wayn ha laygu yeedho.

Isagu raga wuu aga  tilmaamansanaa  waayo maalintii  aqalkeeda  lagu casuumay wuu ilmeeyay!

-Wiil yohow maxaad u la baxday timahan?

– timahaygan qiso igu dhacday ayaan u la baxay, hadaan kuu faahfaahiyo, gabadh aan jecla darteed ayaa xabsi saddex sano ah laygu xukumay, markasan la baxay oo astaan uga dhigay jacaylkayga.

-Gabadhii mays calfateen?

-Maya ninkale ayay guursatay.

_adigu xaas maleedahay iminka?

-Maya laakiin iminkan guursanaya, hadii aad adigu yeesho weeyaan.

-Ma ogaan kara gabadhad jeclayd magaceeda,?

-haa iyadu fanaanad bay ahayd Miski ayaa la dhahaa.

-Ma Mascuud Fatxid bad tahay.

– haa waa isagii.

-maxaad isaga kay qarisay,

-noloshada farxadada iyo qoyskaga in aan ka qaso ayaan diidayay.

In cabara markii laysku calaacalay, ee la farxad ooyay, ayay go’aansadeen inay nolosha mideeyaan.

Halkii ayay lammaanihii isku guursadeen, todoba carruura ayay isu dhaleen.