Muxsin Jama Qorraalo

Cibaaro Aduun

Cibaaro Aduun!

Cutubka kowaad.

Q1aad..

 

Noloshii  Geedi, miyi iyo magaalo

 

Waa goor subaxnima ah,  hooyo Sagal  waxay fadhidaa aqalka hortiis,  waxa dhanka bari kada looba geedi oo ah curadka Sagal  iyo oday Oogle .

Dhanka kale,  oday Oogle waxa uu ooda ka rogaya geeli si,  saaka loo liso.

 

Geedi yare waxa saaka sugaysa hawshiisii maalinlaha ahayd ee geel jireenta ,xalay oo dhan waxa uu jiifay xero yar oo geela ku beegan, si uu uga waardiyeeyo duurjoogta dhiig miiratada ah ee habeenki xoolaha iyo naflayda kaleba ugaadhsada.

 

Saaka wa subax aanan Geedi xiiso galin;  maadama loo leeshagay inay abaar xun oo dad iyo duunyaba reebayn dhacday.  waxaa lagu war galiyay inuu magaalada Bosaaso u wareegayo todobaadkan dhamaadkiisa, si uu ula sii noolaada walashiis . Halkaasna uu ka galo dugsi.

 

Geedi waa 14 jir ku koray duleedka magalada Qardho.  Waa caano ku kor aanan wali maaglo iyo meel lagu buuqaba cag dhigin, waa wiil  aynan u dhadhamanay nolol anan  tan miyiga  ahayn. waxa ashqaraar la ahreekiisa oo ku wargaliyay inu kabi ahaanba ka hayaami doono degaankii uu kusocod bartay!.

 

Waxay ahaataba waxaa la yimid waqtigii uu u dhoofi  lahaa,  magaladii looshegay inuu tagi doono.   waxa loo sameeyay amba bixin aad u sareeya;  maadama xili abaareed lagu jiray suurta gal uma ahayn in losoo amba bixiyo,  sidii hada kahoro walashiid Ugaaso ,  oo ah tan uu maanta boosaso ugu tagayo losoo amba bixiyay .

Ugaaso  waxay ahayd gabdha da, ahaan isaga ku xigta, waqti laga joogo labo dabshid ayaa laga soo doontay reerka,  kadibna  u waregtay magalada,  maadama nin magaalo joog ah usoo geed fadhiistay kadibna loo hibeeyay .

 

Ugaaso  hada waa marwo, marna waa ardayad meersata cilmiga, gaar ahaan waxay si gooni ah u dhigata shareecada iy qaanunka.

Magaalada ay hada dagantahay maleh tacliinta sare , oo qofka aqoonta sii macansadaa  waxa uu ubadasha Xamar  ama Hargaysa maadama dalka ay ka jirto dawlad milatari ah ma suura galin degaan walba aqoontiisa in loo dhamaystiro.

 

Waxay dhigata dugsiga dhexe ee xaaji Mire,  mar waa marwo  maaraysa,  masuulna ka ah  maamulka gurigeeda iyo daryeelka ninka ay u dhaxdo.

Wax caruur ah mahaysato, se waa sadex bilood oo uur sida usii muuqda maleh. Dhanka kale Bile  waa ninka ay  u dhaxdo  Ugaaso, waa ganacsade yar oo ka shaqaysta dugaan aan sida uga durugsanayn hoyga uu magalada  ka daganyahay .

 

Waa mulkiilaha dugaanka iyo guriga ay Ugaaso  dagantahay, wax hanti ahna labadaas ayuu haysta maanta.

Nolol maalmeedkiisa iyo mida xaaskiisana waxa uu ku mareeya kirada laba qol iyo dukaanka.

dhanka aqoonta Bile  yaraantiisi nasiib uma helin  tacliin sare, oo waxa uu waxbarashada kaga haray dugsiga dhexe;, umana suuroobin inuu u hayaamo meel uu kasii dhamaystirto aqoontiisa.

 

Waaxa uu ku jira gu’aadka sodomeyada. waa xoog maal anan ku tiirsanayn xilo kale. Hadase waxa uu dareemaya marti hor leh inay miyi kasoo socoto; waliba seedigii u usoo safrayo hoygiisa si  uu u bilaabo nolosha magaalada;, xilkisuna isagu saaranyahay, lagana doonayo inuu gacan qabto, walow aan Bile  si cad loo oran hadana dhaqan somaliga ayaa ah martidu waxay hoy iyo hagarba ku lesahay loo martiyaha markaas”.

Kumaba  sii jiro xididku, oo waxa ay dadka xididka ah iska mudanyihiin wax walba oo tageero iyo tiirsi ah.

 

Dhanka kale oday Oogle,  waxa soo wajahaysa caqabad dhanka shaqada ah maadama uu curadkiisa iyo wiilka kali ah ee uu ku indha kuulanayay,  uga safrayo magaalo .

Oday Oogle kuma qanacsana safarka geedi,  oo waxa uu tiro dhawr jeer ah,  isku dayay hooyo Sagal  inuu ka hor istaago;,  qalqaalinta ay Geedi magaalo aan la ogayn micnaheeda ay ku qal qaalinaso, se hooyo Sagal  dhag jalaq uma siin hadalada oday Oogle,  oo waxay ku hadaaqi jirtay marka ay isla soo hadal qaadaan: “oogle miyi haduu micno leeyahay maja-haaga laga garan lahaa, ee wiilku wax ha inoo soo barto mise sidaa-daad la rabta inuu sandkiiba mar qubaysto, macawiis dhamaad ahna ku rarnaado”.

 

Oday Oogle waaba ku cadaaday oo meel uu wax ka bilabo garan maayo. inkastuusan ka xumayn aqoonta wiilka uu uso socdo, hadana waxay ula muuqatay howsha  geel jireentu inay dhankiisa kala muhiimsanayd,  uqaadshada bugaag dugsi loo qaato.