Amina Qalin Maal. Qorraalo

Miskii iyo Mascuud (2)

Miskii iyo Mascuud

Qeebta 2aad

 

Fanaanadii codsigii dad-waynaha way tix gelisay, isla markiiba huteelkii ay showga ku qaban lahayd ayaa la soo kireeeyay.

Hadyadii saaxiibkeeda u siday weli umay sheegiin, kedis ayay rabtay inay kaga dhigto, Koofeerkii ayay tagtay, oo xafladii ayay u soo diyaargarowday, si cajiiba bay u soo lebisatay. Hoolkii markay soo gashay sacab badan ayaa lagu soo dhoweeyay, taageerayaal badan oo fankeeda jecel ayay Turkiga ku lahayd.

 

Mikirifoonkii markii lagu soo dhoweeyay, ayay ku tidhi taageerayaasheedii caawa waxaan idiin wadaa hees cusub, oo ay daan hore u malqal, waxaan hadiyad uga dhigay qof noloshayda qaali ku ah, oo aan jecelahay, idinkuna sacab igula soo dhoweeya.

“Xabiibi Mascuud soo yara kac, garabkayga soo istaag” aay dhahde fanaanad!

Muu soo kicin se, isaga oo kursigiisa fadhiya ayuu farxad la ilmeeyay, mikirifoonkii iyada oo sidata ayay kursigiisi ugu timi, isaga oo weli ilmaynaya, intay soo dul istaagtay, ayay heestii qaaday.

 

Hees dareen jacayl xambaarsan ayay ahayd, dadkii dhegaysanayay dhammaantood si isku mida ayay quluubtooda u taabatay, dareenka ay erayadaasi lahaayeen, ayaa shucuurta wejiyadooda laga akhrisanayay, xata fanaanadii qaadaysay si dhaba ayay u oyday. Ilintii wejigeeda ka dareeraysay waxay qoysay,  wejigeeda, ilaa uu dareere isu badelay maykaabkii ay marsanayd, xidhmooyin sooftiya  ayaa lagaga masaxay qoyaankii badna ee wejiga ka da’ayay.

 

Xaflada waxa  joogay warbaahintii Turkiga, weliba kuwii ugu afka dheera, ee dacaayadaha rakibi jiray. Mascuud, qoyskooduna caan bay ka ahaayeen Turkiga. Oo waa tijaarta ugu maalqabeensan.

Saxaafadu sawiro ayay ka qaadeen, fanaanada iyo Mascuud, arooryadiina  boga joornaalka u sareeya ku soo daabaceen. (Wiilkii malaaqabeen  Fadxi dhalay, oo guursanaya fanaanad krishtaan ah oo faransiiska u dhalate)

 

Maalintaas joornaalada dhulka lama dhigin, si xawliya ayaa loo iibsaday, oday Fadxi joornaalda  wuu jecla, subax walba dhowr midh ayuu gadan jiray.

Maanta waa  sabti, war kastoo  dhiilo xambaarsana  joornaalka  ayuu ku qoran yahay.

Waa sagaalkii subaxnimo, odeygana sidii caadada u ahayd goobtii uu joornalada ka iibsan jiray ayuu u jirmaade,  markuu Meesha  tegeyna waxuu  dal baday saddex joornaal oo kala gedisan, waxase loo sheegay in hal xabo keliyi yaalo, intii kalena la dhamaystay, markaasu si kaftana u dhehe:” “adeerayaalow maalinta warar xaasxaasiya heshaan waad iga dhamaysan joornalada”

La soco….

Qeebta 3xaad dhawaan