Ahmed Osman Qorraalo

Gaajo iyo moos

Gaajo iyo moos!

 

Somalia waa dal dadkiisa abaar iyo gaajo joogto ah  u’dhamaadaan, islamrkiina waa dal moos  dibada u dhoofiya!

 

Tilaabad looga  hortegi  karo  gaajadan  joogtada ah ee sharafta umada Somaliyed hog mugdi ah kula xaluulate waa sida hoos ka muuqata:

 

In  dowlada Somaliyed  si rasim ah u joojiso dhoofinta mooska dibada loo dhoofiyo.

Dhibicda kor ku xusan waxaa raaci kara in  shirkadaha shisheye ee mooska dhoofsada  iyo maalqabeenada ah mulkiileyaasha beeraha mooska lagu beero dowlada ku qanciso in   beeraha  wabiyda qarka u’saaran ee hada dhamaantod  moos  lagu beero loo bedelo beero soo saare  galey, moordi, digir, sisin,iyo dhamaan haruurta iyo dhamaan dalagyda kale ee lafdhabarka u ah  raashinka  bulshada nonolsha ku tiiriso.

 

Galeyda, moordida,digirta, sisinta iyo dhamaan haruurta lamidka  ah waa raashin si fudud  sanooyin badan loo kegydin karo, markii loo baahdana keydka laga soo saari karo, lkn mooska ma’ahan raashin maalmeed mana ahan dalag la keydin karo.

Sidoo kale, beeraaha ku taxan qarka wabiyda ee  loo baahnaa  in aay noqdaan beero soo saara dalaga  lafdhabarka u’ah nolosha qofka iyo bulshada,  malqabeeno faraha lagu tirin karo ka dhigitaan beero dhamaantood soo saara moos dibada loo dhoofiyo waa xadgudub cad oo ka soo horjeeda xaqa  umada Somaiyed u’ledahay in dhulbeeradka dalka noqdo isha uu ka soo burqado dalaga lafdhabarka u’ah jiritaanka nolosha dhamaan dadka ku nool dalka Somalia.

 

In beerha ku taxan webiyada qarkooda ee mooksa soo saara loo bedelo beero soo saaro  dalaga nolosha lafdhabaarka u ah  micnaha ku duugan waxuu yahay  in Somalia si fudu u noqon doonto dowlad haysata keyd raashin oo sharfteda iyo dadnimada umada Somaliyed lagu ilaalin karo.

 

Xataa dhaqaale-ahaan  Somaliya si fudud ayey ku noqon kartaa dal dhoofiya dalag warshadeysan sida  saliida cuntada l iyo waliba raashinka loo yaqaan raashinka “ istraatiijiga ah” ee dowlad walba diyaar u tahay in aay kaa iisbasto sida galeyda, moordida, sisinta iyo dhamaan haruurta dowladaha ka dhigtaan keyd istaariiji ah oo nolosha bulshada lagu ilaaliyo.

 

 

Beerida iyo dhoofinta mooska waa nafci badan  ku qaba  shirkadaha shisheye ee mooska Somalia dhoofsada  iyo maalqabeeno faraha lagu tirin karo oo ah mulkiileyaasha beeraha ku taxan qarka webiyda ee dhamaantod moos lugu beero.

Hase-ahaate,  nasiib daro dhoofinta mooska,   bulshda  Somaliyed waa u  qasaaro, gaajo joogto ah iyo xad-gudub ku aadan xaqooda dadnimo, waxaana   loo baahaynyahay in xadgudubkaas  sida ugu dhaqsida badan looga hortago.

 

Maalqabeenka faraha lagu tirin karo   oo ah mulkiileyaasha beeraha ku taxan qarka wabiyda ee mooska soo saara,  oo heshiis gashaan-buushi kula jira shirkadaha shisheye ee  mooska  Somalia  dhoofsada  ma’ogaal doonan in beeraha wabiyda qarkooda ku taxan ee   hada mooska lagu beero  ubedelaan  beero noqda isha uu ka soo burqado dalaga iyo raashinka lafdhabarka u ah jiritaanka nolosha ee dalka Somalia.

 

Waayo,  maalqabeenada iskaleh beeraha mooska  iyo  shirkadha shisheye ee mooska Somalia  dhoofsada  waxba kama gelin in bulshada Somaliyed gaajo u’dhamato, waayo ayaga waaxa  u’daran doolarka ka soo gala dhoofinta mooska.

 

Hadii aay   dhacdo in dowlada isku deydo fulinta  fikirka  qoraalkan xambaarsahyahay ee  si  fudu gaajada joogtada ah bulshada aga badbaadin kara ,  waxaa hubaal ah in   si foolxun  oo caro ku dheehantahay  aga  hor’imaan doona dad faro ku tiris ah  oo ka koobaan shirkadaha shisheye ee mooska Somalia  dhoofsada iyo maalqabeenka ah mulkiileyaasha beeraha ku taxan qarka  webiyada ee mooska lagu beero.

 

Shrikadaha shisheye ee mooska dhoofasda iyo maalqabeenka iskaleh beeraha mooska algu beero kama  dhanqadaan in dadka Somaliyed  abaar iyo gaajo u’dhamaadan, waayo ayaaga waxaa u’muuqda doolarka ka soo gala dhoofinta mooska.

 

Shirkadaha shisheye ee mooska dhoofsada iyo maalqabeenka ah mulkileyasha beerha webiyda qarkooda ku taxan ee dhamaantod mooska lagu beero waxaay ku andacoon-doonan jiritaanka dhulbeereed aad iyo aad aga balaaran dhulka ku  kooban  webiyda qarkooda  ee ayaga mooska ku beeran iyo waliba  in dowlada dhulkaas cidalada ah ka furi karto mashariic hirgelisa beerida haruur dadka raashin ka dhigtaan.

 

Runta jirta waxaay tahay, in dowladan ciidamada Amisom hortelada ku ilaalos tabar u’laheen fulinta mashaarii beroo faladi ah oo hadii maanta fulintoda la bilaabo ubaahan ugu yaraan 10 sano uu maalgelin ah si nafcigooda  loo dareemo, lkn dowladan xaalkeeda liito,  adoow waa u leedahay soo saarida xeer lagu joojinaayo mooska laga dhoofiyo dekadaha  dalka.

 

Hadii baarlaamka ansixiyo  mooshin ku aadan  in la joojiyo dhoofinta mooska, dowlada waa ku qasbantahay in shirkadaha shisheye ee mooska dhoofsada ku wargeliyo in aay shari daro tahay in dekedaha dalka moos laga dhoofiyo.

 

Dhanka kale mooska oo aan eheen dalag  la keydin karo,  malahan nafci aan eheen in didbada loo dhoofiyo am in saxanka bariiska la dulsaaro.

 

Dhanka kale galeyda,sininta iyo haruurta kale waxaa laga helaa nafi  tiribo badan  sida:

 

  • in beeraha galeyda ka taagantahay lagu hoos abuuri karo dalag nafi badan sida digirta, qaraha, bocokara  suufka ( cotton) sisinta.

Hadalkan  kor ku xusan micnahiisa waxuu yahay  in baarta geleyda ka taagantahay  laga hoos  abuuri  karo dalag kala duwaan oo tiro badan.

Dhaka kale mooska waa nabaat aan uguleen in hoostiisa nabaat  kale lagu abuuro, taas oo micnaheeda yahay in beerta muuska lagu abuuro aan laga soo saari karin dalag kale oo aan moos ehee.

Sidoo kale geedka  mooska iyo caleyntiisa malaha wax nafic ah oo loo adeegsado mana noqo karaan calaf  xoolaha la siiyo, lkn  balka, sabuuka iyo buunshada  galeyday waa calaf xoolaha ku dararaan lana keydin karo si xoolaha loogu raashimo xiliga araabaha.

3- in meraha galeyda, siisinta, iyo suufka laga soo saari karo saliid ka  badan   baahida dalka dibadana loo dhoofin karo.

Taas oo micnaheeda ayaha in beerida galeyda,sisinta iyo suufaka sabab u’noqon karaan  in Somalia noqoto  dal warshadeysan oo dibada u’iib geeya saliid gasacadeysan iyo maankaalka bushooyinka qaarkooda raashid ka dhigtaan.

Taas  marlabaad micnaheeda waxuu  yahay in beerida galeyda, sisinta iyo dalaga lamidka ah abuuri  karto shaqo loo la xariirta warshadeenta dalaga sida soo saarida darka iyo saliida, yaanyada iyo miraha gasacadeysan.

 

Cidna uma dan laha maalqabeenka ah mulkiiliyaasha beeraha webiyda qarkooda ku yaale ee dhamaatod mooska beera, beraahooda ayagaa iskaleh, cidana ku maaysato, lkn waxaa la gaare xiligii beerahaas noqolahaayen beero u’adeega ilaalinta sharafta bulshada Somaliyed ee la saxariirsan gaajada joogtada ah.

Dhanka kale waxaa hubaal ah in maalqabeenada ah mulkiileyaasha beeraha ku taxan qarka webiyda ee dhamaanotd muuska beera, lagac fiican ka soo geli karto beerida galey, muurdi, sisin, suuf iyo dalagyada kale ee tiradooda halkan lagu soo koobi karin.

 

Fikirka qoraalkan xambaarsanyahay waa aragti si fudu loo fulin karo, isla markiina si fiican bulshda Somalyed gaajada joogta ah aga  badbaadin kara.

Hase ahaate, waxaa loo baahanyahay in marka hore la helo   dhalin maan furan oo xibnaha baarlamaankan cusb ku qanciya   in fikirkan hada qoraalka ah loo bedelo xeer iyo sharci baaralmaanka hoosta ka xariiqe, fulintiisana dowlada waajib ku tahay si uma Somaliyed looga badbaadiyo gaajada joogtada ah ee sharaftida hog mudgi ah kula xaluulate. Mahadsanid akhristow.

Ahmed Osman