Qorraalo

Falsafadda(Philosophy).


Arrar


Marka koowaad waxaan ku bilaabayaa magaca Eebbe ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista. Suubaneheeniina nabadda iyo naxariista Eebbe korkiisa ha ahaato.

Inta aan mawduucaygaan u guda galin[oo aad-na u guda balaaran], lagana yaabo qaarkiin inaad kaba diddaan(carartaan), waxaan rabaa xoogaa yar oo arrar ah inaan kasoo hor marsho.

Waxa jirta oraah yar oo la yiraahdo “Xuuxin” oo ka timid erayga “Xuux!!!”, waxaa aad u garanaya caruurta yar yar[dabcan, Geel laba jir soo wada marye, anagoo dhanna waan wada garanayna maadaama beri carruur aanu ahayn.]

Xuuxintu waa cabsi gelinta caruurta yar yar si maad ahaan looga dhigto ama kasba. Tusaale, ilmaha yari ma lahan caqli ku filan oo uu ku kala garto xumaanta iyo samaanta ama waxa dhib kasoo gaaraayo iyo waxa kale, taasi waxay sababi kartaa inuu birjiko dab ah isku gadiyo isagoo laga maqan yahay ama mindi iskuba mudo.

Si taas looga hor tago, waaridku markuu ilmaha la joogo, wuxuu had iyo goor birjikadoo dansan(diirimaad yar se leh) taabsiiya farta ilmaha taasoo cabsi xoog leh ku abuuraysa ilmaha markasta oo ilmaha dambas ama birjiko meel taala uu u yara dhowaado waxa lagu yiraahdaa “Xuux!” Kadibna wuu iskaga soo cararin isagoo ka baqaya wixii uu berigii dareemay inuu dareemo; Sidaasaana waxkasta oo dhib u keenaya lagu tusaa iyadoo oraahdaas la isticmaalayo.

Oraahdaan in aan soo qaato waxa igu kaliftay, anigoo arkay bulsho dhan oo yar iyo weynkeediiba la rabo in la Xuux siiyo sidii ilmo yar-yara. Waxaad na maqlaysaa dad waaweyn oo garasho iyo garaad ku filan guulle siiyay, oo xoogaa yar oo xun oo falsafada ka mida loo sheegayo iyo dad yar oo ku dawakhmay falsafada; kadibna lagu leeyahay “xuux! War ha u dhowaanina bahashu yeysan idin fasahaadine”

Waxaan ku jirnaa mawduucii falsafaddee, waxay ahayd beryo sii muuqda oo aan sidaas usii fogayn, mar uu aqoonyahan soomaaliyeed oo uu ilaahay( xumaan ka nasahnaaye) ku galadaystay aqoon diini iyo maadi-ba leh, uu boggiisa fool-buugga nooga bilaabay sooyaalo ku saabsan aqoonta falaasifada.

Judh(dh)iiba u horraysay waxaad arkaysaa qaar iskala-ba soo taagan boowe dadka ha fidnayn iyo ka daa sidan maahee falsafaddu waa shuqul gaalee.

Yaab! Iyo amakaag!! Baa hal mar ilaahay isugu kay keenay. War dadka yaa baas oo soo xuuxiyay? Oo aqoon-yahanka mawduuca daadihinaya aqoon diineed iyo maadiba waa leeyahay, haday shiikh-nimo iyo dacwo noqotana wuu kaga horreeyaa, wax dadka fidnaynayana u keeni maayee maxay tahay qayladu?
Oo hadde qof isagoo da’daas ah lasoo xuuxiyay yaa wax ka dhaadhiciya? War mayee dadkani waa dad maskaxda qaful sadex siiroo ah iyo sagatuuradiiba lagaga jabshaye ma wax baa galaya horta?

Weydiimahaygii in ay wax sii cayn-wareejiyaan maahee bal kaalay adigu tab dheh bal inay wax qaloocnaa saxaan inay sii qaloocshaan maahee.

Taasi waxay iigu darsan tay aragtiyihii hore ee dadkaygu ka qabeen akhrinta buugaagta falsafada ka sheekeeya, ee ahayd inay rumaysnaayeen inay yihiin wax dadka diintooda ka saaraa anigoo og in qaarkood weligood iyo waaqood ba arag buugtaas, dhegtaas uun se ka maqleen. Balse banaankaas iyagoo jooga baa la xuuxiyay cabsi iyo argagax ay ka qaadeen xuuxintaas lagu sameeyay na banaankaas uun bay ka daawadaan aragtiyaha iyo aqoonta dunida is dhaafaysa oo hawl iyaga u taal maahan ka qayb qaadashadeedu, markiise wax cusub lasoo kordhiyo bay qaylo hor leh bilaabaan iyo innagaa cilmigaa la inaga xaday.[ Malaha waxay kaga dhigeen oraahdii ahayd Abeeso iyo dabagaalle korkaas uun bay iska qabaan].

Marna meesha ka saari maayo in falsafadu dhinac togan(hurumar adduuna sababi karta iyo nolol wacan) iyo dhinac taban ba(oo gaalnimo, qurun iyo fasahaad miirana) leedahay; maadaama dadkii soo dhiraan dhiriyay u badnaayeen gaalo Alle-diid ah.

Muhiimaduse waxay tahay, war yey-naan kaga dhigin “qori iyo qiiqiisaba waa la isla tuuraa” ee aan u tagno inta fiicana aan kasoo qaadano, wixii xuna iskaga soo tagno oo aan caqiidadeena suuban la jaanqaadi karin.

Si taas loo helo aan isla fiirino falsafada iyo waxay tahay anagoo aan ku dheeraanayn.

Waa Maxay Falsafaddu.

Falsafaddu waxay ka timid erayga “Philosophy” oo ah eray ka yimid erayga Girriigga ah ee “philosophia” oo af soomaali ahaan noqonaysa “Murti jacayl”.

Aqoon ahaan hadaan qeexidiisa fiirino waa ” Barashada guud ee waxyaabaha assaasiga ah ee khuseeya:
1)jiritaanka,
2) aqoonta,
3) qiimaynta,
4) sababaynta,
5) garaadka iyo garashada.
6) iyo weliba luuqadaha”

Erayga “philosophy” waxa allifay faylasuufkii xisaabyahanka ahaa Pythagoras oo dhashay qiyaas ahaan 570kii, geeriyoodayna qiyaastii xiligu markuu ahaa 495kii ergay ciise NNKH ka hor.[FG. Taariikhdu isma daba marsana sidaas baa loo tirshaa wixii nebi ciise cs ka horeeyay].

Falsafaddu waxay caan ku tahay in weydiimo la isweydiiyo[haddiiba la doono yaan warcelinteed lahayne], lasoo bandhigo doodo maangal ah, lana raadsho aqoonta iyadoo wadooyin kala duwan loo marayo, lana cuskanayo garaadka iyo garashada aadanaha.

Beryihii hore nooc kasta oo aqoon ah waxay ku midaysnaayeen falsafada, tusaale ahaan falsafada dabeecadda(natural philosophy) waxa ku midaysnaa maadooyin kala duwan sida caafimaadka, fiisigiska iyo cilmi felega.

Xilligaan casriga ah maadooyin badan oo falsafada kow ka ahaa waxay noqdeen kuwa gaar u baxay oo lugohooda ku istaagay. Maadooyinka falsafada ka dhex baxay waxa ka mid ah maadada Dhaqaalaha iyo Cilmi nafsiga.

Had iyo goor waxaa loo kala saaraa falsafadda shan laamood oo bal-balaaran, kala ah na:
1-Metaphysics: waa laan falsafadda ka mid ah oo la xiriirta fahanka jiritaanka xaqiiqada, waxaana hoos yimaada faracaan, aqoonta jiritaanka(Ontology) iyo cosmology oo ah barashada uunka iyo halkuu kasoo jeedo.

2- Epistemology: aqoonta garashada.

3-Logic(maan-gal): waa aqoonta baarista sida wax u dhici karaan iyo sababta.

4-Ethics: aqoonta barashada nidaamka akhlaaqiga ah[Ama anshaxa guud].

5- Aesthetics: waa barasho falsafadeedda quruxda.

Faylasuufyadii Reer Galbeedka.

Falsafaddii reer galbeedku waa falsafad kasoo jeedday reer galbeedka Sokraytis hortiis waxayna ku beegan tahay lix qarni ka hor nebi ciise hortiis. Waxay na ka curatay dhulkii Girriiggii hore; waxaana laga tilmaami karaa ninkii la oran jiray Thales oo noolaa 624 ilaa 546 Ciise hortiis iyo Pythagoras oo noolaa 570 ilaa 495 ciise hortiis ahaana ninkii erayga falsafad masaraxa lasoo fuulay.

Faylasuufkii ugu saamaynta badnaa falsafaddii reer galbeedka wuxuu ahaa Socrates, kaasoo laga hayo oraahdii caanka baxday ee ” Waxaan aqaan, in aan waxba aqqoon”, ugu damayna naftiisa ku waayay kadib markii lagu soo eedeeyay inuu fasahaadinayo dhalinyarada.

Faylasuufyaddii Islaamka

Faylasuufuaddii islaamku waa kuwii Alle qaddaray inay dunidaan aqqoon ku iftiinshaan.

Xilliyaddii loo aqoon jiray “islamic golden age” oo taariikh ahaan ku aadanayd
Intii u dhaxaysay qarnigii siddeedaad ilaa kii saddex iyo tobnaad dhalashadii nebi ciise ka dib; waxay ahayd wakhti muslimiintu dunida ku soo kordhiyeen aqoon tii ugu badnayd ee muslimiin soo ikhtiraacaan.

Waxyaabaha muslimiinta ku dhiirigalinayay aqoonta waxay ahayd iyagoo Qur’aanka iyo axaadiithta suubanaha ka dhex helay, aayado iyo riwaayaad qofka muslimka ah ku dhiiri galinaya aqoonta iyo inu wax baaris tiro badan sameeyo.

Si taas looga miro dhaliyo, xilligii khaliifkii Haaruun rashiid wuxuu Baqdaad oo caasimadii Cabaasiyiinta ahayd ka dhisay Aqalkii Murtida(House of wisdom), si dunida aqoontii taalay af carbeed loogu turjumo loogana faaiidaysto.

Xiligaas waxaa af carbeed loo bedelay wixii falaasifo Girriigii hore ka tagay taasoo iftiin cusub u noqotay aqoonyahanadii Muslimiinta ahaa ee Cilmi-baarista ku jiray.

Faylasuufyadii muslimiinta xiligaas nuurka u waday waxan ka tilmaami karnaa:
1-Ibnu-Sina(Avicenne).
2-Ibnu-rushdi((Averroës).

Dunidu islaamka xiligaas waxyaabo tiro badan buu dunida ku soo kordhiyay sida:

Falsafadda

Ibnu sina iyo ibnu rushdi wax badan oo la taaban karo bay falsafadda kusoo kordhiyeen taasoo markii dambe latin loo bedelay qayb libaaxna ka qaadatay falasafada reer galbeedkaan casriga ah.

Ibnu siinaa waxa lagu xassuustaa aragtiyihiisi “Metaphysics-ka” halka ibnu tufaylna lagu xasuusto aqoontuu ku biirshay waaxda aqqoonta garashada(epistemology)

Xisaabaadka.

Aqoonyahankii faarisiga ahaa ee Muxammad ibnu Muusaa Al Khawaarisim wuxuu soo saaray waaxda xisaabta ee Aljebra iyo Algoorisamka.

Waxaa kaloo wax wayn muslimiintu kusoo kordhiyeen jiyoomitiriga, Tirigonoomitiriga iyo xisaabta Culusta afka hooyo laguna yiraahdo(Calculus).

Sayniska

Ibnu Al xaytham waxa lagu sheegaa inuu ahaa “dunida saynis yahankii dhabta ahaa ee ugu horayay” waayo wuxuu aqoon laxaad leh ku kordhiyay hababka loo raaco aqoonta sayniska.

Ibnu siinaa isna wuxuu ikhtiraacay xeerar lagu garto saamaynta dawooyinka ku yeelanayaan dadka.

Xiddigiska

Caalimkii faarisiga ahaa ee Cabdiraxmaan Al-Suuffi buugiisi “Xiddigaha taagaan” wuxuu aqoon laxaad leh ku kordhiyay xiddigiska.

Waxaana aqoon yahano badan oo muslimiini ku soo biirsheen culuum laxaad leh xiddigiska.

Waxaa kaloo aad u kordhay aqqoonta baayoolajiga,fiisigiska iyo kimistarigga.

Cilmiga Bulshadda

Ibnu khalduum waxa lagu tiriyaa aabayasha ugu milgaha culus ee assaasay maadooyinka cilmiga bulshadda iyo dhaqaalaha.

Gebagebo

Waydiin baan qoraalkaygaan raacsanayaa, taasoo ah dadka ehlu diinka iska dhigaya[gaar ahaan raggaan salafiyada isku magacaabaa], Horta dadka xaggee u waddaan?

Haddaan tiraahdeen falsafaddu waa xaaraan maqdaca barashadeedu, muslimiinya faylasuufyada ahaana har iyo habern aad u gafaysaan; shaqaddii ay qabteena aad ku faanaysaan[reer galbeedku anagay aqqoonta naga xaddeen aad ku haysaan] walaalaayaalow socon mayso “madaxa ma cunee, maraqiisaan cabbaa” ee dadka godkaad ku waddaan ka daaya.

Soomaalaay kolay akhris la idiinka caalwaaye, intiina wax-garadka ah waxaan idiin kaga tagin;

“AQQOONTU WAA BAADIDA[ka hallowday] MUSLIMKA, EE KA QAATA HALKAAD KU ARAGTAAN”

W/Q: Axmed Nuur Yuusuf Calixaad.