Ahmed Osman Qorraalo

Sooyaalka sekularnimada bulshada Somaliyed!

Sooyaalka sekularnimada bulshada Somaliyed!

Cashiro taxan.

Cashirka 1da.

Sekularnimda xiligii dhagaxa.

Intaan u’dhaadhicin nuxurka iyo  saldhiga sooyaalka sekularnimda bulshada Somaliyed, waxaa  haboon in marka hore faaqidno sooyaalka sekularnimadii ka jirte  bulshoyinkii ku noolaa aduunkii hore.

 

Hadii dhibicda kor ku xusan ka gudubno,  waxaa lama horaan noqoneysa in sheekada ka bilowno in  mereyahan sida kubada u’dhisan, kuna  meeresta udub-dhaxaad aan muuqan,   weligii iyo alahiina  qoraxda ku dul-wareega , ee Somalida magac ahaan ula baxde “dhulka” anagana dushiisa ku noolnahay,  da’ahaan  lagu siyaaqa inuu jiro 4.5 billion dabshid.

Sidoo kale, noloshan guud ee  hada dhulka ka jirta   da’deeda waa lagu qiyaasa 3.8 billion dabshid.

Hase-ahaatee, Jiritaanka noolaha lagu magacaabo “dad”  noocisa synis ahaan  ku magac dheer  “Sapiens” ee bulshooyinka  dunida maanta  ku nool dhamaantood ku abtirsadaan,  jiritaankiisa waxaa lagu qiyaasa inta u dhaxeysa 200, 000, ila 300, 000 dabshid  oo kelia.

Hadaba,  awooweyaashii hore ee dadka  maanta dunida ku nool, halgankooda ku aadanaa badbaabinta jiritaanka  nolosha dadnimo waxuu soo mare  xiliyo tiro badan oo  aad iyo aad ukala gedisan.

Xiliyadaa  kala gedisan waxaa ugu da’weyn xiliga lagu macaboo xiliga dhagaxa (stone age)  waana xiliga cashirka maanta ku lafa-guri doono.

Runta jirta waxaay tahay,  in  qofka iyo dadkii noola  xiliga dhagaxa  ahaayeen dad  waxba ku toornen,  “insignificant  people” waayo, nasiib daro,  dadkaas  gacanta ugu ma jirin  awood  iyo  agab/ qalab  ay ku maareeyaan cimilada naxarista daran ee dhanwalba aga heerneed.

Marag-madoonto waxaa ah,   in dadkii noola xiliga dhagaxa ahaayeen dadk  waaqan oo ku hoyda jiritaankoodana ku ilaaliya godad  mugdi ah oo  habeenkii ayaga, caruurtoda iyo dumarka xaamilada ah   ugu soo geli-jireen ugaarsadeyaasha  gudcurka ku ugaarsata, masas,   halaq, cayayaan sun iyo jeermis xambaarsan,  iyo weliba daadka  biyaha roobka!

Taa waxaa ka daran,  in dadkii waaga jire,  qeeb hoose ka ahaayeen mareega waalan ee loo yaqaan “mareega cuntada”  ama  “food chain” eek u dhisan xeerka loo yaqaano “xeerka duurka” ama  “jungle law”     oo micnahiisa yahay in noolaha xoog-badan marwalba  raashin ka dhibto noolaha tabar-daran.

Taa  micaheeda waxuu yahay,  in dadkii waaga jire ahaayeen “ugaar” waxaana  uraagsan jire   hilibkoodana ku qadeen jire ugaarsadeyaasha  xooga badan ee mareega cunta qeebta sare aga jira  sida libaaxa, shabeelka, harmcadka,  yaxaaska, waraabaha iyo dhamaan nafleyda looyaqaan  “predators”.

Tusaale ahaan:  mar kasta oo si kadis ah   koox ka mid ah  dadkii xiligaas noola  aga soo hor-baxaan xeen waraabe ah, ama  libaax,  sheekada marwlaba  waxaay ku dhamaan jirte in dadka cagaha wax ka dayaan, qof kastana dhinac u baxsado, kan liitana  libaaxa ama waraabaha  ku qadeyo,  tarankiisana tirmo, kuwa dheereyana badbaadan tarankoodana sii socdo.

Taa micnaheeda waxuu yaahy,  in xiilada iyo awooda keliya ee dadka waaga noola  gacanta u jirte eheed in jiritaanka noloshooda  baxsad ku badbaadiyaan.

Taa micnaheeda labaad  waxuu yahay,  in dadkii xiliga dhagaxa noola tabar ahaan iyo xiilad ahaan wax badan  dhaamin dameer-farowga maanta libaaxa, iyo shabeelka ku ugraasadaan banka uu ka baxo cowska loo yaqaan savanna ee dalka Kenya iyo Tanzania.

Dhanka kale, dadka sidaa u’tabaaleysnaa  jiritaanka noloshooda waxaay ku ilaalin jireen cunida   miraha aay ka gurubsan jireen  geedaha hoostoda iyo cagaarka dhulka ka baxa.

Intaa waxaa u’dheered in aay adeegsanjireen dhaxaan   yaryar oo babaca gacanta lagu qaadi karo.

Dhagaxyada   noocaas ah,  waxay u’adeegsajireen in aay ku jibaan lafaha waaweyn ee raqada nafleyda libaaxa ku qadeye,  ama nafka iskiisa u’bakhtiye ee waraabaha helibkiinaas ku casheye ayagoo u’dan lahaa in lafahaas kala baxaan dhuux jirkoda brotiin siiya.

Xiligaas ayuu ahaa xiliga dadka si aad ah ugu baahnayeen nabi iyo rasuul ka fududeya  saxariirta  halganka jiritaanka, heerka noloshoodana  xooga  sare uqaada.

Hase-ahaate,  nasiib daro, taa  ma dhicin, sida aawigeedna halganka saxariirta xambaarsanaa  ee dadka  nolosha kula jireen, gebigiisa waxuu ahaa halgan sekulaar ah oo   ku dhisan adeegsiga maanka  iyo waayo-aragnimda  aay ka lisaan nolo maalmeedka,  ayaagoo in-naba  kaashan gaargaar cirka aya yimid.

Goordhow filo qeebta labaad ee cashirkan.