Qorraalo

Xalka Abaaraha Soomaaliya.

“ILAAHOOW, XOOGSAN MAY-NEE, XOOLO NA SII”

Waa duco ilaahay uu awoodo balse cid na laga aqbalin”, ayay Soomaalidii hore oran jirtay.

Hordhac.

Magaca Eebbahay e, Suubanihii Ergay Muxammad Cabdullaahi Cabdimudalib nabadda iyo naxariista Alle korkiisa ha ahaato.

Furfurasho ka dib, waxaa qoraal kaan igu soo maaxshay, markaan arkay baahida dadkeenu u qabo in laga wacyi gesho aqoon darida aan ilaahay u keenin ee isagu isu keenay; hadana kusii indho adag yahay.

Waa yaabe! Muxuu yahay aqoon darida aan ilaahay noo keenin ee aan isu keenay?

Markaan qoraalkaan bilaabo, waxaad arki doontaa kuwa inaga naga mid ah, aqoona aan naga yarayn hadaysan ba naga badnayn oo bilaabi doonta erayo ay ka mid yihiin: “سبحان الله walaal ilaahay ka baq, abaarta ilaahay baa keenay, bini-aadam na wax kama qaban karee”

Hadii aad rabtid inaad ogaatid aqoon darida[la diimaynayo] ee aan isu keen-nay, si fiican indhaha uga bogo dadkaas kor ku xusan.

Qof kasta oo muslin[m] ah waa uu og yahay in abaarta ilaahay keeno, ma jiro qof muslim ah oo taasi shaki kaga jirto, balse ilaahay wuxuu noo sheegay, in dhib kasta oo rabbi keeno, xalkeedana lagu soo daro[waa in se “Xalkaas” bani-aadamku raadshaa inta karaan kiisa ah].

Qof kasta oo raba inaan xal la raadin, gacmahana la laabto; belo kasta oo dhacana ilaahay loo tiirsho; kaas weeye kan diinta suuban magaca ka xumaynaya ee tuugga ah.

Qof kasta oo Soomaali ah, isla jeerkaas na muslin ah, waa ku waajib ka qaybqaadashada”Xal u raadinta” abaaraha soo noq-noqday ee dalkeena.

Waa Maxay Abaartu?

Aqoonyahanada Juquraafigu, Waxay Abaar ta ku qeexaan: “waa marka biyo la’aan ka dhacdo deegaan, taaso ay sababtay roob la’aan ka dhacday meeshaas”. Maadaama nolosha nooluhu isku wada xiran tahay, roob la’aantu waxay sababaysaa biyo la’aan, taasi oo saamayn ku yeelanaysa dhirta iyo beeraha, isla markaas na waxa hoos u dhacaya wax-soo-saarkii beeraha iyo xoolaha midaas oo ugu dambayn sababaysaa baahi iyo macaluul soo food saarta nolosha bani-aadamka iyo xoolaha; ugu damayna xaaluf iyo geeri sababi karta.

Maxaa Sababa Abaaraha.

Abaaraha waxa loo kala qaybiyaa laba jaad:
1-Mid rabbaani ah(natural disaster).
2-Mid bani-aadam sababo(human induced disaster).

Marar badan bani-aadamku iyagaa gacmohooda ku sababsada abaaraha. Tusaale ahaan abaaraha soomaaliya waa kuwo dadka soomaaliyeed kas badeen.

Wax-yaabaha soo dedejinaya abaaraha soomaaliya waxa kamida:

B- Xaalufinta dhirta(Deforestation): Sida la wada og yahay soomaaliya daba ka dacal waxaa la xaalufinayaa dhirtii wadanka si dhuxul looga shito. Tani waxay keenaysaa deegaankii oo burbura(Environmental degradation) iyo nabaad guur(Soil erosion).

Marka carradu nabaad guurto, waxaa ka dhalanaya inaan dhir quman kasoo bixin meeshaas taasoo roob kasta oo ku da’a wax ba ku soo kordhinayn. Dhirtuna sida aqoon yahanada juquraafigu tilmaamaan waxay soo jiidataa roobka, haddii dhirtii la waayana waxa meesha ka baxaya imaatinkii is daba joogay ee roobka.

T- Biyo-roobaadka oo aan la kaydsan: waxaa dalkeena ka jirto maamul xumo baahsan haday ahaan lahayd shacab, madax, aqoonyahano iyo culimaba.

Xili roobaadka oo aan la isku halayn karin, hadana jeerka Gu ‘ga iyo dayrtu curato, ma jiro nidaam siyaasadeed ee bulshada soomaaliyeed majo ilaa madax u degsan, midaas bedelkeed waxaan indhaha ka daawanaa biyihii oo togaga xulaya ku na shubmaya badaha[marka laga reebo xoogaa yar oo baraagaha(Ceelasha) tuulooyinka gala)]. Tani Waxay sababtaa in iyada oo xili roobaadkii afar bilood laga soo wareegin harraad iyo gaajo u bakhtiyaan dadkii shalayto daawanayay biyihii badaha ku shubmayay ee sanaddo hayn lahaa.

J- maamul xumo baahsan oo inaga haysata maaraynta baadka:
Sidee u arki lahayd haddii la yiraahdo cunada bani-aadamku quuto yaan la beerin, ee xili roobaadka wixii meelahaas kasoo baxa hala quuto, xiliga roobku di’i waayana meelaahas gaajo haloo bakhtiyo, hana lagu andacoodo abaar baa jirta?

Waxaan u malayn ma noqonayso wax maan-gal ah inaan sidaas u noolaano.

War go’i waaye hadii aysan maangal ahayn sidaasi, sidee maangal u tahay xoolo nool oo kula baahi ah in noloshoodu ku xirnaato kaliya dhibicda cirkaas ka soo dhacaysa markii la waayana macaluul iyo baahi u mutaan[Ma taas baa islaanimiyo, insaanimo ah].

Xalka Abaaraha Soomaaliya.
Dhibicda cirka ka soo da’aysa waa arrin ilaahay ku shuqul leeyahay bani-aadamkuna adag tahay in wax uu ka qabto. Taas bedelkeed, ilaahay wuxuu awood noo siiyay inaan xal u heli karno maaraysan karnana waxaa aan haysano.

Xalka abaaraha soomaaliya Waxay noqon kartaa, anoo soo koobaaya:

B- in bulshada soomaaliyeee, shacab, madax, aqoon yahano iyo culimo u diinba, lala yimaado qorshe dhab ah oo ku aadan abaarahaan soo noq-noqonaya.
Waa ceeb in qarniyo ka hor abaarihii umadihii naga horayay ku dhifan jiray, isla maanta oo qarnigii 21aad ah anagii na haystaan, xal na aan weli loo helin.

T- in gabi ahaan ba la joojiyo xaalufinta dhirta, lana bilaabo qorshe lagu beerayo dhir, caro celina lagu samaynayo.

J- Dhisidda biyo xireeno, si looga faaidaysto biyaha badda ku darmaya xiliyada abaaraha.

X- Abuuridda qorshe lagu beerayo dhirta xooluhu cunaan, si xiliyada abaarta xoolaha baad loogu helo.

Gebagebadii.

Marka koowaad waxaan bulshada soomaaliyeed ee abaaruhu ku habsadeen ilaahay uga baryin inuu ka samata bixiyo dhibkaas haysta. Marka xiga Waxaan umada soomaaliyeed ku oran: “ILAAHAY MA BEDDELLO QOOM AAN IYAGU IS BEDELIN”

W/Q: Axmed Nuur Yuusuf Calixaad.