Qorraalo

jawab-celin ku socoto qormadii ”Sekularnimadu waa lama huraan”.

Qormodii ‘calmaaniyiinta soomaalida’ ee aan dhawaan idin la wadaagay waa tii uu soo naqdiyay Dr Ali Barre oo kaga hadlay qormo uu summad uga dhigay ” sekulaariyaddu waa lama huraan” , waxa aan isku dayay in aan gaar u calaamadiyo meeloha uu walaalkay Cali ka qoonsaday ama igu khilaafay ee uu naqdiyay waxa aanan ka badin waayay hal qodob oo qudha oo aan ku sheegay in ;
– Soomaalidu waligeed aanay noqon theocratic/laahuuti sida eraygan looga yaqaan galbeedka waligeedna aanay noqon calmaani isla sida eraygan looga yaqaan galbeedka ; Cali qaybta hore waa uu igu waafaqay waxa se uu igu diiday tan danbe oo waxa uu qabaa in soomaalidu ay waligeed ahayd bulsho calmaani ah sida calmaaniyad looga yaqaan galbeedka ! waa marka aan dood ahaan ka duulno fahanka lidka ku ah midka aan qoray oo uu Cali istaagay ( مفهوم المخالفة) .

Ugu horreyn qoraalkayga waxa aan ku sheegay in islaamiyiinta iyo calmaaniyiinta soomaalidu hal gef wada galayaan oo ah in islaamiyiintu u arkeen soomaalida bulsho diintu ka maqan tahay oo ay tahay in loogu baaqo sidaana ku galeen gef waayo soomaalidu waxa ay ahayd bulsho boqolaal sano muslim soo ahayd , calmaaniyiintu iyaguna waxa ay u arkaan soomaalida bulsho laahuuti ah oo u baahan in la calmaaniyeeyo oo diinta laga saaro xukunka ! halka soomaalidu waligeed aanay noqon bulsho Laahuuti ah ee ay ahayd dhexdhac ; bulsho diin leh oo hadana xeer dad-samee ah ku dhaqanta ; Cali waxa uu qabaa in soomaalidu soo ahayd calmaaniyiin badhax la’ oo aan xeer diimeed shaqo ku lahayn waana inta uu igu khilaafsan yahay ! haddaba haddii aan tiisa u raacno waxa ay weydiintu tahay :
Markaa waa maxay calmaaniyadda aad hadda ku baaqaysaan ama u ololeynaysaan kol haddii aan waligeen calmaaniyad ku soo dhaqmaynay ?! haddii dhaqanka soomaaliyeed iyo xeerarka inoo qoran yihiin calmaaniyad sow in aan hadda bilowno olole calmaaniyeyn ah iska noqon maayo war la hayo xiiso ma leh ama sida ay carabtu tidhaahdo (تحصيل الحاصل ) ? ololehiinu miyaa uu mudan yahay shakiga iyo colaadinta uu dadka ku dhex ridayo kol haddii aanu wax maqan soo kordhinayn ?! aniga iyo in badan oo soomaalida ka mid ahba haddii aan ku doodayno in dhaqanka iyo xeerarka inoo dhigan hirgalintooda lagu dhiirriyo bulshoda idinkuna , calmaaniyiinta soomaaliyeed , aad xeerarkan u aragtaan calmaaniyad sow isku meel uma soconno maxaa ay taraysaa in aad baaq ama buuq cusub ka aloostaan meel bannaan ?!

Walaalkay Cali Barre waxa uu yidhi :

” mashruuca sekulaarnimada soomaaliyeed ma ahan hada mid siyaasadeed una socda inuu badalo bulshada oo dhami, waana mid ku baraarugsan xaqiiqda dhabta ah ee hab-nololeedka soomaaliyeed ee is-badalay, ujeedkiisa ugu weyna uu maanta yahay in aan doorkeena ka qaadanaa dadaalka loogu jiro dhaqaajinta iyo gobcinta garaadka qofka soomaaliyeed ” !

Waxa aan fahmi waayay mashruuc calmaani ah oo aan ahayn mid siyaasadeed ! sow asalkeedaba calmaaniyaddu ma aha aragti khuseysa qaabka dawlad iyo diin loo kala maareynayo oo sida uu Caliba ku qeexay ah in xeerka dawladdu noqdo mid garaad-keen ah (by reason) ee aanu noqon mid eebbe soo dajiyay ?! waxa aan filayaa in uu halkaa isku qalday calmaaniyad iyo liberaaliyad waana labo aragtiyood oo midna muggeedu yahay dawlad (state) midna mucdeedu tahay qof (individual) ; waxa ay ku dadaalayaanna waa liberalism e ma aha secularism .

Soomaalidu ma lahaayeen niyaam calmaani ah sida galbeedka looga yaqaan calmaaniyad ?!
Jawaabtaydu waa maya sababta oo ah xeerarka lagu dhaqo dadka waxa ku jiray kuwa lagu kala xaqo dadka dhaawacyada isku geysta iyo dilka , guurka oo ma dhici jirin meher la’aan cid isku guursata oo xataa haddii si diinta khilaafsan la isku guursado waxa ay ahayd si ay diin u haysteen ! (calmaaniyadda galbeedka xeerar rayid ayaa la isku guursan karaa oo kitaab diini ah ma yaalo maxkamadaha) , waxa lagu dhaqmi jiray xeerarka dhaxalka ; marka aanay arrintu ahayn rag iska dhici in badan waxa la xeerin jirin diinta (kolba heerka aqooneed) sidaa awgeed ayaa geedka talada ee soomaaliyeed uga caan baxday odhaahda furfurasho ee ah “talo waa ta alle , talo rag iyo kitaab waa ay is tagaan” waana ay dhici jirtay in arrimo khuseeya taloda beesha wadaadka loogu yeedhi jiray si wax looga weydiiyo waxa ay diintu ka qabto oo ragga taloda gooyaa ka dhegeysan jireen.

 

Dr-Mohamed Abdullahi