Qorraalo

Sekularnimadu waa lama-huraan.

Dhoor maalmood ka hor waxaa qormo dhaxal-gal ah oo aan ku faafinay mareegtada ku hadasha afka soomaalida sekular-ka ah ee Somaliseculars.org ku lafa-guray calamaaniyiinta soomaaliyeed iyo tubta ay ku socdaan Dr-Mohamed Abdullahi oo ka mid ah qalinleyda garaadkooda ka caana-maalay.
Qoraagu waxa uu qormadiisa isku weydiiyahay su’aal eheed ” Siyaasada soomaalida ma mid theocratic ah baa?” oo uu isugu jawaabay in ”Bulshoda soomaalidu waligeed inta la xusuusto aaney noqon dad leh dhaqan calmaani ah sida calmaaniyad looga macneeyo galbeedka, haddana ma noqon mid laahuuti/theocratic ah isla sida xukunkan looga yaqaan galbeedka”

Waxa kaloo uu qoraagu tilmaamay in calamaaniyiinta soomaalida aanay su’aashaa isweydiin, ama ay isugu qalad-jawaabeen, isagoo u arko in sekular-ka soomaalida ay u heestaan in siyaaasada soomaalida tahay mid theocratic ah oo ay wadaado uun taliyaan.

Gunaanadkii waxa uu qoraagu gaarayaa gabagabo ah in sekular-ka saamaalida ay galayaa isla gafkii ay galeen islaamiyiintii oo ahaay inaanay dhugan ama fahmin xaqiiqda dhabta ah ee bulshada soomaalida.

Hadaba, inta aanan u guda galin faaqidaada (naqdinta) aragtiyada qoraaga ee qormada ku xusan, waxaan jeclaan lahaan inaan mahad balaaran u soo jeediyo dhamaan qalinleyda maan-ka furan ee doorka weyn ka qaadanaya lafagurida aragtiyada wax ku oolka ah ey bulshadu isdhaafsaneyso, qormadaan waa qormadii labaad oo aan dul imaado mudo yar gudohood oo si qoto-dheer u lafa gureyso sekularnimada, taas oo inoo muujineyso in sekularnimadu ku socoto in ay boos ka hesho doodaha kala duwan ee ka socda bulshaweynta soomaaliyeed.

Aan u soo laabto dulucda qormadeydaan oo runtii ah mid aan ku qaadaadhigayo lama huraannimada sekularnimada hadii aan rabno inaan helno dowlad sinnaan iyo soornaan (cadaalad) ku dhisan.

Aan ku bilaabo isla su’aashii uu isweydiiyay qoraagu ee eheed ” siyaasada soomaalida ma mid theocratic ah baa?
Si aan su’aashaa jawaab ugu helno, waxaa laga maarmaan noqoneyso inaan labo arimoodba aan lafagurid ku sameynaa, oo kala ah:-
Kow; waa maxay horta theocracy? muxuusa ka dhiganyahay? asal ahaan ereygaani wuxuu ka soo jeedaa af-ka qalaad ee giriiga (Greek) micnihiisuna u yahay ” The rule of god/xeer-ka eebe” oo loola jeedo in xeer-ka bulshada theocratic ahi isku maamashaa u asal u yahay xeer eebe, ha ahaadaan kuwa ku maamulayo wadaado amo yaysana ahaanin.
Halkaas waxaan ka fahmi kareenaa in theocrat-nimada dowladi aysan shardi u eheen inay wadaado hor-joogayaal u yihiin.
Shardiga kaliya ay dowladi kuqon karayso theoratic waa in uun xeer-ka lagu dhaqaayo yahay xeer eebe samada ka soo dajiyaa.

Labo; in aan bal dib u milicsanaa sooyaalka soomaalida si bal aan u fahano habkii ay soomaalida u nooleed ka hor hab-dowladeedka casriga ah.

Sida uu qoraaguba qabo, somaalidu waxa ay lahaan jireen, walina leedahay xeer ay iyagu dagsadeen oo aan samada uga imaan, diintane ka madax banaanay, se meelaha qaar kaga saamoobay. Xeer-kaasi waxa uu ahaa talameelka (siyaasada) ay noloshooda ku maamulaan, waxa uuna ugu jiray booska uu gardheyaasha (qawaaniinta) dowlada uga jiraan.

Halkaa waxaa si fudub uga aqrisan kareenaa in soomaalidu sooyaal ahaan aaney soomarin hab-noleedka ku dhisan theocracy, waana aragti aan kawada simanahay aniga iyo qoraaga, se halka aan ku kala beerno ayaa ah, in qoraagu uu aaminsanyahay in hab-nololeedkii hore ee soomaalida uusan eheen sekular sida galbeedka looga yaqaan sekularnimada.

Si aan iyana bal arinkaas uga salgaarno, waxaa laga maarmaan noqoneyso inaan bal isla fahanaa waxa ay sekularnimadu tahay.

Sekularnimadu sooyaal ahaan horta waa aragta ka soo maaxatay garaadka murtimeerayaal (philosophers) iyo garaad-layaal maan-furan (freethinkers) reer galbeed ah oo dagaal kula jiray dowlado theocratic ama monarchy ah oo ay boqoro iyo kaligood-taliyayaal ay xeerar-ka eebe dadka ku maamulaan.

Bu’da sekularnimadu ay murtimeerayaashaas dhidabada u aaseen dhamaadkii qarnigii 16aad iyo bilowgii 17aad ayaa eheed in asalka xeerar-ka dowladu ay noqdaan kuwo ”logic and reason/maangalnimada”  ku dhisan, aysan noqonin eebe saan yiri iyo eebe aa saan rabo, aragtidaas oo markii dambe dhalisay halkudhiga ay maanta ku caanbaxday ee ah ”kala saarida diinta dowlada”.

Run ahaantii waxa la kala saarayo ma ahan dowlada iyo wadaado diimeedka ama kaniisada/masaajidka iyo hey’adaha dowlada, ee waxa la kala saarayo waa xeerar-ka kala duwan ee kala ah, kan aadane iyo kan eebe.
Taasne micneheedu ma ahan in xeer-ka eebe daaqada laga saarayo, ee waa in xeer kastaa, ha ahaadu mid eebe ama mid aadane, oo aan maangal eheen, ama wiiqinaya sinaanta iyo sooraanta, meesha laga saaraa.

Si taas ay suurta-gal u noqotaane waxaa laga maarmaan noqoneyso in dowladu noqotaa mid aanan ku dhisneen xeer eebe, si xeerar-ku u noqdaan wax dood la galin karo, kii maangalnimadiisu baanka iskeentaane uu haro, kii kalena daaqada ka baxo.

Markaan haalkaas mareeno, waxaa noo cadaanayo in habnololeedkii soomaalidii hore uu yahay sekularnimada ayba u taamayeen murtimeerayaalkii reer galbeed ee salka u taagay sekularnimada, waana meesha aan rabno hadaan nahay sekulaarada soomaaliyeed inaan ka bilowno, maadama uu xeer soomaaligu yahay mid ay dadi dajiyeen, oo hagaajintiisu ama dib u habeentiisu tahay mid ka fudud faragalinta ama badalista kan lagu sheegay inuu samada ka yimid.
Gunaanadkii, mashruuca sekulaarnimada soomaaliyeed ma ahan hada mid siyaasadeed una socda inuu badalo bulshada oo dhami, waana mid ku baraarugsan xaqiiqda dhabta ah ee hab-nololeedka soomaaliyeed ee is-badalay, ujeedkiisa ugu weyna uu maanta yahay in aan doorkeena ka qaadanaa dadaalka loogu jiro dhaqaajinta iyo gobcinta garaadka qofka soomaaliyeed.

Ali Barre