Qorraalo

Akhlaaqda Halkee Asal U Ah?

Akhlaaq, anshax ama damiir (=morals) waxaa si fudud loogu qeexaa in ay tahay kala garashada saxa iyo khaladka, samaha iyo xumaha, in la kala sooco waxa ay tahay in la sameeyo iyo waxa ay tahay in laga fogaado, …iwm.
Akhlaaqdu waa arrin lamahuraan u ah jiritaanka bulshada. Suurogalna ma ah in bulsho jirto haddii aysan lahayn xeerar nidaamiya xiriirka xubnaha bulshada midba inta kale la wadaago, oo u noqda halbeeg ay ku qiimayso habdhaqanka xubnaha bulshada, laguna ogaado waxa ruuxu hagaajiyey iyo waxa uu halleeyey.
Akhlaaqdu dhankaas waxay kala mid tahay ciyaaraha la dheelo. Si loo kala garto in ciyaartooydu gafey iyo in kale, waa in marka hore ciyaartu xeerar leedahay. Haddii ciyaartu aysan xeerar lahayn, waxaa adkaanaya in la kala garto waxa ciyaartooydu uu saxay si looga abaalmariyo ama waxa uu khalday si loogu ganaaxo.
Dhallinyaronimadii – sida dad badan oo kale- waxaan xiriir toos ah dhex dhigi jirey diinta iyo damiirka ama anshaxa, waxayna ila ahayd in dadka lagu sheego in ay diimaha ku dheggen yihiin ay had iyo goor ka damiir wanaagsan yihiin kuwa aan diimaha ku dhagganayn, iyo in sidoo kale guud ahaan muslimiintu ka damiir fiican yihiin dadka aan diinta Islaamka haysan.
Hase ahaatee, maanta waxaan ku qanacsanahay in anshaxu uusan ku xirnayn diinta iyo midabka maqaarka ruuxa toona, balse uu ku xiran yahay qalbiga qofka iyo tarbiyada lagu koriyo ama uu helo. Damiirkana dadka oo dhami – madow iyo caddaan, reer Bari iyo reer Galbeed, kuwo diin haysta iyo kuwo aan haysan, Muslimiin iyo qeyrkood- ay wadaagaan, oo aysan jirin qolo si gaar ah loogu tilmaami karo damiir wanaag ama damiir xumo. Tusaale ahaan waa adag tahay in lagu doodo in dadka diimaha haystaa ay ka damiir fiican yihiin ama ka damiir xun yihiin kuwa aan diimaha haysan, sidoo kale laguma doodi karo in muslimiintu ka damiir wanaagsan yihiin ama ka damiir xun yihiin dadyowga diimaha kale haysta. Waxa qura ee lagu doodi karaa waa jiritaanka ruux mid kale ka akhlaaq iyo damiir wanaagsan.
Ruuxu marka uu eego akhlaaqdii ummadihii hore ee dunida, sida Masaaridii, Baabilidii, Shiinihii, Hindidii, Giriiiggii, Roomankii, Carabtii , … , wuxuu ogaanayaa sida akhlaaqda ummadahaasi ay isugu dhaweyd, isla markaana ugu dhowdahay akhlaaqda dunida casriga ah ee aan ku noolnahay. Ummadahaasi dhanka aqoonta aad bay ugu kala duwanaayeen, balse dhanka akhlaaqda farqi la sheegaa uma dhaxayn.

Shaki kuma jiro in akhlaaqdu qayb weyn ka tahay diimaha oo dhan, ayna adagtahay in diini jirto haddii laga saaro qodobbada akhlaaqda ku saabsan sida; runsheegga, ammaanada, cafiska, naxariista, turidda, dulqaadka, daacadnimada, xaqdhawrka, xishoodka, wax-quurka, nafhuridda, ,,, iyo qaar kale. Taana waxaa ugu wacan in shaqada ugu weyn ee diimuhu ay tahay in la helo qof wanaagsan. Halbeegga ugu mudan ee wanaagga qofka lagu gartaana waa akhlaaqda. Sidaa awgeedna, nebiga (NNKH) waxaa laga wariyaa inuu yiri: “Muuminiinta waxaa ugu iimaan badan kan ugu akhlaaq wanaagsan/ إن أكمل الؤمنين إيمانا أحسنهم خلقا “. Culumada Islaamka qaarkoodna waxay yiraahdeen: “ Diinta oo dhammi waa akhlaaq, ruuxii kaa akhlaaq bataana waa kaa diin bataa/ الدين كله خلق: فمن فاقك في الخلق فاقك في الدين”.
Sida la sheegay, taariikhda islaamka hal mar bay dhacday in wadaad sunni ah iyo wadaad shiico ahi ay buug wada qoraan. Qarnigii 11-aad, Xujatul Islaam Abuu Xaamid Al-Gasaali (1058-1111) oo ahaa wadaad sunni ahi wuxuu qoray buuggiisa caanka ah ee “Noolaynta culuumta Islaamka/إحياء علوم الدين”, lix boqol oo sano ka dibna waxaa yimid wadaad shiico ahaa oo la oran jirey Maxamed Muxsin Feyd Al-Kaashaani (dhintay 1680) oo buugga Gasaali dib u qorid ku sameeyey, kuna magacaabay “Waddada cad ee dib u habaynta al-Ixyaa /المحجة البيضاء في تهديب الإحياء”.
Culumada falaanqaynta ku sameeyey labadaas buug waxay sheegeen in 70% afkaarta diiniga ah ee labada wadaad ay isku mid tahay, oo ay ku kala duwan yihiin 30%. Dhinacyada ay ku kala aragti duwan yihiin waxaa lagu sheegay dhinacyada masaa’isha ku saabsan caqiidada iyo fiqiga, laakiin ay si buuxda uga midaysan yihiin dhanka arrimaha la xiriira dhanka akhlaaqda. Dhacdadaasna waxaan ka ogaanaynaa in akhlaaqdu tahay nuxurka diinta islaamka iyo guud ahaan diimaha iyo sidoo kale in aragtida diimaha ee akhlaaqda ku aaddani ay aad isugu dhow dahay.
Waxaana xusid mudan, in waayihii hore meelo badan oo dunida ka mid ah aan maxkamaduhu jeclaan jirin in uu hortooda markhaati ka furo qof aan diin rumaysnayn. Waayo waxaa si weyn loogu qanacsanaa in dadka aan diinta ku dheggenayn aysan haysan sabab ku bixinaysa in ay run sheegaan (Iyaga iyo ku Allahoode, waxay ku doodeen in fursadda ruux aan diin haysani uu ku hanan karo in loo doorto Aqalka Cad ay ka yar tahay tan Muslimka, Yahuuddiga iyo dadka u galmooda kuwa la midka ahi ay ku gaari karaan kursigaas).
Taasoo jirta, haddana su’aasha sida weyn looga doodaa waxay tahay: akhlaaqda iyo damiir wanaaga halkee baa asal u ah oo ay ka soo jeedaan? Ma diimaha ayaa asal u ah mise dadka ayaa asal u ah? Hadii si kale loo yiraahdo: akhlaaqda Alle iyo aadanaha kee baa lagu raalli geliyaa?
Weydiintaani waa mid fac weyn oo kumanyaal amaba malaayiin sano aadanuhu isweydiinayey. Iyada oo ay sidaa tahayna, cidi weli kuma guuleysan in ay ka bixiso jawaab isku si loogu qanco, oo dad badan baa waxay aamminsan yihiin in diimuhu dadka baraan akhlaaqda, isla markaana ay yihiin gaashaanka lagu ilaaliyo anshaxa bulshada. Maxaa yeelay, qofka waxaa khayaanadiisu yaraataa marka uu ogyahay in loo jeedo, dadka diimaha haystaana waxay rumaysan yihiin in abuuruhu mar walba isha ku hayo, taasina ay keenayso in khayaanadoodu yaraato, anshaxooduna kordho. Voltaire waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Waxaan doonayaa in abuukaatahayga, harqaanlahayga (=dawaarlahayga), adeegayaashayda, iyo xataa afadaydu ay Alle rumeeyaan, maxaa yeelay taa macnaheedu waxa weeye in ay yaraanayso fursadaha la iigu geysanayo khayaano, dhac iyo in sharaftayda la dhaamo”.
Iyada oo kooban, qoladaani waxay ku dooddaa in si akhlaaq loo helo marka hore abuure loo baahan yahay (=We need God to be good), haddii taa la waayana dunida fasaad – been, khayaano, xasad, xaqiraad, xatooyo, dhac, dil, kufsi,,,- cammimayo (=buuxdhaafinayo). Waayo? Dhimashada diintu waxay ka dhigan tahay dhimashada ilbaxnimo kasta oo tayo leh. Waana kii mudane Fyodor Dostoevsky buuggiisa “Walaalaha Karamazov/The Brothers Karamazov” uu ku lahaa: “ Haddii Alle dhinto, wax kasta waa la fasaxaa.” Dostoevsky ka horna Voltaire baa wuxuu yiri: “ Haddii aan Alle jirin, waxaa lamahuraan noqonaya in la ikhtiraaco/ abuuro”.
Sidaa darteedna, marar badan waxaan aragnaa wadaaddada diimaha kala duwan oo qolo waliba dhankooda ku andacoonayaan in diintoodu diimaha ugu saxsan tahay, dadka haystaan ummadaha oo dhan ugu anshax iyo akhlaaq badan yihiin.

Balse si taa ka duwan, dad kale oo aan yarayn ayaa iyaguna waxay qabaan in diintu aysan shardi u ahayn akhlaaqda. Waxayna la tahay in akhlaaqda si toos ah loogu ogaan karo waxa loogu yeero “Qaanuunka dabeecadda/Natural law”. Qoladaan waxay la tahay in akhlaaqdu ka dhalato wadanoolaanshaha bulshada (=qoys, qaraabo, qabiilo, qowmiyad, qaran, quruumo, ..iwm). Haddii si kale loo dhigo, akhlaaqda bulshada ayaa asal u ah, oo wada noolaanshaheeda ayay ka askuntaa, oo waxaa saameeya dadka lala noolyahay iyo degelka lagu negi yahay. Waayo, si wada noolaanshaha bulshadu uu suurogal u noqdo, waa in marka hore bulshadu aragti midaysa ka leedahay samaha iyo xumaha, haddii taa la waayana wada noolaanshaheedu uusan sii jiri karayn ama xataa uusan marka horeba abuurmayn.
Sida muuqata, fikradda qoladaan waxaa ka dhalanaya in akhlaaqdu isla beddesho hadba isbeddelka ku dhaca aragtida bulshada, oo waxaa suurogal ah in bulshadu wax ay shalay same u taqiin ay maanta xume u aqoonsato. Taa lidkeeduna waa dhici karaa, oo wax shalay khalad loo arkay ayaa maanta sax loo arki karaa. Tusaale ahaan, waayadii hore bulshada Tamil Nadu tilmaanta ugu wanaagsan ee ay qofka ku tilmaamaan waxay ahayd in ay ku sheegaan in uu geesi yahay. Geesiga dhabta ahna waxaa loo shardin jirey in uu dilo kun xabbo oo maroodi ah. Hayeeshee, maanta ruuxii maroodi dila waxaa loo aqoonsanayaa in uu yahay danbiile ciqaab mudan.
Si taa la mid ah, saddex boqol oo sano ka hor aadamiga badankiisu addoonsiga wax dhib ah uma arag, laakiin maanta waa adagtahay in la helo cid ku dhiirran karta in ay si cad addoonsi u bannayso. Isbeddelka akhlaaqduna habeen iyo dharaar gudahood kuma dhaco, balse muddo dheer ayuu qaataa.
Qoladaani waxay ku doodeen in akhlaaqdu ka horraysey diimaha, isla markaana diimuhu arrimaha akhlaaqda la xiriira ay ka qaateen garashada dadka. Akhlaaqduna ay ka dhalato ogaanshaha ruuxu ogaado in dadka kale ay yihiin kuwo isaga/iyada la mid ah. Waxayna ku doodaan in bulshooyinka cawaanta ahi, inkasta oo ay ka facweyn yihiin bulshooyinka diimaha Samaawiga/Saamiga ah haysta, haddana aysan labada kooxood si muuqata ugu kala duwanayn dhanka akhlaaqda, oo ay isku si u canbaareeyaan beenta, dulmiga, khayaanada, muuddalnimada, anaaninnimada, eexda, naxariis darrada, dilka, dhaca, xatooyada, kufsiga, xasadka, nacaybka…iwm. Sidoo kale, waxay u wada riyaaqaan mabaadida sinnaanta, caddaaladda, xorriyadda, iskaashiga, nidaamka, hawlkarnimada, taageeridda iyo uturidda inta tabarta yar, ….iqk.
Dadku tan iyo goor hore, waa ku kala aragti duwan yihiin tirada ay tahay in haweenka laga guursado (hal, afar,, … iyo boqollaal), laakiin sidaa oo ay tahay, haddana marna iskuma qaban in aadan xaq u lahayn in aad la baashaalto gabar kasta oo bilicdeedu ay indho-daraandar kuu keento.
Tusaale ahaan, Suqraad (469-399C.H.) wuxuu ahaa feylasuuf cawaan ah oo ka horreeyey imaanshihii diinta Masiixiyadda, taasoo jirta haddana waxaan arkaynaa aqoonyahanno badan oo reer Yurub ah, oo ay ku jiraan qaar wadaaddo ah oo Suqraad ku tilmaamaya in dhanka anshaxa uu macallin ugu yahay. Waxayna ku doodeen in Suqraad iyo nebi Ciise (CS) ay dhinacyada qaarkood isaga ekaayeen. Dhinacyada ay isaga ekaayeenna waxaa ku jira qaar dhanka anshaxa ah, sida runta, naxariista iyo dad-jacaylka- xataa marka lagu daro kuwa colka la yahay. Sidaa darteedna la yaab ma leh in Desiderius Erasmus oo ahaa aqoon-yahan wadaad ahi uu Suqraad huwiyo barakadii masiixiyadda, uuna yiraahdo oraahdiisa caanka ah ee: “ Weligii Suqraad ahaayow, noo ducee / Saint Socrates, pray for us.” Waxayna yiraahdeen: “Suqraad waji qurxoon ma lahayn, balse akhlaaq iyo garaad qurxoon buu lahaa”.
Dhanka kale, Abuu Xayaan al-Towxiidi (922-1023) buuggiisa “Al-Hawaamil Wa al-Shawaamil/الهوامل والشوامل”, oo ah buug u qoran qaab waydiin iyo warcelin ah -(Abuu Xayaan wuxuu leeyahay weydiimaha, saaxiibkiis Abuu Cali Ibn Miskaweyh oo lagu naynaaso “macallinkii saddexaad”, ahna ninka qoray buugga “Tahdiib al-Akhlaaq”, oo lagu tiriyo buugta ugu caansan ee muslimiintu mawduuca akhlaaqda ka qoreenna wuxuu leeyahay warcelinta), mas’alada 77, wuxuu Ibn Miskaweyh weydiinayaa su’aal ku saabsan akhlaaqda, wuxuuna leeyahay:
“Maxay tahay sababta mulxidka diin laawaha ah ku bixinaysa in uu wanaag sameeyo, oo ammaanada guto, oo samaha joogteeyo, oo kan la dhibay u naxariisto, oo kan qaylinaya kaalmeeyo, oo kan soo nabad gala ee hortiisa ku cabanaya uu u gargaaro? Isaga oo aan abaalmarin abdaynayn, noqoshana sugayn, xisaabna ka baqayn”.
“ما الذي حرَّك الزنديق والدهريّ على الخير، وإيثار الجميل، وأداء الأمانة، ومواصلة البرِّ، ورحمة المُبتَلَى، ومعونة الصريخ، ومغوثة الملتجىء إليه، والشَّاكي بين يديه؟ هذا وهو لا يرجو ثوابًا، ولا ينتظر مآبًا، ولا يخاف حسابًا. “.
Jawaabtii Ibnu Miskaweyh bixiyeyna waxay ahayd in diintu aysan sabab u ahayn jiritaanka akhlaaqda. Balse waxtarka diintu akhlaaqda u leedahay uu yahay in ay kaalmayso fidrada (=Intrinsic value) iyo garashada ruuxa oo iyagu asal ahaan samaha iyo xumaha u kala yaqaan. Ibnu Miskaweyh wuxuu hoosta ka xarriiqay in qofku caqligiisa iyo bani’aadamnimadiisa uu ku garto wanaaga, kuna sameeyo, kaalinka shareecada ama diintuna ay tahay cunsur baritaara fidrada, oo baraarujin iyo dhiirrigelin laga helo. Eraydiisiina waxay ahaayeen sidatan:
” للإنسان- بما هو إنسان- أفعال وهِممٌ وسجايا وشِيمٌ قبل ورود الشرع، وله بداية في رأيه، وأوائل في عقله لا يحتاج فيها إلى شرع؛ بل إنما تأتيه الشريعة بتأكيد ما عنده، والتّنبيه عليه، فتُثيرُ ما هو كامِن فيه، وموجود في فطرته، قد أخذه الله- تعالى- عليه، وسطّره فيه من مبدأ الخلق، فكل من له غريزة من العقل، ونصيب من الإنسانية ففيه حركة إلى الفضائل، وشوق إلى المحاسن لا لشيء آخر أكثر من الفضائل والمحاسن التي يقتضيها العقل، وتوجبها الإنسانية، وإن اقترن بذلك في بعض الأوقات محبة الشكر، وطلب السٌمعة، والتماس امور أخر. ..”
Malaha doodda Miskaweyh waxaa xoojinaya xadiiska nebigu (NNKH) ku yiri: “Waxaa la ii soo diray si aan akhlaaqda wanaagsan u dhamaystiro”. Waayo? Sida xadiiska laga dheehan karo, nebigu ma sheegan in uu la yimid akhlaaq cusub oo ummadda loo soo diray aysan horay u aqoon, balse wuxuu sheegay in loo soo diray si uu u dhamaystiro ama u xoojiyo akhlaaqda wanaagsan. Taa oo macnaheedu yahay in Carabtii Jaahiliyaddu ay lahaayeen akhlaaq wanaagsan.
Runtii waa adagtahay, in lagu doodo jiritaanka akhlaaq islaamku gaar ahaan u la yimid, oo aan horay aadamigu u aqoon. Waxaana la sheegaa in culumada Islaamka kuwii ugu horreeyey ee wax ka qoray mawduuca akhlaaqdu ay si joogto ah ugu noqonayeen culumadii ummadaha kale sida Giriigga, oo ay magcaantooda iyo doodahoodaba xusaan.
Akhlaaqdu ma aha badeeco qolo gaar u leedahay, Allena ma doonin in koox yari damiir yeelato, sida barbaarta madax-falluuqa qabaa ay isku dayaan in ay naga dhaadhiciyaan. Waxaana xusid mudan, oraahdii Shiikh Maxamed Cabdoh uu yiri kaddib markii uu tagay Yurub ee ahayd: “Halkaan waxaan ku arkay Islaam balse muslimiin kuma arag, waddankaygana waxaan ku arkaa muslimiin balse Islaam kuma arko!!”
Akhlaaqda oo diin lagu xiraa waxay keenaysaa in akhlaaqda lagu koobo bulshada diintaas haysata oo keliya, ummadaha kalena laga qadiyo. Weliba dadka diintaas haysta ayaa iyaguna dhexdooda akhlaaqda sii kala shinsanaya. Tusaale ahaan, Sunnada iyo Shiicadu inkasta oo ay hal diin ku wada abtirsadaan, haddana marka loo yimaado arrimaha la xiriira akhlaaqda midkoodna ma oggola in ay tan kale webiga akhlaaqda koob ka darsato, oo sunnadu ma aqbali karaan shiicaa akhlaaq leh, sidoo kalena shiicada lama soo marsiin karo sunnaa akhlaaq maqashay. Sunnada iyo Shiicada midiba tan kale waxay u aragtaa sheydaan muuqaal bani’aadam leh.

        (Waa sawir gacan lagu sameeyey oo muujinaya Abuu Xayaan Al-Towxiidi oo su’aalo weydiinaya Abuu Cali bin Miskaweyh).
Dhanka kale, waxaa ayaandarro ah in maanta muslimiinta badankoodu kolka ay maqlaan erayga akhlaaq ay durbadiiba maankooda ku soo dhacaan arrimaha diintu reebtay, siiba waxay si gaar ah ugu sii mashquulaan gabdhaha lugahooda dhexdooda. Taas oo meesha ka saaraysa macnihii ballaarnaa ee akhlaaqdu lahayd iyo mirihii laga guran lahaa. Arrinkaas oo lagama maarmaanna ka dhigaya in muslimiintu dib-u-eegid ku sameeyaan macnaha iyo nuxurka eraygu leeyahay.
Akhlaaqda aadamuhu maanta hirgelinteeda u halgamayo waxaa ka mid ah in la helo xorriyad, caddaalad, sinnaan, caqlaaniyad iyo in la oggolaado in lagu kala geddisnaado fekerka iyo dhaqanka. Arrimahaas oo ka mid ah waxa loogu yeero qiyamka cusboonaanta (=Values of modernity\قيم الحداثة).
Teeda kale, meesha maanta muslimiinta culayska ugu weyni uu ka haysto waa sidii ay ugu guulaysan lahaayeen in ay akhlaaqda iyo diinta dib u mideeyaan. Ragga carruurta, haweenka iyo bulshada rayidka ah meel kasta ku gawracaya iyaga oo akhrinaya aayado quraan ah, isla markaana ku doodaya in falkaas ay nebiga uga dayanayaan, waxaa ka dhashay in dad badan isweydiiyaan su’aal ah: war sidee diin akhlaaq xumadaan loogu abtirinayaa ay diin ku noqon kartaa?
Wadaaddo muslimiin ah ayaa waxay fatwoodeen in ay bannaan tahay in la gawraco carruurta Israa’iilada, dadkooda rayidka ahna la isku qarxiyo. Shiikh Yuusuf Al-Qardaaw iyo wadaaddo kale ayaa haddana waxay soo saareen fatwo ay ku sheegayaan in ay waajib tahay in la dilo dadka rayidka ah ee u dhashay dalka Maraykanka haddii Ciraaq lagu arko, xataa haddii ay dalkaas dalxiis iyo dano la mid ah u yimaadeen. Wadaaddo kale oo isla fatwada noocaas ah ka duulaya ayaa iyaguna waxay fatwoodeen in ay bannaantahay in la gawraco carruurta ay dhaleen askarta waddamada islaamka ah ee ay ka jiraan nidaamyada cadaadiya ururrada diiniga ahi sida Jasaa’ir, Masar iyo Indooniisiya.
Weydiinta meesha ku jirtaana waxay tahay: waa islaam noocee ah islaamka faraya in la gawraco carruur yaryar iyo dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan? Weydiin kale oo iyana maanta aad la isu weydiiyaa waxay tahay: Islaamku diin ahaan mas’uul ma ka yahay falalka argagixiso ee magaciisa lagu geysto?
Iyada oo kooban, waa adag tahay in lagu doodo in diinta Islaamku ay bannaynayso falalka argagixiso ee maanta dunida aafeeyey, laakiin dhanka kale ma jirto diin ka madax-bannaan taariikhda dadka ku abtirsada, oo diinta waxaa saameeya duruufaha dhaqan-dhaqaale ee dadka ku abtirsada, sidaa darteedna waxaa jira islaam noocyo badan oo mar kasta iyo meel walba muuqaal gaar ah leh. Islaamka maanta muuqdaana waa wixii muslimiintu ay diinta ku sameeyeen iyo qaabkii ay u fasireen. Sidaa awgeed, muslimiinta waxaa xil weyni ka saaraan yahay sidii ay akhlaaqda diinta ugu soo celin lahaayeen, oo diinta wejiga waraabe loo yeelay ay mar kale weji naxariiseed ugu yeeli lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, doodaha akhlaaqda la xiriira ma aha kuwo lagu kala garqaato, aalaabana waxay u ekaadaan dooddii ahayd digaagga iyo ukunta keebaa horreeyey. Taasoo jirta, haddana arrin la rumaysan yahay in uu saamayn weyn ku leeyahay anshax wanaaggu, waa xeerka loogu yeero “jiheeyaha ama diiradda damiirka/ moral compass” ee oranaya: “Dadka ula dhaqan sida aad jeceshahay in laguula dhaqmo.” Eebbana quraanka wuxuu ku yiri: “ Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha?/Hal Jasaa’u al-Ixsaani illaa al-Ixsaan”[Ar-Raxmaan 60]. Nebi Muxamedna (NNKH) waxaa laga wariyey in mar uu saxaabi la oran jirey Waabisa bin Macbad uu u tilmaamayey sida ruuxu samaha iyo xumaha ku kala garan karo, uu ku yiri: “Qalbigaaga la tasho … dadku waxay doonaan ha kuu fatwoodeene (=sheegeene)/ Istafti qalbak, … wa’in aftaaka annaasu wa’aftowka…”.
Tusaale ahaan, in runtu wanaagsan tahay, beentuna xun tahay, waa arrin dadka oo dhan- kuwo diin haysta iyo kuwo aan haysanba- ay qirsan yihiin. Taana waxaa ugu wacan in manfacada arrinkaas ku jirtaa ay tahay mid dadka garaadka leh oo dhan u muuqanaysa, waayo ruux walbaa wuxuu jecel yahay in run loo sheego, wuxuuna neceb yahay in been loo sheego.
Caadi ahaan, ruuxa Rooma ku dhashay lagama fisho in uu Buudi noqdo, kan Tookiyo ku dhashayna lagama sugo in uu Muslim noqdo, kan Maka ku dhashayna loogama fadhiyo in uu qaato diimihii hore ee Hindidii Ameerika. Laakiin dhammaan akhyaartaas waxaa isku si looga fishaa in ay runta u khushuucaan, beentana ka qamandhacoodaan. Macbadka, masjidka iyo kaniisaddu waa kala duwan yihiin, laakiin dareenka qalbiga dadku uma kala duwana sida deegaankooda, diintooda iyo dubkoodu u kala duwan yihiin.

Siday ahaaataba, doodda ku saabsan diimaha iyo damiirka waxaan xasuustay kaddib markaan dhawaan akhriyey saddexda buug ee kala ah;
⦁ The Book of Negroes (buugga daabacaaddiisa Maraykanka waxaa cinwaan looga dhigay “Some one Knows my name”) ee uu qoray Lawrence Hill


⦁ Guri Samada ku Yaal (= A House in the Sky: A Memoir of a Kidnapping That Changed Everything) ee ay qoreen Amanda Lindhout iyo Sara Corbett


⦁ Socdaalkii Dheeraa Ee Guriga (A Long Walk Home: One Women’s Story of Kidnap” ee ay qortay Judith Tebbutt.

Saddexda buug waxay wadaagaan in saddexduba ka hadlayaan dhib qabsaday saddex gabdhood (Aminata oo ah gabadha buugga hore sheekadadeeda tebinayo, Amanda oo buugga labaad ka hadlayo dhibkii qabsaday iyada iyo wadeygeed Nigel Brennan, iyo Judith oo buugga saddexaad ku saabsan yahay).
Waxayse saddexda buug ku kala duwan yihiin in kan hore uu yahay sheeko samays ah (=fiction), inkasta oo ay cuskantahay dhacdooyin taariikh ah, oo dukumiintiyo la helay laga tix raacay. Halka labada buug ee kale ay xanbaarsan yihiin dhacdooyin dhab ah, oo dadkii ay qabsadeen qudhoodu ay ka warramayaan.
Aminata, Amanda iyo Judith saddexdaba silic iyo saxariir badan ayaa lagu markaday, dadka dhibka ku markadayna waxaa ku jira qaar ehlu diin ah. Diimahooduna kala duwan yihiin, oo isugu jiraan Yahuud, Kirishtaan iyo Muslim intaba.
Tusaale ahaan, Aminata Diallo waxay ahayd gabar Afrikaan ah oo ku dhalatay tuulo la yiraahdo Bayo, oo Galbeedka Afrika ah. Waxaana dhalay qoys Muslim ah. Iyada oo 11 jir ah ayaa habeen madow tuuladoodii waxaa soo weeraray duulkii addoonta ka ganacsan jirey. Waxay dileen labadeedii waalid, iyadana addoon ahaan bay u qafaasheen.
Waxaa laga tillaabiyey badda Atlantika, waxaana lagu rogey mid ka mid ah dekedaha qaaradda cusub (=Amerika). Halkaasna waxay ku silcaysey hillaaddii muddo afartan dabshid ah. Halgan dheer oo ay ku mutaysatay in lagu tilmaamay in ay tahay “haweenaydii ugu kartida badnayd ee aan abid arko/the most capable women I have ever seen”kaddib, waxay dib u heshay xorriyaddeedii, waxayna go’aansatay in ay ka wardoonto dhulkii ay eheladeeda ku ogayd.
Waxay tagaysaa deegaanka gadaal danbe loo bixiyey Freetown. Markay halkaa gaartana waxay dadaal badan ku bixinaysaa sidii ay ku heli lahayd cid dhulka kala taqaan, oo gacan ka siisa sidii ay ku gaari lahayd tuuladii ay reerkooda ku ogayd. Ugu danbayntiina, waxaa la barayaa nin magaciisa la yiraahdo Xasan, kana mid ah ragga addoonta ka ganacsada, oo loo sheegay in uu dhulka aad u yaqaan, waxayna ku heshiinayaan in ay lacag badan siiso si uu u geeyo dhulka ay doonayso. Arrinkaas oo ka dhignaa waraabe hilib ku raro!
Xasan waa nin afrikaan ah oo yaqaan dhulka iyo afka looga hadlo deegaankii Aminata reerkoodu degi jireen, waxayna u badinaysaa in ayba isku qabiil yihiin. Waa muslim salaad jecel, oo dhib kasta oo jira aan marna salaadi waqtigeedii la dhaafayn. Iyada oo ay sidaa tahay, haddana si la mid ah sida uu salaadda uga fekero ayuu wuxuu uga fekeraa qiimaha ay bixi karto Aminata haddii uu geeyo seyladaha dadka lagu iibiyo. Ugu danbayntiina, wuxuu go’aan ku gaarayaa in uu iibiyo marka ugu horraysa ee uu la kulmo cid ka iibsata. Hayeeshee, Aminata oo garatay dabinka uu la damacsan yahay, isaga iyo shaqaalihiisii oo hurda bay habeen madow ka dhuumanaysaa, oo duur cidlo ciirsi la’ ah nafta ku biimaynaysaa. Adiguba caqlaad leedahaye carar maxaa dhaama!
Guud ahaan, muddada afartanka sano ka badan ee Aminata ay rafaadayso dadka dhibaya iyo kuwo gacanta u fidinaya labaduba waa ku kala duwan yihiin afka, diinta iyo midabka intaba.
Dhanka kale, Amanda waa gabadhii u dhalatay dalka Kanada ee bishii Agoosto ee sannadkii 2008dii iyada iyo nin ay saaxiib ahaayeen lagu afduubay magaalada Muqdisho, muddo 15 bilood ahna maxbuus u ahayd burcaddii afduubatay. Judith iyaduna waa haweenaydii u dhalatay dalka Ingiriiska ee burcadda Soomaaliyeed ka afduubeen magaalo xeebeedda Mambasa sannadkii 2011, muddada lixda bilood ka badanna Soomaaliya la haystaha ku ahayd.
Amanda raggii afduubay waxay u sheegeen in ay yihiin mujaahidiin u taagan in ay dalkooda iyo diintooda ka xoreeyaan Itoobiyaanka iyo gaalada kale ee ku soo duulay. Dhab ahaantiise, ikhyaartu diin jiris ma ahayn, balse doollar jiris bay ahaayeen. Xaqiiqadaasna Amanda waxaa si cad farta uga saaray wiil ka mid ah raggii ay u afduubnaayeen, oo ay magaciisa ku sheegtay Xasaam. Xasaam oo ay ku tilmaantay in uu ahaa wiil quraanka ku fiican, sidaa darteedna burcadda salaadda ka bixin jirey, wuxuu Amanda ku yiri: “Arrinku waa beeso, Islaam ma aha/ It is money, not Islam”.
Arrimaha ka maragkacaya in xaajadu xoolo raadis ahaydna waxaa ka mid ah in Amanda kaddib markay aragtay sida raggaani dhaqan diineed u muujinayaan, ay istustay in haddii ay islaamnimo sheegtaan ay xaaladdooda wax iska beddeli karaan, oo la sii dayn doono ama ugu yaraan si wanaagsan loola dhaqmi doono. Waayo, sida ay la tahay muslimiintu waa walaalo aysan bannaanayn in ay af iyo addin toona wax dhib ah isaga geystaan.
La mood noqonse wayday! Oo islaamkii Amanda iyo saaxiibkeed Nigel ay afka ka sheegteen, wax jixinjixa ugama helin burcaddii ay u qafaalnaayeen. Waxayse qirtay in musxafkii loo keenay iyo quraankii la barayey ay u ahaayeen daawo xagga maanka ah. Waayo, waxay heshay wax ay akhriso, oo waqtiga isku dhaafiso, welwelkana wax yar isku illoowsiiso. Waxaa intaa u dheeraa, in iyada iyo saaxiibkeed oo labo qol ku kala xirnaa ay baalashii kitaabka quraanka u adeegsadeen in ay farriimaha isku dhaafsadaan. Sidoo kale, waxay sheegtay in wardiga salaadda kaddib la akhriyo ee ah Subxaanallaah, Alxamdulillaah, Allaahu Akbar ay booskiisa ku beddelatay wardi ay nafteeda kula dardaarmayso, oo ah in ay boqol jeer ku celceliso erayga “adkayso, adkayso, adkayso, waad awooddaaye adkayso, ….!”.
Sida Amanda buuggeeda ku xusayso ragga afduubay diinta waa jecel yihiin. Salaadaha aad bay ugu dadaalaan, salaadda Jimcada dhar dhaqan oo qurxoon bay u qaataan, meel walba masaaxif quraan baa u waran, Isniinta iyo Khamiista waa soomaan, subaca iyo quraan akhriska afka kama qaadaan, hadalkooda oo dhammina waa waano iyo wacdi.
Amanda hooyadeed waxay sheegtay in ay saraakiishii Kanada ee la socoshada xaaladda gabadheeda u xilsaarnaa ay u sheegtay in ay ka welwelsan tahay in gabadha la qabsado (=kufsado). Saraakiishiina ay niyadda ugu qaboojiyeen in muslimiinta mukhlisiinta ah agtooda qabsashadu ka tahay denbi dilka ka daran.
Laakiin dhanka kale, marka laga yimaado denbiga ay ka siman yihiin ragga afduubka geystay ee ah in ay doonayaan in ay bani’aadam ka mushtaraan, ninka Amanda sida joogtada ah u kufsanayaa waa macallinkii quraanka barayey. Waa nin wax badan ku canaantay quraan ay si khaldan ugu dhawaaqday ama dhakhsihii la rabay ay ku qaybi weydey. Waa nin marar badan ku eedaynaya in aysan muslim wanaagsan ahayn, sababtuna ay tahay in ay been sheegtay. Waa nin jihaadka jecel, diyaarna u ah in uu dhakhso u shahiido.
Amanda iyada oo tilmaamaysa xaaladdeedii markii ugu horraysay ee kufsiga loo gaystay, waxay sheegtay in kufsigu: “tog dhex dhigay qofkii ay markaas noqotay iyo kii ay markaas ka hor ayahd / making a gulch between me and the person I’d been”.
Kaaga daranta, kolka ay dhibka qabsaday u sheegto ninka dhallinta xukuma, oo ay ku tilmaantay in uu ahaa nin ladnaani ka muuqatay, una sheegay in uu dunida kale soo arkay, oo tusaale ahaan uu dalka Jarmalka muddo ku noolaa, isla markaana uu ahaa nin dhaqan diin ka muuqdo, oo astaanta sujuudda salaaddu ay wajiga uga taal. Halkii ay danqasho iyo wax qabad ka filaysey, intuu musxafka quraanka soo qaato, oo kala furo ayuu aayad farta ugu fiiqayaa, isaga oo u sheegaya in ay aayaddaas akhriso.
Aayadaha uu u sheegayo in ay akhriso waa aayadaha ay ka bilaabato suuradda al-Mu’minuun ee oranaya:
Waxaa dhab ahaan u liibaanay mu’miniinta
Ah kuwa salaaddooda ku khushuuca
Oo ah kuwa hadalka macno darrada ah ka jeesta
Oo ah kuwa bixiya sakada
Oo ah kuwa ilaaliya xubnahooda taranka
Haweenkooda iyo waxay hanatay gacantooda mooyee, laguma dagaalo taas.
Ninkaan oo ay gabadhu sheegtay in magaciisa loogu sheegay Maxamed, balse iyagu ay u bixiyeen Donald Trump -(waxay ku sammiyeen maalqabeenka Maraykan ah, ee hadda madaxweynaha u sharraxan. Waayo waxay la ahayd inuu ka mid yahay ragga mashruuca afduubkooda maalgelinayey)-, nuxurka farriinta uu doonayo inuu gabadha ka dhaadhiciyaa waa in kufsigeedu yahay arrin diinta Islaamku ay bannaysay, oo aan lagu danbaabayn.
Maxamed waa burcad fiqi duurre ah, waxayna la tahay in gabadhu tahay addoon la soo qabsaday, ayna soo hoos galayso Milku-yamiintii diintu bannaysay wax u doonashadooda. Amanda waxay sheegtay in ay liqi kari waydey in Maxamed oo ay waayo-aragnimo ku tuhmaysey uu quraanka u macneeyo sida kurayda yar-yar ee u shaqeeyaa ay u qaataan. Waxayna hoosta ka xarriiqday in xataa Injiilku dhib badan gaysanayo haddii loo macneeyo sidii qarniyo ka hor loo macnayn jirey.
Si ka duwan xaaladda Amanda, Judith Tebbutt marka ay ka hadlayso xiriirkii iyada iyo raggii afduubay waxay sheegtay in inkasta oo dayac iyo darxumo badan la baday, dhawr jeerna loogu hanjabey in la dilayo haddii lacagta maxadfurashada dhakhso loo bixin waayo, haddana aysan ka cabsanayn in nafteeda dil iyo faroxumayn toona loogu geysto. In xaalku sidaa noqdana waxay ku macnaysay in ragga haystey ay u arkayeen walax lacag joogta, oo haddii la waayo, lacagtii ay joogteyna la weynayo. Waxay tiri: “Waxaan dareemay in ay ii arkaan sidii in aan ahay walax ay lacag ka samayn karaan. Dhab ahaantii wax dan ah qof ahaan iyo dumar ahaan toona iigama aysan lahayn. Haba ka yaabin!”.
Amanda iyo Nigel waxay ka baxsadeen burcaddii haysatay, waxayna maciin bideen masjid ku dhawaa gurigii lagu hayey. Masjidka waxaa joogey rag badan oo salaad duhur u yimid. Amanda iyo saaxiibkeed markii ay calaacaleen oo ay codsadeen in la badbaadiyo, waxaa loo sheegay in la badbaadinayo. Hase ahaatee, kolkii burcaddii masaajidka ugu soo gashay, ee ay ka jiiteen masaajidka dhexdiisa, ma jirin cid far dhaqaajisay ama xataa diir-nax muujisay, oo aan ka ahayn hal qof oo dumar ah. Haweenaydaas oo iyada oo xijaaban masaajidka u soo gashay si ay dadkaas u badbaadiso, hiil iyo dadaal badan bay muujisay, laakiin burcaddii ayaa u itaal sheegtay, mana aysan helin cid dagaalka la gasha. Iska daa in ay hesho cid dagaalka la gasha e, raggii masaajidka joogey iyo kuwii guryaha ka soo baxay qaarkood burcadda ayay taageero u muujiyeen.
Judith iyaduna buuggeedda waxay ku xustay in muddadii ay la haysta ahayd ay mar xoogaa faraxday. Sababta ay la faraxdayna waxay ahayd in haweenay burcadda raashinka u karin jirtey oo magaceeda ay ku sheegtay Aamino, ay maalintii dhalashadeeda ku beegnayd ay u keentay sanbuus iyo dhalo Sprite ah, markii ay ka tagayseyna ay hab siisay (Amanda qudheedu waxay marar badan xustay dareenkii ay nafteeda uga tageen arrimo yar-yar oo ay ka mid ahaayeen; cad kalluun ah, koob shaaha iyo qalin ay waqtiyo kala duwan qarsoodi ahaan ugu keeneen Jamaal iyo Xasaam oo ka mid ahaa wiilashii waardiyeyn jirey). Sida la ogyahayna, qiimaha haddiyaddu kuma xirna sicirka ay suuqa ka joogto, balse waxay ku xiran tahay nuxurka iyo dareenka ay xanbaarsan tahay.
Dhanka kale, ragga Soomaaliyeed ee Judith saygeedii (Mr. David) diley, iyada afduubay, silic iyo saxariir ku markaday, ugu danbayntiina lacagta madaxfurashada ah ku soo daayey -(buugga laguma sheegin tirada lacagta la bixiyey, cidda bixisay iyo qaabka loo bixiyey toona, waxa keliya oo lagu xusay in arrinkaasi uu sir yahay) – waa muslimiin diintooda jecel, kuna faana. Waa rag aan oggolayn in salaadi ka tagto duruuf kasta oo ay ku sugan yihiin. Ma jecla in ay arkaan xubin ka mid ah jirka haweeney ajanebi ka ah, oo tusaale ahaan Judith waxay si joogto ah ugu khasbayeen in ay xijaab xirato, oo xataa aan la arag qayb timaheeda ka mid ah. Dhibka ay sida ba’an uga cabatayna waxaa ka mid ah qolalkii mugdiga iyo kulaylka badnaa ee ay ku xirnayd iyada oo xiran xijaab kulaylkii dabeecadda mid kale ugu sii daray.
Ragga sidaa u diin jecel marna ma milicsan xadiiska nebiga (SCW) laga wariyo ee yiraahda: “Dad waxaa u shar badan kan dadka iibiya/ شر الناس من يبيع الناس”.
Waxaana xusid mudan, in habdhaqankaani uusan ku gaar ahayn ragga Aminata, Amanda iyo Judhith afduubay, balse uu yahay mid ay wadaagaan burcadda badankoodu Soomaali iyo ajaanib, muslim iyo qeyrkood. Waxaana muuqata in marka ay is-qabtaan mabda’a iyo jeebku, in dadka badankoodu ay jeebka ka horraysiiyaan diinta iyo damiirka.
Amanda Lindhout waraysiyadii ay saxaafadda siisay midkood, iyada oo ka hadlaysa raggii afduubay ee jirrabka ba’an mariyey, waxay tiri: “ Waa bani’aadam leh sheekooyin xanuun badan oo soo maray. Sheekooyinkaasi sina denbiyadooda ugama beriyeeli karaan, balse waa miro ka dhashay dhaqanka gacan-ka-hadalka/ They’re human beings with painful stories of their own. It doesn’t make them innocent by any means, but they’re products of a culture of violence.”
Amanda waxay xustay in habeen Cabdullaahi kufsanayey, naf iyo nololna ay ka quusatay, ay ku fekertay in inta ay dafto qorigiisii oo dhulka yiil, ay xabbad oodda uga qaaddo, balse ay judhiiba xasuusatay sheeko uu Cabdullaahi horay ugu sheegay oo muujinaysa dayacii iyo darxumadii uu ku soo koray, markaana ay nafteeda ku dajisay in ay sidii ruux jirran oo caawimaad u baahan ay u aragto, ulana dhaqanto.
Markaan erayadaas Amanda akhriyey, waxaan xasuustay erayo aan mar hore ka akhriyey buug uu qoray qoraa Sacuudi ah, oo magaciisa la yiraahdo Maxamuud Taraawri, mar uu ka hadlayey Carabtii batroolka ka hor dhici jirtey muslimiinta Maka iyo Madiina xajka ugu socda. Erayada Taraawri ku qoray buuggiisa “Maymuuna “ ee uu tilmaanta uga bixiyey Carabtii xujeyda dhacaysey waxay ahaayeen: “ Waa muslimiin, muuminiintuna waa walaalo,… balse waxay ahaayeen jaahiliin gaajaysan… jahliga iyo gaajaduna naf iyo diinba waa dulleeyaan!”
Hadal iyo dhammaantiis, diinta iyo akhlaaqda waxaa ka dhexeeya xiriir xoog badan, laakiin marna ma aha sidii mataano uurka hooyadood ka soo baxay iyaga oo isku dheggan oo kolka mid dhinto ay khasab tahay in kan kalena uu raaco. Ruuxda diintu waa in Alle la jeclaado, uunkiisana ammaan la siiyo. Waana in la ogaadaa in nebiga (NNKH) loo soo diray si uu Bilaal iyo saaxiibbadi ugu gargaaro, balse aan loo soo dirin si uu Alle ugu gargaaro. Waayo, gargaarka dhabta ah ee Alle loo fidiyaa waa kan uunkiisa loo fidiyo. Khaliifkii Cumar bin Khaddaab (RC) waxaa laga wariyaa in uu yiri: Dadka Alle ugu yeera idinka oo aammusan. Waxaa la weydiiyey sidee bay ku suuroobaysaa in aan dadka Alle ugu yeerno annaga oo aammusan? Wuxuu yiri: Akhlaaqdiinna!! Cumar ka horna, nebigu (NNKH) wuxuu noo sheegay in diintuba tahay akhlaaq iyo dhaqan wanaagga, oo nebigu wuxuu yiri: “Diintu waa akhlaaq wanaag /Addiinu Xusnu al-khuluq!” iyo “Diintu waa dhaqan wanaag/Addiinu mucaamala ama xusnu mucaamala”.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
Sismail42@gmail.com