Ali Barre Qorraalo

Raadka Karl Popper

Raadkii Karl Popper!

Karl Popper ( 1902-1994)   wuxuu lahaay aragti  raad  fog ku yeelatay habka  aragtideyda ula-wadaago dadka codkeygu gaari karaayo.

Popper waan u’arkaa inuu yahya  dhufeesykii ugu dambeeyay ee “maan furnaanta ” iyo “maan-fiiqidda” ee sida sharafta leh u difaace  “garaadka”.

Karl Popper wuxuu dhihi jiray:

“Maan furnaanta ma ahan in qofka maanka furan  mar walbaa qumanyahay , qeyr-kiina ay qaldanyihiin, se waa in qofku garaawsadaa in eynaan jirin cid xaqiiqda biyao kama dhibcaanka ah  gacanta ugu jirto”

Sidaas oo kale, feylasuufkan waxuu dhihi jire:

“ Wadada kaliya ee   salka runta    lagu gaari karo   tahay in aragtida kala duwan lafa-guris lagu sameeyo, si loo kala shaandheeyo qashinka iyo wixii waxtar leh”

Hadii si kale loo dhigo:

“ Gunta maan furnaanta  waa in  qofka  aqbalaa  inuu qalda geli  karo iyo waliba  in aragtidiisa la naqdin karo”

Sidoo kale, marka uu ka hadlaayo “iftiiminta” ama  “maan-fiiqidda/enlightenment”  wuxuu oran jiray:

 

“Ujeedka garaad iftiiminta  ma ahan in dadku aragtidaada la dhacaan, oo laguu sacaba-tumaa,  se waa in maanka dadka aad dhaqaajisaa adigoo taxadi ku sameynaya aragtidooda, si ay u fakiraan, deedna u’abuuran aragtiyo ayaga u’gaar ah ayagoo maankooda adeegsanaayo, cid kalena  marti ugu eheen.

Yoolka ugu dambeeyo ee loo socdaana:

“ Waa in  bulshada ku baahdo  aragtiyadada xorta ah, iyo waliba in  qof kasta   lahaado aragti asag uu gaar ah oo maankiisa ka  soo maaxatay!