Muxsin Jama Qorraalo

Diin iyo dad, dalka keeba leh.

Diin iyo dad, dalka keeba leh?

Dhulka wa so jireen waxa uuna taagna malayin san ka hor.

Is badalka ku dhacayay bulshoyinkii daganaa waqtiyo kala duwan, waxa lama huraan ahaa in sidaaso kale ay caqiidoyinkooduna is badal ku yimaado .

Sida taarikho kala duwani ay so wariyaan, qaybtoodna aysanba lahayn dhigaal la daalacdo, waxay shegaan in geeska africa ay ka jireen diimo iyo caadooyin ugaar ahaa dadyawgii dhulkaa ku dhaqnaa  .

Qayb kamid ahi waxay kusoo koobaan wixii ka danbeeyay qarnigii 17aad;, qaybtoodna waxay si aan la hubin u bidhaamiyaan kumayaal sano ka hor, waxa ay dadka ku dhaqan afrikada bari dhaqan iyo diin u, ahaa , se yeelkeeda qormadan waxaan ku jeex jexaya intii garaadkayga ah iyo wixii aan ka dhaxalnay gumaytayaashi kala danbeyay ee ka talin jiray cariga aan maanta somaliya u niqiin ..

 

Waxa la shegaa engiriska iyo talyinaga kahor somalidu inay gumaysan jireen boqortoyoyin islaami u badna  o ay ka mid ahyeen  dadwladii guunka ahayd ee saldhigeedu aha dalka hada lo yaqaan Turkei amaba tikiga (dawla al cismaniya ).

Masaaridii waqtiga jirtay iyo dawldo badan oo kale.

Islaamka ka hor somalidu diimaha ay heesteen waa mid ila haatan muran ba,an ka taagan yahay, maadama aynan jirin dhigaal lagu xusay tariikhdoodii guunka ahayd ee islaanimada ka horaysay .

Sidoo kale waxaa la sheega inay cariga somaliyeed ka talin jireen boqortooyo ka jiri jirtay dhulka faaris loo yaqaan.

boqortoyadan farisiyiinta ah diin ahaan waxa la sheega inay caabudi jireen dabka,  sida awgeed

Waqtigaas somalidu maadama aan la xusin waxay iyagu caabudi jireen iyo halka u jiho ahayd, waxaa qasab ku noqtay cadooyinkii rer faris qayb ahaan inay ku lamaaniyaan diimaha ay haysteen.

Waxay dadka tariikhada u mansab sheegta wariyaan in dabshidka laga dhaxlay boqortoyadii faaris ka jirtay, taas oo caan ku ahayd  cibaado ahaan .

 

Sidaan kor ku xusay,  way adagtay in si cad loo qeexo diimaha ka jiri  dhulka  somalidu dagto diinta islaamka ka hor, maadama aan laga hayn qormooyin cadayn u noqon kara oo lagu faah fahiyay.

Waxa kaloo lasoo wariyaa  in somalidu ay ilaah ahaan u lahaayeen Eebe ama ilaah  lagu magacabay WAAQ,  deganada ay u xaj tagi jireen barigaas waxa kamid ahaa Cabud-Waaq,Ceel waaq, iyo kuwo kale o waaqaasi ugu danbeyo .

Kalmada Waaq ee deganaas loogu magac daray  waxa ay dadka taariikhda ururiya ku micneeyaan inay ahayeen laba magaalo oo muqadas ah oo Samaliada iyo dhamaan xibnaha hab-weynta reer Kushitig ee Somalida ku abtirsadto  u cibaado tagi jireen.

Waxa kaloo la so wariya in Eebe Waaq  u aqon sanyeen ilaha wayn ee la caabudo.

Taaso markas uga dhigna inay ahayeen bulsho dhaqankooda aad u jecel maadama ay heesteen ilahoodi o aysan dhulal kale u xaj tagi jirin.

Saas ay tahay way adkeed in fara galin dhaqameed si sahlan loogu sameeyo.

Eebe  WAAQ maahayn mid ay somalida kali ah aaminsanayeen waxa la shega inoo ka dhaxeeyay bulshoyinkii  bariga Africa daganaa, khaasatan qowmiyada KUUSHITIKA ah .

Si walbay ahaato,  ujeedka aan uga dan leyahay waxay tahay umadu ma ahayn  mid dhalan rog dhaqameed  ku dhaca.

Diin walba oo carigeeda timaada, wa hubaal samayn ayay inoo ga tagi jirtay walow ay kala badnaayeen.

Hase ahaatee, lama  sheegin diiin dhalan rog ku riday bulshoyinkii waqtiga noola haday af tahay iyo haday dhaqan iyo magacba tahay .

Bilawgii islaamku  usoo gaaray dhulka somaliyeed waxa la sheega in magaalda  Saylac  aheed xarun lagu islaamiyo somalida maadama ay Saylac ahayd magalo gacacsi,  oo dhaqamo iyo bulshoyin badan oo gacansi wadaag ahi ku kulmin jirtay .

Is rog roga dimeed ee bulshadu waxay la socotay isbadalka ku dhacayay jiilalka,waana wax dabiici ah bulsho walba oo koror u siyaado in isbadalna ku yimaado.

Islaamka markii uu ku baahay  gayigii ay somalidu daganeed mudo gaaban waxaa khadka ka baxay diimihii horay loo haystay walow ay dhaqamadoodi aan laga wada tagin se cibaadadoodii lagu caasiyay.

Diinta islaamka oo markaas ku cusubayd Somalida waxa macquul noqotay inay duuduub ku liqaan wixii markaas loo keenay maadama aysan haysanin dad somaliyeed oo ukala hufa waxa loosoo waariday .

Markiiba diinta islaamka waxa ay faraha la gashay dhaqamdii umadu haysatay haday magacyadoodii,xafladahoodi,labis dhaqameedkodii, ahan lahaydba .

Diinta islaamka ahi oo marti markaas ku ahayd dhulka somaliyeed waxay is badal wayn ku samaysay cadaadkii bulshadu ay awoowayashood ka dhaxleen,

Se balayo waxay ka dhacday markii la noo keenay quraanka, oo lanagu qasbay luuqad-dadeen inay qasab tahay inaan barano taas oo laga dhigayay in carabiga oo la barta tahay diinta barkeed si loo fahmo ilaahay wuxuu carb kula hadlayay.

“Illahay haduusan carab la hadlay maxa sababay in asnaamtoodii kali ah  kitaabka lagu xuso iyadooy jirtay malayiin asnaam oo laate iyo cusa ka wayna ,se ay bulshoyinkii an carabta ahay caabudi jireen “.

Diinta islaamka waxay soo waariday dhaqamo iyo afaf qalaad, taaso lagu xabaalayo dhaqamdii iyo afkii somaliyeed .

Isla markiiba waxaa tababar loo qaaday qayb kamid ahyd bulashada, si loo helo dad marjac unoqda bulshada oo wixii la isku maan dhaafo diin ahaan  loola tago .

Culumadii diinta soo xanbaaray sida laga so wariyay maahayn kuwo wax sida usii buuran ka badalay iskuna dayay inay  diinta iyo cadaadka dadyowga shisheeye ugaar ah kala hufaan,  si ay isku wafajiyaan dhaqanka somaliyed iyo diinta.

Waxa la shega alaha u naxariiste wadaadki waqtigaa ugu caqliga badna lana oran karo ugu Somalinomo jeclaa  wuxuu aha wadaadkii SHEEKH YUUSUF AL KAWNAYN, kasoo hingaadii af carabiga ahayd somaliyeeyay .

Waana wadaadka kali ah ee maanta la oran karo diintiisa iyo dhaqankiisa intii karaankiisa ahayd wuu is waafajiyay .

 

Hadaba maxay tahay isbadalka uu islaamku sida xawliga ah ugu riday bulshada somaliyeed,iyadoo soo martay marxalado diimeed aad ula kala duwanaa?

.

Maxaase lagu micnayn kara isbadalka dhaqan e sida aan caadiga ahayn ugu dhacay bulshada?

Waa maxay nuxurka uu islaamku dheeryahay diimihii ay somalidu haystay ka hor?

Mise tahay inaan islaanimo ka gaarno heer aan dhaqankeenii suubanaa ku tilmaamno gaalnimo cad?

Su’aalahan akhriste jawaabaheeda adigaan ku daayay……..

Afeef: sidan xusay diimaha somlidu haystay kahor islaamka iima suurto galin inaan si wangsan uga bogto sabtoo ah ma jiro dhigaal ama meel loogu hagaago sidaa awgeed qasab waxa igu noqotay inan qoro wixii aan maqal ku maqlay iyo intii isuurtowday  akhriskooda..