Qorraalo

Aw Jaamac , Korxaadiska sooyaalka halyey galbaday

Aw Jaamac Cumar Ciise waxa uu ahaa halyey Soomaaliyeed oo noloshiisa u sadqeeyey xorriyadda ummadda Soomaaliyeed maanta harsato oo ka dhalatay halgankii Daraawiishtii Soomaaliyeed la gashay gumaysigii dalka iyo dadka ku soo duulay. Waxa uu uruuriyay gabayadii ama raadraacii uu ka unkamay qaran Soomaaliyeedkeenaan dunida maanta ka saxiixan. Waxa uu ahaa qoraa, bare, abwaan, halgamaa iyo awoowe Soomaaliyeed ay tahay in dhallaanka loo dhigo qaabkii uu waddannimo ahaan ugu hagarbaxay dalkiisa iyo dadkiisa, qaabkii uu u maamuusay waayihii adkaa ee dalku soo maray, iyo qaabkii uu ugu loollamay sarraysiinta magaca ummadda Soomaaliyeed asaga oo si ku-dayasho leh u tusaaleeyay qaninnimada Soomaalinnimadu leedahay. Miisaan culus ayuu ku reebay cilmi baaristii afka Soomaaliyeed. Waxa uu lahaa shaqsiyad aad iyo aad u wanaagsan.

Taariikhyahanku wuxuu ku dhashay degmada Qandala, Bari, gu’gii 1922dii. Sidii caadaha ahayd beryihii ayuu meeriskii waxbarasho ku bilaabay afka Carabiga. Waxa uu ahaa kayd-duug ay ka buuxday taariikhdii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo dhammaantoodii halgameyaashii gobannimada Soomaaliya. Ka hor qoristii af Soomaaliga ayuu ‘56dii qoray dhiganihisii ugu horreeyey oo ahaa afka Carabiga. Hayeeshee markii la qoray af Soomaaliga ‘72dii ayuu baahiyey suugaantii sooyaalka Soomaaliyeed ee uu aruurin jiray oo la wadaagay bulshoweynta Soomaaliyeed oo dhan ilaa iyo Jabuuti oo uu beryihii dambe ku noolaa. Waayo’aragnimadii, aqoonyahannimadii, hormuudnimadii, suugaanyahannimadii iyo waddaniyaddii Aw Jaamac Cumar Ciise waxaa ku billadeeyey taliyeyaashii Soomaalida oo ay ka mid ahaayeen madaxdii Soomaaliya iyo madaxdii Jabuuti. Meel kasta iyo cid kasta oo Soomaalinnimo tebaysa ayaa u riyaaqday.

Soomaalida fiyow oo Soomaalinnimadu milge ahaan qiimo u leedahay ayaa dhammaantood ogsoon baalka dahabi ee Aw Jaamac Cumar Ciise uga jiro soojireenka Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa haldoor hadiyeeyey jiilal dambe iyo siiyaalka taxanaha oo isirka u reebay xaqiiqdii halgameyaashii gobannimada ummadda Soomaaliyeed. Hiraal-fogaantiisii waddannimo waa yar yihiin suugaanyahanno loo babacdhigo, waxaa se ka mid ahaa saaxiibkiis, abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyam oo mootay toban gu’aad ka hor (2004).

Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo uu Aw Jaamac marxiyey oo caanbaxay waxaa ka mid ahaa gabaygii la oran jiray “Koofiloow Adaa Jiitay,” kaas oo ku saabsanaa dilkii kornaylkii gumaysigii Ingiriiska uga dagaallamay gobollada waqooyiga ee magaciisu ahaa Richard Corfield oo Daraawiishtu dishay. Ereyada tixdaas waxaa ka mid ah;[…] Adaa Koofiyow jiitay aan dunida joogayne,

Adigaa jidkii laguu waday jimic, la’aaneede,

Jahannama la geeyow haddii aad aakhiro u jihato,

Nimankii janno u kacay war bay jirin insha’allahuye,

Jameecooyinkii iyo haddii aad, jowhartii aragto,

Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda,

Daraawiish jikaar nagama deyn tan iyo jeerkii dheh,

Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh,

Waxay noo janjuunteenba waa jibashadiinnii dheh,

Jigta weerar bay goor barqaa nagu jiteeyeen dheh,

Anigana jikrey ila heleen shalay jihaadkii dheh,

Jeeniga hortiisey rasaas, igaga jiideen dheh,

Jidheeyadey ila dhaceen jilic afkoodii dheh,

Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego.

Kacaankii gobannimo doonka Soomaaliyeed ee curtay 12kii bishii afraad ee 1899kii waxa uu saaqay guud ahaan dunida, gaar ahaan Afrika, oo sidii dhimbil duushay dab u qabadsiiyey hoy kasta oo addoonsi ka jiray. Waxay ahayd arrin warbaahinta dunidu ka indhosaaban weyday. Tusaale ahaan waxaa wargeyska New York Times si joogto ah halgankaas u baahiyay wixii ka dambeeyey 1910kii markii xoogaggii Daraawiishtii habeen barkiis qoorta u dheereeyeen kun askari oo ka tirsanayd gumaysigii iyo adeegeyaashiisii ka hor intii ay u dhaqaaqin weerar subaxnimo ay ku qaadaan gobannimo u dirirka. Waxa uu dhiillo geliyey Afrikadii la cabburin jiray oo u hanweynaa madaxbannaani bal se ficil ahaan malloollinnimo keliya tabar dhaafi waayey. Waxay kale oo tustay gumayste in gabbalkiis dhacay ama dhici doono goor aan fogayn. Taas oo dhalisay in uu taakuleeyo addoontiisii oo yaboohay mushaar iyo waxbarasho. Ugu dambayn waxaa dhashay jewi cusub oo waanwaan nabadeed huwanaa teer ay dalal badan madaxbannaani gaareen.

Gacanyareyaashii gumaystaha oo qabyaaladdu Soomaalinnimo uga sarrayso oo doorbiday dabadhilifnimo oo ka-beensheega Daraawiishtii ayay runta uu Aw Jaamac Cumar Ciise taabsiiyay nabar ku duugtay. Waxay gayllan ugu jiraan dafirka dhaxalkii dadkaan iyo dalkaan qarameeyay oo madaxbannaanidooda dhiig badan u qubtay, dhaawac badan u dhigmay oo maal badan u burburay. Taas waxa uu uga kasbaday dhaliil ka soo burqatay intii halgankaas geestiisa kale ka soo jeedday ee sokeeye iyo shisheeye ba lahaa. Soomaaliyi waa tii arrin wal qabyaalladaysay. Taariikhda se waa laga beensheegaa ee ma beensheegto.Aw Jaamac Cumar Ciise waa awoowe ilmihiisa u ifiyay tagtagoodii shalay, u qeexay oo u tiriyay macaan iyo qaraar wixii ay soo mareen markii ay gobannimadoodii u soo dirireen. Gobannimo doon dalalka dunidu waa ay soo mareen si ay u dhadhansadaan xorriyadda la isu diidi jiray oo lagu kala sarreeyay oo qaar badan iilka u jiitay. Soomaalidu na waa dad aan qoris lahaan jirin oo hawraar wax isugu gudbin jirtay. Seben dambe se eegmadu had iyo jeer waxay soo tufaysaa goldaloollo halgankii la galay lahaa. Waxaa hubaal ah gobannimo doonta Soomaaliyeed gefaf ayuu lahaa. Hayeeshee dhaxalgalkii ayaa noqday Soomaaliya oo daloowday. Sidaas darteed waxa uu ahaa tusaale tixraac mudan oo mar kale – goor dhow iyo goor fog – dadku ka shidaal qaadan karo ku na dayan doono si uu aayihiisa u tiigsado ayaga oo hiigsanaysa guulihii ka soo baxay.

Geesta kale haddii Sayidkii ka dhiidhiyay Ingiriiskii oo qaaddacay shisheeye ahaan iyo diin/dano la tuhmay in uu leeyahay oo Sayidku na ka yimid geyi shisheeye [ee la yimid diin/dano shisheeeye] oo uu mid dugsaday mid na haraatiyay oo maal iyo dhiig u kambalay, waxaa halkaas yaal maaddo u baahan gorfayn sababta oo ah Carab cid uga xun gumaysi ma jirto. Haddii Soomaaliya Ingiriisku u soo horrayn lahaa oo saamayn lahaa (xag dhaqan, af, waxbarasho, diimeed, iwm) hubaal in Soomaaliyi dagaal u walanwali lahayd Carabta. Dhankaan gobannimo u dirirkii waxa uu runtii u dhexeeyey laba shisheeye oo mid la tolaystay (horraanta uu yimid awgeed) mid na la godobeeyay ayada oo laga duulayay saamaynta shisheeyaha hore. (Kiristaannimo iyo Islaannimo waa laba diimood oo debedda uga yimid, sida magacyada Richard Corfield iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan u yihiin magacyo qalaad, oo Soomaalidu mid dooratay.) Ray-rayn ka sokow, iscaabintaasu Afrika waa ku badan tahay. Afrika inta loo yimid ayaa sidii la doono loo qaabeeyay. Carabtii iyo Caddaankii saameeyay ayay qaaraddu qayb ba qayb si indho la’aan ah nafsan ahaan iyo dareen ahaan isxijisaa.

Gobannimada dhabta ah ee dunida maanta ka jirta ma aha midda waranluhu dhilayey guul ahaan. Gobannimada maanta waa midda maanku dhaliyey ee aragti iyo xeelad ama xaal cusub loogu garwaaqsado. Taas oo su’aal saaraysa duruufaha yimid gobannimo ka dib; Afrika maskax ahaan ma gob baa mise gumaysi dadban ayay ku jirtaa? Gudub oo mid kale, maxaa Soomaaliyi ka dheegi kartay Ingiriis maadaama aqoonta iyo ilbaxnimada dunidu u janjeertay dhankaas? Maxaa ay ka dheeftay Carabaysigii ama gumaysigii Talyaaniga?

Taariikhyahan Aw Jaamac Cumar Ciise ayaa 6da bisha Koowaad ee 2014ka ku geeryooday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo uu ku marti ahaa ka gadaal bilowgii dagaallada sokeeye.

Sifooyinka guulside Aw Jaamac Cumar Ciise ku magacaaban yahay ayay tahay in lagu beero dhallaanka Soomaaliyeed si ay ugu soo baxaan dalkooda oo u sare-yeelaan dadkooda. Si ay uga waabtaan waxyeellada qabyaaladeed iyo cadaawadda cirrooleyaasha facii hore faafiyaan. Si dadnimo Soomaaliyeed u sumal-haaddo oo u soo baxaan halyey kale berritoole. Si dhaxalkii awooweyaashood ee Kacaankii Daraawiisheed laylisyo looga barto xumaan iyo samaan wixii uu lahaa ee lagu baraarujiyo dadka sababta oo ah meeshii aad ka timid ayaa lagu hirtaa oo laguiftiimiyaa dhabbada hore.

Mahad Kooshin