Qorraalo

Suul-arag iyo Soof-arag

Soomaalidu waxay ka mid tahay isirrada dunida ugu fac weyn oo Geesta Afrika ku nool. Dhawr boqol oo kun oo gu’aad ka hor ayaa aadmigii ugu horreeyay ka faafay Geeska Afrika waxaa se ilbaxnimada aadmigu hanaqaadday tobankii kun ee gu’aad ee u dambeeyay. Soomaalidu tobankaas kun ee gu’aad ayey xiriir la soo yeelatay guud ahaantood isirrada dunida. Tusaale ahaan xiriirkii ay la lahayd Masaaridii Hore shan kun oo gu’aad ka hor ayaa waxaa uu sooyaallay in ka badan afar kun oo gu’aad. Waxay Soomaaliya ku magac dheerayd “Dhulkii Gabayda.” Wax lagu faano baa ka buuxa sooyaalka Soomaaliyeed, wax laga yalaalugoodo se waa ay ku jiraan, siijireenka na lahaan doonaa.Ilbaxnimadii waayihii hore, ka hor farsamada iyo aqoonta cusub, aqoonwadaaggii aadmiga waxaa kaalin weyn ku lahaa badmaaxeyaal qaaradaha u kala goosha. Qaabkaas ayaa dadka dega xeebaha u qaabbili jiray shisheeye waageeni ah oo ay dadka gudaha sii jira haleelin. Halkaan waxaa ka dhalan jiray saamayn kala duwan oo dhaqameed, diimeed, afeed, iwm. Sidaas ayaa qolo ba qolo u saan duwi jirtay. Saamaysanuhu dookh ma lahayn badanaa, inta loo yimaado ayaa loo loogi jiray isbeddel buuxa haddii isbeddelku dheehan yahay xumaan iyo waxyeello ama uu ballaysimay wanaag iyo samaan inta ba. Arrintaan ayaa daaha ka rogaysa waxyaalo badan oo Soomaalida ku saabsan oo laga gorfayn karaa waxa ka qaldan iyo waxa u suubban ee ku aaddan baxdadii hore, joogtada maantoole iyo timaaddada berritoole.
Iskaashigii Soomaaliya la yeelatay Turkigii, Shiinihii, Boortoqiiskii, Hindidii, Baarshiyaankii, Carabtii, Yurubiyaankii iyo Afrikada kale ba, ayaa waxaa ugu waayo dheera ama ugu saamayn ballaarnaa kii Carbeed. Kaas oo hanaqaaday wixii ka dambeeyey faafkii diinta Islaamka. Waxaa loogu yeeri karaa isbeddel Soomaali soo mara kii ugu weynaa maadaama uu gebi ahaan saan-duway oo teer iyo maanta aawan yahay. Tusaale ahaan waxbarashada ugu horraysa ee Soomaaligu la kowsado dugsi quraanka ayey ka bilaabataa, waxa uu kala kulmaa maskax xal dheellitiran oo qaabeeyay aragtidiisa nolosha adduunka. Isbeddelkaanu waxa uu saaqay wadnaha iyo dhiigwadeennada qofeed iyo bulsheed ee dadka Soomaaliyeed. Meel kasta oo uu qof Soomaaliyeed ku nool yahay waxaa hubaal ah in uu astaan Carbeed xambaarsan yahay oo mid Soomaaliyeed waa’ hore ka suulay. Waa culays tan weyn. Saamayntii Carbeed waxay ku sawiran tahay tobanka qodob ee kala ah;
1) Waa in Soomaaligu barto ereyo Carbeed si uu ula xiriiro eebbaha Carbeed ee Allah.
2) In uu u lebbisto sida Carabta, qaato magac Carbeed oo si kasta isugu ekaysiiyo oo isugu dhoweeyo dadka Carbeed ee uu u afduuban yahay, u maskax doorsan yahay oo uu hoosyimaado asaga oo ku jira addoonsiga dunida maanta ugu daran ee maskaxeed.
3) U sujuudo dhagax madoow oo Sucuudiga ku yaal inta nolosha ka dhimman, ma ayidi karo aragti kale, nolol kale, aqoon kale iyo adduun kale mid na. Soomaaligu ma rumayn karo qaab nololeed kale ama u noolaanshe Soomaalinnimo ahaaneed oo u janjeera dhalad-isirnimo iyo kaalinta-nasfadeed ee ku lammaan sugnaanta [maan, garasho, isqiimayn iyo geesinnimada] ay leedahay. Cabsida carruurnimo ee dugsi Quraanka ayaa mooroduugtay.
4) Nacayb wixii Carabtu neceb tahay, gaar ahaan dalka iyo dadka Israa’iil oo ay Carabta xidid wadaag yihiin, asii cadaawad soojireen dhextaallay muddo dheer.
5) Ku dhaqanka xeerarka Carabtii Saxaraha ee qarnigii lixaad ee la diimeeyay ee ay diinta Carbeed ku salaysan tahay, kaas oo la jaanqaadi waayey waayaha iyo waxa ay sidaan ee nolosha la halmaala, iyo qaaddacaadda ilbaxnimada dunidu taabsatay (maadaama ay Carabiya ka imaan).
6) Dhallaanka oo maskaxda laga dilo si ay ugu hanuunsanaadaan maskax-xalkii dugsi Quraanka ee lagu beeray Carab-jacaylka ama dhalanteed iyo isdiiddooyin aan suurogali karin, dadka Soomaaliyeed na nolosha ku dhibay.
7) Hab-dhaqan, hab-feker iyo hab-nololeed takooray Soomaalinnimada oo sarraysiiya Carabaysiga, kaas oo burburiyay garashadii iyo dareenkii waddannimo ee Soomaaliyeed.
8) Diidmo hoosta ka xariiqaysa in la falanqeeyo diinta Carbeed oo runta laga sheego, ayada oo kasmadu tusmayso laamo isdiiddan oo diintaas ka dhex unkay is-gowrac, is-qarxin iyo ficillo kale oo aan Soomaaliyi ab iyo isir u lahayn.
9) Qaabka Soomaalidu ugu talaxtagtay diinta Carbeed dunida ma jiraan qoon la mid ah oo sida ay ugu dheggan yihiin dhoy la’aan ka yaabisay Carabtii u keentay iyo dadka kale ee dunida ku nool, hayeeshee Soomaalidu qiil u raadisaa marka ay dareento in lagu dhaato.
10) Soomaalinnimo waxay gebi ahaan, carruurnimo teer cirrool, ku saabsan tahay diinta Carbeed, nolosha oo dhan halkaan ayey ugu eg tahay oo dunida sidaas uga dhaadhaca, taas oo ku timid sida loogu nugul yahay wixii Bariga Dhexe ka soo burqa iyo cabsi xad-dhaaftay.
Idil ahaan qodobbada ayaa ku salaysan maskax-xal keli ah. Wax kale oo ay ku dhisaalan yihiin haba yaraatee ma jiraan. Ma jiro Soomaali ilmogaleenka kala soo baxay tobanka qodob mid ka mid ah. Waa se huboonto in uu iilka la beegsan doono gunaanadka nolosha. Geeska Afrika ayaa sidaan u dhalanrogantay ka dib markii ay dad Bariga Dhexe ka soo xawileen dhiganeyaal loogu talogalay si’aynta ummadda geyigaan ku nool. Soomaaligii si kale u fekera oo iskiis agaamisa qaab aragtiyeed wuxuu mudnaan doonaa dagaal ba’an, haa, waa caadooyinka dadka gumaysi u qoolan. Dunida maanta qolo aan si kasta [gobannimo] u fekeri karin oo sheegan karta madaxbannaani ma jirto sababta oo ah waa gunnimada ugu liidata.
Soomaalidu waa isir ahaanshiheedu ku saabsan yahay minguurinta diin/dhaqan shisheeyeed. Markaas lagama filan karo iniino waddaniyeed iyo garasho hagaagsan in ay tiigsato. Lagama filan karo dheehashada isbeddelka waayaha adduunyada iyo hirgelinta dhaqan xeeran jaanqaadka socodata wakhtiyeed. Xaajadaan gurracan kuma koobna keli ah qufulane aan wax gala ama ka baxa lahayn ee waa ummad maanku dhagaxoobay dhammaanteed. Maangaabnimadu na ma aha aqoonyari keli ah ee waa feker-wadareed silloon oo ku lifaaqan iyo hab-dhaqan.
Suul-arag waxa uu arkaa keli ah inta suulku isha u jiro, soof-arag se waa fogaan-arag. Suul-arag waa nagaan ku kalsoon barta uu saldhigtay, oo cabsi u ba’ay, oo aan u fekeri karin si kale, oo saluugay wixii goofka yar ee uu ku oodmay beri ka ah. Soof-arag waa geeddi u heellan wax wal oo dantu ku jirto si uu nolosha ugu guulaysto. Dal kasta oo dunida ku yaal ayaa uunku saas u kala qaybmaan. Qayb baa caqliga tashi la wadaagta qayb kale na ku xooggan ogaan la’aan. Hubsiiso dhanka aad gacal la tahay.
Labada qaybood baa suul-araggu waxa uu oggol yahay carruur Soomaaliyeed oo buugaag Bariga Dhexe laga keenay maskaxda looga xalay; marka ay warshadda maskax-xalka (dugsiga) galaan maankoodu waa saafi noqon kara dhowaan-arag ama fogaan-arag. Marka ay waaxda maandoorriga ka qalin-jebiyaan ayey, 1) haatan ku hadlaan ereyo qalaad (Carabi), 2) waxay cabbeen Carabaysi buuxa oo gardheere gebi ahaan mooggan qaabka dunidu u shaqeyso ku qufulay inta ay caqliyeysan ka hor, 3) Soomaalinnimo iyo aqoonta dunida oo ay sedkooda ku dhacsan lahaayeen ayey geesmareen. Buugaagta caynkaas wax u baseeyey guri kasta oo Soomaali ah waa yaalaan oo ankee Soomaaliga miyiga ee wax akhrin karin wuu sitaa buug afqalaad ku qoran oo uu rumayeeyey xaqiiq ahaan.
Godobta ka dhalata dhallaanta cabsida lagu barbaarshay qoys iyo qaran waa ay dumisaa sababta oo ah waxay dishaa kalsoonida, taagta iyo curriska maanka. Waxay deyrisaa aqoonta oo dhaawacdaa maanka dhan walba. Cabsidu hufnaanta qofeed ayey la dirirtaa oo asaagga ka reebtaa, han iyo hodantinnimo ma leh, waa tilmaan suul-araggu gooni u leeyahay. Waxyeellada ay leedahay awgeed ayaa maanta dunida horumartay ka curiyey garasho leh carruur diin ha laga ilaaliyo oo qofku marka uu qaangaaro iskiis ha u baaro oo ha qaato middii la roon. Dunida maanta maanfurka u bareertay maangal ma noqon karto in “Wadaad” laga warsugo oo laga la tashado joogtada maanta. Wax walba lagu ma caqliyeyn karo dhaqankii Carabtii qarnigii lixaad. Haddii kale waxaa laga dheregsanaan doonaa carruur Soomaaliyeed oo ka dagaalgashay Suuriya iyo meelo kale, ayaga oo waaridku kala soo cararay dagaalkii Soomaaliya oo keenay dalalka reer Galbeedka, ayada oo ayaandarradu tahay gardheere waaridku u gacan geliyey markii masuuliyadda waarideed la gudan waayey.
Soof-araggu waxa uu ku dooday malaha sidaanu si ma aha. Malaha waxaan dhallaanta lagu maandoorriyey in la xaqiijiyo run ama been ayaa mudan oo halka ay ka yimaadeen, sida ay ku yimaadeen iyo waxa ay dheef leeyihiin oo la taaban karo run laga sheego cabsi la’aan. Malaha sidii sheeko baraleey looga dhursugayey ayey adduunyadii dhaaftay Soomaali oo waxaa gudboon gobannimo maskaxeed iyo maanfur. Aragtida maanta, nolosha maanta, geesinnimada iyo garashada maanta ayaa waxay qof iyo qoon dul hagoogaan su’aasha ah; ma suul-arag baad tihiin mise soof-arag? Jawaabtu su’aasha qofkii yaqaan baa ay u taallaa.

Mahad Kooshin