Muxsin Jama Qorraalo

Sheeko gaaban. Somalidi hore iyo aqoonta diinta!

SOOMALIDI HORE IYO AQOONTA DIINTA……

qoralkan waa sheko somaliyeed oo laga yaaabo adigaan aqrisanaya inaad horay u aragtay, marka waxba ciwaankan wayn e aan u xanbaariyay hala yaabin.

Daaud waxuu ahaa oday reer miyi ah, oo Eebe dad iyo duunyo ugu deeqe.
Odeygan Daa’uud maalin ayuu si kadis ah u dhagaystay xadiisyada kusoo arooray sakada iyo sataqaatul jaariyah,(ajarka aan dhamaan).
Kadib asaayo jalbeysan ayuu hoosta ka xariiqay inuu u tabaabushaysto sidii uu dhidibada ugu taagi lahaa macbad alle lagu caabudo.
Odey Daa’uud waxuu go’aansade inuuu saxiibkii Ibraahim oo ka mid ah dadka sida aadka ah qayrka ugu ololeya inuu wakiil aga noqdo, dishida masaajid weyn oo magaalda ka dhisi doono, wuxuuna codsaday in magaciisa carabka lagu dhufan maadama dhisida masjidka tahay sadaqa jaariya oo ayaarkeeda dhaaman.
Qandaraaska dhisie masajidka waa ku guuleeste injineer Muusa oo ahaa injineer aad looga yaqaan magalada, mudo gaaban kdibna waxaa xariga laga jaray masjidkii..

Miyiga uu deganyahay odey Daa’uud waa miyi aad iyo aad aga fog magaalda masaajidka laga dhise, hase-ahaate waxaa suurto gal u’noqde inuu ka soo gaaro salaada khubada jimcaha.
Jimcihii koowaad khudbada dabadeen waxa loo istaagay salaada labada rakco ah.
Rakcada danbe sida caadada ah waxaa lagu tujiya suurada Sabixisma oo sida aan wada ogsoonahay ku dhamaato (Suxufi ibraahiima wa muusa).
Odey Da’uud waxaay la’ahaate in rakcadan danbe latahay amaan iyo mahdanq loo jeedinaayo saxiibkiisa Ibraahim oo dhisida masaajidka wakiilka aga ahaa iyo waliba injneer Muuse oo ahaa injineerka fuliye dhisida masaajidka.
Jimcihii labaad, rakcada ugu danbeyse waxuu maqle maga Ibraahim iyo Muusa .
Odey Daa’uud xanaaq ayuu lakala go’ay , niyadiisa waxuu iskula shekaystay “warr miyaan aniga ahayn kii xolahan masjidkan lagu dhise bixiyay!!.
Waa maxay sababta labadan nin ee aad xoolaha u dhiibatay jimce walba laguugu hor amaanayo?
Walee wadaad dhukul, sheeko kaluu, wadaadow xil iyo xoola waa, alaylehe xininyo ma lihi hadaan xoolahey ga soo dhacsan!
Wan idiin soo sheka dhaafay kaaga daranta wadaadku waxa uu ku jiray dadki mashrucan masaajidka ka qayb qaadanayay, Daaudna si wanagsan ay isku yaqanaan .
jimcihii sadexaad odaygii Da’uud ahaa budd-kiisi ayuu horay usoo qaatay , markiiba weysadii ayuu boobay, si aan looga hormarin booska imaamka ka danbeeya.
Sidii cadada ahayd wadadkii fataxada ka dib Sabixisma ayuu dabada ka galay.
Is oran lahaydaa haba aqrin!, Suxufi ibraahima wa muusa markuu marinayay ayuu odey Da’uud intu budhkii isla kala taagay madax jabshay wadaadkii;,
Markaasu usii raaciyay: wal Da’uud ku dar baad geran weydey, waadba inkireysa inaan aniga ahay kii bixi lagacta masjidka lagu dhise.