Ahmed Osman Qorraalo

Raad-raaca guurka (Qeybtii 2aad)

Cotobka kowaad

Isgarabdhig qaangaarka ku saleysan shariicada Islaanka iyo kan ku saleysan xeerka shibilka.
qeebta kowaad: Qaangaarka ku dhisan shariicada Islaanka
Qof kasta oo daneeya arrimaha diinta islaanka waa ka warqabaa in shariicada islaanka ku saleysantaha afar tiir oo kala ah: (1) Quraanka (2) Xadiiska Rasuulka (3) Ijmaac iyo (4) Qiyaas.
Intaa waxaa u-dheer  in Quraanka iyo xadiiska yihiin laba tiir ee ugu muhimsan afarta tiir ee shariicada islanka wadaaddadii dejiyey ku qotomiyeen.
Sida-aawigeed, xadiis Imaan Bukhaarii iyo Imaam Muslim ka soo wariyeen xaaska Rasuulka Caa’isha Bint Abiibakar waxaa ku cad, in Rasuulka Ca’isha mehersade ayadoo 6 ama 7 jir-ah, aqalkane loo-geye ayadoo 9 jir-ah, kana geeriyoode ayadoo 18 jir-ah.
Waana kan xadiiska xadiiska Caa’sha laga soo wariye asagoo carabi ku qoran:
روى البخاري في صحيحه عن عائشة رضي الله عنها قالت: تزوجني النبي صلى الله عليه وسلم وأنا بنت ست سنين، فقدمنا المدينة فنزلنا في بني الحارث بن الخزرج فوعكت فتمزق شعري، فوفى جميمة، فأتتني أمي أم رومان وإني لفي أرجوحة ومعي صواحب لي فصرخت بي فأتيتها، لا أدري ما تريد بي، ثم أخذت شيئاً من ماء فمسحت به وجهي ورأسي ثم أدخلتني الدار، فإذا نسوة من الأنصار في البيت فقلن: على الخير والبركة وعلى خير طائر، فأسلمتني إليهن وأصلحن من شأني فلم يرعني إلا رسول الله صلى الله عليه وسلم ضحى، فأسلمتني إليه وأنا يومئذ بنت تسع سنين.

وفي صحيح مسلم عن عروة عن عائشة رضي الله عنها: أن النبي صلى الله عليه وسلم تزوجها وهي بنت سبع سنين وزفت إليه وهي بنت تسع سنين ولُعَبها معها، ومات عنها وهي بنت ثمان عشرة.
Sidaa aawigeed, wadaaddadii 1200 dabshid ka hor dejiye afarta mad-hab ee ugu qoto-dheer shariicada islaanka (Xanafii, Maliki, Shaafici iyo Xanbali), xadiiska kor ku xusan ee Caa’isha laga wariyeen waxaay ka falkiyeen xukun xalaal ka dhige in gebedha hadii-ladono 9-jir lagu aqal glin karo.
Dhanka kale, shariicada islaanka waxaa ku sugan in maalinta canug buuxiyo 15 dabshid tahay maalinta bulshada canugaas u aragto inuu gudbe xiligii caruurnimda, kuna biire xibnaha qaangaarka ah ee bulshada.
Hase-ahaatee shariicada Islaanka waxaay qireysaa in marmarka qaarkood dhici karto in canug qaangaar noqdo asago weli buuxinin da’da sharci ahaan lagu qaan gaaro oo ah 15 dabshid.

Dhanka kale, shariicada Islaanka qaangaarka waxaay u kala qaadaa laba qeeb oo kala ah:
(a) Qaangaarka wiilasha.
(b)Qaangaarka gebdhaha

(a) Qaangaarka wiilasha ee shariicada islaanka waxeey ku dhisantahay laba shardi midkood hadba kii soo hormara: ¨
1- Shardiga kowaad:
In canuga jir ahaan u bislaado (biological maturity, physical maturity نضج جسماني ),
Taas oo micnaheeda yaahy in wiilka loo aqoonsado inuu qaangaare haduu hanto «awood galmo» ( sexual penetration and ejaculating ability, النضوج الجسدي وتعني: القدرة على الجماع الجنسي بما فيه القدرة علي الايلاج والقذق ), asagoo weli gaarin da’da qaan-gaarnimda oo ah 15 dabshid, tosaale ahaan asago jira 11 ama 13 dabshid iyo wilm
2- Shardiga labaad:
In wiilka buuxiyo 15 dabshid, oo ha da’da qaangaarnimada sharciga islaanka ee rasmiga-ah.
Hadii wiil noqdo mid aan weli jir ahaan aga muuqan astaanta qaangarnimda inkasto uu buuxiye 15 dabshid, shariicada islaanka wiilkaas waxaay u’aragtaa inuu yahay qaangaar.

Taa micnaheeda waxuu yaahy inuu noqde xibin ka tirsan bulshada xilqaadka-ah, sidaa-aawigeedna waxuu xaq buuxa u’leyaahy inuu gacanta ku dhigo dhamaan xuquqda iyo wajibaadka ka askunta qaangaarnimada.
(2) Qaangaarka gebdhaha ee shariicada islaanka
Qaangaarka gebdhaha ee shariicada islaanka asagana waxuu ku saliysanyahay laba shardi midkood hadba kii soo hormara:

Shardiga kowaad:
In geberta jir-ahaan u bislaato ( biological maturity, psysical maturity النضوج الجسدي ), taas oo micnaheeda yahay in jirkeeda si fiican aga muuqato astamaha haween-nimada, xataa hadii da’ ahaan cimrigeeda ka yaryahay 15 dabshid, tusaale ahaan ayado jirta 9, 11, 13 dabshid, ama wax lamid ah.
Shardiga labaad:
In geberta buuxiso 15 dabshid oo ah da’da rasmiga-ah ee shariicada islaanka u aragto in aay tahay dhamaadka xiliga caruurnimada iyo bilowga xiliga qaangaarnimada iyo xilqaadka.

Dhanka kale shariicada islaanka qaangaarnimada gebdhaha waxaay u kala qaada laba qeeb oo kala ah:
(a) qaangaarnimo la xariirta waajibaatka geberta saraan.
(b) qaangaarnimo la xariirta xuquuqda geberta ledahay.

(a)Qaangaarnimada gebdhaha ee la xariirta waajibaadka dusha ka saaram.
Shariicada islaanka geberta qaangaarte waxaay dhusha ka saartaa gudashada dhamaan waajibaadka diinigi ah, iyo waliba gudashada wajibaadka bulshada sida xanaanenta waalidkeeda iyo fulinta xilka aay dusha ka saaran.
Taas micnaheeda waxuu yahay in shariicada islaanka aqoonsantahay in gebdhaha da’da gaari karaan qaangaarnimo la xariira fulinta waajibaatka bulshada iyo diinta dusha ka saaran.

(b) Qaangaarnimada gebdhaha ee la xariirta xuquuqda qaangaarnimada laga hanto:
Shariicada islaanka ma aragto, mana aqoonsana in geberta dhaqsi jir’aahan uqaangaarte, ama geberta 15dabshid buuxise qaangaarnimada aga soo hoyan karto xuquuq la siman xuquuqda wiilka qaangaarnimda aga soo hoyato.
Taas micnaheeda cad waxuu yahay in shariicada islaanka wiilka iyo geberta u arkin laba qof oo xuquuqdooda danimo simantahay.
Taas mark kale micnaheeda waxuu yahay:
In aabaha dhale geberta qaangaarte ka xoroobin gacan ku heenta arimaha u-gaarka ah gebertiisa qaangaarte.
In geberta qaangaarte xaq ulaheen maareenta iyo maamulka arrimaheeda qof ahaan gaarka ugu ah.

Taas micnaheeda wauu yahay in haba yaraatee aay jirin – dhanka shariicada islaanka – xuquuq gebdhaha aga soo hoyato qaangaarimada, iyo waliba in shariicada islaanka ogoleen in dhebdhaha qaangaare lagu wareejiyo awood qof ahaan ugu raadsadaan xuquuqda aay ku leyahiin dowlada iyo bulshada.

Taas micnaheeda waxuu yahay (tusale-ahaan) in geberta xaq uleheen in qof ahaan toos maxkamd aga dacwooto, ayaado dhacsaneyso xaq ka maqan, ama iska dhaqaajineyso dulmi dusha ka saaran, ama in aay guursato lana aqal gasho wiilka maankeeda maago ayaado cida fasax ka sugin.

Taas marlabaad micnaheeda waxuu yahay, in shariicda islaanka aqoonsaneen, kuna adkeysaneyso in geberta qaan-gaarte biseelkeeda grad ahaan ama caqli ahaan aay ku hanan karin awood aay ku maareyso nolol maalmeedka iyo ka talinta iyaatiinka nolosheeda.

Hadaba, waxaa xusid mudan in wadaaddadii dejiye axkaanta shariica islaanka ee ku aadan in geberta qaan-gaarnimda ka hanan karin xuquuq la siman xuquqda wiilka qaangaarnimada ka hanto, ma ahan qodobo wadaaddada jeebka kala soo bexeen, lkn waa axkaan aay ku saleyeen nusuusta qaar ka mid ah ayaadaha Quraanka iyo Axaadiista nabiga.
Qeebta hoose ee cotobkan waxaan ku taxan aayadaha Quraanka iyo Axaadiista wadaddadii dejiye axkaanta shariicada Islaanka u’adeegsadeen go’aankooda cad ee ku aadan in gebdhaha qaangaarnimada ka hanaankarin xuquuq la siman xuquuqda wiilasha qaan-gaarnimada ka hantaan.

(a)
Xadiiska lambarkiisa yaahy 298 kuna qoran Kitaabka Saxiis Al-Bukhaarii, iyo waliba kitaabka Saxiixu-Muslim nuxurkiisa af-Somali ahaan waxuu yahay: « caqliga iyo diinta haweenka waa naaqis»
Waana kan xadiiska asago carabi ah.

حدثنا سعيد بن أبي مريم قال أخبرنا محمد بن جعفر قال أخبرني زيد هو ابن أسلم عن عياض بن عبد الله عن أبي سعيد الخدري قال خرج رسول الله صلى الله عليه وسلم في أضحى أو فطر إلى المصلى فمر على النساء فقال يا معشر النساء تصدقن فإني أريتكن أكثر أهل النار فقلن وبم يا رسول الله قال تكثرن اللعن وتكفرن العشير ما رأيت من ناقصات عقل ودين أذهب للب الرجل الحازم من إحداكن قلن وما نقصان ديننا وعقلنا يا رسول الله قال أليس شهادة المرأة مثل نصف شهادة الرجل قلن بلى قال فذلك من نقصان عقلها أليس إذا حاضت لم تصل ولم تصم قلن بلى قال فذلك من نقصان دينها. المصدر صحيح البخاري حديث رقم 298
(b)
Si loo adkeeyo aragtida shariicada islaanka ee ku aadan in geberta qaangaarimda ka hanan karin xuquuq la siman tan wiilka ka hanto, wadaddadii dejiye axkaanta shaariicada Islaanka , xadiiska kor ka muuqada waxaay ku nudeen aayada 282 ee suurada Al-baqara, taas oo aay ka jeexdeen micno ku aadan in garaadka haweenka yahay mid ka hooseeya maanka raga, qoraalka ayaada oo carabi ahna waa sida hoos ka muuqata:

وَاسْتَشْهِدُوا شَهِيدَيْنِ مِنْ رِجَالِكُمْ فَإِنْ لَمْ يَكُونَا رَجُلَيْنِ فَرَجُلٌ وَامْرَأَتَانِ مِمَّنْ تَرْضَوْنَ مِنَ الشُّهَدَاءِ أَنْ تَضِلَّ إِحْدَاهُمَا فَتُذَكِّرَ إِحْدَاهُمَا الْأُخْرَى [البقرة:282].

Ayadan kor ka muuqata waxaa ku xusan: in marag-nimo la-xariirta qoraal amaah qaadasho ama (cadeen amaah –qaadasho, مستند اقتراض ) valid ama ansax naqun karin hadii la waayo laba qof oo rag ah oo marag ka noqda.
Hadii suurto geli weyso in la helo laba nin oo marag ka noqda qoraal cadeen u-ah amaah qaadasho waxaa shardi ah in la helo ugu yaraan hal nin iyo laba qof oo haweyn ah si maragnimada qoraalka amaah-qaadashada u noqoto mid valid ama sax ah.

Wadaaddadii dejiye qodobada shariicada islaanka micnaha ayaada kor ku xusan waxaay ka jeexeen:
1- In laba nin keligooda qoraal amaah-qaadasho marag ka noqon karaan.
2- in laba qof oo haweyn-ah keligooda qoraal amaah qaadasho marag ka noqon karin
Sidaa-aawigeedna maragnimada qofta dumarka-ah waxay la egtahay 50% marag-nimada qofka raga-ah, taana laga fahmi karo in caqliga haweenka yahay mid naaqis ah, maadaama Allah Quraankiisa ku diide in laba qof oo haween ah keligoda qoraal amaah-qaadasho marag ka noqdaan.
(c)
Wadaaddadii dejiye axkaanta shariicada Islaanka ayaada kor ku xusan oo lagu magacaabo ayaada amaahda أية الدَين waxaay ku nudaan laba aayad oo lagu magacaabo aayadaha dhaxalka آيات الإرث oo kala ah ayaada 11nad iyo ayaada 176 ee suurada haweenka سورة النساء
Qoraalka labada aayadoo carabi ahaan waa sida hoos ka muuqata:
: يُوصِيكُمُ اللّهُ فِي أَوْلاَدِكُمْ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الأُنثَيَيْنِ…. (11) سورة النساء. وقال في أخر سورة النساء: ” وَإِن كَانُواْ إِخْوَةً رِّجَالاً وَنِسَاء فَلِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الأُنثَيَيْنِ يُبَيِّنُ اللّهُ لَكُمْ أَن تَضِلُّواْ وَاللّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ” (176) سورة النساء
Ladabaa ayaad ee kor ku xusan waxaa ku cad xukun xag Allah ka soo dege oo ah in dhaxal qeybiska walaalaha isagu jira wiilal iyo gebdho, ama rag iyo dumara lagu saleyo xeer ah in wiilka ama qofka raga ah la siiyo dhaxal al siman dhaxalka aay helaan laba gebdhood ama laba qof oo dumar ah, taaso micnaheeda yahay in qiimaha geberta ka heleyso dhaxalka aabaheed ka hoseyo 50% qiimaha walaalked ka helo dhaxalka aabahooda.

(d)
Labaad aayda ee Allah ku xuse in dhaxalka wiilka iyo geberta walaaha kala sareyaan, waxaa raacsan xadiis nabiga laga soo wariye oo aay ku cadahay in diyada qofka dumarka-ah 50% ka hooseyso diyada ninka raga-ah.
Qoraalka xadiiskan nabiga la soo wariye asagoo carabi ahaan waa sida hoos ku qoran.

روى البيهقي في سننه عن معاذ بن جبل رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «دية المرأة على النصف من دية الرجل»
Wadaaddadii dejiye axkaanta shariicada islaanka, sedexda aayda iyo labada xadiis ee kor ku xusan waxaay ku nudeen aayada loo yaqaan «aayada korjoogaha » ama ayatul-Qawaama آية القوامة, islamarkiina ah aayada 34raad ee suurada haweenka ama suurat Al-nisaa سورة النساء
Qoraalka aayda asagoo carbi ah waa sidan:
(الرجال قوامون على النساء بما فضل الله بعضهم على بعض وبما أنفقوا من أموالهم) [النساء: 34] Murtida ku jirta aayada hada soo xusne waxaa lagu soo koobi karaa:
(1) I n raga yihiin «korjoogiyaasha haweenka».
(2) Sababtana aay tahay in Allah qaarkooda ka fadli-yeele qaarka kale.
(3) iyo waliba nafaqada aay ka bixiyeen maalkooda.

Waxaa marag madoonto-ah, si fiicana looga dheregsanyahay:
1- I n Raga yihiin kuwa Allaha fadli-yele.
2- Iyo waliba, in Raga yihiin kuwa hantidodana nafaqada ka xibiya.
In labada sabab ee kor ku xusan aawigoodna raga ku kasbadeen in aay noqdaan korjoogeyaasha dumarka.
Gebo-gebo
Isku-jirka afarta aayad iyo labada xadiis ee kor ku xusan waxaa si fudu looga dhuuxe karaa:
In gebdhaha xaq u’laheen hanashada xuquuq la siman xuquuqda wiilasha ka hantaan qaan-gaarnimda.
Sababta waxaay tahay:
A-In Gacanta lagu hayo xaadiis saxiix ah oo aay ku cadahay in: Caqliga haweenka ka liito caqliga raga.
B- In gacanta lagu haayo aayad Quraan oo aay ku cadahay in: Maragnimada qofta dumarka-ah 50% ka hoseyso maragnimada qofka raga ah.
C- In gacanta lagu haayo aayad Quraan oo aay ku cadahay in: Qiimaha dhaxalka gebdhaha maalka aabahooda kat dhinte heelan 50% ka hooyse qiimaha wiilasha walaalahooda-ah ka helaan dhaxalka aabahooda .
D- In gacanta lagu haayo xadiis aay ku cadahay in: Qiimada diyada laga bixiyo dhiiga dumarka 50% ka hooseyo qiimada diyada laga xibixo dhiiga raga.
E- In gacanta lagu haayo aayad Quraan oo aay ku cadahay in: Allah raga ka dhige korjoogeysha (qawaamiinta) haweenka, iyo waliba in Allah raga ka dhige kuwa ka fadlibadan haweenka, sabab la xariirta in raga yihiin kuwa hantidooda haweyka ku nafaqeeya.

Aayada ugu danbeysa ee hada aan soo xusne iyo dhamaan aaydaha iyo axaadiista kor ku xusan wadaaddada axkraanta shariicada islaanka dejiye waxaa si toos ah aga jeexeen xukun ah in xuquuqda gebdhaha ka helaan qaangaarnimada noqoneyso mid ka yar xuqooqda wiilasha ka helaan qaangaarnimda, waayo marka horeba Allah ayaa Quraankiisa ku cadeye in raga yihiin horjoogeyaasha haweenka iyo waliba in raga ka fadli badanyihiin haweenka.
Hadaba, aqoonta aan ka helne cashrika kor ku xusan waxaay tahay:
Inaan ogaane in xuqooqda geberta ka hesho qaangaarnimada la sineen aadna tan wiilka ka helo qaan-gaarnimada.
In shariicada islaanka geberta qaangaarka ah, iyo qofta dumarka ah u aaragto dad aan caqli iyo garaad ahaan isku filneen, sidaa aawigeedna weligood iyo alahood u baahan rag korjoogeyaal u’noqda marwalbana ushana uqabta, majaraha noloshoodana ka taliya.
In kala sareenta xuquuda raga iyo dumarka tahay arrin diini-ah oo xaga Allah iyo Rasuulkiisa ka timid, kuna cad ayaada Quraanka iyo axaadiista nabiga.
In wadaaddadii dajiye axkaanta shariicada islaanka ee khusysa xuqooqda wiilasha iyo gebdhaha ka helaan qaangaarnimada, arragtidooda ku saleyeen Quraanka iyo axaadiista nabiga.

Hadaba labada weydiin ee ubaahaan in laga warceliyo waa sida hoos ku qoran:
Maadaama shariicada islaanka geberta qaangaarte u’argto qof caqligeed kaamil eheen marwalba u’baahantaha Qawaan ( قوام ), ama korjooge nolosheeda maamula, yaa qax buuxa ulehe inuu noqdo korjooga geberta qaangaarte?

Warcelinga weydiinta kor ku xan waxaay tahay:
Korjoogida (Qawaamka) gabadha qaan-gaarte waxaa xaq buuxa u-leh, marka kowada aabaheeda, waxaa ku xiga walaalaheeda wiilsha ah, waxaa ku xiga adeeradeeda iyo ilmo adeerada.
Hoyadaade geberta qaangaarte dhashe iyo abtiyaalka geberta qaangaarte xaq uma lahan in geberta qaangaarte korjooge u’noqdaan.

Dhanka kale, wiilka qaangaar ah waxuu si sharciga islaanka waafqasan korjooge ugu noqon karaa hoyadii asaga dhashe oo soo korise iyo gebdhaha walaalahiisa-ah oo asaga da’ ahaan weyn hadii uu aabihiisa geeriyodo.

Maxay tahay xuqooqda uu leyahay qawaamka, ama korjoogaha geberta qaangaarka ah?
Xuquuqda faraha bada nee korjoogaha geberta qaangaarka-ah kasbanaayo waxaa ka mid ah:

• In aay fasax weydiisato marka aay rabto in guriga dibadiisa aado.
• Inuu u guurin karo nin ala iyo ninkii uu maankiisa maago asago ayada fasax weydiisan.
• Inuu diidi karo codsiga wiil gacanteeda soo doonte , asago la-weydiin sababta uu ku diide.
• Inuu ka joojin karo aaditaanka skoolka, goobaha tababarka iyo wax-barashda waayo marka horeba waxaay aga baahantahay fasax aay ku soo dhaafto ilinka guriga.
• Inuu ka joojin karo aaditaanka shaqada waayo marka horeba waxaay u’baahantahay in aay ka hesho fasax aay guriga aga soo baxdo.

Ereyda: Qawaam, Wali, iyo Kafiil= korjooge.

Ahmed Osman.