Qorraalo

Shareecada islaamka xal ma u tahay kufsiga?

Sida aan aan la wada soconaba, shalay waxaa soo baxay go’aan-kii la wada sugaayay ee laga gaaray dhalinyaradii xad-gubka foosha xumaay geestay, ee kufsaday gabdho masaakiina ah.
Xukunkaas oo sida la sheegay lagu dhisay shareecada islaamka, ayaa marka la isku soo-duubo, gun-tiisu eheed:-
1) Karbaash ama jeydal o dhexeeyo 100-200
2) Xabsi u dhexeeya 5-10 sano
3) Ganaax lacageed ku dhexeeya 1760-4620

Xunkunaas oo aad u kala qeybiyay bulshada, oo ay qeybo badnoo bulshada ka mid ahi u arkeen in uu yahay xukun ka fog cadaalada, oo u hiiliyay gabood falayaashii, sidoo kalena uu yahay xukun ka fog shareecada islaam-ka ee la sheegayo in lagu dhisay xukunkaas.

Hadaba, waxaan halkaan ku eegi doonaa xukunka shareecada islaamka ee ku aadan qofka geestaa xadgudubka kufsiga, si bal aan u aragno in xukunka kor ku xusan uu yahay mid ku dhisan ama ka fog shareecada islaam-ka.

Sida la wada ogyahay oo uu qof walbaa oo aqoon haba-yaraatee u leh diinta islaam-ka ka warqabo, shareecada islam-ka ay wadaadadii hore dajiyeen waxay ku dhisantahy 4 tiir, oo kala ah:-
1. Quraanka kariim-ka 2. Xadiista nabiga ka sugnaatay 3. Ijmaaca culimada 4. Qiyaas-ka.

Hadaba, hadaan dib ugu laabano afartaa tiir, oo aan ka baarno xukun-ka lagu fulinaayo qofka geestaa kufsiga waxaa inoo soo bexeyso sida tan ee hoos ku qoran:-

Kow, tiir-ka ugu horeeyo e tiirar-ka ay ku dhisantahay shareecada ee ah Quraanka kariim-ka, kuma yaal xukun cad oo ku aadan waxa laga yeelayo qofka ku dhacaa fal dambiyeedkaas, taas oo runtii wax layaab leh ah, wayoo waxaad ku dhex arkeysaa quraanka axkaan badanoo ka qiimo iyo muhiimad yar tan ku kufsiga.

Labo, sidoo kale kale, tiirka labaad ey ku dhisantahay shareecada islaamka kuma jiro hal xadiis oo si cad ugu cadahay xukunka kufsiga, marka laga reebo hal xadiis, oo ka hor-imaanayo xadiis kale.

Xadiiska laga soo qaato xukunka kufsiga, waa kan hoos ka muuquudo isagoo ku qoran carbi.

حدثنا محمد بن يحيى النيسابوري حدثنا محمد بن يوسف عن إسرائيل حدثنا سماك بن حرب عن علقمة بن وائل الكندي عن أبيه أن امرأة خرجت على عهد رسول الله صلى الله عليه وسلم تريد الصلاة فتلقاها رجل فتجللها فقضى حاجته منها فصاحت فانطلق ومر عليها رجل فقالت إن ذاك الرجل فعل بي كذا وكذا ومرت بعصابة من المهاجرين فقالت إن ذاك الرجل فعل بي كذا وكذا فانطلقوا فأخذوا الرجل الذي ظنت أنه وقع عليها وأتوها فقالت نعم هو هذا فأتوا به رسول الله صلى الله عليه وسلم فلما أمر به ليرجم قام صاحبها الذي وقع عليها فقال يا رسول الله أنا صاحبها فقال لها اذهبي فقد غفر الله لك وقال للرجل قولا حسنا وقال للرجل الذي وقع عليها ارجموه وقال لقد تاب توبة لو تابها أهل المدينة لقبل منهم

Sida ka muuqato xadiiska kor xusan, wuxuu nabiga dhagax ku dilay nin qirtay inuu naag ku qasbay galmo.
Se, xadiiskaas wuxuu si cad uga hor-imaanaa xadiis kale oo isagane laga soo wariyay nabiga, oo sugaya in nabigu cafiyay ninkii naagta ku qasbay kufisaga.

”فلما امر النبي برجمه فقال الذي وقع عليها يا رسول الله انا هو فقال للمراة اذهبي فقد غفر الله لك فقال للرجل قولا حسنا فقبل يا نبي الله الا ترجمه فقال لقد تاب توبة لو تابها اهل المدينه لقبل منهم”

Marka laga soo tago labadaa xadiis ee isko horimaanaya, ma jiraan axaadiis kale oo ka hadleysa xukunka shareecada islaanka ee ku aadanka kufsiga.

Sadex, waxaa kuu soo haray tiirka 3aad ee ah Ijmaaca, hadaba, ma jiraa xukun ay wadaadada dajiyay shareecada islaanka ay isku waafaqsanyihiin?

Si, aan uga jaawaabno arinkaas waxaan u baahanahay ugu yaraan inaan u laabano afarta madhab ee ugu caansan maahibta muslimiinta loo yaqaan maanta sunada, ee kala ah shaaficiyada, xanafiyada, xanaabilada, iyo maalikiyda, si aan bal u soo aragno inuu jiro xukun la isku raacsanyahay ee ka dhan ah kufsiga.

Wadaadadii dajiyay shareecada islaanka waxay ugu kala qeybsameen arinkaas, labo qeybood, oo kala ah:-

Kow; kuwo ku andacooday in qofkii wax kufsadaa xukunkiisu la mid yahay kan ku dhacaa galmada caaadi ah, taas oo ah:-
A- Karbaash ama jeydal 100 ah, oo ay dhamaan wadaadada dhami isku raacsanyihiin
B- In la fogeeyo hal sano qofka sineystaa, oo ah arin aanay wadaada dhami isku waafaqsaneen.
Kaasi waa xukunka qofka aan guur soo marin ee wax kufsadaa.
Se, qofka guursoomaray ee wax kufsadaa, isagu muxuu noqonayaa xukunkiisa? wuxuu ku xukun yahay isagane kan guur soomaray ee sineysto, kaas oo ah:-
A- dhagax in lagu dilo, oo ay wadaadada madaahibta dhamai ka siman-yihiin.
B- In inta aanan dhagaxa lagu dilin 100 karbaash lagu sii dhuftaa, arinkaas oo ah mid aaney madaahibta dhami isku waafaqsaneen.

Hadaba kuwa sidaa ku andacooda waa kuwee?
Waa badi waadada ku abtirsada afarta madhab ee aan kor ku soo sheeganay.

Intee hadalkaas ku cadyahay?
Dhamaan kutubtaan hoos ku qoran.
1. بدائع الصنائع للكاساني
2. بداية المجتهد لابن رشد
3. ورد المحتار لابن العابدين
4. المدونة الكبري لمالك بن انس
5. الام للشافعي
6. المغني لابن قدامه
Kuwaasi waa mid, se waxaa jiro kuwo kaloo iyagane ku andacooda in xukunka qofkii wax kufsadaa uu yahay xadka lagu fulinaayo burcada/المحارب” oo ah:-
A- In la dilo
B- In isdhaaf lug iyo gacan looga jaro
C- In la salabiyo, istilaab loo dilo

Sidee loo kala dooranayaa sadax-daan ciqaab? ma ahan wax la isku waafaqsanyahay.

Kuwa sidaa qabane waxaa ugu caansan sadax wadaad, oo kala ah:-
1) الامام الشوكاني
2. ابن العربي ابوكر محمد بن عبدالله المالكي
3. ابن حزم الاندلسي

Intaasi waa inta ku saabsan xukunka ku lagu ridaayo qofka wax kufsaday, se waxaa inoo haray qeybta labaad ee ah ah ganaax lacageedka iyo waxa ay ka qabto shareecada ay dajiyeen wadaadada.

Ugu horeen waxa xusid mudan, in waadadu badankood ay isku raaceen in kufsaduhu uu bixiyaa mag-dhow, oo uu siiyaa inanta la kufsaday iyo ehelkeed.
Se iskuma raacsana imisa ayay tahay inuu magdhowgaas noqdaa, way ku kala duwanyihiin.

Gunaanadkii waxaa inoo muuqda in uusan jirin wax la dhaho xukun shareecada ku dhisan oo ka dhan ah kufsiga oo loo wada dhan-yahay.
Hadaba, su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay, kuwa dhahay ” ma eheen xukun ku dhisan shareecada” tolow maxay ku diidan yihiin xukunkii lagu fuliyay dhalinyarada, mise waanay ka warqabin in uusan jirin xukun shareeco oo loo wada dhanyahay oo ka dhan ah kufsiga.

Teeda kale, sow waxaas oo khilaaf iyo kala duwnaasho ahi kuma tusinaayaan in waxa loo yaqaan shareecada islaam-ka aanay xal u eheen kufsiga sida aynan ugu eheen xal dhibaatooyin badanoo u baahan xal ku dhisan cadaalad iyo sinaan.

Ali Barre.