Ahmed Osman Qorraalo

Raad raaca guurka (Qeybta 1aad)

Hordhac

Raad-raaca guurka waa baritaan ku qotaman isgarabdhigida qaangaarka iyo guurka ku saleysan shariida islaanka oo dhinac-ah iyo qaangaarka iyo guurka ku dhisan xeerka shibilka (civil law القانون المدني ) oo dhinac kale-ah
Cotobka kowaad
Cotobka kowaad waxuu ku saabsanyahay, isgarabdhig ku saabsan qaangaarka ku saleysan shareecada islaanak iyo kan ku saleysan xeerka shibilka.

cotobka labaad

Cotobka labaad wuxuu ku saabsanyahay: isbarabdhig guurka ku saleysan shareecada islaanka iyo kan ku dhisan xeerka shibilka.

Qeexida ereyga qaangaarnimo

Maalinta canuga si rasmi ah u qaanqaaro waa maalinta waalidiinta canuga dhale si sharciga waafaqsan aga dhamaate gudashada xilkii ka saarnaa korinta iyo barbaarinta canuga ay dhaleen, iyo wiliba soo dhicinta xuquuda canuga qaangaare uu ku leyahay bulshada iyo dowlada.
Hadii ereyo kale aan adeegsano, qaan-gaarka micnahiisa waxuu yahay:
In la gaare gabagabada iyo dhamaadka wajibkii bulshada waalidka dusha ka saarte ee la xariire barbaarinta iyo soo dhicinta xaquuqda canugiisa maanta qaangaare.
Maalinta canug qaangaaro waa maalinta uu waalidkiisa kala wareego falkinta iyo ka talinta majaraha nolosheesa u gaarka-ah.
Hadii hadalka si kale u dhigno:
Maalinta canug da’ ahaan u-qaangaaro waa maalinta sharciga dalka u degdsan canuga qaangaare gacanta ka saaro awooda:
(a) Raadsashada iyo hanashada dhamaan xuquuda muwaadinka(the citizen) dalka ku leyahay.
(b) Fulinta iyo ka soo bixida dhamaan waajibaadka dowlada iyo bulshada canuga qaangaarka noqde dusha ka saarto.
Taas micnaheeda marlabaad waxuu yahay, in biloowga xiliga aan loo dhaxeen canuga qaangaare iyo xeerka dalka lagu maamulo.
Tusaale ahaan, maalinta canug qaangaaro oo caruurnimda ka gudbo, wuxuu si toos-ah uhantaa xaq buuxo oo ku aadan inuu maxaakimda ka dacwoodo asagoo raadsanaayo xaq ka maqan, ama iska dhaqaajinaayo dullan dusha ka saaran.
Taas micnaheeda markale waxuu yahay, in canuga qaangaare xaq buuxa uleyahay inuu maxkamda ku dacweyo qof kasta oo dulmiya ama xaqiisa duudsada marka lagu daro waalidkiisa iyo dowlada qudheeda, ama xitaa guursado qof ala iyo qofka/qofta maankiisa maago asago cidna fasax ka sugin.
Arrinka sidaa waxuu u-noqde, sabab la xariirta in bulshada iyo xeerka dalka u yaal canuga qaan-gaare u arkaan inuu noqde xibin xilqaad mudan oo bulshada xilqaadka-ah si too sah aga tirsan.
Sidoo kale, xaga shareecada islaanka marka la eego, maalinta canug qaangaaro, waa maalinta sida rasmiga ah u hirgalo xariika tooska-ah ee ka dhaxeya asaga iyo Eebahiisa.
Taas micnaheeda waxuu yahay in maalinta canug qaangaaro tahay maalinta kowaad ee malaa’igta Eebe u-fariisaneyso diiwan gelinta falalkiisa wanaagsan iyo kuwa xun.
Dhanka kale, qaan-gaarka micnahiisa waxuu yahay in aay banaaneen in qof labaad soo dhax galo xariirka gaarka-ah ee u-dhaxeya canuga qaangaare iyo Eebahiisa, waayo Eebe iyo bulshada, canuga qaanqaare waxaay u arkaan inuu noqde xibin garaad bisil hanate, unaa baahneen in la’hago ushana loo’qabto.
Isku soo duub:
Qaangaarnimda waxaa si xoogan ugu lamaanan gobanimada iyo xoriyda canuga qaangaare, taasoo micnaheedu yahay in cunuga qaangaare noqdey qof gob ah, asaga isu taliya, xil buuxana ka saaranyahay waxaa uu falkiyo.

Lasco qeybta labaad oo ku saabsanaan doonto, isgarabdhiga qaangaarka ku saleysan shariicada Islaanka iyo kan ku saleysan xeerka shibilka

Ahmed Osman.