Ibraahin-Hawd Yuusuf Qorraalo

Xeeladaha la isku adoonsado

Haddii aad tahay qof maskax furan, ama aad tahay qof tacliin leh, ama ay labadu isu kaa raacaan, si fudud baad u garan kartaa xeeladaha dadka la gu addoonsado, ama u gu yaraan la gu qabsado. Haa, Cilmibaadhista culuunta nafsiyadda qofnimada iyo ta bulshaynnimadu, natiijada sooyaalka ah ee ay heshay waxaa ku cad in ay arrimahan hoos ku qorani yihiin xeelado awoodeed oo qofku ku addoonsado qofka kale:

1. Muruqa. Dadku waa dugaag/xayawaan/dunqaaro, sida ay Diinta Islaamkuba qirtay. Dadku kol haddii uu abuur ahaan dugaag yahay, adeegsiga garashada wax uu ka jecel yahay awoodda muruqa. Taariikh ahaan dadku intii uu maskax iyo aqoon adeegsanayay waxaa ka badnayd intii hore ee uu muruqa iyo mici adeegsanayay. Tusaale ahaan dhaqanka caawa ka dhexeeya ragga iyo dumarku maskax iyo garashadeed ma aha ee waa muruqyadii uu labka dugaagga ahi ku dullaysan jiray dheddigga (ogow oo labka iyo dheddigu waa ka la abuur xagga muruqa).

2. Hantida. Noloshii hore, mar haddii uu ninba ka uu ka muruqyo weyn yahay ee ka miiggan yayay ka adkaa oo nolosha ka ga xaq lahaa, ninkaa xoogga weyn baa heli jiray qadhaabka, quwaaxa iyo qalliinka la helo. Halkaas buu ku helayay ninkaasi naagaha uu u baahan yahay, kuna dilayay ninka aan waxba haysan (waayo ninka cunto haysta ayaa naagaha helaya).

3. Awoodda galmada. Kol haddii uu labku yeeshay awoodda muruqa, taa darteedna uu yeeshay awoodda maalka, wax uu helay naago badan oo uu ku haqabtiro baahidiisa galmada, naagahaas oo ku raacaya cuntada uu muruqa ku helay). Ninka aan haysan muruq iyo maal waxba ma aha oo naagaha ma heli karo.

Saddexdaa baahiyood baa dadka is ku dira, iyo xitaa inta badan noolaha oo dhan. Waxa allaalle waxa dadka caawa colaado dhex yaallaa saddexdaa sababood oo is wata ayay ka imanayaan. Baahiyo badan oo taddawurka dadka la socda ayaa ka sii tafiirmaya saddexdaa baahiyood. Tusaale ahaan isirnimada iyo diintu saddexdaa hore ayay la socdaan.

Haddaba diimaha iyo falsafaddu wax u soo baxeen in ay nolosha dadka ee sidaa bahalnimada u ah koriyaan. Ummad waliba heerka ay ka gaadho qaadashada korinta diimaha iyo falsafadda (ilbaxnimada) ayay kortaa oo bahalnimada ka fogaataa.

Diimaha iyo falsafaddu qofkii bahalka ahaa ayay xilqaamaan oo dunida isaga masuul u ga dhigaan.

 Ibraahin-Hawd Yuusuf