Muxsin Jama Qorraalo

TAKFIIR iyo awlaadi ina Cabdilwahaab

TAKFIIR
Awlaadi ina Cabdilwahaab

sida aan wada ogsoomahay bilawgii burburkii dawladii dhexe ee somaliya waxa si isdaba socota bulshadeena usoo gaarayay dhibaatooyin naf iyo maal midna aaba yeelayn .
Dhibaatooyinkaas isdaba jooga ahaa umada Somaliyed waxaay ka dhigte bulsho u nuglaatay cid walba oo dano gaar ah kalahaa doorinta maanka qof Somaaliyed iyo ku nafciga qayraadka dalkiisa .

Kala daranee; dhibatada ugu wayn ee nagusoo burqatay dhamaadkii dowladii dhexe , waxay ahayd in naloo soo hayaamiyay dhaqan, hidoo iyo afkaar foo lxun iyado loo adeegsanayo hab diimeed maldahan.
Taas waxaa looga dan lahaa in bulshada Somaliyed laga dhiho bulsho u nugul fulinta danaha carabta guud ahaan iyo danaha boqortoyada Saudi Arabia gaar ahaan.
Waxa dalkeena loo soo musaafuriyay wadaado diirka iyo afka aan wadaagno balse adeegayaal u ahaa sirdoonka Boqotoyada Sacuudiga iyo reer Aala-Sacuud.
Wadaadada diirka iyo afka aan wadaagno, ee sirdoonka Sacuudiga u’adeega waxaa la soo fare in maskaxda caruurta iyo dhalinta ku abuuran afkaarta takfiiriga ah ee Wahaabiyiinta Sucuudigu.

Hadaba xagey ka timid fikirka takfiiriga ah ee Wahabinimada?

Si aan uga sal garano fikirkan mesha uu kasoo burqaday iyo danihii laga lahaa, waxa lagama maarmaan ah inaan dul joogsano qofka ka danbeyay abuurista iyo bahitaanka fikirkan .

Maxamed Cabdilwahaab waa shaqsiga aasaaska u ah fikirkan fakfiiriga ah Wahabiyiinta.
Waa kuma ina Cabdulwahaab ?

Maxamed Cabdilwahaab waa wadaad 1730kii ku dhashay tuulada aagga Najdi ee maanta ka tirsan dalka boqortoyada Sacuudi-Arabia.

Wadaadkan waxuu diinta islaamka wax ka mid ah ku bartay tuuladaas uu ku dhashay, ka dibna waxa uu waxbarashadiisa ka sii watay magaaloyinka Makka iyo Madiina.
Intaa waxaa u raacsan inuu aqoon kororsi u aadey magaalada Basra ee dalka Ciraaq.
Xiligii uu Ciraaq joogey waxa uu la soo baxay aragti diimeed oo aan u cuntamin muslimiintii dhulkaas ku dhaqnaa.
Aragtidiisa diiniga ah ee xag jirka ah ugu danbeentii waxaay keentey in laga eryo magaalada Basra iyo gabi ahaanba dalka Ciraaq.
Moxamed Cabdilwahaab waxuu ku laabtay dhulkii Najdi ee uu ka soo jeedey, isaga oo uu filkiisu(da’diisu) afartan kor u dhawaatey.
Waxa uu tuulada Xureymala ka bilaabay halgan xagjirnimo oo uu ra’yigiisa ku baahinayey, sababtaas darteedna waxa u tiro sadex jeer ah ku sigtay in la dilo.
Maxamed Cabdilwahaab markii danbe waxuu uu ku laabtay tuuladii uu ku dhashay ee Cuyeyna, oo uu amiir ka ahaa nin la oran jirey Cismaan Xamad oo wadaadka soo dhaweeyey.

Maxamed Cabdiwahaab waxa uu muddo ka dib isu arkay in uu yahay maxkamad islaami ah oo Cuyeyna xukunta, ficilo fool xun iyo aragtidiisa diineed ee bulshada la qalloocnaa darteed waxa ay sababeen in wadaadka tuuladii uu ku dhashe laga saaro
Dhacdadaa aawigeedna, Moxamed Cabdilwahaab duruufta waxaay ku kalifte inuu u qaxo tuulo lagu macaabo Dirciya ee isla aaga Najd.
Xili yar ka dib, Maxamed Cabdilwahaab waxuu gaashaan buursi la gale Maxamed Sacuud oo ahaa ninkii ay boqortooyada ku loolamayeen reer Aal-sheekh kuwaaso oo badana dhulkii Al-Najd kacanta ku hayay.

Ina Cabdil Wahaab colaadii uu uqaaday dadkii ku qanci waayay fikirkiisa,waxa uu kala hortagay dagaal adin iyo afkaba leh, isaga oo danaha Maxamed Sucuud (wa ninkay xulfada ahaayeene) ku dabakhaya diinta una jideeyay baadilnimada wax ale iyo wixi ka horyimaada danaha rer Sucuud, iyo waliba in aay xaq tahay in jihaad aan loo aba yeelin in lala galo xoogaga diidan talada reer Ala Sacuuc.

Hal safxad, kuma soo koobi karo taariikhda Maxamad Cabdiwaxaab, balse waxaa shaki la’aan ah in wadaadkan uusan wadin diin barax tiran oo ka madax banaan siyaasad iyo xukun jeclaysi.
Taas caksigeea waxuu layimid fikir takfiiri ah oo cidna isaga uga horayn, taas oo u banaynaysa wax ale iyo wixii ka horyimaada in dhagta dhiiga loodaro iyada oo loogu soo ganbanayo diinta.
Balse, runta waxay tahay in boqor Maxamed Bin Cabdicasiis Ala -Sucuud (oo ahaa siyaasiga Sheikh Maxamed Cabdilwhaab gaanshaan buursiga kula jire ) uusan diin u socon balse ahaa qof xukun doon ah oo duruuftana ku caawise inuu gaashaan buur la galo wadaad xambaarsan fikir diimeed uu danihiisa ka dhax arki karo, taasna waxaay u fududeyse in boqorka diinta sida uu wax urabo u fasirto , dhinaca uu doonana marba ka soo daliisado.

Muhsin jama